Degdeg: Sanbaloolshe oo BBC-da uga warramay qorshihiisa iyo waxa ka jira in dowlado shisheeye ay garab siinayaan

Xigashada Sawirka, Google
Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Sanbaloolshe isla markaaa horey u soo noqday taliyaha Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NIS, ayaa sheegay in sababta uu tagay magaalada Beledweyne ay tahay in uu ku dareen noqdo dadka uu ka soo jeedo ee gobolka Hiiraan.
Wuxuu si adag uga horyimid hadalkii madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya uu shalay ka sheegay magaalada Jowhar ee ahaa in reer Hiiraan la siiyay caasimadda, isagoo ku tilmaamay arrinkaas jeesjees iyo wax aan madaxweynaha shaqadiisa ahayn.
Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa sidoo kale sheegay in aanu aqoonsaneyn madaxda Hirshabeelle ee hadda la doortay, waxaana uu hoosta ka xariiqay in xuquuda dadkiisa ka maqan ay ku raadsanayaan wadahadal iyo hannaan nabad ku saleysan.
Sidoo kale BBC-da ayaa waydiisay su'aalo badan oo ku saabsan waxa ka jira in dowlado shisheeye ay taageerayaan isla markaana uu dagaal gobolka ka abaabulayo.
Halkaan hoose ka dhageyso waraysiga oo dheer.


















