Netanyahu mise Eisenkot: Warbaahinta Israa'iil oo ka doodaysa cidda dhisi karta dowladda cusub ee Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa ismariwaa uu ka taagan yahay dhismaha dowlad cusub oo Israa'iil yeelato, kadib markii isbahaysiga uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu uu ku guuldarreystay inuu helo aqlabiyad.
Munaasabadda dhaarinta xildhibaannada cusub ayaa talaadadii ka dhacday baarlamaanka Israa'iil, balse wada-hadallada ku saabsan dhismaha dowladda cusub ayaa weli socda.
Ra'iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa ku guuldarreystay inuu doorashadii guud ka helo aqlabiyad baarlamaanka ah, hase yeeshee mucaaradkiisa ugu waaweyn ayaan iyaguna haysan waddo cad oo ay xukunka kula wareegi karaan.
Xildhibaannada la doortay ayaa xilka loo dhaariyey 27-kii Oktoobar. Dhanka kale, Jeneraal hore Gadi Eizenkot ayaa dadaal ugu jira sidii uu isugu keeni lahaa isbahaysi siyaasadeed oo soo dhisa dowlad cusub.
Madaxweynaha Israa'iil ayaa Axaddii Gadi Eizenkot u xil saaray inuu soo dhiso dowlad cusub.
Hase yeeshee, Eisenkot iyo xulafadiisa iyaguna aqlabiyad ma haystaan, ilaa haddana wax heshiis ah kama aysan gaarin xisbiyada ay taageeradooda ku heli karaan awoodda.
Haddii xulafada Eisenkot iyo Netanyahu ay ku fashilmaan dhisidda dowlad isbaheysi ah, markaas Israa'iil waxaa laga yaabaa in doorasho mar kale aado.
Dhanka kale, doodda ku saabsan fursadaha dhisidda dowladda ayaa sii xoogeysatay gudaha warbaahinta Israa'iil.
Ka hor dhaarintii xildhibaanada cusub, 10-kii Nofeembar warbaahinta Israa'iil waxay falanqeysay mustaqbalka baarlamaanka cusub ee Israa'iil iyo fursadaha horyaalla.
Xubnaha baarlamaanka waxay xilka u dhaarteen iyadoo aan weli la garanayn cidda baarlamaanka hoggaamin doonta iyo cidda noqon doonta Ra'iisul Wasaaraha.
Warbaahinta Israa'iil waxay sidoo kale si gaar ah diiradda u saartay caqabadaha haysta Eisenkot.
'Fursadda doorasho mar kale'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Xilitaanka maanta ee baarlamaanka Israa'iil ayaa bilaabaya tirinta maalmaha ka harsan doorasho kale," ayuu qoray wargeysku.
Telefishinka Channel 13 oo taageera siyaasadda dhexdhexaadka ah ayaa sheegay in doorasho labaad ay u badan tahay haddii xisbiyada siyaasadeed ay ku guuldarreystaan inay sameeyaan tanaasullo adag.
Telefishinku wuxuu sheegay in doorasho cusub ay kaliya ka dhigan tahay "culays dheeraad ah oo ku yimaada jeebabka shacabka, kala qaybsanaan badan iyo xasillooni-darro."
Qoraa ka tirsan wargeyska The Marker ayaa tilmaamay kala duwanaanshaha aragtiyaha ee ka dhex jira garabka ka soo horjeeda Netanyahu, kuwaas oo wiiqi kara isbahaysiga la doonayo in dowlad cusub lagu dhiso.
Sida ay warbixintu sheegtay, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Israa'iil, Naftali Bennett iyo xisbiga garabka bidix ee Dimuqraadiga ayaa isku dhinac ah, halka ay ka soo horjeedaan siyaasiga garabka midig ee Avigdor Lieberman iyo xisbiyada Yuhuudda aadka u mayalka adag ee laga yaabo inay xulafo la noqdaan.
Lieberman oo ka tirsan garabka midig ayaa tan iyo doorashadii isku dayayay inuu garabkiisa ku soo jiito xisbiyada Yuhuudda, taas oo qayb ahaan uu uga gol leeyahay inuu ka hortago wada-shaqayn dhex marta xisbiyada matala aqlabiyadda Falastiiniyiinta.
Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Yuhuudda aadka u muxaafidka ah ayaa ku adkaysatay in garabkoodu aanu ka tirsanayn mid ka mid ah dhinacyada siyaasadeed.
