Dagaal iyo nabad midna kama jiraan Tigray - dagaalkii ugu dambeeyay ee Itoobiya ma dhammaaday dhab ahaantii?

TPLF
Qoraalka sawirka, Ciidamada dowladda taageersan ayaa galay caasimadda Tigray, wax ka yar laba toddobaad ka dib markii uu dagaalku billowday
    • Author, Michael Teferi
    • Role, BBC Africa
    • Author, Yemane Nagish
    • Role, BBC Tigrinya
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 10 daqiiqo

Ma aha wax sahlan in xilligan la maamulo goob lagu qurxiyo timaha ee magaalada Mekelle, oo ah caasimadda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, kaas oo ay colaado ka jiraan.

"Dadku ma hormarin karaan quruxda iyo is-daryeelka iyaga oo ka dooranaya baahiyaha aasaasiga ah ee maalinlaha ah. Dad badan oo deggan magaalada, ka fikirka is-daryeelku waa wax raaxo ah, xilli ay awoodi waayaan inay carruurtooda cunto siiyaan," ayay BBC-da u sheegtay Firut Me'ar, oo goob lagu qurxiyo timaha ku leh magaalada.

Kadib dagaal muddo kooban socday, magaalada waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada dowladda federaalka, balse noloshu weli caadi kuma soo noqon, ayay tiri Firut oo ah hooyo keligeed korisa gabadh 10 jir ah.

"Xaaladdu way ka wanaagsan tahay sidii ay ahayd xilligii dagaalka, laakiin dadku weli lacag ma haystaan, niyaddooduna ma fiicna. Ganacsiguna ku dhowaad gebi ahaanba wuu istaagay," ayay tiri, iyadoo codkeeda laga dareemayo murugo.

Waxay sheegtay in waxa ugu weyn ee dadka welwelka ku haya ay tahay waxa mustaqbalka dhici doona. "Ma cadda waxa xiga ee dhici doona."

Dagaalka ayaa mar kale qarxay dabayaaqadii bishii Sebtembar, isaga oo dhex maray Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), oo tobannaan sano maamuleysay gobolka Tigray, iyo ciidamada dowladda federaalka. Colaaddan ayaa dib u soo cusboonaysiisay dagaalkii sokeeye ee labada sano socday, kaas oo si rasmi ah u dhammaaday sannadkii 2022.

Hase yeeshee, wax ka yar laba toddobaad gudahood, ciidamada federaalka ayaa si guul ah ku galay magaalada Mekelle. TPLF waxay ku tilmaantay tallaabadeeda inay tahay "dib-u-gurasho istaraatiiji ah", iyadoo isaga baxday magaalada iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ee Tigray, taas oo sababtay in ciidamadu ay la kulmaan iska caabin yar.

Waxaa la soo sheegay in boqolaal qof ay ku dhinteen colaadda, kuwaas oo ay ku jiraan tobannaan qof oo lagu dilay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee ciidamada cirka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Saraakiisha dowladda Itoobiya iyo taageerayaasheeda ayaa ku doodaya in dagaalku si dhab ah u dhammaaday, isla markaana hawsha keliya ee hadda harsani ay tahay in Tigray laga sifeeyo xubnaha TPLF.

Getachew Reda, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa TPLF balse dhinaca dowladda u wareegay, haatanna ah la-taliyaha ra'iisul wasaaraha, ayaa ku dhawaaqay in dagaalkii Tigray uu dhammaaday, isla markaana mudnaanta koowaad ee hadda la saarayo ay tahay xasilinta gobolka.

Cameroon Hudson, oo ah falanqeeye iyo la-taliye ku takhasusay nabadda iyo amniga Afrika, ayaa sheegay inay jiraan sababo kala duwan oo keenay jabkii degdegga ahaa ee TPLF.

"TPLF waxay lumisay taageeradii shacabka ee gudaha gobolka. Jabhaddu way kala qaybsan tahay, mana haysato tiknoolajiyadda casriga ah ee milatari ee ay kula tartami karto Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF)," ayuu yiri.

"Waxay sidoo kale lumisay jeneraallo badan, xeeldheereyaal istaraatiijiyadeed, diblomaasiyiintii ugu fiicnaa iyo dagaalyahanno badan, kuwaas oo qaarkood dhinaca kale u wareegeen halka kuwo kalena la xiray. Khilaafka iyo dagaalka gudaha ee ka dhex jira hoggaanka TPLF ayaa dhaawac weyn u geystay jabhadda."

Abraha Hailezgi, oo ah aqoonyahan ka tirsan Jaamacadda Mekelle, ayaa isaguna arrintan ku raacay.

