Shirkado uu leeyahay maalqabeenka Elon Musk oo si weyn hoos ugu dhacay kadib doorashooyinkii Mareykanka

Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images
- Author, Rachel Clun
- Reporting from, New York
- Author, Osmond Chia
- Reporting from, Singapore
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyadda, oo ay ka mid yihiin Nvidia, SpaceX iyo Tesla, ayaa lumiyey boqollaal bilyan oo doollar oo ka mid ah qiimahoodii suuqa. Sidoo kale, in ka badan laba tirilyan oo doollar ayaa ka baxay qiimaha guud ee suuqa saamiyada Nasdaq Composite, oo ay ku badan yihiin shirkadaha tiknoolajiyadda, kadib markii suuqyada saamiyadu si weyn hoos ugu dhaceen.
Qiimaha saamiyada shirkadaha ka hawlgala dhinacyada tiknoolajiyadda iyo sirdoonka macmalka ah (AI) ayaa si weyn hoos ugu dhacay. Hoos-u-dhacaas waxaa qayb ahaan sababay walaaca laga qabo in sharciyo iyo xeerar adag lagu soo rogi doono shirkadahaas, kaddib guulihii ay xisbiga Dimuqraadigu ka gaareen doorashooyinka gobollo muhiim u ah xarumaha kaydinta iyo habaynta xogta (Data Centres).
Khasaarahaasi wuxuu sababay in tusmada Nasdaq ay hoos u dhacdo in ka badan 5.5%, iyadoo lagu qiyaasay in qiimaha guud ee saamiyada suuqaasi uu lumiyey ku dhowaad 2.5 tirilyan oo doollar, sida ay muujinayaan xogta Dow Jones. Dhanka kale, tusmooyinka kale ee waaweyn ee suuqyada saamiyada Maraykanka ayaa iyaguna la kulmay khasaare xooggan.
Hoos-u-dhaca suuqa ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan in dhaqaalaha faraha badan ee lagu maalgelinayo garaadka macmalka ah (AI) uu dhab ahaantii keeni doono faa'iidada laga filayo.
Musharraxiinta Dimuqraadiga ah ee ka qaybgalay doorashooyinka gobollada kala duwan ee Maraykanka ayaa ololahooda ku muujiyey inay doonayaan in la yareeyo xawaaraha ballaarinta xarumaha xogta iyo horumarinta sirdoonka macmalka ah. Waxa kale oo dalka oo dhan laga qaaday daraasiin hindiseyaal iyo aftiyo doorasho oo ujeeddadoodu ahayd in la xaddido dhismaha xarumahaas, kuwaas oo laf-dhabar u ah kaabayaasha tiknoolajiyadda AI.
Gina Hinojosa, oo loo doortay guddoomiyaha gobolka Texas, ayaa si xooggan ugu ololaysay ka hortagga xarumaha xogta. Waxay ballanqaadday in si ku-meel-gaar ah loo joojin doono dhismaha xarumo cusub oo noocaas ah.
Saamiyada shirkadaha sida weyn ugu tiirsan xarumaha xogta ee AI, oo ay ku jiraan shirkadaha muhiimka u ah soo saarista chips-ka iyo qalabka semiconductor-ka, ayaa Khamiistii si weyn hoos ugu dhacay. Arrintani waxay muujisay walaaca maalgashadayaasha oo markii horeba sii kordhayey
Saamiyada Nvidia ayaa hoos u dhacay in ka badan 9%, taas oo shirkadda ka lumisay in ka badan 400 oo milyan oo doollar oo ka mid ah qiimaheedii suuqa.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Shirkadaha kale ee soo saara chip-ka ayaa iyaguna la kulmay khasaare. Saamiyada shirkadaha AMD iyo Micron ayaa midkiiba hoos u dhacay in ka badan 17%. Saamiyada Intel ayaa iyaguna hoos u dhacay 10.3%, halka SanDisk, oo soo saarta kaararka kaydinta xogta, uu qiimiheedu hoos u dhacay in ka badan 22%.
Sayladda Philadelphia Semiconductor Index, oo cabbirta waxqabadka 30 ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee ku hawlan soo saarista qalabka maskaxda kombuyuutarrada, ayaa hoos u dhacday in ka badan 12%.
Saamiyada shirkadaha maalqabeenka Elon Musk, ee SpaceX iyo Tesla, ayaa iyaguna si weyn hoos ugu dhacay. Saamiyada SpaceX ayaa dhacay 8%, halka kuwa Tesla ay hoos u dhaceen ku dhowaad 11%.
Hoos-u-dhacaasi wuxuu Khamiistii shirkadahaas ka dhimay in ka badan 300 oo milyan oo doollar oo qiimahoodii suuqa ah.
Elon Musk ayaa ku dhowaad 450 milyan oo doollar ku bixiyey taageeridda ololayaasha siyaasadeed ee xisbiga Jamhuuriga. Lacagtaas waxaa ku jiray ugu yaraan 45 milyan oo doollar oo uu ku taageeray Ken Paxton, oo u tartamayay kursiga Aqalka Senate-ka ee gobolka Texas. Hase yeeshee, doorashooyinkii habeenkii Talaadada, xisbiga Dimuqraadiga ayaa guul weyn ka gaaray Texas, taas oo gobolka u weecisay dhanka Dimuqraadiga.
Guud ahaan, toddobada shirkadood ee tiknoolajiyadda ee loogu yeero Magnificent Seven, oo ay ka mid yihiin Apple, Nvidia iyo Tesla, ayaa hal maalin oo ganacsi gudaheed lumiyey hal tirilyan oo doollar oo qiimahoodii suuqa ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Hoos-u-dhaca saamiyadu wuxuu sidoo kale saameeyey sayladaha kale ee suuqyada saamiyada Maraykanka. Tusmada S&P 500 ayaa dhammaadkii maalinta ganacsiga hoos u dhacday 4.4%, halka Dow Jones Industrial Average uu baabi'iyey kororkii uu sameeyey Arbacadii, kuna soo xiray maalinta isagoo hoos u dhacay in ka badan 3.4%.
Susannah Streeter, oo ah madaxa istaraatiijiyadda maalgashiga ee shirkadda Wealth Club, ayaa sheegtay in iibinta baaxadda leh ee saamiyada Nasdaq iyo S&P 500 ay saamayn xooggan ku yeelatay suuqyada kale.
Waxay tilmaantay in rajadii maalgashadayaasha ee ahayd in maalgashiga AI uu keeni doono faa'iidooyin waaweyn ay hadda isku dhacayaan suuragalnimada in dhismaha xarumaha xogtu si weyn u gaabiyo.
Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha shirkadaha tiknoolajiyadda ayaa sheegay in aanay filayn diidmada xooggan ee bulshada ee ka dhalatay dhismaha xarumaha xogta, taas oo si gaar ah u muuqatay doorashooyinkii xilliga dhexe ee Maraykanka.
Marka laga soo tago saamaynta tooska ah ee doorashooyinkii xilliga dhexe ee Maraykanka, qaar ka mid ah maalgashadayaasha ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey in saamiyada shirkadaha AI-gu ay ku jiraan xaalad loo yaqaan xumbo dhaqaale. Taas oo macnaheedu yahay in qiimaha saamiyadu ay si aan caadi ahayn u sare kaceen, islamarkaana ay jirto khatar ah inuu hoos-u-dhac weyn ku yimaado si uu ugu soo noqdo heer macquul ah.
























