Muxuu yahay Filimka cusub ee Salman Khan ee doodda adag dhaliyay?

Jilaaga caanka ah ee Salman Khan
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

"Marka kuwa dagaalka ku dhawaaqay ay yimaadaan oo ay nala dagaallamaan, dagaalkani marnaba ma dhici doono."

Hadalkaas ayaa ka mid ah weeraha laga maqlayo goos-gooska filimka cusub ee jilaaga caanka ah ee Bollywood-ka Salman Khan, kaas oo cinwaankiisu yahay Maatribhumi: May War Rest in Peace. Waxay u muuqataa in uu yahay dulucda ugu weyn ee filimka.

Isla markii shalay la sii daayay goos-gooska filimka, waxaa mar kale billowday dood xooggan oo ku saabsan Salman Khan iyo filimkiisa. Dad ayaa ammaanay jilaaga, halka kuwo kalena ay dhaliileen filimka.

Goos-gooska filimka oo soconaya afar daqiiqo iyo 35 ilbiriqsi ayaa ku bilaabanaya qoraal Ingiriisi ah oo macnihiisu yahay: "Qofka ugu badan ee neceb dagaalka waa askarigii soo maray, sababtoo ah dagaalku wuxuu u dhammaadaa oo keliya askarta ku dhimata."

Muuqaal kale, Salman Khan ayaa oronaya: "Maxaa dhimashada looga baqayaa? Waa wax qof walba u imaanaya."

Filimka waxaa sidoo kale ku jira hadallo dhowr ah oo ay si weyn u yaqaannaan dadka ku nool waqooyiga Hindiya. Waxaa ka mid ah kalmadda ah "Ek Bihari Soo Par Bhari" oo uu Salman Khan ku dhawaaqayo. Weero kale oo uu filimka ku leeyahay ayaa ah: "Hal arrin xusuusnow; geesinnimadu kuma koobna dagaalka oo keliya, balse waxay sidoo kale ku jirtaa joojinta dagaalka."

Filimkan ayaa ku saabsan dagaal dhex maray Shiinaha iyo Hindiya

Ka hor filimkan, waxaa 27-kii December ee sannadkii hore la sii daayay muuqaalkiisii hordhaca ahaa, xilligaas oo filimka loogu magac daray Battle of Galwan. Sheekada filimku waxay ku saabsan tahay dagaalladii dhiigga badnaa ee dhexmaray ciidamada Hindiya iyo Shiinaha ee dooxada Galwan sannadkii 2020.

Filimka ayaa markii hore loo qorsheeyay in shineemooyinka la keeno 17-kii April 2026, balse dib ayaa loo dhigay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markii la sii daayay muuqaalkii hordhaca ahaa, warbaahinta Global Times, oo loo arko mid xiriir dhow la leh dowladda Shiinaha, ayaa dhaliishay filimka, iyadoo ku tilmaantay dacaayad laga sameeyay arrin xasaasi ah.

Kadib murankaas, Salman Khan ayaa bishi March qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram ku shaaciyay in magaca filimka la beddelay. Arrintaas ayaa keentay in dad badan oo isticmaala baraha bulshada ay ku tilmaamaan tallaabo lagu raalli-gelinayo dowladda Hindiya. Sida ay dadkaasi sheegeen, dowladda Hindiya ma doonayso in filimku uu sii xumeeyo xiriirka kala dhexeeya Shiinaha.

Hase yeeshee, Salman Khan ayaa markii la soo bandhigayay goos-gooska filimka meesha ka saaray wararka sheegaya in sheekada filimka lagu beddelay cadaadis dowladeed.

Waxaa xusid mudan in iska horimaadkii 15-kii June 2020 ka dhacay dooxada Galwan ay ku dhinteen 20 askari oo Hindi ah iyo ugu yaraan afar askari oo Shiine ah.

Muuqaalkii hordhaca ahaa ee filimka ayaa muujinayay dagaalka iyo iska horimaadka dhexmaray ciidamada Hindiya iyo Shiinaha. Waxa kale oo filimka ku jira muuqaallo ka tarjumaya noloshii gaarka ahayd ee askarta, kuwaas oo qaarkood xambaarsan dareen xooggan.

Dadka qaar ayaa ku ammaanay filmika halka qaarna ay dhaliil u jeediyeen

Way adag tahay in filim cusub oo uu Salman Khan jilayo aanu hadal-hayn ka dhalin baraha bulshada.

Tan iyo markii la sii daayay goos-gooska, dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa ammaanay muuqaalka iyo qaabka dareenka leh ee Salman Khan ugu jilayo filimka. Hase yeeshee, waxaa sidoo kale la isweydiinayaa tayada muuqaallada kombiyuutarka lagu sameeyay iyo in qaar ka mid ah muuqaallada loo adeegsaday garaadka macmalka ah.

Qaar ka mid ah daawadayaasha ayaa qaba in isticmaalka shaashadaha cagaaran (green screen) iyo muuqaallo u muuqda kuwo macmal ah ay dhaawici karaan guud ahaan tayada filimka.

Qof lagu magacaabo Jatin Shah ayaa qoray: "Heesta cinwaanka filimka Maatribhumi waa wanaagsan tahay. Hase yeeshee, dhaqdhaqaaqa bushimaha jilayaasha oo aan si fiican ula jaanqaadayn heesta, iyo qaabka laba qof ay qaybo ka mid ah u qaadaan, ayaa hoos u dhigaya saamaynta heesta."

Dad badan ayaa filimka ka bixiyay aragtiyo kala duwan

Taageere ka tirsan taageerayaasha jilaaga Shah Rukh Khan ayaa isaguna qoray: "Walaal, wax aad nagu siiso oo aan kugu maadsanno taageerayaasha Shah Rukh Khan nama aadan reebin."

Qof lagu magacaabo IC Display ayaa barta Reddit ku qoray: "Waxaan filayay filim aad looga xishoodo oo gebi ahaanba fashilma. Laakiin waxa aan arkay wuxuu noqday filim caadi ah. Waxaa laga yaabaa in sidaas loo arko ay wax yar ka wanaagsan tahay. Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in Salman Khan uusan filimkan ku soo bandhigin jilitaan heerkiisu sarreeyo."

Wuxuu intaas ku daray su'aal ah: "Ma la arki doonaa isaga oo mar uun filimadiisa si dabiici ah ugu hadlaya?"

Filimka ayaa la filayaa in shineemooyinka la keeno 4-ta December, waxaana soo saartay shirkadda Salman Khan Films. Dadka xiiseeya filimada ayaa durba hadal haya maalinta ugu horreysa ee bandhiggiisa iyo daawashadiisa koowaad.

Qaar ayaa filimka ku tilmaamaya mid mudan in la sugo, halka kuwo kalena ay shaki ka muujinayaan tayadiisa.

Chitrangada Singh ayaa filimka ku jileysa xaaska Salman Khan.

Waxaa sidoo kale doorar muhiim ah ku leh Mukesh Rishi, Ankur Bhatia, Zain Shah iyo Abhilash Chaudhary, halka Vijay Raaz uu yahay codka sheekada filimka ka warramaya.