Muuqaal dhif ah: Maxaa telefishinkan ku kallifay inuu si toos ah raalli-gelin uga bixiyo warar ay sanado badan tebinayeen?

Weriye
Qoraalka sawirka, Muuqaal dhif iyo naadir ah: Wariye ayaa si toos ah hawada uga akhriyey "bayaan raalli-gelin ah" oo uu kaga cudurdaartay sanado badan oo tebinta wararka si khaldan loo sameeyey
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

"Telefishinka dadweynaha muddo sannado ah ma gudan waajibaadkiisii; wuu aamusnaa, indhaha ayuu ka qarsaday xaqiiqooyinka, tebintiisana eex ayuu ka muujiyay isaga oo aan si dhab ah wax u qiimayn. Waxa uu ku guuldarraystay inuu madaxda weydiiyo su'aalaha ku habboon, ama gebi ahaanba su'aalo ma weydiin. Sidaas darteed, waxaa waajib nagu ah inaan daawadayaashayada raalli-gelinno."

Erayadaas ayuu wariye telefishin ku bilaabay barnaamij warar ah oo si toos ah hawada looga sii daayey toddobaadkii hore.

Bayaankan oo ahaa mid dhif iyo naadir ah, ayaa socday muddo 30 ilbiriqsi ah, waxaana laga sii daayey telefishinka "RTV", oo ka tirsan Shabakadda Raadiyaha iyo Telefishinka Vojvodina, ee waqooyiga Serbia.

Raalli-gelinta ayaa timid maalin ka dib doorashadii baarlamaanka Serbia, kaddib markii Madaxweyne Aleksandar Vučić uu qirtay in laga adkaaday, islamarkaana ay guushu raacday dhaqdhaqaaq ay hoggaaminayaan ardaydu. Taasi waxay soo afjartay 14 sano oo xisbigiisu awoodda siyaasadeed ee dalka hayey.

Muddadaas oo dhan, dowladda ayaa saameyn xooggan ku lahayd inta badan warbaahinta dalka.

Maalmihii xigay bayaanka raalli-gelinta, dhowr tifaftire iyo mas'uuliyiin sare oo ka tirsanaa barnaamijyada ayaa xilalkooda iska casilay, kuwaas oo ka kala tirsanaa shabakadda RTV ee ka howlgasha gobolka Vojvodina iyo Hay'adda Warbaahinta Qaranka Serbia.

Dadka u kuurgala warbaahinta ayaa sidoo kale ogaaday in barnaamijyada wararka iyo doodaha ay bilaabeen inay ka soo muuqdaan codadka mucaaradka, arrintaas oo markii hore dhif ahayd.

Raalli-gelinta shabakadda RTV ayaa si degdeg ah ugu faaftay baraha bulshada, iyadoo soo jiidatay dareenka caalamka.

Haddaba, maxaa ka dambeeya arrintan?

"Waan iska indho-tiri jirnay"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Raalli-gelintaas oo lagu baahiyey barnaamijka wararka ugu weyn ee telefishinka "RTV", ayaa timid Isniintii 26-kii Oktoobar, kaddib markii lagu dhawaaqay natiijooyinkii hordhaca ahaa ee doorashada, kuwaas oo xaqiijiyey guusha liis ay taageerayaan ardaydu.

Bayaanka raalli-gelinta waxaa qortay Maria Stokucha, oo ah tifaftire ka tirsan telefishinka. Waxay sheegtay in dhowr suxufi oo ka tirsan xarunta wararka ay doorashada kaddib shaqada dhinac uga baxeen, iyagoo fursad siinaya dad kale inay la wareegaan mas'uuliyadda diyaarinta barnaamijka wararka.

Stokucha waxay xustay in "aysan tani ahayn markii ugu horreysay ee aan dalbanno isbeddel, balse ay tahay markii ugu horreysay ee maamulka uu oggolaado".

Stokucha, oo hore uga soo shaqeysay waax kale oo ka tirsan xarunta wararka, ayaa waxaa u soo magacaabay saaxiibbadeed si ay uga caawiso hoggaaminta dadaallada isbeddelka.

Waxay sheegtay in qanacsanaan la'aanta iyo niyad-jabka ka dhex jiray shaqaalaha telefishinka ay soo jireen muddo ku dhow toban sano.

Wareysi ay siisay BBC-da ayay Stokucha ku sheegtay in "shaqaale badan oo ka tirsan shabakadda RTV ay muddo dheer doonayeen in isbeddel la sameeyo, si ay wararka ugu tebiyan si dhexdhexaad ah oo u adeegaysa danta guud".

Sida ay sheegtay Stokucha, suxufiyiintu waxay muddo dheer ka digayeen in warbixinnada muhiimka ah "ama gebi ahaanba la baajin jiray ama laga soo tebin jiray dhinac siyaasadeed oo kooban".