"Ciidanku ma laha aragti siyaasadeed oo cad. Sannadihii u dambeeyay, waxaa lala xiriiriyay cabburin, xadgudubyo, askareyn khasab ah iyo tallaabooyin aan sharciyeysnayn. Taasi waxay keentay in dad badan ay ciidanka TPLF u arkaan cadow, halkii ay ka ahaan lahaayeen ciidan iyaga u adeegaya oo danahooda difaacaya," ayuu yiri.

Afhayeenka TPLF, Mikael Asgedom, oo khadka taleefanka kula hadlay BBC-da isaga oo jooga goob aan la shaacin, ayaa beeniyay in jabhaddu jabtay.

Halkii uu taas ka aqbali lahaa, wuxuu tallaabada TPLF ku tilmaamay dib-u-gurasho si ula kac ah loo qorsheeyay, taas oo ah mid xeelad iyo istaraatiijiyad ku dhisan.

"Tani ma aha jab," ayuu BBC-da u sheegay.

Tigray
Qoraalka sawirka, Tobnaan qof ayaa ku dhintay weerarro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn intii uu socday dagaalka muddada kooban socday

Wuxuu sheegay in TPLF ay "si ula kac ah u oggolaatay Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) inay gudaha ugu sii siqaan dhulka uu asal ahaan ka soo jeedo gobolka Tigray", halkaas oo lagu go'doomin karo laguna wajihi karo dhul ay jabhaddu si wanaagsan uga dagaallami karto.

"Waxaan doorannay inaanan dagaal ku gelin xaalado cadowga u wanaagsan," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in TPLF ay isu diyaarinayso weerar rogaal-celis ah oo ballaaran, isaga oo intaa ku daray in dagaalyahannada jabhaddu ay weerarro ku qaadeen ciidamada Itoobiya meelo kala duwan, kadib markii ay ka baxeen magaalooyinka gobolka. Wuxuu ku dooday in howlgalladaasi ay muujinayaan in jabhaddu weli leedahay awood ciidan oo ay ku dagaallami karto.

Way adag tahay in Tigray laga helo xog la xaqiijiyay, BBC-duna ma awooddo inay halkaas ka soo warranto. Hase yeeshee, khadadka taleefannada iyo internetka oo la jaray markii dagaalku qarxay ayaa hadda dib loo soo celiyay.

Dadka deggan qaybo kala duwan oo Tigray ah ayaa BBC-da u sheegay in dagaalladu ay weli ka socdaan bartamaha, waqooyiga iyo waqooyi-galbeedka gobolka, iyadoo la adeegsanayo madaafiic culus iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan agagaarka magaalada Sheraro, oo u dhow xuduudda Eritrea, ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay ay halkaasi ka dhaceen dagaallo culus oo ay ku lug lahaayeen madaafiic iyo ciidamo dhulka ku dagaallama.

"Waxaan maqli karnay dhawaqa madaafiic culus oo ka imanaya dhinaca Sheraro. Dadku way welwelsan yihiin, sababtoo ah ma jirto dareen ammaan," ayuu BBC-da u sheegay ganacsade codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Wuxuu intaa ku daray in kolonyo gaadiid ciidan oo labada dhinac ah ay u dhaqaaqeen dhanka Sheraro, halka qof ka shaqeeya mootooyinka bajaajta ee magaalada Yechila ee koonfurta gobolka uu sheegay in baraha koontaroolka ciidamada ay weli shaqeynayaan.

Khariidad

Xusuusta dagaalkii ba'naa ee Tigray ka dhacay intii u dhexeysay 2020 iyo 2022 ayaa weli si xooggan ugu taagan maskaxda dad badan oo gobolka deggan.

Colaaddaasi waxay sababtay xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo eedeymo la xiriira in dad qowmiyadeed la barakiciyay lagana sifeeyay Galbeedka Tigray. Qiyaasaha ayaa tilmaamaya in dagaalkaasi uu galaaftay nolosha boqolaal kun oo qof.

Iyadoo ciidamada Eritrea oo lagu eedeeyay inay geysteen qaar ka mid ah gaboodfalladii ugu xumaa ee dagaalkii hore, iyo kuwa Itoobiya ay mar kale ka soo muuqdeen magaalooyinka Tigray, dad badan oo deegaanka ah ayaa sheegaya inay dareemayaan cabsi iyo walaac xooggan. Waxay sheegeen in aragtida ciidamadaasi ay dib u furtay dhaawacyo weli aan ka bogsan.

Ilo milatari oo taageersan ciidamada dowladda federaalka ayaa sheegaya in howlgallada ka dhanka ah TPLF ay weli socdaan. Waxay sheegeen in dagaallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo dhowaan dhacay laga soo sheegay waqooyiga Tigray, meel u dhow xuduudda Eritrea, iyo sidoo kale dhulka buuraleyda ah ee bartamaha gobolka. Waxay ku andacoonayaan in awoodda ciidan ee TPLF ay si tartiib tartiib ah u sii wiiqmeyso.

