"Soomaalinimadu wax walba ayay ii tahay": Ramla Cali oo BBC uga warrantay guusheedii taariikhiga ahayd
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
- Published
- Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo
Feeryahannadda Soomaaliyeed ee Ramla Cali, oo markii ugu horreysay ku guuleysatay laba suun oo horyaalka feerka adduunka ah, ayaa BBC-da uga warrantay dareenkii ay la kulantay markii guusheeda lagu dhawaaqay, geeridii aabbaheed oo saameyn weyn ku yeelatay iyo muranka ka dhashay go'aankii garsoorayaasha.

Xigashada Sawirka, Ramla Ali
Markii magaalada Arlington ee gobolka Texas looga dhawaaqay in Ramla Ali ay ku guuleysatay horyaalka feerka adduunka, jilbaha ayay dhulka dhigatay, iyadoo ilmo ka qubanayso indhaheeda.
Waxay ahayd daqiiqad ay sannado badan sugaysay, balse qofkii ay jeclaan lahayd inuu la wadaago farxaddaas ma joogin. Aabbaheed ayaa geeriyooday bishii May ee sanadkan.
Wareysi gaar ah oo ay siisay BBC Somali, ayay Ramla ku sheegtay in xusuusta aabbaheed ay weheshanaysay intii uu socday tartankii ay guusha ka gaartay, isla markaana ay xasuustaasi ka caawisay inay sii dagaallanto xilli ay dareemaysay daal aad u badan.
"Markii magacayga lagu dhawaaqay, dareenkii oo dhan ayaa mar qura igu soo wada dhacay. Waxay ahaayeen sannado badan oo shaqo adag iyo naf-hurnimo ah. Waxyaabo badan ayaan seegay tababarka awgiis, sidaas darteed aad ayaan u qiirooday markii aan ugu dambeyn gaaray wixii aan doonayay." Ayay tiri Ramla.
Ramla ayaa Axaddii 8-da November ku guuleysatay suumanka WBO iyo IBF ee miisaanka super-bantamweight, kaddib markii ay toban wareeg oo feer ah la gashay feeryahannadda Mareykanka ah ee Mikiah Kreps.
Laba ka mid ah saddexdii garsoore ee qiimeynayay tartanka ayaa guusha siiyay Ramla, inkastoo go'aankaas uu dhaliyay muran ku saabsan cidda ku habbooneyd inay ku guuleysato.
Guushan ayaa noqotay markii ugu horreysay ee Ramla ay ku guuleysato horyaalka feerka adduunka, kaddib markii isku daygeedii hore ee sanadkii 2024 uu ku dhammaaday guuldarro ay kala kulantay feeryahannadda reer Mexico ee Yamileth Mercado.
Hase yeeshee, inkastoo ay hadda haysato labada suun, Ramla waxay sheegtay in weli aysan si buuxda u dareemin inay noqotay horyaalka adduunka.
"Weli iigama dhaadhicin guushaasi. Dadku way ii hambalyeynayaan, laakiin weli si dhab ah uma dareemin," ayay BBC-da u sheegtay.
"Waxaan u maleynayaa inay sababtu tahay inaan maalmo badan seexan. Waxaa laga yaabaa inaan maalin hurdada ka soo tooso oo aan nafteyda ku iraahdo, Ilaahayow mahaddaa! Waxaan noqday horyaalka adduunka."

Xigashada Sawirka, Ramla Ali
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ramla ayaa sheegtay in aabbaheed uu ahaa qofkii ay maskaxda ku haysay habeenkii tartanka, ayna hadalladii tababaraheeda iyo walaalkeed door weyn ka qaateen inay sii wadato feerka.
Waxay BBC-da u sheegtay in tababaraheedu uu ku dhiirrigeliyay inay xusuusato aabbaheed, intii ay qolka dharka lagu beddesho ku kululeynaysay jirkeeda ka hor tartanka.
"Tababarahayga ayaa igu yiri, xusuuso aabbahaa. Waxaad tan u sameyneysaa aabbahaa. Ducada Aabbahaa ayaa kula jirta, wuuna ku ilaalinayaa."
