Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Kanada oo billowday barnaamij cusub oo ay ku qaadanayso kumanaan qof oo muhaajiriin ah
Kanada waxay billowday barnaamij cusub oo socdaal ah oo loogu talagalay in la siiyo 5,500 oo qof oo ka kala yimid dalal kala duwan oo adduunka ah fursad ay ku helaan deganaansho joogto ah.
Hindisahan wuxuu u taagan yahay fursad muwaadiniinta dalalka Afrika ee doonaya inay helaan deganaansho dibadda ah.
Barnaamijku wuxuu si gaar ah u bartilmaameedsanayaa shaqaale xirfad leh oo awood u leh inay buuxiyaan boosaska shaqada ee meelaha ku hareeraysan magaalooyinka waaweyn ee Kanada, halkaas oo ay ku yar yihiin xirfadlayaal ku jira qaybaha kala duwan.
Sida laga soo xigtay dowladda Kanada, barnaamijku wuxuu bilaaban doonaa Janaayo 1, 2027 wuxuuna u oggolaan doonaa muhaajiriinta inay ku noolaadaan oo la shaqeeyaan mujtamaca ka qayb qaadanaya hindisahan.
Dadka Afrikaanka ah ee ka fiirsanaya inay u guuraan Kanada, waxaa muhiim u ah in la ogaado in barnaamijkani uusan ahayn mid loogu talagalay qof kasta oo doonaya inuu guuro; waxaa si gaar ah loogu talagalay shakhsiyaadka leh aqoonta xirfadeed, khibradda shaqada, iyo awoodda ay shaqo kaga heli karaan dalka.
Fursadaha dadka Afrikaanka ah
Kanada ma aysan cayimin tirada boosaska loo qoondeeyay waddan kasta, mana jiro tiro cayiman oo loo qoondeeyay qaaradda Afrika.
Barnaamijyada socdaalka ee ku saleysan dhaqaalaha ee Kanada ayaa guud ahaan u furan dadka codsanaya ee ka kala yimid daafaha dunida. Barnaamijyadan waxay inta badan ku saleysan yihiin xirfadaha, waayo aragnimada shaqada, iyo sida qofku ugu habboon yahay baahiyaha suuqa shaqada ee Kanada.
Sidaas darteed, muwaadiniinta Afrikaanka ah waxay codsiyadooda si toos ah uga soo gudbin karaan waddamada ay deggan yihiin, haddii ay helaan dalab shaqo oo ka yimid loo shaqeeye la aqoonsan yahay, ayna buuxiyaan shuruudaha loo baahan yahay, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, waayo-aragnimada, aqoonta luqadda, iyo awoodda dhaqaale.
Meelaha qaabili doona dadka soo galootiga ah waxaa ka mid ah Pictou County, North Bay, Sudbury, Timmins, Thunder Bay, Brandon, iyo Moose Jaw.
Goobahani waxay ka fog yihiin magaalooyinka waaweyn ee sida caadiga ah soo jiita dadka soo galootiga ah sida Toronto iyo Vancouver, hase yeeshee, waxay qabaan baahi shaqaale oo ka jirta qaybo kala duwan.
Shuruuduhu maxay yihiin, maxayse Canada ugu baahan tahay muhaajiriin?
Si aad uga faa'iidaysato fursaddan, waxaad u baahan tahay shaqo bixiye la oggol yahay oo ku yaal mid ka mid ah gobollada ka qayb qaadanaya barnaamijka.
Musharaxa waa inuu sidoo kale muujiyaa ugu yaraan hal sano oo waayo aragnimo xirfadeed oo khuseysa booska la raadinayo, taasoo la helay saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Shuruudaha kale waxaa ka mid ah aqoonta Ingiriisiga ama Faransiiska, haysashada shahaado laga aqoonsan yahay Kanada, iyo helitaanka lacag ku filan oo uu isku taageero inta lagu jiro muddada degitaanka dalka.
Intaa waxaa dheer, codsaduhu waa inuu ka helaa talo bulsho ka qayb qaadanaysa barnaamijka ka hor inta uusan awoodin inuu codsado degenaansho rasmi ah.
Maxay Kanada isugu dayaysaa inay soo jiidato soo galootiga?
Tani waa su'aal ay dad badan isweydiin karaan.
Sababta ugu weyn waa shaqaale la'aan ka jirta gobollo gaar ah oo dalka ah, gaar ahaan meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn.
Waaxyaha sida caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale waxay u baahan yihiin xirfadlayaal badan; si kastaba ha ahaatee, way adag tahay in la soo jiito tiro ku filan oo shaqaale ah oo ka socda gobollada kale ee Kanada.
Iyada oo loo marayo hindisahaan, dowladdu waxay higsaneysaa inay soo jiidato soo galooti xirfad leh oo gacan ka geysan kara buuxinta jagooyinka bannaan, iyadoo sidoo kale gacan ka geysaneysa horumarinta bulshooyinka ay la degi doonaan.