Falanqeeyeyaasha amniga iyo dadka indha-indheeya xaaladda ayaa isku raacsan in xasillooni-darradu ay u badan tahay inay muddo sii socoto.

"Waxaan u arkaa xaalad ay suurtagal tahay in dagaalka Tigray uu muddo dheer sii socdo," ayuu BBC-da u sheegay Yared Tibebu, oo ah falanqeeye caan ah oo u dhashay Itoobiya, kuna sugan Maraykanka.

Yared ayaa ku doodaya in TPLF ay taariikh dheer u leedahay dagaallo hubeysan oo daba-dheeraada, wuxuuna aaminsan yahay in dhaqdhaqaaqu uu mar kale isu diyaarinayo dagaal muddo dheer socon kara.

Wuxuu rumeysan yahay in marka ay dib u habeeyaan qaab-dhismeedkooda milatari iyo siyaasadeed, ay isku dayi karaan inay dib u bilaabaan weerarro.

Hase yeeshee, wuxuu aaminsan yahay in arrintaasi aysan dhici doonin muddo dhow, sababo la xiriira kala qaybsanaanta gudaha ee jabhadda, aragtidaas oo uu afhayeenka TPLF, Mikael, meesha ka saaray.

Tigray
Qoraalka sawirka, Ciidanku waxay sheegeen inay hubkan oo dhan ka qabsadeen TPLF intii lagu guda jiray dagaalka

Hudson ayaa diiddan aragtida ah in Tigray uu ku wajahanyahay dagaal muddo dheer socon doona, balse wuxuu qirayaa in gobolka uusan si dhab ah nabad u noqon doonin muddo cayiman.

"TPLF waxay sii wadi kartaa kacdoon heer hoose ah iyo dagaallo dhuumaaleysi ah, balse taasi dagaal ma aha. Uma maleynayo inuu dhici doono dagaal ballaaran oo dhex mara ciidamada dowladda federaalka iyo TPLF," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in TPLF aysan hadda lahayn tirada ciidamada, awoodda iyo awoodda milatari ee ay ugu baahan tahay inay si wax ku ool ah uga hortimaaddo ciidamada dowladda federaalka, kuwaas oo uu sheegay inay sannadihii u dambeeyay si weyn u ballaariyeen awooddooda, isla markaana casriyeeyeen qalabkooda milatari.

"TPLF waxay sidoo kale lumisay inta badan taageeradii shacabka, mana awooddo inay si fudud dib ugu dhisto ciidamadeeda iyada oo dad cusub qoranaysa," ayuu yiri.

Dhanka kale, Yared wuxuu tusaale u soo qaatay taariikhda TPLF ee ka soo kabashada caqabadaha waaweyn ee ay la kulantay, isaga oo sheegay in taasi muujinayso in dhaqdhaqaaqu dib isu soo abaabuli karo si uu u sii wado halgan muddo dheer socda.

"TPLF waxay hore uga soo gudubtay caqabado badan oo waaweyn. Waa khalad in la soo gabagabeeyo inaysan haysan taageerada shacabka. Waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo taariikhdiisu ay soo taxnayd in ka badan 50 sano," ayuu yiri.

Tigray
Qoraalka sawirka, Dadka deggan Mekelle badankooda, xilligan lacagta ay haystaan ​​waxay ku filan tahay oo keliya baahiyaha aasaasiga ah

Waxa Yared u arko awood iyo meel ay TPLF ku wanaagsan tahay, Hudson wuxuu u arkaa daciifnimo. Wuxuu sheegay in TPLF ay weli "ku xayiran tahay waayihii hore", isla markaana ay sii waddo inay u dhaqanto sidii xisbi awoodda ku badan gobolka Tigray, inkastoo xaaladdu ay is beddeshay.

"Waa dhaqdhaqaaq aan horumar samayn, aan casriyeysnayn, isla markaana aan ballaaran," ayuu yiri.

Inkasta oo Hudson uu ku doodayo in TPLF aysan awood u lahayn inay sii waddo olole milatari oo ballaaran, afhayeenka TPLF ayaa sheegay in jabhaddu hubka iyo sahayda kale ee milatari ay ka hesho ciidamada Itoobiya.

"Waxaan hubka ka qabsannaa cadowgeenna, hubka soo galay Tigrayna, goor dambe ama ha dhowaataba, annagaa yeelan doonna," ayuu yiri.

Horraantii bishii Oktoobar, dad goobjoogayaal ah ayaa BBC-da u sheegay inay Tigray ku arkeen ciidamo ka tirsan Eritrea, xilli ay jireen warar sheegaya inay taageerayeen TPLF.

Hase yeeshee, ciidamadaasi waxay u muuqdaan inay dalkooda dib ugu laabteen, Hudson-na wuxuu aaminsan yahay in Eritrea ay ka fiirsan doonto inay sii dhex gasho colaadda.

