Ma tahay qof aan cunnada iska celin karin xilliga jiifka? Talo ayaa laguu hayaa.

- Author, Nick Triggle
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Casho ayaad cuntay, si fiican ayaadna u dheragtay, haddana nus saac ka dib, waxaad bilaabaysaa inaad jikada ka dhex raadiso wax aad cunto. Ma wax kugu cusub baa?
Cilmi baaris ayaa tilmaamaysa in saddex meelood meel dadku ay cunto fudud cunaan habeen kasta cashada ka dib; dadka da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 24 sano, afar ka mid ah shantii qofba ma awoodaan inay is celiyaan.
Dr. Kristine Beaulieu oo ah dhakhtarad ku takhasustay nafaqaynta ayaa sheegtay in tani ay dhibaato keenayso. Waxay tilmaamaysaa caddaymo muujinaya in inta badan dadka wax cuna laba saacadood ka hor inta aysan seexan, ay sii badanayaan "suurtagalnimada" inuu miisaankiisu kordho ama ay cayilaan.
Haddaba, maxay rabitaanka cuntada ee xilliga habeenkii ugu badan yihiin? Maxaase la samayn karaa si loo xakameeyo rabitaankan?
Xilliga gaajadu ugu sarrayso waa fiidkii
In kasta oo aan waqti dheer ku qaadanno cunto la'aan marka aan hurudno, cilmi baaristu waxay soo jeedinaysaa in rabitaankeennu si dabiici ah u sarreeyo fiidkii, iyadoon loo eegin inta aan cunnay horraantii maalintii.
Bare James Betts oo ka tirsan jaamacadda Bath oo cilmi baaris ku sameeya sida jirku u maareeyo cuntada iyo tamarta ayaa sheegay in arrin weyn ay tahay in ghrelin-keena "hormoonka gaajada" uu guud ahaan sarreeyo qaybaha dambe ee maalinta.
"In kasta oo ay u badan tahay in cuntada la cadaadiyo, taasi waxay dhacdaa oo keliya ka dib cuntada ugu horreysa ee maalinta, maaha qadada ama cashada ka dib".
Laakiin wax in aad cunto sidoo kale waa muhiim. Cuntooyinka hodanka ku ah borotiinka iyo faybarka, iyo xaddigooda waxay u muuqdaan inay naga dhigaan kuwo qanacsan muddo dheer.
Betts wuxuu leeyahay haddii aan la helin cunto fiidki la cuno oo nafaqo leh ama dhereg leh waxay horseedi kartaa "in xilliyada dambe wax la cuno", taas oo dadku u arkaan cunto fudud.
Dadka kale cabsida ah in lala soo tooso gaajo habeenkii sidoo kale waa arrin jirta.
"Haddii cunto fudud ay inta badan arrintaas ka timaado, tilmaamaha ku xeeran waxay bilaabi karaan inay kiciyaan rabitaanka cuntada," ayay tiri Prof Suzanne Higgs, oo ah khabiir ku takhasustay rabitaanka cuntada ee Jaamacadda Birmingham.
"Tusaale ahaan, haddii qof uu badanaa cuno cunto fudud isagoo daawanaya TV-ga, waxay ka dhigi kartaa inuu dareemo inuu wax cunayo".

Maxaa loo jecel yahay mac-macaanka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ma aha oo kaliya dareenka gaajada kan kordha maalintaas gudaheeda. Cilmi baaris ayaa tilmaamaysa in rabitaankeenna cuntooyinka tamarta badan (calories-ka badan) uu sidoo kale sii xoogaysto; arrintan waxaa sababa nidaamka abaalmarinta ee maskaxda, halkii ay ka ahaan lahayd baahi dhab ah oo loo qabo tamar.
"Jeclaanteena iyo rabitaanka cuntooyinka dufanka badan leh ayaa ka badan kuwa gelinka dambe ee maalinta loo eego cuntooyinka dufanka yar," ayay tiri Beaulieu, oo waqtigeeda u kala qaybisa Jaamacadda Leeds iyo Jaamacadda Moncton ee Kanada.
"Dareenkaas xiisaha badan wuxuu ka gudbi karaa calaamadaha buuxa, taasoo naga dhigaysa inaan rabno inaan cunno cunto fudud ama aan cunno macmacaan inkastoo aan dheregsanahay".