Waxay sheegtay in hadalkaas uu maskaxdeeda ku soo noqnoqonayay, gaar ahaan markii ay daashay.
"Walaalkay ayaa sidoo kale joogay geeska goobta feerka. Markii aan wareegyada qaarkood daalay, ayuu ii yimid oo dhegta iigu sheegay, guushan aabbe dartiis u keen."
"Hal daqiiqad oo aanan aabbahay ka fikirin ma jirin. Waxaan u maleynayaa inay taasi ahayd wixii i siiyay awoodda aan ku sii wadi karay tartanka."
Waxay sheegtay in aysan seexan saddexdii maalmood ee ka horreeyay tartanka, iyadoo walwal badan ka qabtay la kulanka Kreps, oo ay hore u wada tababaran jireen.
"Gabadhan waan aqaannay. Hore ayaan ula soo tababartay, kooxdeeduna waxay ahaan jirtay kooxdeydii," ayay tiri.
Waxay sidoo kale sheegtay inay ka murugaysnayd in xubno qoyskeeda ka mid ah aysan u suuragelin inay yimaadaan Mareykanka si ay tartanka u daawadaan.
"Jir ahaan aad ayaan u daallanaa. Wareeg kasta waxaan islahaa, ma awoodi karo inaan tan sii wado. Aad ayaan u daallahay."
Laakiin waxay sheegtay in tababaraheedu uu mar kasta ku celinayay inay aabbaheed xusuusato, taasina ay siisay dhiirrigelintii ay u baahnayd.
"Waxaan u maleynayaa inay ahaayeen erayadii dhiirrigelinta ee aan u baahnaa si aan u sii wado dagaalka. Waana sameeyay, alxamdulillaah."
Maxay Ramla ka tiri muranka guusheeda?
Inkastoo Ramla ay ku guuleysatay labada suun, natiijadii tartanka ayaa dhalisay dood ka dhex bilaabatay dadka falanqeeya feerka.
Tirakoobka CompuBox ayaa muujiyay in Mikiah Kreps ay ku dhacday 115 feer, halka Ramla ay ku dhacday 78 feer. Kreps ayaa sidoo kale ku badnayd tirada feerarka xooggan ee ku dhacay qofka ay la tartamaysay.
Ramla ayaa wareeggii saddexaad dhulka dhigtay Kreps, balse feeryahannada Mareykanka ah ayaa cadaadiska sii kordhisay wareegyadii xigay.
Saddexdii garsoore ayaa ku kala aragti duwanaaday natiijada. Laba ka mid ah ayaa Ramla siiyay 97-92 iyo 96-93, halka garsooraha saddexaad uu Kreps siiyay 98-91.
Farqigaas weyn ee u dhexeeyay dhibcaha ayaa su'aalo ka dhaliyay go'aankii tartanka.
Markii aan Ramla weydiinnay waxa ay ka qabto dadka aaminsan in Kreps ay ahayd inay ku guuleysato, waxay ku adkeysatay in ay sameysay wax ku filan inay guusha hesho.
"Tani waa ciyaarta feerka. Waa ciyaar dadku siyaabo kala duwan u qiimeeyaan, natiijadeedana waxaa go'aamiya aragtiyo kala duwan," ayay tiri.
Waxay sheegtay in ay u aragto in labada garsoore ee dhibcaha farqiga weyn ku kala saaray aysan caddaalad sameyn.
"Garsoorihii dhibcaha isku dhow siiyay ayaan u arkaa inuu ahaa kan ugu saxnaa. Waxaan aaminsanahay inaan sameeyay wax igu filan inaan ku guuleysto."

Xigashada Sawirka, Ramla Ali
Markii aan weydiinnay haddii ay diyaar u tahay tartan kale oo ay la gasho Mikiah Kreps si loo soo afjaro muranka, Ramla waxay bixisay jawaab cad.
"Boqolkiiba boqol. Boqolkiiba boqol. Marka xigta waa inaan London ku qabannaa tartanka si aan muranka u soo afjarno, hubaal," ayay tiri.