"Marka koowaad, Eritrea ma haysato dhaqaale iyo awood aan xad lahayn. Marka labaad, TPLF hadda ma aha ciidan milatari oo wax ku ool ah, waxaana laga yaabaa in hoggaamiyeyaasha Eritrea ay go'aamiyeen in taageeridda jabhadda xilligan aysan keeni doonin guulo milatari oo la taaban karo," ayuu yiri.

"Marka saddexaad, Eritrea waa inay tixgelisaa khatarta ka dhalan karta inay iska horimaad la gasho Itoobiya haddii ay si cad u taageerto TPLF."

Ilo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in xubno sare oo ka mid ah hoggaanka siyaasadeed ee TPLF ay muddo kooban saldhig ku lahaayeen Eritrea. Hase yeeshee, waxay sheegeen in mas'uuliyiinta Eritrea ay amreen inay dalka ka baxaan horraantii bishii Nofeembar, wax yar kadib markii madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, uu ka soo laabtay Ruushka.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, tallaabadan waxaa sabab u ahaa walaac laga qabay in Itoobiya ay joogitaanka xubnahaasi marmarsiiyo uga dhigato duullaan ay ku qaaddo Eritrea.

Hudson wuxuu sidoo kale ku dooday in xiriirka diblomaasiyadeed ee Eritrea ay dib ula yeelanayso Maraykanka, oo xiriirka kala dhexeeya TPLF uu muddo dheer xumaa, uu sii yareyn karo rabitaanka Asmara ee ah inay dhaqdhaqaaqa siiso taageero wax ku ool ah.

Bishii Sebtembar, toddoba kooxood oo mucaarad hubeysan oo Itoobiya ka jira, kuwaas oo ay hoggaaminayso TPLF, ayaa ku dhawaaqay sameysashada isbahaysi cusub oo loogu magac daray Alliance for Survival (Isbahaysiga Badbaadada), kaas oo ujeeddadiisu tahay in xilka laga tuuro dowladda Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Yared ayaa aaminsan in isbahaysigaasi uu TPLF siin karo awood ay dagaalka ku sii waddo.

"Xubnaha isbahaysigu waxay isku geyn karaan awoodahooda. Ciidanka TDF (garabka milatari ee TPLF) waxay leeyihiin khibrad hoggaamineed iyo awood abaabul, halka maleeshiyada Fano ee qowmiyadda Amxaarada la rumeysan yahay inay haysato inta u dhexeysa 70,000 ilaa 80,000 oo dagaalyahan ah.

"Haddii ay soo baxaan xaalado suuragelinaya in ciidamadaasi si wax ku ool ah isugu duubnaadaan oo ay u wada shaqeeyaan, dhibaatooyinka hadda haysta TPLF waxaa laga yaabaa inaysan muddo dheer sii socon," ayuu yiri.

Hase yeeshee, Hudson ayaa diiddan aragtidaas, isaga oo ku adkeysanaya in isbahaysigu uusan u badneyn inuu wax ka beddelo isu-dheellitirka awoodda dhinacyada.

"Uma maleynayo in isbahaysigan uu TPLF badbaadin karo. Maleeshiyooyinka qowmiyadeed ma aysan muujin inay leeyihiin awood, mid ahaan ama marka la isku daro, ay khatar weyn ku gelin karaan ciidamada dowladda federaalka. Waa inaan la dhayalsan awoodda ciidanka dowladda federaalka," ayuu yiri.

Abraha oo ka tirsan Jaamacadda Mekelle ayaa ku doodaya in colaadda Tigray ay si dhab ah u dhammaan doonto oo keliya haddii dowladda federaalku wax ka qabato dareenka ka jira gobolka ee ah in dowladda hadda jirta ay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba hareer martay.

Hase yeeshee, dad badan oo ka tirsan dadka saamaynta ku leh Tigray iyo dadka indha-indheeya siyaasadda ayaa weli ka shaki qaba ujeeddooyinka dowladda federaalka. Waxay is weydiinayaan in mas'uuliyiinta Addis Ababa ay dhab ahaantii doonayaan inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka Tigray, iyo in kale inay ka faa'iideysanayaan tabar-darrida gobolka si ay u ballaariyaan saamayntooda.

Dhanka kale, dad badan oo rayid ah oo ku nool Tigray ayaa sheegaya in waxa ay mudnaanta siinayaan ay tahay nabad.

"Nabadda waxay u muuqataa mid dib u dhacaysa. Dadka intooda badan way ka daaleen siyaasadda. Wax kasta oo dhaca, waxa keliya ee aan dooneyno waa nabad iyo fursad aan dib ugu dhisanno nolosheenna," ayay tiri Firut oo ka hadleysay goobteeda qurxinta timaha ee magaalada Mekelle.