Sawirro cusub oo dayax-gacmeedku qaaday oo laga helay saldhigyada gantaallada ee Iran iyo baaxadda ay leeyihiin

Sawir ka kooban laba qaybood ayaa muujinaya, dhanka bidix, gantaallo Iiraan leedahay oo yaalla dhabaha diyaaradaha ee saldhig milatari, halka dhanka midigna laga arkayo hawlo dhisme oo ka socda goob kale.
    • Author, Shayan Sardarizadeh
    • Author, Benedict Garman
    • Author, Matt Murphy
    • Role, Vérification BBC
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Falanqayn lagu sameeyay sawirrada dayax-gacmeedyada ayaa muujinaysa in Iran ay u muuqato inay dhisme ballaaran ka waddo agagaarka ugu yaraan laba ka mid ah saldhigyadeeda waaweyn ee gantaallada, isla markaana ay dayactirayso saldhigyo ay waxyeello ka soo gaartay duqeymo cirka ah oo Maraykanka iyo Israa'iil ay muddo bilo ah wadeen.

Sawirrada dayax-gacmeedka ee la qaaday bishii November ayaa muujinaya raadadka dhul-qodista iyo dhismayaal cusub oo laga sameeyay saldhigga milatari ee Garmdareh, oo ku yaalla Karaj, una dhow caasimadda Tehran, iyo saldhigga Shahroud ee waqooyiga dalka.

Arrintan waxaa BBC Verify u sheegay falanqeeyayaal ka tirsan shirkadda sirdoonka ee MAIAR ee fadhigeedu yahay Britain, kuwaas oo baaray sawirrada.

Ugu yaraan 12 goobood oo kale oo milatari, oo ay ku jiraan xarumaha gantaallada iyo saldhigyada diyaaradaha, ayaa sidoo kale u muuqda inay ka socdaan hawlo dayactir ah.

Saldhigga gantaallada ee Kermanshah, oo ku yaalla galbeedka Iran, una dhow xuduudda Ciraaq, ayaa dhismayaashii burburay dushooda laga dhisay saqafyo cusub. Dhanka kale, dhismayaal burburay iyo haraadiga waxyaabihii ku burburay xarunta milatari ee Parchin, oo dhanka bari kaga beegan caasimadda, ayaa laga nadiifiyay.

Xarunta Parchin ayaa marar badan dib loo dayactiray, inkasta oo ay hore u beegsadeen duqeymo cirka ah oo isdaba joog ah.

Jim Lamson, oo hore uga tirsanaa falanqeeyayaasha hay'adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, kuna takhasusay arrimaha Iran, ayaa sheegay in dhul-qodista ka socota agagaarka saldhigga Shahroud ay xiriir la yeelan karto soo saarista gantaallada.

Waxa uu sharaxay in maadaama saldhigga diyaaradaha ee Shahroud ee ku dhow halkaas dhowr jeer la weeraray sannadihii u dambeeyay, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ay u badan tahay inay doonayaan inay xarumaha wax-soo-saarka gantaallada u wareejiyaan dhulka hoostiisa.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Falanqeeye ka tirsan shirkadda MAIAR ayaa sheegay in Iran ay caado u leedahay inay kaabayaasha milatari dhulka hoostiisa ku aastaan, si ay uga ilaaliyaan weerarro kale oo dhici kara.

Mark Mellett, oo ah falanqeeye dhanka difaaca ah, horena u soo noqday taliyihii ciidamada qalabka sida ee Ireland, ayaa sheegay in dhisidda xarumo dhulka hoostiisa ah ay sidoo kale adkeynayso in dadka dibadda jooga ay ogaadaan baaxadda xarumahaas iyo heerka ay u diyaarsan yihiin hawlgallada milatari.

Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa sii kordhay mala-awaalka ku saabsan suurtagalnimada in Maraykanku dib u bilaabo weerarrada ka dhanka ah Iran, kaddib doorashadii xilliga dhexe ee dalkaas ka dhacday horaantii toddobaadkan.

Si kastaba ha ahaatee, Arbacadii, Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa sheegay in dagaalka Iran uusan shacbiyadda ku lahayn codbixiyeyaasha, isla markaana uu taasi sabab u noqon karto natiijadii liidatay ee xisbiga Jamhuurigu ka gaaray doorashadii toddobaadkan.

Waxa uu ku andacooday in dagaalku sababay in xisbigiisu lumiyo gacan-ku-haynta Aqalka Senate-ka muddo lix sano ah.

Dhowr saldhig oo ku yaalla gudaha Iran, ciidamada dalkaas ayaa diiradda saaraya dayactirro kooban oo ay ka sameynayaan xarumo milatari oo ay si weyn u waxyeelleeyeen duqeymaha cirka tan iyo markii uu billowday dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ay kula jiraan Iran.

Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha, sawirrada dayax-gacmeedka ayaa u muuqda inay muujinayaan in hawlo dhisme oo waaweyn lagu soo gabagabeeyay goobta Taleghan 2, oo ka tirsan xarunta milatari ee Parchin.

Dhismayaashii burburay ayaa la dumiyay, halka burburkii ka dhashay weerarrada lagu qaaday god dhulka hoostiisa ku yaalla dib loo dayactiray laguna xoojiyay shub.

Mid ka mid ah sawirada

Sawirrada dayax-gacmeedka ee laga qaaday Karaj iyo Shahroud ayaa muujinaya in halkaas ay ka socdaan hawlo waaweyn oo dhul-qodis iyo dhisme ah.

Sawirrada Karaj waxaa ka muuqda gaadiid dhowr ah, waxaana sidoo kale muuqata in wax laga beddelay oo la hagaajiyay saldhigga diyaaradaha ee ku dhow.

Sam Lair, oo ah falanqeeye cilmi-baaris ka tirsan Machadka Cilmi-baarista Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka (FPRI), ayaa sheegay in sawirrada Karaj ay u muuqdaan inay muujinayaan "albaab cusub oo laga sameeyay xarun dhulka hoostiisa ku taalla". Waxa uu si faahfaahsan u baaray isbeddelladii ugu dambeeyay ee ka dhacay goobaha milatari ee Iran.

Dhanka kale, Sean O'Connor oo ah falanqeeye ka tirsan shirkadda sirdoonka ee Janes, ayaa sheegay in aysan u badnayn in hawlahan dhisme ay qayb ka yihiin isku day Iran ay ku marin-habaabineyso hay'adaha sirdoonka shisheeye.

Waxa uu intaa ku daray in mashruuc noocaas ahi uu noqon lahaa mid qaali ah, isla markaana aanay u badnayn inuu si weyn u guuleysto.

Isbeddelladan ayaa imanaya xilli Aqalka Cad uu marar badan sheegay in duqeymaha Maraykanka iyo Israa'iil ay wiiqeen awoodda ciidamada qalabka sida ee Iran.

Madaxweyne Donald Trump ayaa awoodda milatari ee Iran ku tilmaamay mid ay ku habsatay "masiibo dhab ah".

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa hore u sheegay in Maraykanku uu burburiyay ilaa 90 boqolkiiba xarumihii warshadaha Iran ee soo saari jiray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallada riddada dheer iyo maraakiibta.

Waxa uu sidoo kale sheegay in si weyn loo wiiqay awoodda Iran ay ku qaadi karto weerarro ay adeegsanayso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada.

Hase yeeshee, Iran ayaa sheegaysa inay weli haysato kayd badan oo gantaallo ah.

Sawirro uu telefishinka dowladda Iran baahiyay toddobaadkan ayaa la sheegay inay muujinayaan tobannaan gantaal oo la gelinayo xarun dhulka hoostiisa ku taalla koonfurta dalka.

Bishii August ee sannadkii hore, muuqaallo uu baahiyay telefishinka dowladda ayaa sidoo kale muujiyay gantaallada difaaca cirka ee Khordad oo ka soo baxaya god ku yaalla meel u dhow magaalada Bandar Abbas ee koonfurta Iran.

Gantaallo difaaca cirka ah oo ay Iran leedahay ayaa lagu arkay saldhigga milatari ee Bandar Abbas. Waxay u muuqdaan kuwo lagu rarayo gaari xamuul ah oo ka soo baxaya hangar albaabkiisu furan yahay.

Falanqeeye ka tirsan shirkadda MAIAR ayaa sidoo kale aqoonsaday dhismayaal cusub iyo hawlo dhul-qodis ah oo ka socda bannaanka laga galo godad ku dhow magaalada Qom, halkaas oo u dhow xarunta Fordo ee lagu kobciyo uranium-ka, taas oo ay dhowr jeer duqeeyeen Maraykanka iyo Israa'iil.

Mark Cancian, oo ah falanqeeye milatari kana tirsan barnaamijka amniga caalamiga ah ee xarunta CSIS, ayaa sheegay in hawlahan la xiriira milatariga ay muujinayaan in Tehran ay isu diyaarinayso weerarro kale oo uga iman kara Maraykanka iyo Israa'iil.

"Ujeeddadu waa in si wanaagsan la isaga difaaco weerarrada mustaqbalka," ayuu yiri. Waxa uu intaa ku daray in arrintani sidoo kale muujinayso in Iran ay mudnaan siinayso dib u dhiska awooddeeda milatari, halkii ay xoogga saari lahayd soo nooleynta dhaqaalaha.