Xitaa ka dib cunto badan oo fiidkii ah, cuntooyinka hodanka ku ah sonkorta, dufanka ama milixda ayaa sii wadi kara inay kiciyaan marinnada abaalmarinta ee maskaxda, taasoo ka caawinaysa sharraxaadda sababta dad badan ay u helaan wax ka badan.
Markaa markaad isku aragto inaad hor taagan tahay qasacadda buskudka 9-ka fiidnimo, waxaa laga yaabaa inaysan ahayn rabitaan la'aan. Bayoolajigaaga ayaa kaa adkaaday.
Mac-macaanka habeenkii hurdada ma hor istaagaa?
Caddeyntu waa isku dhafan tahay. Laakiin hubaal cunista cunto badan oo goor dambe ah waxay saamaysaa dheefshiidka iyo diyaargarowga caadiga ah ee jirka xilliga hurdada.
Ka warran cunto fudud? Halkan cilmi baaristu aa duma si cadaanayso.
Waxaa jira caddayn muujinaysa in cuntooyinka ay ku badan yihiin karbohaydraytyada la sifeeyey iyo cuntooyinka sonkorta lagu daray, laga bilaabo rootiga cad iyo bariiska cad ilaa buskudka iyo keega, ay la xiriiri karaan hurdo xumo.
Cilmi baarayaashu waxay u maleynayaan in tani ay sabab u tahay cuntooyinka noocaas ah inay keenaan isbeddello waaweyn oo ku yimaada heerarka sonkorta dhiigga waxayna beddeli karaan qaar ka mid ah calaamadaha hoormoonka ee ku lugta leh nidaaminta hurdada iyo rabitaanka cuntada.
Si kastaba ha ahaatee, ka hadalka sababta iyo saamaynta waa adag tahay. Dadka qaba hurdo xumada waxay u badan tahay inay cunaan cuntooyin sonkor leh.
"Hurdo la'aanta waxaa la ogyahay inaysan kaliya kordhin rabitaanka cuntada, laakiin sidoo kale ay sii kordhiso rabitaanka cuntooyinka tamarta badan leh" ayuu yiri Prof Jonathan Johnston, oo ah khabiir ku takhasusay saacadda hurdada iyo jirka ee Jaamacadda Surrey.
Waxay la macno tahay inay aad u adag tahay in la gaaro gunaanad adag oo ku saabsan in cunto fudud oo fiidkii dambe ah ay carqaladeyso hurdada, ayuu yiri Betts.
"xaqiiqada la hayo aad uma cadda waxaana laga yaabaa inay muujin karto in dadka qaar ay si kala duwan uga jawaabaan".
Sidee cunto fudud loogu cunaa qaab caafimaad leh?
Marka hore fahan waxa kugu jiidaya in aad cunno fudud raadiso.
- Haddii aad runtii gaajaysan tahay, waxay kaa caawin kartaa inaad cuntooyinka hore ka dhigto kuwo aad ka dhergi karto.
- Haddii cunto fudud ay caadi kuu tahay, beddelidda jadwalka iyo qorsheynta cuntooyinka fudud ee hore ayaa ku caawin kara".
Cunista adigoo mashquulsan, tusaale ahaan daawashada TV-ga, waxay dadka u horseedi kartaa inay wax badan cunaan sababtoo ah waxay si yar u fiiriyaan inta ay cuneen" ayuu yiri Higgs.
Laakiin looma baahna in gebi ahaanba la mamnuuco cuntooyinka fudud ee fiidkii, ayey tiri Beaulieu.
- Qayb ama xaddi macquul ah oo ka mid ah ayaa ah mid badanaa la joogteyn karo.
- Ku soco qaybo caafimaad qab leh sida furuutka, caano fadhi iyo lawska la heli karo.
- Xitaa shukulaato yar mar mar ma aha dhammaadka adduunka.
"Waa caadi in la cuno cuntooyinkaas lagu mac-macaansado mar mar si dhexdhexaad ah."
Xeeladdu, ayay tidhi, waa in xulashada caafimaadka qabta laga dhigo mid caadi ah.
"Haddii cuntooyinkaas la raaxaysto aysan si joogto ah ugu jirin armaajada oo ay tahay ikhtiyaar caafimaad leh, waxay la macno tahay inaad u badan tahay inaad doorato ikhtiyaarka caafimaadka qaba."






















