"Afar habeen ayaan cunto iyo biyo la'aan ahayn": Qoys dagaalka Moyale ku kala lumay oo dib isu helay

- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
- Reporting from, Nairobi, Kenya
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Habeenkii uu dagaalku ka qarxay magaalada Moyale ee dhinaca Itoobiya, carruurtiisu waxay ku jireen hurdo, xaaskiisuna guriga lama ay joogin.
Aabbahan da'da ah wuxuu si lama filaan ah ku baraarugay xaalad ciirsi la' ah oo uu kaligiis mas'uul ka yahay badbaadinta carruurtiisa, xilli rasaastu dhacayso, dadkuna ay ka cararayaan guryahooda.
Waxa uu isku dayay inuu carruurta hurdada ka kiciyo, balse markii uu mid soo toosiyo, kuwa kale ayaa seexanayay. Waqti badan ma haysan, mana jirin cid ka caawinaysa inuu carruurta goobta ka saaro.
"Markii ay rasaastu habeenkii bilaabatay, carruurta oo dhan way hurdayeen. Mar kasta oo aan mid kiciyo, mid kale ayaa ku laabanayay. Ma jirin cid i caawinaysa," ayuu u sheegay BBC Somali.
Waxa uu sheegay inuu ilmihii ugu yaraa dhabarka ku xirtay, mid kalena uu wejiga biyo kaga sayriyey si uu hurdada uga kiciyo, halka labada kale uu gacmaha qabtay.
Waxaa saqbarkaas qoyska u bilaamay safar ay kaga baxsanayeen dagaalka, iyagoo u dhaqaaqay dhanka duleedka magaalada.
Aabbuhu wuxuu sheegay in carruurtiisa ay daal dartii marar badan jidka ku hurdayeen, taas oo ku qasbaysay inuu marba kiciyo si ay socodka u sii wadaan.
Waxa uu sheegay inay u carareen dhanka kayn iyo webi u dhowaa deegaanka, iyadoo rasaastu ay weli dul maraysay.
Waxay ahayd xaalad uu ku khasbanaa inuu isku mar ka fikiro jidka ay marayaan, rasaasta dhacaysa iyo carruurta uu doonayo inuu badbaadiyo.
"Xabbaduhu madaxyadayada ayay dul marayeen annagoo soconna. Subaxdii xigtay ayaan ku guuleystay inaan aaggaas ka baxo oo xadka ka gudbo. Ilaahay mahaddii waan badbaadnay," ayuu yiri.
Laakiin inay rasaasta ka baxsadeen macnaheedu ma ahayn in dhibaatadii qoyska soo gaartay ay dhammaatay.
Aabbuhu wuxuu sheegay inuusan wax agab ah ka soo qaadan guriga, xitaa dhar dheeraad ah, maadaama uu mudnaanta siiyey inuu carruurta la baxsado.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Intii ay ku jireen baxsadka, aabbaha iyo carruurtiisu waxay la kulmeen gaajo, harraad iyo daal.
Waxa uu sheegay inuu mararka qaar dadka ku nool deegaannada miyiga ah ka baryayey wax ay carruurta cunaan.
Duruufahaas awgood, wuxuu sheegay inuu aad u daalay, ugu dambeyntiina uu xanuunsaday.
"Xaaladdaas adag, afar habeen ayaan cunto iyo biyo la'aan ahayn. Sidaas ayaan ku soo badbaadnay ilaa aan meel nabad ah gaarnay," ayuu yiri.
Markii uu ugu dambeyn gaaray goobta ay dadka dagaalka ka soo barakacay ku sugnaayeen ee dhinaca Kenya, wuxuu sheegay in loo fidiyey gargaar.
"Markii aan halkan imid, waxaa la i siiyey biyo, cunto iyo meel aan seexdo. Ilaahay ayaan uga mahadcelinayaa."
Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Kenya iyo hay'adaha caalamiga ah ee gargaarka taageerada ay siiyeen isaga iyo dadka kale ee soo barakacay.