Hadalka Ramla ayaa muujinaya inay diyaar u tahay in mar kale ay wajahdo haweeneyda ay hadda ka qaaday labada suun ee horyaalka adduunka.
Hase yeeshee, weli lama shaacin heshiis ama qorshe rasmi ah oo ku saabsan in labada feeryahan mar kale tartamaan.
Nolosha Ramla iyo safarka ay usoo martay guusheeda
Nolosha Ramla Ali waxay soo martay marxalado kala duwan, laga soo bilaabo carruurnimadeedii Soomaaliya ilaa ay noqotay ciyaaryahan caalami ah.
Waxay ku dhalatay Soomaaliya, balse qoyskeeda ayaa dalka ka qaxay xilligii dagaallada sokeeye, kaddib markii walaalkeed uu ku dhintay rabshadihii dalka ka socday.
Qoyska ayaa ugu dambeyn gaaray Ingiriiska, halkaas oo Ramla ay ku soo kortay, kuna bilowday ciyaarta feerka.
Ramla waxay noqotay ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Soomaaliya ku matala feerka ciyaaraha Olombikada, markii ay ka qaybgashay tartankii Tokyo ee la qabtay sanadkii 2021.
Ka hor intaas, waxay sidoo kale noqotay haweeneydii Muslimadda ahayd ee ugu horreysay ee ku guuleysata horyaalka feerka hiwaayadda ee England.
Laakiin waddada ay ku gaartay heerkaas ma ahayn mid sahlan.
Ramla ayaa hore uga hadashay sida ay ciyaarta feerka ugu bilowday iyadoo qoyskeeda ka qarinaysa, maadaama ay ka baqaysay sida ay uga falcelin doonaan.
Guushii ay hadda gaartay ayaa u timid kaddib sannado ay ku jirtay ciyaarta, iyadoo la kulantay caqabado, dhaawacyo iyo guuldarrooyin.
Markii aan weydiinnay waxa ay labada suun uga dhigan yihiin marka ay dib u eegto nolosheeda, waxay ku jawaabtay:
"Waxaan soo maray dhibaatooyin iyo halgan badan. Soomaaliya dagaal sokeeye ayaa ka dhacay. Walaalkay waa la dilay. Sidaas darteed waxaan u nimid Ingiriiska, halkaas ayaanna degnay, waxaanan bilaabay ciyaarta feerka."
Waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay, iyadoo guusheeda u nisbeeysay qadarka Alle.
"Balse inaan tan u sameeyo dalkayga, inaan dalkayga u noqdo horyaalka adduunka, inaan noqdo haweeneydii ugu horreysay ee dalkayga u keenta horyaal adduun oo ciyaar kasta ah, waa guul aad u weyn," ayay tiri.
Ramla ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in guusheeda ay dhiirrigelisay dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed.
"Waxaan ku dhiirrigeliyay gabdho iyo wiilal badan inay ku riyoodaan waxyaabo waaweyn. Waxaan sidoo kale dadka ku dhiirrigeliyay inay Soomaaliya u arkaan wax ka baxsan dagaal, macaluul iyo burcad-badeednimo."
"Hadda waxaa nala eegi doonaa si wanaagsan, insha Allaah."
"Soomaalinimadu wax walba ayay ii tahay"
Ramla ayaa si gaar ah uga hadashay taageeradii ay ka heshay Soomaalida ku nool Mareykanka intii uu socday tartankii Texas.
Waxay sheegtay in markii ay halkaas tagtay aysan aqoon dad badan, balse tiro Soomaali ah ay markii dambe isu soo abaabuleen inay taageeraan.
"Soomaalinimadu wax walba ayay ii tahay. Aad ayaan ugu faanaa inaan Soomaali ahay," ayay tiri.
"Texas cidna kama aqoon. Waxaan saaxiib la noqday dad kooban, taasina waxay keentay in ku dhowaad 200 oo Soomaali ah ay yimaadaan si ay ii taageeraan."