"Annagu ma nihin garabka bidix, mana nihin garabka midig," ayuu qoray wargeyska Yated Ne'eman oo xiriir la leh garab ka tirsan xisbiga United Torah Judaism.
Wargeysku wuxuu sheegay in bulshada Yuhuudda ee myalka adag "taagan tahay garab gaar ah oo iyada u gooni ah."
Wargeysku wuxuu sidoo kale hoggaamiyeyaasha xisbiyada uga digay inay ka fogaadaan fikirka ku dhisan kala qaybsanaanta garabyada.
Isku dayga lagu doonayo aqlabiyadda baarlamaanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wargeyska garabka bidix u janjeera ee Haaretz ayaa sheegay in uu jiro "degdeg" ku aaddan dhismaha dowlad cusub oo ka dhex jira garabka ka soo horjeeda Benjamin Netanyahu.
Wargeysku wuxuu sheegay in Eisenkot uu wajahayo caqabadda ah inuu soo dhiso dowlad "xaalado ku dhow wax aan suurtagal ahayn."
Shabakadda wararka ee Ynet oo taageerta siyaasadda dhexdhexaadka ah ayaa sheegtay in baarlamaanka cusub ee Israa'iil (Knesset) uu isu diyaarinayo inuu bilaabo olole sharci-dejin degdeg ah, kaas oo uu hoggaaminayo xisbiga Yashar ee Eisenkot.
Sida ay sheegtay Ynet, xisbiga Yashar wuxuu doonayaa inuu sii haysto xilka muhiimka ah ee guddoomiyaha baarlamaanka, halka xilalka kale ee guddiyada baarlamaanka loo qaybin karo xulafada Eisenkot.
Warbaahinta ayaa Matan Kahana, oo hore u soo noqday wasiirka adeegyada diinta, ku tilmaantay shaqsi suuragal ah in loo magacaabo xilkaas.
Tifaftiraha arrimaha siyaasadda ee Channel 14 oo taageera Netanyahu ayaa sheegay in Eisenkot uu doonayo inuu gacanta ku dhigo baarlamaanka, taas oo qayb ka ah istaraatiijiyaddiisa "tallaabo-tallaabo ah."
Ujeeddadu waa inuu marka hore xoojiyo hoggaamintiisa gudaha garabka ka soo horjeeda Netanyahu, ka hor inta uusan taageero ka raadin shacabka guud ahaan.
Kuwani waa tallaabooyin muhiim ah oo horudhac ah oo garabku qaadi karo xitaa ka hor inta aan si rasmi ah loo dhisin dowladda cusub.
Tallaabooyinkan waxaa suuragal ka dhigi kara taageerada xisbiyada matala aqlabiyadda shacabka Falastiiniyiinta, kuwaas oo baarlamaanka Israa'iil oo ka kooban 120 kursi ku leh 19 kursi oo muhiim ah.
Si kastaba ha ahaatee, Ynet ayaa carrabka ku adkaysay in xisbiyada matala aqlabiyadda shacabka Falastiiniyiinta aysan hadda diyaar u ahayn inay ku biiraan isbahaysi uu hoggaaminayo Eisenkot.
Channel 14 ayaa sheegay in ku tiirsanaanta codadka xisbiyada Falastiiniyiinta si loo magacaabo guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubnaha guddiyada baarlamaanka ay la macno tahay "la-shaqaynta kooxo argagixiso."
Hoggaamiyaha xisbiga Democrats, Yair Golan, ayaa khudbad laga baahiyey telefishinka dowladda ee Kan ugu baaqay xulafadiisa ka soo horjeeda Netanyahu inaysan "iska indho tirin xisbiyada Carabta ama shacabka Carabta."
Wargeyska Maariv oo taageera siyaasadda dhexdhexaadka ah ayaa sheegay in beddelka guddoomiyaha baarlamaanka Knesset uu yahay "bilowga oo keliya" ee isbeddello degdeg ah oo siyaasadeed.
Wargeysku wuxuu sidoo kale xusay qorshayaal lagu sameynayo baaritaan heer qaran ah oo ku saabsan weerarradii 7-dii Oktoobar, iyo in la laalo sharciyada xaddidaya awoodaha Maxkamadda Sare ee dalka.






















