Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Beledweyne iyo Muqdisho: Maxaa lagu macneyn karaa weerarrada la isku beegay?
Published
Xalay fiidkii waxay qaracyo ismiidaamin ah ka dhaceen magaalada Beledweyne oo ku jirta marxalad doorasho.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah xildhibaan Aamina Maxamed oo ka tirsaneyd xildhibaannada baarlamaanka ee hadda uu xilkoodu dhammaaday, haddana u sharraxneyd kuraasta ay doorashadooda ka dhaceyso Beledweyne.
Isla shalay weerar ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.
Haddaba, maxaa lagu macneyn karaa weerarrada la isku beegay hal maalin gudaheed ee ka dhacay Beledweyne iyo Muqdisho?
Janaraal Cabdullaahi Aaadan Xuseen "Cirro" oo ah khabiir ka faallooda arrimaha amniga ayaa sharraxaya.