Stokucha waxay tusaale u soo qaadatay dibadbaxyadii ka dhashay dumistii saqafka saldhigga tareennada ee magaalada Novi Sad, oo ah caasimadda gobolka Vojvodina, halkaas oo ay ku dhinteen 16 qof.

Shilkan kaddib, kumannaan qof ayaa 5-tii Nofeembar 2024 dhigay dibadbaxyo aamusnaan ah, iyagoo dalbanayay in lala xisaabtamo mas'uuliyiinta, balse sida ay Stokucha sheegtay, shabakadda RTV si weyn ayay ugu fashilantay tebinta dhacdadaas.

Waxay sidoo kale xustay dibadbaxyadii ay hoggaaminayeen ardayda iyo go'doomintii xarumaha qaarkood ee dhacdada saldhigga tareennada kaddib, kuwaas oo iyaguna helay tebinta warbaahineed oo kooban oo ka timid shabakadda RTV.

Shilkan ayaa dhaliyey dibadbaxyo waaweyn oo socday bilo badan, kuwaas oo sii xoojiyey dhaqdhaqaaqa ay hoggaaminayeen ardaydu, kaas oo markii dambe doorashada codbixinta kula tartamay dowladda.

Stokucha waxay tiri: "Warbaahinta dadweynuhu waa inay la hadashaa dhammaan muwaadiniinta, ayna soo tebisaa waxa dhacaya; ma aha inay iska indho-tirto, sidii aan annagu yeeli jirnay".

Waxay xaqiijisay in telefishinka ay ka jireen suxufiyiin ka soo horjeeday go'aannada tifaftirka, balse aanay awood u lahayn inay wax ka beddelaan.

Toddobaadkan, Stokucha waxay aqbashay inay qabato xilka tifaftiraha barnaamijka wararka ee telefishinka.

BBC-da ayaa la xiriirtay xafiiska warbaahinta ee telefishinka RTV, iyadoo wax ka weydiisay qaabka uu u tebiyey dhacdooyinkan.

Jawaabta waxaa iimayl ku soo diray Predrag Novakovic, oo dhowaan loo doortay agaasimaha mid ka mid ah barnaamijyada telefishinka.

Novakovic wuxuu sheegay in telefishinku "ku guuldarreystay inuu guto waajibaadkiisa sharci ee ah inuu dadweynaha ku wargeliyo si xirfad leh, dhexdhexaad ah, dheelitiran, isla markaana waqtigeeda ku habboon".

Wuxuu intaas ku daray inay jireen arrimo kale oo la iska indho-tiri jiray, kuwaas oo ay ka mid yihiin: "kiisas culus oo la xiriira musuqmaasuq iyo dambiyo ka dhaca heerarka ugu sarreeya; khatarro muuqda oo ku wajahan muwaadiniinta iyo amniga sharciga; iyo hoos u dhaca xorriyadda warbaahinta iyo xorriyadda hadalka".

Novakovic wuxuu carrabka ku adkeeyay in hadalkiisu uu si gaar ah u khuseeyo barnaamijka wararka ugu weyn ee telefishinka, isagoo dhinaca kale xusay in barnaamijyo kale oo idaacadeed iyo telefishineed ay ku guuleysteen inay ilaashadaan heer xirfadeed, inkasta oo ay la kulmayeen cadaadis joogto ah oo uga imaanayay hay'adaha maamulka ee talada haya.

Weriye
Qoraalka sawirka, Kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa 5-tii Nofeembar 2024 isugu soo baxay waddooyinka magaalada, iyagoo ka cabanayay dumistii saqafka saldhigga tareennada ee Novi Sad, taas oo sababtay dhimashada 16 qof

Daaha gadaashiisa

Goran Eror, oo ah weriyihii akhriyey bayaanka raalli-gelinta, ayaa sheegay inuu shaqada ku jiray maalintii Isniinta, markii uu goobta shaqada yimidna uu ogaaday in la beddelay tifaftirihii guud ee telefishinka RTV, isla markaana Stokucha ay la wareegi doonto diyaarinta barnaamijka wararka muddo laba saacadood gudahood ah.

Eror wuxuu yiri: "Waxay fadhiisatay kombiyuutarka, dhammaanteenna hareeraheeda ayaan joognay annagoo gacan ka geysanayna shaqada, maaddaama diyaarinta wararka ay tahay hawl caadiyan qaadata saacado badan".

Stokucha ayaa qortay bayaanka raalli-gelinta ee uu markii dambe Eror akhriyey. Wuxuu sheegay inuu aad ula yaabay falcelintii ka dhalatay baahinta bayaankaas.

Eror wuxuu aaminsan yahay in "raalli-gelinta lafteedu ay leedahay saameyn wax lagu daweyn karo, maaddaama ay muujinayso inaan garwaaqsannay wixii dhacay sannadihii la soo dhaafay, isla markaana siyaasaddeenna tifaftirka ay ahayd inay si weyn uga duwanaato sidii ay ahayd". Ayuu yiri.