Shan siyaabood oo aad ku garan karto marka carruurtu ay bilaabaan inay la xiriiraan xagjiriin

Bedqabka carruurta
    • Author, Isiaku Muhammed
    • Role, BBC News, Abuja
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Waxaa socda dood ku saabsan hababka loo soo jiito dhalinyarada si ay ugu biiraan kooxaha xagjirka ah, iyadoo khubaradu ay aaminsan yihiin in internetku uu door muhiim ah ka ciyaaro arrintan.

Caalamka oo dhan, horumarka tiknoolajiyadda casriga ah ayaa keenay isbeddel cusub; tiknoolajiyaddu waxay qayb ka noqotay nolol maalmeedka malaayiin dhalinyaro ah. In kasta oo ay jiraan dad si habboon u isticmaala, haddana waxaa jira kuwo kale oo adeegsada si ay ugu dhuuntaan falal aan habboonayn.

Khubaradu waxay sheegayaan in kooxaha xagjirka ah aysan hadda u baahnayn kulamo fool-ka-fool ah ama isu imaatinno, sida ay ahaan jirtay waagii hore, si ay u soo jiitaan dhalinyarada, maadaama ay hadda awoodaan inay si toos ah ula falgalaan nolosha dhalinyarada iyagoo isticmaalaya baraha bulshada.

Sida ay khubaradu sheegeen, dhalinyaradu waxay ka mid yihiin dadka ugu nugul inay ku dhacaan dabinnada noocan ah; gaar ahaan haddii ay la daalaa dhacayaan dareen cidlo ah iyo daryeel la'aan dhanka waalidka ah, ama haddii ay raadinayaan jawaabo ku saabsan nolosha, diinta, ama bulshada.

Kabiru Adamu, oo ah madaxa shirkadda 'Beacon Security and Intelligence Limited' isla markaana ah falanqeeye dhanka amniga ah oo ka hawlgala Afrika, ayaa sheegay inay jiraan calaamado ay waalidiintu fiirsan karaan si ay u ogaadaan haddii carruurtoodu ay qarka u saaran yihiin inay galaan saamaynta kooxaha xagjirka ah.

In lala socdo arrimaha ilmuhu ku mashquulsan yihiin

Kabiru Adamu wuxuu sheegay in tallaabada ugu horreysa ay tahay in la hubiyo in carruurta, gaar ahaan kuwa aan weli qaangaarin, ay si buuxda ugu hoos jiraan kormeerka waalidkood, gaar ahaan marka ay ku guda jiraan hawlahooda maalinlaha ah.

"Ka hor inta aysan carruurtu gaarin da'da qaangaarnimada, tusaale ahaan ka hor inta aysan jirsan 16 sano, waa in aan loo oggolaan inay aadaan meel kasta oo ay doonaan. Waa inay waalidku ogaadaan meelaha ay carruurtoodu u socdaan iyo dadka ay la falgalayaan."

Wuxuu xusay in tani aysan ka dhignayn in la xaddido xorriyadda carruurta, balse ay tahay in laga ilaaliyo khataraha ay la kulmi karaan.

Sida uu sheegay, haddii waalidku aysan ogeyn meelaha ay carruurtoodu inta badan tagaan ama dadka ay la falgalaan, taasi waxay si fudud u suuragelin kartaa in dad ujeeddooyin xun leh ay u soo dhawaadaan carruurtaas.

In aad ogaato waxa uu cunugaagu ka qabanayo Khadka

Sida uu sheegay Kabiru Adamu, inta badan isgaarsiinta ay dhalinyaradu sameeyaan xilligan waxay ku dhex martaa taleefannada gacanta iyo internetka.

"Carruurtu badanaa waxay ku mashquulsan yihiin taleefannada, gaar ahaan marka ay internetka isticmaalayaan. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in waalidku ogaadaan mareegaha ay carruurtoodu galaan iyo dadka ay la xiriirayaan."

Wuxuu sheegay inay tahay in waalidku daneeyaan noocyada barnaamijyada (apps-ka) ay carruurtoodu isticmaalaan, iyo waxyaabaha ay maalin walba daawadaan ama akhriyaan.

Khabiirku wuxuu sharraxay in dadka u qaabilsan qorista xubnaha cusub ee kooxaha xagjirka ah ay adeegsadaan baraha bulshada iyo goobaha doodaha si ay ula xiriiraan dhalinyarada.

Ogow mareegaha uu sida joogtada ah ilmuhu u booqdo

Calaamad kale oo muhiim ah ayuu Kabiru Adamu sheegay inay tahay in waalidiintu fiiro gaar ah u yeeshaan, waa marka ilmuhu uu bilaabo inuu xiiso weyn u muujiyo degel internet ama qof gaar ah oo online-ka jooga.

"Haddii ilmuhu uu bilaabo inuu la socdo degello ama mareego gaar ah ama qof gaar ah oo online-ka jooga, ilaa heer uu si joogto ah uga hadlo ama u difaaco fikradahooda, waa in arrintaas la baaraa si loo ogaado cidda ay yihiin ama degelka ay isticmaalayaan" ayuu yiri.

Wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in waalidiintu fahmaan in qof kasta oo online-ka isku soo bandhiga uusan ahayn qofka dhabta ah ee uu sheeganayo inuu yahay.

"Mararka qaarkood, dadka xunxun waxay isticmaalaan magacyo been abuur ah iyo xog kale oo aan run ahayn si ay u soo jiitaan dareenka dadka."

Fahamka farsamooyinka xagjiriinta

Kabiru Adamu wuxuu sheegay in mid ka mid ah xeeladaha ay adeegsadaan xagjiriintu ay tahay inay qariyaan ujeeddooyinkooda dhabta ah.

Sida uu sheegay, qofku wuxuu bilaabi karaa inuu kala hadlo qof dhallinyaro ah mowduucyada maalinlaha ah, laakiin hadhow wuxuu bilaabi karaa inuu u soo bandhigo fikrado gaar ah oo u horseedi kara aragtiyo xagjir ah.

"Sidaa darteed, haddii waalidku ay ogaadaan in uu jiro qof ama koox saameyn weyn ku leh ilmaha, waa inay baaraan si ay u ogaadaan cidda ay yihiin iyo waxa ay faafinayaan."

Wuxuu sheegay in aqoonsashada calaamadaha noocaas ah goor hore ay gacan ka geysan karto ka hortagga dhibaatooyinka ka hor inta aysan noqon kuwo daran.

Waalidka oo hela aqoon xagga internetka ah

Kabiru Adamu ayaa sheegay in ilaalinta carruurta ee dunida maanta ay tahay wax aan suurtagal ahayn haddii aysan waalidku fahmin sida ay u shaqeyso tiknoolajiyadda casriga ah.

"Waxa ugu horreeya waa in waalidku ay aqoon u yeeshaan isticmaalka internetka."

Wuxuu xusay inaysan daruuri ahayn in waalidku ay noqdaan khubaro tiknoolajiyad, balse ay muhiim tahay inay fahmaan sida ay u shaqeeyaan baraha bulshada, barnaamijyada farriimaha la isugu diro, iyo aaladaha kale ee isgaarsiinta.

"Haddii aysan waalidku fahmin dunida ay carruurtoodu ku nool yihiin, way ku adkaan doontaa inay ogaadaan marka qof uu isku dayayo inuu saameyn ku yeesho carruurtooda."

Maxay tahay in waalidku sameeyo

Kabiru Adamu wuxuu ka digay in marka waalidku ogaadaan in ilmaha uu xiriir la leeyahay xagjiriin, aysan ahayn inay tallaabo qaadaan iyagoo xanaaqsan, ama ay adeegsadaan awood keliya si ay u beddelaan fikirkiisa.

"Waxa ugu muhiimsan waa in ilmaha la dhiirrigeliyo, la baro, lana tuso cawaaqibka ka dhalan kara waxa uu samaynayo iyo khataraha laga yaabo inay ka dhashaan."

Wuxuu sheegay in ujeeddada ugu weyni ay tahay in ilmuhu uu naftiisa u fahmo dhibaatada, halkii laga cabsi gelin lahaa.

"Waalidku waxay xaq u leeyihiin inay edbiyaan ama ciqaabaan ilmaha haddii uu si xun u dhaqmo, balse waa in arrintan lagu sameeyaa xigmad iyo naxariis."

In carruurta laga mashquuliyo Internetka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida uu sheegay khabiirka dhanka amniga, cilmi baaristu waxay muujinaysaa in ciqaab adag ama adeegsiga awoodda oo keliya ay badanaa keenaan natiijo ka duwan tan la doonayo.

"Cilmi baaris ayaa muujisay in adeegsiga awooddu aanu waxba tarayn. Haddii si xad-dhaaf ah loo cadaadiyo, wuxuu bilaabi doonaa inuu waxyaabo si qarsoodi ah u sameeyo, wuxuuna sii wadi doonaa la falgalka dadka saamaynta ku leh, iyadoo waalidkiis aanay ka warqabin."

Wuxuu sheegay in habka ugu wanaagsan uu yahay in la wada hadlo, la dhiso kalsooni, lana dareensiiyo ilmaha in waalidkiis ay doonayaan inay caawiyaan, ee aysan doonayn inay ciqaabaan.

Kabiru Adamu wuxuu xusay in mid ka mid ah hababka ugu waxtarka badan ee dhalinyarada looga fogeyn karo falalka noocaas ah ay tahay in la siiyo hawlo waxtar leh oo ay ku mashquulaan.

"Isticmaal habab kale oo lagu beddelo waxyaabaha uu sameynayo, gaar ahaan dhanka tiknoolajiyadda, si looga mashquuliyo falalkaas."

Wuxuu intaas ku daray: "Waa muhiim in dhalinyarada la siiyo fursado ay ku bartaan xirfad ama farsamo ay ku kasban karaan dakhli xalaal ah".

Sida uu qabo, haddii dhalinyaradu dareemaan inay mustaqbal leeyihiin, ay helaan daryeelka waalidkood, ayna hayaan wax waxtar leh oo ay qabtaan, waxaa aad u yaraanaysa suurtagalnimada inay ku dhacaan dabinka kooxaha xagjirka ah.