Ruushku ma noqon karaa dhexdhexaadiye ay ku kalsoon yihiin Eritrea iyo Itoobiya, muxuuse u dhex galayaa labadan dal

Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu wada xaajood sameeyo haddii hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea, ay "muujiyaan inay xiiseynayaan."
Isagoo la hadlayay wariyeyaasha ka hor shirka Afrika iyo Ruushka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in labada dal ay diyaar u yihiin inay door ka ciyaaraan dhexdhexaadinta.
Muxuu noqon karaa doorka Ruushka ee dhexdhexaadinta Itoobiya iyo Eritrea? Qodobbada gorgortanka kuwee ayaa la soo qaadi karaa? Ma noqon kartaa mid wax ku ool ah? Falanqeeyayaasha siyaasadda iyo amniga ayaa la wadaagay BBC-da aragtidooda ku saabsan arrimahan iyo kuwa la xiriira.
Arrinta dekedda badda cas ayaa ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee wadahadallada u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.
Su'aalaha ay wariyayaashu weydiiyeen Sergey Lavrov waxaa ka mid ahaa sida Ruushku uga jawaabi doono dadaallada diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay ku doonayso inay ku gasho badda.
Isagoo ka hadlaya arrinta labada dal, ayuu ku jawaabay, "Sida aan u fahmay, waxa aan ka hadlayno waa helitaanka deked badda cas ah ah. Waxaan danaynaynaa in labada dal ay soo celiyaan xiriirkoodii hadda go'naa."
Arrinta Badda Cas
Dr. Mukerem Miftah, oo ah bare iyo cilmi-baare ku takhasusay cilmiga waxbarashada iyo xiriirka, xubno ka tirsan Jaamacadda Adeegga Dadweynaha ee Itoobiya (Ethiopian Civil Service University), ayaa sheegay in khubarada Ruushka ee ku aadan arrinta marin badeedka "uu shaki la'aan noqon karo mid wax u dhimaya danaha ama dalabaadka dhammaan."
Falanqeeye dhanka amniga ah oo la hadlay BBC-da, iyadoo la codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee Ruushku u doonayo inuu dhex-dhexaadiyo labada dal ay tahay "inay doonayaan inay ka qayb qaataan siyaasadda Badda Cas".
Waxay tilmaamayaan in saamiga Ruushku ku leeyahay Badda Cas uu aad u yar yahay marka la barbar dhigo dalalka kale ee Reer Galbeedka iyo kuwa Bariga Dhexe.
Khabiirku wuxuu sidoo kale sharraxayaa inaanu Ruushku noqon karin "dhex-dhexaadiye".
Sababta arrintan ayay sheegeen in Ruushku uu xiriir saaxiibtinimo oo dhow la leeyahay Eritrea marka loo eego Itoobiya. Waxay aaminsan yihiin in Itoobiya ay doorbidayso in dalalka Reer Galbeedku ay dhexdhexaadiyaan, halkii ay ka ahaan lahayd Ruushka.
Baisa Waqweya, oo ah diblomaasi hore oo ka tirsanaan jiray Qaramada Midoobay isla markaana ah qareen ku takhasusay sharciga caalamiga ah, ayaa dhankiisa sheegaya in Ruushku yahay "dhinaca ku habboon inuu dhexdhexaadiyo, si looga hortago inay labada dal dhibaato galaan."
"Ma jiro cid ka isaga dhow dadka reer Eritrea iyo dadka reer Itoobiya, iyo weliba dowladda Itoobiya iyo dowladda Eritrea, marka loo eego dowladda Ruushka," ayuu yiri.
Muxuu Ruushku u doonayaa in la wada hadlo?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Lavrov, ayaa sheegay in xiriir la'aanta diblomaasiyadeed ee hadda ka dhex jirta labada dal ay tahay "mid aan wanaagsanayn laba dal oo muddo dheer derisnimo ku wada noolaa, kuwaas oo waagii hore u ekaa hal dal."
Wasiirka Arrimaha Dibaddu wuxuu xasuusiyay in dalkiisu uu "muddo sanado badan ah" isku dayayay inuu hagaajiyo xiriirka labada dal.
Sida uu sheegay Dr. Mukerem, Ruushku wuxuu aaminsan yahay in "si heer sare ah ay u ogpl yihiin" labada dalba.
Iyadoo taas laga duulayo, Lavrov wuxuu doonayaa inuu ka hortago in xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu sii xumaado ama "uu isu beddelo iska horimaad."
Gaar ahaan, ka dib markii ciidamada Eritrea ay soo galeen dhulka Itoobiya, waxaa jiray walaac laga qabay in labada dal ay geli karaan dagaal.
Itoobiya ayaa warqad u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ka codsanaysa in ciidamadaasi ay ka baxaan dhulkeeda.
Warqad ay u dirtay golaha ayaa Eritrea waxay iyadana ku eedaysay Itoobiya inay raadinayso marmarsiiyo ay ku qabsato dhul kale.
Itoobiya, kaliya ma aysan jarin xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Eritrea, balse waxay sidoo kale khilaaf diblomaasiyadeed la gashay dalka Masar, kaas oo ku eedeeyay Itoobiya inay taageerto kooxo dagaalyahanno ah oo gudaha Itoobiya ku sugan. Eritrea iyo Masar labaduba way beeniyeen eedeymahaas.
