Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Qaar kamid ah wiilashii godka Thailand ku xayirnaa oo lasoo badbaadiyey
Ugu yaraan afar kamid ah kooxdii wiilasha ahayd ee mudada labada toddobaad ah ku xayirnaa bohol kutaal Waqooyiga dalka Thailand ayaa bannaanka loo soo saaray, sida ay sheegeen ciidamada badda ee dalkaas.
Kooxaha badbaadada ayaa go'aansaday in ay sii wadaan hawgalka khatarta badan ee axaddii bilowday ayadoo laga cabsi qabo in roobab hor leh ay halkaasi ka da'aan.
Quusayaasha badda ayaa hagaya 12 wiil iyo tababarahoodii kuwaas oo go'doon ku ah meel mugdi ah oo ay biyo awdeen oo kutaal afka hore ee bohosha Tham Luan ee dalkaas.
Waxaa loo soo badbaadinayaa koox koox, mana cadda inta uu hawgalkaasi qaadan doono.
Si kastaba ha ahaatee, hawgalka ayaa u socda si xawli ah oo ka dardar badan sidii ay masuuliyiintu filayeen.