Maxkamad go'aan ka soo saartay codsiga BBC-da ee laalista dacwadda Trump

Trump
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Maxkamad federaal ah oo ku taalla gobolka Florida ee Maraykanka ayaa diidday codsiga BBC-da ee ahaa in la laalo dacwadda sumcad-dilista ah ee uu Madaxweyne Donald Trump ku dalbanayo magdhow dhan 10 bilyan oo dollar.

Garsoore Jeffrey Kuntz ayaa go'aamiyay in eedeymaha Trump ay ku filan yihiin in dacwaddu u gudubto marxaladda xigta, balse wuxuu laalay qayb kale oo dacwadda ka mid ahayd oo la xiriirtay sharciga ganacsiga ee gobolka Florida.

Trump ayaa BBC-da dacweeyay, kaddib markii barnaamij documentary ah lagu daray laba qaybood oo kala duwan oo ka mid ahaa khudbad uu jeediyay ka hor weerarkii 6-dii January 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka Maraykanka. Wuxuu BBC-da ku eedeeyay inay si ula kac ah u tafatirtay khudbadda, si ay u muujiso inuu taageerayaashiisa ku dhiirrigeliyay rabshado.

BBC-da ayaa hore uga raalli-gelisay khaladka tafatirka, iyadoo qiratay in barnaamijku abuuray sawir khaldan oo muujinaya in Trump uu si toos ah ugu baaqay rabshado.

BBC-da ayaa maxkamadda ka codsatay in dacwadda la laalo, iyadoo ku doodday in barnaamijka aan laga baahin Maraykanka, balse garsooruhu wuu diiday codsigaas.

Si kastaba, garsooruhu wuxuu caddeeyay in go'aanka hadda la gaaray uusan ka dhignayn in Trump ku guuleystay dacwadda, balse uu kaliya oggolaanayo in dacwaddu sii socoto. Go'aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan eedeymaha iyo magdhowga ayaa la gaari doonaa marxaladaha dambe.

Trump ayaa go'aanka ku tilmaamay guul weyn, halka afhayeen u hadlay BBC-da uu sheegay inay la yaabeen go'aanka, balse ay ixtiraamayaan awoodda maxkamadda, isla markaana ay sii wadi doonaan difaacooda sharci.

Intii dacwaddu socotay, qareennada Trump ayaa sidoo kale qirtay inaysan hayn caddeyn muujinaysa in documentary-ga laga heli karay Maraykanka adeegyada kala duwan ee BBC-da. Trump ayaa markii dambe oggolaaday in BBC Studios laga saaro dacwadda, maadaama shirkaddu sheegtay inaysan wax door ah ku lahayn diyaarinta iyo soo saarista barnaamijka.

Trump iyo BBC
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Go'aankaan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan garsoore Mareykan ah uu Madaxweyne Donald Trump ku amray inuu ugu dambayn 11-ka Diseembar ka jawaabo su'aalo dhaar la socoto oo la xiriira dacwadda sumcad-dilka ee uu ka gudbiyay BBC-da.

Charles Tobin, oo ah qareen matalaya BBC-da, ayaa maxkamadda ka sheegay in iyadoo ay laba bilood ka harsantahay muddada xog-ururinta dacwadda, haddana aan weli la helin fursad Trump su'aalo lagu weydiiyo.

Trump ayaa baajiyay wareysi maxkamadeed oo loo qorsheeyay 16-kii Oktoobar, isaga oo sabab uga dhigay "arrimo muhiim u ah qaranka", xilli uu olole ka waday gobolka Georgia.

Sharciga Mareykanka, wareysiga noocan ah waa su'aalo-jawaab dhaar lagu marayo oo ka dhaca bannaanka maxkamadda, lana duubo si loogu adeegsado dacwadaha dambe.

Garsooraha qaabilsan kiiska, Enjoliqué Lett, ayaa sheegay in Trump ay waajib ku tahay inuu ka qayb galo wareysigaas ugu dambayn 11-ka Diseembar, haddii aan muddada xog-ururinta dacwadda la kordhin.