Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Kenya oo beenisay in ciidamadeeda ka faa'idaan dhuxusha Soomaaliya
Kenya ayaa beenisay eedo soo cusboonaaday oo ku saabsan in ciidamadeeda ay ka faa'idayaan dhoofinta dhuxusha Soomaaliya oo ah ganacsi socday, iyadoo ay jirto joojinta Qaramada Midoobay.
Afhayeenka madaxtooyada Manoah Esipisu, ayaa sheegay in warbixinta ay soo saareen kooxda Qaramada Midoobay ee la socota howlahaasi ay ku saleysan tahay eedo hore ay u soo saareen ururada aan dowliga aheyn ee NGO-yada, ayna hal ujeedo leedahay oo ah in niyadda laga jabiyo ciidamada Kenya. Wuxuuna ku tilmaamay warbixinta wax aan jirin.
Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ciidamada ay ka helaan 12 milyan oo doolar sanadkii canshuurta ay ka qaadaan dhuxusha la dhoofiyo.