Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Maxay tahay saamaynta ay diyaaradaha dagaalka nooca Su-35 ee Itoobiya ku yeelan karaan dheellitirka awoodda milatari ee Geeska Afrika?
Itoobiya ayaa Ruushka ka heshay 12 diyaaradood oo dagaal oo casri ah oo nooca Su-35 ah. Waxaa sidoo kale la sheegay in mustaqbalka ay heli doonto afar hab oo difaaca cirka ah oo nooca S-400 ah.
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa hore u sheegay in helitaanka diyaaradahaas casriga ah, oo loo kala saaro jiilka afraad iyo shanaad ee diyaaradaha dagaalka, ay Itoobiya ka dhigayso "dalka ugu horreeya ee ka hooseeya Saxaraha Afrika" ee ku hubaysan diyaaradaha noocaas ah.
Ilaa hadda, Aljeeriya ayaa la sheegay inay tahay dalka keliya ee Afrika ee haysta diyaaradaha dagaalka ee noocan ah marka laga reebo Itoobiya.
Kabtan Tashoome Tenkoluu, oo ah duuliye diyaaradd dagaal oo khibrad leh, ahna tababare ayaa waraysi uu siiyey BBC-da, waxaa uu kaga hadlay diyaaradahaas oo muddooyinkii dambe hadalhayn badan ka dhalisay. Waxa uu sheegay inuu aad ula dhacay go'aanka Itoobiya ay ku qaadatay diyaaradahaas casriga ah.
Kabtan Tashoome ayaa muddo 22 sano ah, laga soo bilaabo 1981-kii (1973-kii taariikhda Itoobiya), ka tirsanaa ciidanka cirka ee Itoobiya. Waxa uu ahaa duuliye, tababare iyo madaxa xarunta tababarka diyaaradaha dagaalka (squadron). Waxa kale oo uu khibrad u leeyahay duulista diyaaradaha dagaalka ee MiG-23, kuwaas oo uu ku soo bartay Midowgii Soofiyeeti.
"Aniga oo ah qof ku jira mihnaddan, si fudud ayaan u fahmi karaa faa'iidada ay leedahay in dal uu ku hubaysnaado tiknoolajiyad casri ah oo noocan ah," ayuu yidhi Kabtan Tashoome.
Waxa uu sheegay in inkasta oo diyaaradaha Su-35 aan loo tixgelin karin heerka ugu dambeeya ee tiknoolajiyadda duulista dagaalka, maadaama ay ka horreeyaan diyaaradaha jiilka shanaad, haddana ay ka mid yihiin diyaaradaha casriga ah ee jiilka afraad iyo afraad iyo bar, kuwaas oo la jaanqaadaya horumarka degdegga ah ee tiknoolajiyadda duulista dagaalka.
Mar uu sharraxayay sifooyinka diyaaradaha Su-35, waxa uu sheegay inay yihiin diyaarado casri ah oo lagu yaqaan awoodda ay u leeyihiin inay si fudud u leex-leexdaan, hub badan qaadaan, si degdeg ah u kacaan, bartilmaameedyo meel fog ka ogaadaan, isla markaana leh xawaare sare.
Waxa uu intaas ku daray in tiknoolajiyadda diyaaradahaasi ay u saamaxayso duuliyaha inuu garto bartilmaameedka isaga oo aan khasab ku ahayn inuu indhihiisa ku arko.
"Raadaarka diyaaradda ayaa haddii uu ogaado bartilmaameedka, kadibna uu duuliyuhu gantaal ku rido, gantaalku wuxuu leeyahay tiknoolajiyad u saamaxaysa inuu iskiis u raadiyo bartilmaameedka oo uu ku dhufto," ayuu yiri Kabtan Tashoome oo si dhow ula socda horumarka tiknoolajiyadda ciidanka cirka.
Waxa uu sheegay in diyaaradahaasi aanay keliya duuliyaha u fududayn hawlaha duulista, balse ay sidoo kale leeyihiin awood sare oo ay wax ku weeraraan kuna burburiyaan bartilmaameedyada. Waxa uu tilmaamay inay aad uga duwan yihiin diyaaradaha MiG ee uu hore u duulin jiray, iyo diyaaradaha dagaalka ee jiilalka kala duwan ee ka dambeeyey.
"Waxay awood u yeelan karaan inay gobolkaas ka dhaliyaan awood ciidan oo ay cidina kula tartami kari weydo"
Waxa uu aaminsan yahay in casriyeynta ciidanka cirka ay tahay "lama huraan", isaga oo taas ku sababeeyay xaaladda juqraafi-siyaasadeed ee Itoobiya ku sugan tahay, taas oo ah mid cakiran, isla markaana ay ka jiraan loollan iyo tartan badan.
"Xilligii boqor Xayle Salaase, boqorku hore ayuu arrintan u fahmay. Markii uu aasaasayay ciidanka cirka, sabab la'aan uma samayn. Waxa uu u dhisay aasaas adag, isaga oo ka tegay ciidan cirka ah oo ka mid ahaa kuwa ugu waxtarka badan Afrika," ayuu yiri.
Waxa uu intaas ku daray in dib-u-dhiska ciidanka cirka ee Itoobiya iyo gaarista heerka ay maanta ku hubaysan tahay diyaaradaha casriga ah ee Su-35 ay "keeni karto in ay gobolka ku yeelato awood ciidan oo ka sarreysa dalalka kale".
Waxa uu sheegay in arrintani aanay saamayn ku yeelanayn oo keliya dalalka gobolka, balse ay sidoo kale "cabsi gelin karto dhinac kasta", isla markaana ay dalalka qaarkood ku abuuri karto walaac amni.
Isaga oo si gaar ah u xusay Masar oo muddo dheer khilaaf kala dhexeeyay Itoobiya oo la xiriira biyaha webiga Niil, ayuu yiri: "Iyaguna ha is diyaariyaan, Itoobiya-na ha is diyaariso." Hase yeeshee, waxa uu carrabka ku adkeeyay in diyaar-garowga Itoobiya uu noqdo mid ku salaysan is-difaac, ee aanu ahayn mid weerar ama colaad lagu qaadayo dalal kale.
Inkasta oo 12-ka diyaaradood ee Su-35 ee Itoobiya ay heshay ay wax weyn ku soo kordhinayaan awoodda ciidankeeda cirka, haddana waxa uu aaminsan yahay in ay u baahan tahay diyaarado dagaal oo dheeraad ah, maadaama gobolka ay ku taallo uu yahay mid ay ka jiraan xaalado juqraafi-siyaasadeed oo cakiran.
Kabtan Tashoome ayaa sheegay in gobolka Geeska Afrika uu muddo dheer ahaa meel ay ka jiraan loollan iyo xasarado juqraafi-siyaasadeed oo heer sare ah.
Marka la eego xaaladdaas, waxa uu sheegay in Itoobiya ay ku jirto xaalad cadaadis badan, isla markaana ay u baahan tahay in ay awood u yeelato difaaca nafteeda, ilaalinta midnimadeeda dhuleed iyo dhowrista danaha qarankeeda.
Sidaas darteed, waxa uu ku dooday in xilli ay tiknoolajiyadda milatarigu si xawli ah u horumarayso, ay lama huraan tahay in Itoobiya ay la jaanqaaddo isbeddelladaas oo ay samaysato diyaar-garow milatari oo ku filan.
Waxaa kale oo uu ku taliyay in Itoobiya ay sii ballaariso oo casriyeyso awoodda ciidankeeda cirka, isaga oo sabab uga dhigay in ay tahay dal weyn oo leh kaabayaal horumarineed oo uu ku tilmaamay kuwo nugul, marka loo eego baaxadda dalka iyo marka la barbar dhigo dalal badan oo deris la ah.
"Dagaalku ciidanka cirka ayuu ku bilaabmaa, ciidanka cirkana ayuu ku dhammaadaa"
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka, kuwaas oo kharash yar lagu soo saaro, ayaa maalmahan si weyn loogu adeegsadaa dagaallada, iyaga oo isbeddel weyn ku keenaya habka dagaalladu u dhacaan.
Mar la weydiiyay in kharashka badan ee lagu bixiyo diyaaradaha dagaalka ee casriga ahi uu weli yahay mid mudan, iyadoo ay jiraan tiknoolajiyadaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo kharash yar lagu heli karo, Kabtan Tashoome waxa uu sheegay in inkasta oo diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ay door muhiim ah leeyihiin, haddana ciidanka cirka uu weli yahay awoodda ugu weyn ee dagaallada casriga ah.
"Maanta ma aha sidii waagii hore oo kale oo ciidamo la isku soo safan jiray, hubna la siin jiray si ay u dagaallamaan. Dagaalku ciidanka cirka ayuu ku bilaabmaa, ciidanka cirkana ayuu ku dhammaadaa," ayuu yiri.
"Ciidanka dhulku waxa uu ugu dambayn u soo galaa sidii uu nabadda iyo xasilloonida u sugi lahaa. Laakiin ciidanka cirka ayaa ah kan hoggaamiya dagaalka, dagaallama, isla markaana guusha gaara."
Waxa uu sidoo kale xusay in Itoobiya ay gaartay heer ay iyadu soo saari karto tiknoolajiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo kharash yar lagu samayn karo, balse awood u leh inay geystaan burbur xooggan.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay inaanay suurtagal ahayn in dagaal si wax-ku-ool ah loogu galo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo keliya.