Hase yeeshee, iyadoo isaga iyo carruurtiisu ay heleen meel ay gabaad ka galaan, waxaa weli maskaxdiisa ka guuxaysay hal su'aal: Xaaskiisii xaggee ayay ku dambeysay?
"Ma ogeyn inay dhimatay iyo inay nooshahay"
Intii uu carruurta badbaadinayey iyo maalmaha xigay, wax war ah kama uusan hayn xaaskiisa.
"Ma ogeyn inay xaaskeygu dhimatay iyo inay nooshahay markii aan kala lunnay. Aad ayaan uga welwelsanaa inay dagaalka ku naf weyday," ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in rajada uu ka qabay inay nooshahay ay ahayd waxa uu ku samrayey.
"Waxaan weli rajaynayey in haddii Ilaahay idmo ay noolaan doonto, oo aan mar kale kulmi doonno. Cabsi, welwel iyo hubanti la'aan ayaan ku jiray. Waxay ahayd waqti aad u adag."
Siddeed maalmood ayuu xerada ku sugnaa isagoo aan war ka hayn xaaskiisa, ilaa markii dambe ay halkaas ku kulmeen.
Laakiin iyaduna waxay soo martay safar kale oo ay ku baadi-goobaysay qoyskeeda.

Xaaska aabbahan ayaa BBC Somali u sheegtay in dagaalku qarxay xilli ay safar ku maqnayd, iyadoo carruurteedii uga soo tagtay guriga.
Waxay sheegtay in dagaalku uu sababay inay kala lumaan qoyskeeda, isla markaana ay muddo siddeed maalmood ah ku jirtay xaalad aysan ogeyn halka ay carruurteedu ku sugan yihiin.
"Carruurtayda waxaan uga soo tagay guriga iyagoo nabad qaba, laakiin dagaalku wuxuu qarxay anigoo safar ku jira," ayay tiri.
"Jidkii ayaan ku lumay, waxaana qoyskayga ka maqnaa siddeed maalmood. Muddadaas aad ayaan u walwalsanaa. Ma ogeyn halka ay carruurtaydu joogaan ama inay badqabaan."
Waxay sheegtay inay marar badan isku dayday inay hesho xog ku saabsan halka ay qoyskeedu u qaxeen.
Ugu dambeyn, waxay heshay baabuur u qaaday goob kontorool ah, halkaas oo ay uga sii gudubtay dhanka xadka.
Markii ay gaartay dhinaca Kenya, waxay bilowday inay dadka weydiiso halka ay ku sugan yihiin qoysaska dagaalka ka soo qaxay iyo xog ku saabsan qoyskeeda.
"Markii aan dad badan weydiiyey jidka iyo xogta qoyskayga, ugu dambeyn waxaan ku guuleystay inaan halkan xerada ka helo."
Sidaas ayay siddeed maalmood oo kala maqnaansho, cabsi iyo war la'aan ah ku soo dhammaadeen, markii aabbihii iyo carruurtii uu dagaalka kala soo cararay ay dib ula midoobeen hooyadood.
Sheekada qoyskan ayaa ka mid ah dhacdooyinka ay ka warramayaan dadka ka soo qaxay dagaallada magaalada Moyale ee dhinaca Itoobiya, kuwaas oo magangelyo ka raadsaday Kenya.
Dagaalka ayaa sababay in qoysas badan ay guryahoodii ka tagaan, iyadoo qaar ay ku kala lumeen baxsadka, kuwo kalena ay weli ku sugan yihiin goobo ku meel gaar ah oo ay ku tiirsan yihiin gargaarka bani'aadannimo.
Aabbahan iyo xaaskiisa waxay ka mid yihiin qoysaska nasiibka u yeeshay inay dib isu helaan.
Inkastoo ay heleen hoy, cunto iyo biyo, weli ma cadda goorta ay dib ugu noqon karaan gurigoodii iyo noloshoodii ay dagaalku ka soo saaray.






















