Degdeg: Hoggaamiye ku xigeenka Hirshabeelle oo Beledweyne ku sugan oo hadda BBC-da la hadlay

Cabdifitaax Xasan Afrax madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle
Qoraalka sawirka, Cabdifitaax Xasan Afrax madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle
Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Magaalada Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan, waxaa ka taagan xiisadi tan iyo markii shalay uu halkaasi gaaray madaxweyne ku xigeenka cusub ee Hirshabeelle Cabdifitaax Xasan Afrax.

Hoggaamiye ku xigeenka ayaa ku sugan magaalada Beledweyne, iyadoo xalay meel u dhow aagga uu degenyahay madaxweyne ku xigeenku la sheegay in ay ka dhacday is rasaaseyn kooban.

Magaalada waxaa isna shalay tagay oo dhanka Itoobiya, ka soo galay sida ay noo sheegeen dad magaalada ku sugan taliyihii hore ee Nabad-suguidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Cabdifitaax Xasan Afrax oo hadlay ayaa sheegay in Beledweyne uu u tagay in"talkiisa uu qanciyo ama ay qanciyaan". Wuxuu intaasi raaciyay in "dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ay diyaar u yihiin wax ka qabashada tabashada reer Hiiraan".

Halkaan ka dhageyso waraysi BBC-da uu hadda siiyay Cabdifitaax Xasan Afrax

Qoraalka Codka, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle