Guurkii shanta maalmood gudahood yeeshay farxada iyo murugada

Xigashada Sawirka, Jane
Shan maalmood oo keliya ka dib arooskeeda, Jane ayay heshay farriin qoraal ah oo nolosheeda gebi ahaanba isbeddel ku samaysay.
Ninkeeda cusub ayaa farriinta ugu soo qoray: "Waan ku furay, horayna waan kuu furay."
BBC-da oo go'aansatay inaan la shaacin magaceeda dhabta ah, balse magaceda laga dhigay Jane, ayaa sheegtay in ay ninkan 10 bilood ka hor kula kulmar bar internetka ah oo laga sameeyo guurka Muslimiinta oo la yiraahdo Muz.
"Arrintani aad bay iigu adag tahay. Waxaan u malaynayay in aan gelayay nolol guur, balse taa beddelkeeda waxaan galay riyooyinka ugu xun ee noloshayda," ayay tiri.
Xilligaas, Jane waxay aaminsanayd in ninka magaciisu yahay Adam, isla markaana uu ku nool yahay magaalada Manchester.
"Wax walba waxay ila muuqdaan wax aan caadi ahayn. Ma fahmin sababta ay dadku wax sidan oo kale ah u samaynayaan iyaga oo ujeeddadoodu tahay oo keliya in ay galmo helaan."
Jane, ayaa intaas ku dartay in ninku uu xiriirka la sii waday muddo lix bilood ah, isaga oo internetka farriimo ugu soo diri jiray, isla markaana ay ku wada xiriiri jireen wicitaanno muuqaal ah, ka hor inta uusan oggolaan in ay si fool ka fool ah u kulmaan.
Waxay BBC-da u sheegtay in ay aaminsanayd in xiriirkoodu ahaa mid dhab ah, isla markaana markii ninku markii dambe guur ka dalbaday, aysan wax shaki ah ka qabin dalabkaas.
Jane, waxay sheegtay in ninku uu u xaqiijiyay in uu jecel yahay, isla markaana uu doonayo in inta noloshiisa ka hartay uu iyada la qaato.
"Wuxuu ii sheegay in uu i jecel yahay oo uu doonayo in uu noloshiisa ila wadaago, sidaas darteed runtii ma jirin sabab aan uga shakiyo," ayay tiri.
Hase yeeshee, markii dambe ayan ogaaday in Adam uusan ahayn magaciisa dhabta ah, isla markaana uu hore u qabay xaas kale.
Dhanka kale, qareenka Adam, ayaa sheegay in ay gebi ahaanba diiddan yihiin eedeymaha Jane.
Labadii bishii Bishii Juun, Jane ayaa qaadatay diinta Islaamka qaadatay, waxay u safartay magaalada Brierfield ee gobolka Lancashire, halkaas oo lagu guursaday.
Nikaaxu waa heshiis ama xaflad guur oo Islaami ah, laguna fuliyo shareecada Islaamka.
Hase yeeshee, heshiisyada guurka noocan ah lama mid aha guurka sharciga ah, mana aha kuwo si sharci ah loogu aqoonsan yahay guur gudaha England iyo Wales.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jane, waxay sheegtay in ay doonaysay in guurkeeda lagu qabto magaaladeeda Glasgow, iyada oo ay hareeraha ka joogaan asxaabteeda iyo qoyskeeda, balse ninkii ay guursan lahayd uu u diiday in arooska lagu qabto Scotland.
Hadda, waxay dhacdadaas u aragtaa calaamad digniin ah oo muujinaysay in wax khaldan ay jireen.
"Scotland gudaheeda, guurka diiwaangashan ee sharciga ah iyo kan madaniga ah waa in isku mar la qabtaa," ayuu sharaxay.
"Isagu (Adam) wuxuu yiri: 'Maxay u doonayaan inay arkaan aqoonsigayga? Waxaan ula jeedaa, guurku waa hannaan aad u fudud, mana jirto wax sabab ah oo ay ugu baahan yihiin inay arkaan aqoonsigayga.'"
"Arrintaas aad bay uga caroodeen," ayay tiri.
