Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Caabuqa waraabowga ma lagu kala qaadaa dhunkashada, sideese loo daweeyaa?
Cudurka Waraabowga ee galmada lagu kala qaado waa mid ka mid ah cudurrada ugu halista badan ee dhibaato culus ku haya dad aad u fara badan oo ku nool dunida oo dhan.
Khubarada caafimaadka waxay sheegayaan in cudurka lagu qaadi karo qaabab kala duwan, balse inta badan wuxuu ku faafaa dadka xiriir galmo wadaaga.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee sababa in uu cudurka si xowli ah u fido waxaa ka mid ah galmada aan bedqabka lahayn iyo ka baaqsiga baaritaanka caafimaadka.
Ceebta iyo nacaybka bulshadu u muujiso dadka qaba cudurradan awgeed, dad badan ayaa isku daya inay qariyaan xaaladdooda caafimaad.
Waraabowga waxaa sidoo kale loogu yeeraa "dilaa aamusan", sababtoo ah wuxuu jirka qofka ku jiri karaa muddo dheer isagoo aan muujin wax calaamado ah oo muuqda.
Waxa ugu weyn ee keenay in uu Waraabowgu waayadan dambe si degdeg ah u kordho waa badashada galmada halista ah ee aan wax ka hortag ah lahayn.
Sida ay sharaxday dhakhtarad Nimali Jayasuriya, jeermiska keena Waraabowga wuxuu si degdeg ah ugu faafi karaa nooc kasta oo xiriir galmo ah oo aan ka hortag lahayn.
Sidoo kale, waxaa kordhay tirada dadka galmo la sameeya dad aysan xiriir joogto ah la lahayn.
Inta badan, cudurka Waraabowgu wuxuu maraa afar marxaladood, marxalad kastaana waxay leedahay calaamado u gaar ah:
Marxaladda koowaad
Marxaladdan, nabar yar oo aan xanuun lahayn ayaa ka soo bixi kara halkii uu jeermisku jirka ka soo galay, sida xubinta taranka ee ragga iyo dumarka, futada, afka ama dibnaha.
Dhinaca caafimaadka, nabarkan waxaa loogu yeeraa 'chancre'.
Badanaa nabarku wuu mid aan af lahayn, waxaana haddii la taabto loo dareemaa sida barar yar.
Maadaama uusan xanuun keenin, gaar ahaan dumarka waxaa dhici karta in aysan ogaan in ay cudurka qabaan.
Marxaladda labaad
Marxaladdan, jeermiska cudurku wuxuu ku faafaa jirka oo dhan isagoo maraaya dhiigga iyo dheecaanka.
Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid noqon kara:
- Bararka qanjirrada loo yaqaano lymph-ka.
- Nabro ama finan ka soo baxa afka gudihiisa.
- Finan ka soo baxa meelo kala duwan oo jirka ah.
- Dhibco madow ama xumbo, gaar ahaan calaacasha gacmaha iyo cagaha.
- Barar u eg finan oo ka soo baxa xubinta taranka.
Sidoo kale, cudurku wuxuu saameyn ku yeelan karaa indhaha, maskaxda iyo dhegaha.
Marxaladda calaamadaha qarsoon
Tani waa marxaladda uu jeermiska cudurku weli ku jiro jirka balse aanu muujin wax calaamado ah oo muuqda.
In kasta oo aysan calaamado jirin, misna qofku wuxuu weli u gudbin karaa cudurka dad kale, taas oo ku xiran heerka uu cudurku marayo iyo in ay jiraan nabro uu jeermiska keeno.
Marxaladda ugu dambeysa
Haddii Waraabowga muddo dheer jirka ku jiro iyada oo aan la daaweyn, wuxuu horseedi karaa dhaawac halis ah oo soo gaara xubnaha gudaha. Dhibaatooyinka ka dhalan kara waxaa ka mid ah:
- Dhibaatooyin daran oo xagga wadnaha ah.
- Burbur ku yimaada habka neerfaha jirka oo sababi kara curyaan.
- Luminta aragga ama maqalka.
- Sameysanka barar ama nabro waxyeelleeya unugyada iyo xubnaha jirka.
Marxaladdan, cudurku wuxuu noqon karaa mid nafta halis geliya haddii aan waqtigiisa lagu ogaan laguna daaweyn.
Ma lagu qaadi karaa cudurka dhunkashada?
Inta badan, cudurka Waraabowga laguma faafiyo dhunkashada ama xiriirka maalinlaha ah. Hase yeeshee, xaaladaha qaarkood calaamadaha cudurku waxay ka soo bixi karaan qaybo kala duwan oo jirka ah.
Tusaale waxaa noqon haddii nabarkii ugu horreeyay ee cudurku uu ka soo baxo dibnaha qofka. Waraabowga laguma qaado oo keliya dheecaanka la isku gudbiyo xilliga galmada, waxaana sidoo kale lagu qaadi karaa haddii meesha uu cudurku ku jiro ay si toos ah u taabato qayb kale oo jirka qof kale ah.