Waxay sheegtay in intii uu tartanku socday ay maqleysay taageerayaasheeda oo ku dhawaaqaya magaceeda.
"Waxa keliya ee aan maqlayay wuxuu ahaa, 'Ali, Ali, Ali'."
"Sababtuna waa inay yihiin dadkaygii. Annagu waan isu soo baxnaa, waanan is taageernaa. Taasina waa macnaha dhabta ah ee Soomaalinimada."
Guusha Ramla ayaa timid xilli gabdho badan oo Soomaaliyeed ay weli caqabado kala kulmaan ka qaybgalka ciyaaraha qaarkood.
Waxaa jira gabdho Soomaaliyeed oo ku nool gudaha dalka iyo xeryaha qaxootiga, kuwaas oo laga yaabo inay ku riyoodaan inay noqdaan ciyaartoy, balse aan haysan fursadihii ay ku gaari lahaayeen himiladooda.
Markii aan Ramla weydiinnay farriinta ay u direyso gabadh yar oo Soomaaliyeed oo daawanaysa guusheeda, waxay sheegtay inay jeclaan lahayd inay maqasho isla taladaas markii ay yareyd.
"Ha u arkin riyo kasta inay tahay mid aad u weyn oo aadan gaari karin," ayay tiri.
"Ku riyoo waxyaabo waaweyn. Himiladaadana meel sare gaarsii. Si aan tanaasul lahayn u diid inaad ka quusato dadaalka aad ugu jirto xaqiijinta riyadaada, hana u oggolaan qofna inuu ku hor istaago ama jidka kaa xiro."
Ramla oo dooneysa inay u wareegto sameynta filimada

Xigashada Sawirka, Ramla Ali
Nolosha Ramla Ali ayaa dhawaan laga sameeyay filim lagu magacaabo In the Shadows, kaas oo ka sheekeynaya carruurnimadeedii Soomaaliya, qaxii qoyskeeda, nolosheedii Ingiriiska iyo safarkeedii ciyaaraha Olombikada.
Filimka oo uu agaasimay Anthony Wonke ayaa waxaa Ramla matalaysa atariishada Jasmine Jobson.
Ramla ayaa BBC-da u sheegtay inay ku faraxsan tahay in filim laga sameeyay nolosheeda iyadoo weli ah ciyaaryahan si firfircoon u tartama.
"Caadi ahaan dadka filimada noloshooda laga sameeyo waa kuwa ciyaaraha ka fariistay ama gaaray da'da 60 ama 70 jir," ayay tiri.
"Markaa waa wax aad u wanaagsan inaan ogaado inuu jiro qof doonaya inuu sheekadeyda ka sameeyo filim. Alxamdulillaah."
Markii aan weydiinnay waxa ay mustaqbalka qorsheyneyso, Ramla waxay sheegtay inay jeceshahay inay u gudubto dhinaca sameynta filimada.
"Feerku weligiis ma soconayo. Ma sii feertami karo anigoo da' weyn. Aad ayay u adag tahay."
"Sidaas darteed, waxaan aad u jeclaan lahaa inaan u gudbo dhinaca filimada iyo sameyntooda. Insha Allaah, waxaan rajeynayaa inay taasi noqoto tallaabadeyda xigta."
Waxay intaas ku dartay inay doonayso inay ka sheekeyso nolosha dad kale oo ay aaminsan tahay in sheekooyinkoodu mudan yihiin in la maqlo.
"Waxaan rajeynayaa inaan ka sheekeeyo sheekooyin kale oo mudan in la sheego, sida sheekadeyda oo kale."
Ramla Ali ayaa hadda haysata laba suun oo horyaalka feerka adduunka ah, iyadoo weli aysan go'aansan xilliga ay ka fariisan doonto ciyaarta.
Guusheeda Texas waxay sidoo kale dib u soo celisay su'aasha ku saabsan cidda ay xigta la tartami doonto, iyadoo iyadu sheegtay inay diyaar u tahay inay Kreps mar kale kula kulanto London.

























