Sawirada toddobaadka Afrika bisha September

sawir
Qoraalka sawirka, Dadweyne aad u fara badan ayaa ka qeyb galaya caleema saarka madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa maalintii Isniinta.
Published
sawir
Qoraalka sawirka, Dumar ku nool magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa Jimcihii sameeyay rooti fidsan oo khamiir leh.
sawir
Qoraalka sawirka, Tareenka cusub ee Lagos Blue Line wuxuu yimid saldhiga Marina isniintii aynu soo dhaafnay, maalinta ugu horeysa ee hawlihiisa ganacsi ee xarunta ganacsiga Nigeria.
sawir
Qoraalka sawirka, Beeraleyda Tuniisiya ayaa goosanaya basbaaska cagaaran .
sawir
Qoraalka sawirka, Qareeno ayaa ka qeyb galaya dhageysiga dacwadda lix askari oo lagu soo oogay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ka dhacaysa maxkamad militari oo ku taal Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Arbacadii.
sawir
Qoraalka sawirka, Dad baroor-diiq ah oo ku sugaya qabuuro furan ka hor aas wadareed loo samaynayo dhibanayaasha dabkii lagu hoobtay ee Axadii ka kacay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
sawir
Qoraalka sawirka, Isla shir madaxeedka isniinta, dadka u dhaqdhaqaaqa cimilada ayaa socod ku maray waxayna ku booriyeen wufuudda inay qaadaan tillaabo lagu joojinayo isticmaalka shidaalka...
sawir
Qoraalka sawirka, Nin qoomiyadda maasai ah oo ka qeyb galaya shir madaxeedka cimilada Afrika oo Arbacadii ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya...
sawir
Qoraalka sawirka, Isniintii, askartu waxay dhoolatus sharafeed ku maamuusayeen General Brice Nguema intii lagu guda jiray caleemasaarkiisa ku meel gaarka ah ee caasimadda Gabon, Libreville.
sawir
Qoraalka sawirka, Dirxigan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay shirka cimilada ka dhacay Nairobi.