Doon Soomaali u rarneed oo lagu weeraray Marinka Hormuz
Doon u rarnayd ganacstado Soomaali ah oo ka timid Dubai ayaa lagu soo warramayaa inay weerar la kulantay, intii ay gooshaysay xeebaha Cumaan.
Doonta oo lagu magacaao Sky Quba ayaa kusii jeedday magaalada Boosaaso. Mas'uuliyiinta shirkadda doontaasi u rarnayd ayaa xusay in hadda doontu ay quustay, balse la badbaadiyey badmaaxayaashii la socday, walow labo ka mid ah ay weerarka ku dhaawacmeen.
Xiddig Siciid Bootaan oo ka mid ah mas'uuliyiinta shirkadda doontaas u rarnayd ayaa u warramay BBC.
Wareysiga oo dhammeystiran ka dhegeyso lifaaqa kore:
Marinka Hormuz

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marinka Hormuz waa marin-biyood isku xira Iiraan iyo Boqortooyada Cumaan. Inkasta oo marka la eegayo halka uu ka bilowdo iyo halka uu ku dhammaado ballaciisu uu yahay qiyaastii 50 kiiloomitir, balse halka barta dhexdiisa ay tahay qiyaastii 40 kiiloomitir, haddana qaybtaas dhexe waa mid ku filan in maraakiibta waaweyn ay maraan.
Khariiradda ama jidka maraakiibtu waxay ku tilmaan inuu yahay jid si ammaan ah loo galo, loogana baxo marinka, iyo aag kayd ah oo loogu talagalay doomaha waaweyn ee shidaalka qaada.
Sida caadiga ah, guud ahaan, maraakiibta waaweyn waa inay maraan marin aan ka badnayn 10 kiiloomitir oo ballac ah.
Marka doomaha shidaalka qaada ay marayaan Khaliijka, waxay u dhowaanayaan jasiiradaha Greater Tunb iyo Lesser Tunb, oo ah laba goobood oo uu muran ka taagan yahay, kaas oo u dhexeeya Iiraan iyo dowladaha Carabta.
Khubarro badan ayaa aaminsan in tallaabo milatari la qaado ay tahay habka ugu macquulsan ee lagu carqaladayn karo isu-socodka badda, maaddaama arrintani ay horay u dhacday intii lagu jiray dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq ee dhacay intii u dhexeesay 1980 iyo 1988.



























