Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
IMF oo ka digtay hoos u dhaca dhaqaalaha adduunka
Published
Hayadda lacagta adduunka ee IMF ayaa ka digtay in kororka dhaqaalaha uu wali yar yahay ku dhawaad toban sano markii ay dhacday dhibaatadii dhaqaalaha adduunka.
Waxay saadaalisay dhaqaalaha adduunka inuu kordhi doono 3.1% sanadkan, iyo in wax yar ka badan sanadka danbe.
IMF ayaa sheegtay in dhaqaalaha aan kordhayn uu soqon doono waqti dheer, isagoo keenaya maalgashi yar oo dhima wax soo saarka iyo xirfadaha.
IMF ayaa ka muujisay walaac ra'yiga laga qabo faa'iidada isku furnaanta dhaqaalaha adduunka, oo laga arkay ololaha doorashada Maraykanka iyo ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.