Shan waxyaabood oo Cristiano Ronaldo doonayo inuu gaaro ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisan

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Marka laga hadlayo ciyaartoydii ugu waaweynaa taariikhda kubadda cagta adduunka, magaca Cristiano Ronaldo ayaa ka mid ah kuwa ugu horreeya ee maskaxda ku soo dhaca, gaar ahaan dadka sida dhow ula socda ciyaaraha.

Tan iyo markii uu magaciisa ka dhex muuqday kooxda Sporting Lisbon, ka hor intii uusan 2003-dii ku biirin Manchester United, xiddigan reer Portugal waxa uu sameeyay taariikh ay ciyaartoy aad u tiro yar gaareen.

Waxa uu ku guuleystay horyaallada dalalka Ingiriiska, Spain iyo Talyaaniga, isaga oo sidoo kale dhigay rikoorro badan oo gool-dhalin ah oo aan hore loo arag.

In ka badan 20 sano oo uu heerka ugu sarreeya ka joogay ciyaarista kubadda cagta, Ronaldo waxa uu shan jeer ku guuleystay Champions League, shan jeerna abaalmarinta Ballon d'Or.

Waxa uu sidoo kale xulka Portugal u horseeday hanashada koobka Euro 2016 iyo laba jeer oo ay ku guuleysteen UEFA Nations League.

Ronaldo waxa kale oo uu noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda kubadda cagta heer caalami, isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu saamaynta badan kubadda cagta adduunka.

Inkastoo uu guulahaas waaweyn gaaray, haddana waxaa jira abaalmarinno iyo guulo muhiim ah oo uusan weli ku guuleysan.

Halkan waxaa ku xusan qaar ka mid ah guulaha iyo rikoorada waaweyn ee Ronaldo uu weli higsan karo ka hor inta uusan kabaha ciyaaraha siibin, iyo suuragalnimada inuu gaaro.

Saddexley goolal ah (hat-trick) oo uu Cristiano Ronaldo dhaliyay ayaa Khamiistii ka caawisay kooxdiisa Al-Nassr inay 5-3 kaga adkaato Al-Kholood, kulan ka tirsanaa horyaalka Sacuudiga.

Guushaas ayaa tirada guud ee goolasha uu Ronaldo dhaliyay intii uu ciyaarayay ka dhigtay 985 gool.

Tani waa saddexleydii goolal ee 67-aad ee xiddiga 41-jirka ah ee Cristiano Ronaldo uu dhaliyo intii uu ku jiray xirfaddiisa kubadda cagta, isaga oo weli ku dadaalaya inuu gaaro rikoor cusub oo taariikhdiisa ciyaareed ku kordha.

Koobka Adduunka ee FIFA

Inkasta oo Cristiano Ronaldo uu ku guuleystay ku dhowaad dhammaan koobabkii waaweynaa ee uu hiigsanayay, haddana Koobka Adduunka ayaa ah guusha ugu weyn ee weli ka maqan taariikhdiisa ciyaareed.

Ronaldo waxa uu ka qaybgalay Koobabka Adduunka intii u dhexeysay 2006 iyo 2022, balse heerkii ugu sarreeyay ee xulka Portugal uu gaaray muddadaas wuxuu ahaa afar dhammaadka tartankii 2006-dii.

Taariikh ahaan, ciyaartoy waaweyn sida Pele, Maradona iyo Messi ayaa dhaxalkooda kubadda cagta sii xoojiyay kaddib markii ay ku guuleysteen Koobka Adduunka.

Haddii Portugal ay u soo baxdo tartanka soo socda, Ronaldo waxa uu qayb ka noqon karaa xulka, iyadoo ay jiraan xiddigo cusub oo kooxda kusoo biiray, sida Gonçalo Ramos, João Neves iyo Vitinha.

Si kastaba ha ahaatee, da'diisa oo sii kordheysa iyo awoodda xulalka kale ee ku tartamaya koobka, sida Spain, France iyo Argentina, ayaa ka dhigaya hanashada Koobka Adduunka yoolka ugu adag ee uu weli higsanayo.

Inuu gaaro 1,000 gool

Tani waxay u muuqataa guusha ugu dhow ee Cristiano Ronaldo uu hiigsanayo. Sanadihii la soo dhaafay waxaa jiray dood ku saabsan in ciyaaryahan kubadda cagta ahi uu waligiis gaari karo heerka 1,000 gool ee xirfaddiisa ciyaareed.

Ronaldo waxa uu jabiyay ku dhowaad dhammaan rikooradii gool-dhalinta ee la yaqaanay, waxaana hadda u harsan dhowr gool oo keliya si uu u gaaro tiradaas.

Haddii uu sii ciyaaro hal ama laba xilli ciyaareed oo kale, gaar ahaan horyaalka Sacuudiga iyo xulka qaranka Portugal, waxa uu noqon karaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee kubadda cagta casriga ah gaaray heerkaas.

Si kastaba ha ahaatee, halyeeygan ayaa dhowr tallaabo oo keliya u jira inuu gaaro yoolkiisa ah dhalinta 1,000 gool.

Ku guuleysiga Champions League-ga Aasiya

Markii Ronaldo uu Al-Nassr ku biiray dabayaaqadii 2022, mid ka mid ah yoolalka waaweyn ee kooxda ayaa ahaa inay awood ku yeelato kubadda cagta Aasiya.

Yurub dhexdeeda, waxa uu magac ku yeeshay ku guuleysiga Champions League-ga oo uu shan jeer qaaday. Balse weli kuma guuleysan koobka ugu weyn ee kooxaha Aasiya.

Taariikh ahaan, qaar ka mid ah ciyaartoydii ugu waaweynaa Yurub ee u wareegay Aasiya ayaa ku guuldarreystay inay hantaan tartanka ugu sarreeya qaaradda.

Ku guuleysiga Champions League-ga Aasiya ayaa Ronaldo ka dhigi kara mid ka mid ah ciyaartoyda tirada yar ee raad weyn ku yeeshay kubadda cagta laba qaaradood oo kala duwan.

Al-Nassr ayaa hadda ka qaybgalaysa tartanka, iyadoo Ronaldo uu hiigsanayo inuu kooxdiisa u horseedo hanashada koobka.

Ku guuleysiga Ballon d'Or markii lixaad

Cristiano Ronaldo waxa uu ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or shan jeer, muddo dheerna waxa uu abaalmarintan kula tartamayay Lionel Messi.

Balse tan iyo markii uu Yurub uga wareegay Sacuudiga, fursadihiisa ku guuleysiga abaalmarintan ayaa si weyn hoos ugu dhacay. Xiddigo cusub sida Kylian Mbappé, