Madaxweyne dal oo xil ka qaadis iyo xabsi guri la isugu daray ka dib musuq lagu eedeeyey

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Paraguay, Santiago Peña, ayaa xilka laga qaaday, waxaana la geliyay xabsi guri, kaddib markii uu burburka Bangi uu sababay qalalaase horseeday in in ka badan kala bar dadka dalkaasi aysan awoodin inay galaan akoonnadooda bangiga.
Peña ayaa la xiray Jimcihii, daqiiqado uun kaddib markii xildhibaannada, oo ay ku jireen xubno ka tirsan xisbigiisa, ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in xilka laga qaado, kaddib burburkii horraantii toddobaadkan ku yimid bangiga Ueno, kaas oo xiriir la leh danihiisa ganacsi ee gaarka ah.
Maalin ka hor, Khamiistii, ayuu soo bandhigay inuu xilka iska casilo. Hase yeeshee, halkii ay ka aqbali lahaayeen iscasilaaddiisa, senatarradu waxay xilka kaga qaadeen hannaan xil-ka-qaadis ah, iyagoo ku eedeeyay anshax-xumo, taas oo meesha ka saartay xasaanaddii uu caadi ahaan heli lahaa madaxweynihii hore.
Peña, oo ilaa sannadkii hore saamiyo ku lahaa shirkadda iska lahayd bangiga, ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.
Eedeymaha sababay xil-ka-qaadistiisa ayaa waxaa ka mid ahaa, xaalado dano gaar ah oo iska hor imanayaan, inuu farageliyay kormeerka hay'adaha maaliyadeed, inuu leexsaday lacagaha hawlgabka iyo inuu ka qayb qaatay isku-day lagu qarinayay arrimo la xiriira bangiga dhexe.
Waxaa la filayaa in Sabtida wax laga weydiiyo eedeymaha la xiriira jebinta kalsoonida, ku takri-falka saameynta iyo lunsashada hantida, sida ay sheegtay xeer-ilaaliye Silvia Margarita Gonzalez Vester.
Madaxweyne ku-xigeenkii Peña, Pedro Alliana, ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, wuxuuna ballanqaaday inuusan "dayici doonnin " malaayiinta qof ee uu saameeyay fadeexadda.
"Muwaadiniinta ay xaalad adag ku keentay burburka maaliyadeed waxaa si buuxda loo siin doonaa magdhow," ayuu yiri Alliana, oo xilka hayn doona illaa 2028.
Burburka bangiga dhijitaalka ah ayaa sababay in in ka badan kala bar dadka Paraguay ay waayaan fursaddii ay ku heli lahaayeen lacagahooda kaydka ah, kaddib markii bangiga uu la wareegay Bangiga Dhexe ee Paraguay.
Safaf dhaadheer oo ay galeen dad doonayay inay lacag kala baxaan laamaha bangiga Ueno ayaa Talaadadii iyo Arbacadii ku fidsanaa waddooyinka caasimadda Asunción.
Waxaa lagu qiyaasay in saddex milyan oo qof oo lacag u taallay bangiga aysan weli heli karin lacagahooda kaydka ah iyo kuwa hawlgabka, arrintaas oo dhalisay caro xooggan oo dadweyne, gaar ahaan caasimadda Asunción.
Dibadbaxyo ayaa ka qarxay guud ahaan dalka, iyadoo kumannaan qof ay Khamiistii waddooyinka isugu soo baxeen si ay u dalbadaan lacagtooda.
Dibadbaxyadii hore waxaa ka dhacay iska horimaadyo u dhexeeyay dibadbaxayaasha iyo booliska, kuwaas oo dadka u adeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa iyo biyo xooggan oo ay fureen gaadiidka booliska.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mooshinkii xil-ka-qaadista Peña waxaa taageeray 44 ka mid ah 45-ka senator ee baarlamaanka. Hal xildhibaan ayaana ka maqnaa codbixinta.
"Marna ujeeddadaydu ma ahayn inaan khiyaaneeyo kalsoonidii aad igu qabteen," ayuu Peña ku yiri muuqaal uu barta X ku baahiyay oo uu kaga dhawaaqay iscasilaaddiisa. Waxa uu intaas ku daray in mudnaantiisa koowaad ay ahayd "xasilloonida maskaxeed ee dadka Paraguay ee lacagahooda ku aaminay nidaamkeenna maaliyadeed".
Intaas kaddib, guddoomiyaha Aqalka Senate-ka, Basilio Núñez, ayaa sheegay in Peña lagu helay dembiga "dayacaadda waajibaadkiisa shaqo".
Senator Rafael Filizzola ayaa yiri: "Waxaan wajahaynaa fadeexaddii musuqmaasuq ee ugu weyneyd taariikhda dimuqraadiyaddeenna, waana dharbaaxo weyn oo ku dhacday dowladda, muwaadiniinta gaarka ah, iyo sumcadda iyo muuqaalka dalka."
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Peña ay u badan tahay in hadda maxkamad loo soo taago, si loola xisaabtamo burburkii bangiga.
Qareenkiisa difaaca, Ricardo Preda, ayaa eedeymaha ku tilmaamay "eedeyn aan laga fiirsan", oo ah mid "aan mas'uuliyad lahayn, isla markaana dano gaar ah laga leeyahay."

