Sida ay Jane sheegtay, xafladda guurka ee ka dhacday Brierfield waxaa goobjoog ka ahaa laba imaam oo markhaati ka ahaa nikaaxa. Xafladda ka dib, lammaanuhu waxay laba habeen ku wada hoydeen hoteel.
Hase yeeshee, shan maalmood oo keliya ka dib arooska, Jane waxay heshay farriin loogu sheegayay in guurkeedii uu dhammaaday.
Jane, ayaa sheegtay in dhacdadaasi ay ku reebtay naxdin iyo jahawareer xooggan, waxayna ku tilmaantay "guur been abuur ah".
Jane, waxay aaminsan tahay in dhibaatadii nafsiga ahayd ee ay soo martay ay ka mid tahay tacaddiyada shucuureed iyo kuwa galmada.
BBC-du waxay ogaatay in ninkaasi uu weli guur sharci ah iyo mid diini ah kula jiro haweeney kale.

Xigashada Sawirka, JANE
Jawaab faahfaahsan oo uu ninku soo mariyey qareennadiisa, ayuu ku sheegay in eedeymaha loo soo jeediyey ay qayb ka yihiin olole nidaamsan oo isaga ka dhan ah, kaas oo aan wax caddayn ah loo hayn. Wuxuu intaas ku daray in eedeymahaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn oo been abuur ah.
Wuxuu BBC-da u sheegay in macmiilkiisu uusan Jane ka qarin guurkiisii hore, sababtoo ah uusan waligiis arrintaas kala hadlin.
Qareenkiisa ayaa sidoo kale sheegay in ninku uusan qarin aqoonsigiisa intii ay socotay xafladdii guurka ee Jane, maadaama uu soo bandhigay laysinkiisa darawalnimada.
"Muujinta qoomamo weyn"
BBC-du waxay heshay nuqul ka mid ah shahaadada guurka oo masaajidku siiyey Jane, taas oo ay ku jiraan xog aan dhammaystirnayn iyo qaar khaldan.
Imaam Mufti Adeel Zaman, oo meherka qabtay, ayaa sheegay in guurku dhexmaray laba qof oo qaangaar ah, kuwaas oo si iskood ah u go'aansaday inay is guursadaan, isla markaana u muuqday kuwo faraxsan. Wuxuu sheegay inuusan u arkin inay mas'uuliyaddiisa tahay inuu arrinta intaas ka sii baaro ama su'aalo dheeraad ah weydiiyo.
"Waxaan si weyn uga xunnahay duruufaha ka dhashay arrintan," ayuu BBC-da u sheegay.
"Bilowgii, dadaalkeenna wuxuu ahaa inaan bixinno caawimaad iyo taageero ku habboon, inaan dhammaan dhinacyada si caddaalad ah ula dhaqanno, isla markaana aan faallooyinkeenna ku koobno arrimaha aan aqoon toos ah u leenahay."
Wuxuu qirtay inay jireen khaladaad laga sameeyay hubinta dukumentiyada aqoonsiga, balse wuxuu sheegay in isaga laftiisu uu gacan ka geystay ogaanshaha aqoonsiga dhabta ah ee ninkii Jane guursaday.
Golaha Masaajidda Lancashire, oo ku lug lahaa dadaallada dhexdhexaadinta ee ka dambeeyay burburkii guurka, ayaa sheegay in dadka qabanqaabiya xafladaha noocan ah ay waajib ku tahay inay sameeyaan hubinno ku habboon.
Goluhu wuxuu sheegay in dadka qabta xafladaha guurka ama meherka ay mas'uul ka yihiin inay si sax ah u xaqiijiyaan dukumentiyada aqoonsiga ee dadka ay arrintu khusayso iyo xogaha kale ee lagama maarmaanka ah.

Hay'adda New Beginnings, oo xarunteedu tahay magaalada Oldham ee Greater Manchester, isla markaana adeegyo siisa dadka qaadanaya diinta Islaamka, ayaa sheegtay inay la kulantay kiisas ay shakhsiyaad qaarkood isku dayeen inay khiyaaneeyaan dad kale oo ka tirsan bulshada Muslimiinta.