Dr. Mukerem ayaa sidoo kale xusay in inkastoo ciidamada TPLF ay hadda ku jiraan dagaal kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo xulafadeeda (Ciidamada Nabadda ee Tigray), haddana ma jiro dagaal rasmi ah oo ka dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.
Soo jeedinta Lavrov ayaa tilmaamaysa in "xitaa haddii aysan xallin karin khilaafaadkooda, in uu door ka qaadan karo ka hortagga in labada dal ay galaan dagaal toos ah."
Ruushku ma ku guuleysan doonaa dhexdhexaadinta?
Lavrov ayaa laga soo xigtay inuu yiri "dhibaato kasta oo soo dhex gasha Itoobiya iyo Eritrea waxaa lagu xallin doonaa niyad wanaag" iyo "heshiis dheellitiraya danaha labada dhinac."
Falanqeeye dhanka amniga ah, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa aaminsan in marka laga eego xiriirka diblomaasiyadeed, waddamada Reer Galbeedku ay xiriir ka wanaagsan la leeyihiin Itoobiya marka loo eego Eritrea, isla markaana Eritrea ay dhanka Ruushka uga dhowdahay dhanka Reer Galbeedka.
"Ma aha oo kaliya Eritrea, balse xitaa xulafada Eritrea ee Masar ayaa doonaya in Ruushku uu noqdo dhexdhexaadiye" ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sidoo kale xusay in Itoobiya ay u janjeeri karto dhanka waddamada Reer Galbeedka.
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, oo ka hadlayay munaasabadda lagu wareejinayay diyaaradaha dagaalka ee laga keenay Ruushka, ayaa sheegay in Madaxweyne Vladimir Putin uu amray in qalabkaas la keeno muddo sannad ka hor waqtigii loogu talagalay.
"Putin wuu jecel yahay Itoobiya, wuxuuna doonayaa inuu caawiyo Itoobiya" ayuu yiri.
Mr Baisa ayaa sheegaya in Ruushku uu Itoobiya iyo Eritrea ku leeyahay "dano aad u xooggan."
"Ma jirto awood kale oo la mid ah Ruushka oo heshiisiin karta Eritrea iyo Itoobiya" ayuu yiri.
Wuxuu ku doodayaa in dowladda Ruushku ay "saameyn ku leedahay labada dhinacba" ayna "cadaadis saari karto," taas oo muujinaysa in doorkeeda ku aaddan wadahadallada uu noqon doono mid xooggan.
Labada dal midkee bay Ruushka isku dhow yihiin?
Inkastoo Ruushku uu xiriir ganacsi oo kooban la leeyahay labadan dal, haddana xiriirkoodu aad buu u xooggan yahay dhinacyada tiknoolajiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) iyo is-dhaafsiga xogta amniga milatariga.
Dhanka beeraha, labada dalba waxay wax soo saarkooda u dhoofiyaan dalka Ruushka.
Eritrea waxay u jeesatay dhanka Ruushka si ay uga hortagto cunaqabataynta ay reer Galbeedku saareen, taas oo la xiriirta xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo dimuqraadiyad la'aanta ka jirta dalkaas.
Sidoo kale, Eritrea waxaa lagu yaqaannaa inay taageerto mowqifka dowladda Ruushka ee Qaramada Midoobay.
Khabiirkan, isagoo tixraacaya xaqiiqooyinkan ayuu sharraxaya in Ruushku uu awood u leeyahay inuu "ka hortago dagaal furan."
"Hase yeeshee, uma maleynayo inay awood u leeyihiin inay xalliyaan khilaafaadka oo ay abuuraan xiriir nabdoon" ayuu yiri.
Waxaa la sheegay in Shiinaha, oo awood u leh inuu cadaadis xooggan saaro sida Ruushka oo kale, uu yahay maalgashadaha ugu weyn ee labada dalba.
"Haddii Shiinaha iyo Ruushku ay midoobaan, waxay awood u leeyihiin inay burburiyaan labada dalba. Sidoo kale, waxay awood u leeyihiin inay ka hortagaan inay labadaas dal iyaguna is burburiyaan," ayuu sharraxay.
Abdurahman Siciid oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, ayaa sheegay in Ruushku uu ka mid yahay dalalka tirada yar ee xiriirka wanaagsan la leh Itoobiya iyo Eritrea.
Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, wuxuu Ruushka u arkaa "saaxiib muhiim ah oo muddo dheer ay wada socon karaan."
Itoobiya waxay xubin ka tahay ururka BRICS, oo uu sidoo kale ka mid yahay Ruushku. Labada dal waxay iska kaashadaan arrimaha tamarta nukliyeerka ujeeddooyinka nabdoon iyo arrimo kale.
Wuxuu xusay in Ruushka, oo ka mid ah shanta dal ee adduunka ee leh awoodda diidmada qayaxan (veto power), uu "labada dalba ku qasbi karo inay fiiro gaar ah u yeeshaan [dhex-dhexaadinta]."
Waxaa kale oo la sheegay in ka qayb galka Ruushka ee arrimaha Badda Cas ay sababi karto in labada dalba aysan "dheg jalaq u siin" arrintan.
Qodob kale ayaa ah in Itoobiya ay hub ka heshay Moscow xilli uu Ruushku soo jeedinayay in la galo wadahadallo.
