Hase yeeshee qaadista cudurku ma dhacdo kaliya sababtoo ah maqaar caafimaad qaba oo la taabto. Laakiin haddii bushimaha ama afka qofka qaba Waraabowga oo nabar leh ay taabtaan nabar yar oo ku yaalla jirka qof kale, waxaa jirta suurtagalnimo uu cudurku ugu gudbo. Gaar ahaan haddii qofka qaba Waraabowga uu leeyahay nabar muuqda, cudurku wuxuu ku faafi karaa xiriirka noocan ah.
Khabiirad dhakhtar Nimali Jayasuriya waxay tiri "Sidaas darteed, inta badan laguma qaado Waraabowga dhunkashada qof aan lahayn wax calaamado ah oo muujinaya inuu qabo cudurka".
Ma laga bogsadaa cudurka Waraabowga?
Khabiirad dhakhtar Nimali Jayasuriya waxay tiri cudurka Waraabowga si buuxda ayaa loo wada daaweyn karaa haddii la isticmaalo daawooyinka ku habboon.
"Haa, Waraabowga si buuxda ayaa loo wada bogsiin karaa. Daawooyinka ugu muhiimsan ee cudurka lagu daweeyo waa irbad lagu magacaabo benzathine penicillin. Iyadoo ku xiran heerka uu cudurku marayo iyo noociisa, bukaannada qaarkood waxay u baahan yihiin hal irbad, qaarkood laba, halka qaarkoodna ay u baahan yihiin saddex irbadood.
Hase yeeshee haddii jeermiska cudurku ku faafo qaybaha jirka oo uu saameeyo habka neerfaha, qofka buka wuxuu u baahan karaa daaweyn socota ku dhawaad 10 maalmood. Haddii qofku dhammeystiro daawada uu u qoray xirfadlaha caafimaadku, cudurkaan si buuxda ayaa loo bogsiin karaa" ayay tiri.
Cudurku dadka ma dilaa?
Cudurka Waraabowga wuxuu sababi karaa dhimasho haddii aan waqtigiisa lagu ogaan laguna daaweyn.
Dhimashadu waxay ka dhalataa dhibaatooyinka halista ah ee cudurku keeno marka uu muddo dheer jirka ku jiro iyada oo aan la daaweyn.
Jeermiska keena cudurka Waraabowga wuxuu saameyn karaa wadnaha, wuxuuna sababi karaa dhibaatooyin halis ah oo wadnaha ah, oo ay ka mid tahay wadnaha oo ku guul darreysta inuu shaqadiisa u qabto sidii la rabay, taas oo keeni karta dhimasho.
Xitaa haddii cudurku uusan dhimasho keenin, dhibaatooyinka uu muddada dheer keeno waxay si weyn u saameyn karaan nolosha qofka buka.
Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah luminta awoodda socodka, curyaanimo ku timaada qayb ka mid ah jirka ama jirka oo dhan oo ka dhasha burburka habka neerfaha, luminta aragga, iyo luminta maqalka.
Sidee Waraabowgu u saameeyaa uurka?
Haddii haweeney uur leh ay qaado cudurka Waraabowga oo aysan helin daaweyn sax ah, cudurku wuxuu u keeni karaa dhibaato halis ah ilmaha ay siddo.
Sida ay sheegtay khabiirad dhakhtar Nimali Jayasuriya, jeermiska cudurka ee ku jira jirka hooyada wuxuu ka gudbi karaa mandheerta oo gaari karaa jirka ilmaha.
Cawaaqib xumada daran ee ka dhalan karta waxaa ka mid ah dhicinta uurka ama dhalashada ilmo dhintay.
Xaaladaha qaarkoodna, ilmuhu wuxuu ku dhalan karaa isagoo nool, laakiin wuxuu ku jiraa halis weyn oo ah inuu ku dhinto maalmaha ugu horreeya ee ka dambeeya dhalashadiisa.
Haddii ilmuhu noolaado, waxaa laga yaabaa inuu ku dhasho cudur lagu magacaabo Waraabowga lagu dhasho (congenital syphilis).
Xaaladdan oo kale, jeermiska cudurku wuxuu ku faafaa jirka ilmaha, wuxuuna keenaa dhibaatooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin bararka beerka iyo beeryarada, cudurro daran oo maqaarka ah, dhibaatooyin xagga aragga ah, iyo korriin aan caadi ahayn oo lafaha ah.
Marka ilmuhu korayo, wuxuu la kulmi karaa dhibaatooyin xagga dhismaha jirka ah iyo burbur ku yimaada xubnaha gudaha qaarkood, oo ay ka mid tahay luminta maqalka.
Dhibaatooyinkaas waxay ku sii jiri karaan ilmaha muddo noloshiisa oo dhan.
Hase yeeshee haddii haweeneyda uurka leh lagu sameeyo baaritaanka Waraabowga goor hore xilliga uurka oo ay hesho daawada ku habboon, waxaa si weyn loo yareyn karaa suurtagalnimada in ilmuhu uu qaado cudurka.