"Waxaan ognahay inay bulshadeenna dhexdeeda, gaar ahaan bulshada Muslimiinta, ku jiraan dad khiyaanooleyaal ah oo doonaya inay dadka kale sirtaan," ayuu yiri Bilal Brown, aasaasaha hay'adda.
Hay'addu waxay sheegtay in xiriirrada ama guurrada si aan caadi ahayn loo dedejiyo, ama aanay ku lug lahayn xubnaha kale ee qoyska, ay yihiin calaamado digniin ah oo muujin kara in arrintu aanay wanaagsanayn.
Wuxuu intaas ku daray in xaaladaha noocaas ah, dadka ku cusub diinta Islaamka ay si gaar ah ugu nuglaan karaan in laga faa'iidaysto.
Saima Afzal, oo hore u ahayd ku-xigeenka Taliyaha Booliska iyo Dambiyada ee Lancashire, ayaa barnaamijka BBC North West Tonight u sheegtay in guurrada Islaamiga ah ee aan sharci ahaan loo aqoonsan ay dhibaatooyin u horseedi karaan haweenka qaarkood.
"Waxaa jira dalool sharci oo la xiriira guurka, kaas oo marar badan la xuso. Dadkan dacwad kuma soo oogi karno, sababtoo ah guurka noocan ahi sharci ahaan looma aqoonsana guur gudaha UK," ayay tiri.
"Haddii aan dhinaca guurka dhinac iska dhigno oo aan eegno hab-dhaqanka halkan ka muuqda, waxaan wajahaynaa xaalad haweeney lagu dabtay dabin iyadoo la adeegsanayo khiyaano iyo sir. Taasi waa khiyaano cad."

Saima Afzal ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay waxa ay ugu yeertay "daloolka sharciga ee la xiriira guurka".
Dib-u-eegis madax-bannaan oo Baarlamaanka loo gudbiyay sannadkii 2018 ayaa lagu soo gabagabeeyay in tiro badan oo guurrada Islaamiga ah aan loo beddelin guurro madani ah oo sharci ahaan la aqoonsan yahay. Arrintaasina waxay sababtay in dadka qaarkood waayaan xuquuqaha iyo ilaalinta sharciga ee la xiriira guurka si rasmi ah loo aqoonsan yahay.
Dhanka kale, Booliska Scotland ayaa sheegay inaysan helin wax caddeyn ah oo muujinaysa fal-dembiyeed arrintan la xiriira oo ka dhacay Scotland.
Booliska Greater Manchester ayaa xaqiijiyay in laga codsaday inay baaraan cabasho ay Jane gudbisay.
Shirkadda Maz ayaa sheegtay in akoonkii qofkaasi uu si joogto ah uga xanniban yahay barnaamijkeeda.
"Waxaan ka dalbannaa isticmaaleyaasha inay caddeeyaan inay xaas leeyihiin ama guursadeen iyo in kale, haddii guurkoodu sharci yahay iyo haddii kaleba," ayuu yiri madaxa shirkadda, Shahzad Younis. "Haddii ay guursadeen, waxaan ka xannibnaa isticmaalka barnaamijka marka ay marayaan marxaladda diiwaangelinta."
Shirkaddu waxay sheegtay inay habraaceeda hubinta joogtada ah ku xaqiijiso iimaylka, lambarka taleefanka, qalabka la isticmaalayo iyo sawirka wejiga (selfie), halka xaqiijinta dukumentiyada aqoonsiga aanay khasab ahayn.
Bogga qofka isticmaala barnaamijkana waxaa ka muuqda hubinnada la dhammaystiray iyo kuwa aan weli la samayn.
Jane waxay sheegtay inay doonayso in kiiskeedu gacan ka geysto ilaalinta haweenka kale, si aanay ugu dhicin xaalado la mid ah tii iyada ku dhacday.
"Tani waa dhibaato ka dhex jirta bulshadeenna. Haddii aan caawin karo haweeney nugul oo xaalad la mid ah tii aan anigu ku jiray ku jirta, taasi waxay ii noqon lahayd guul," ayay raacisay.

























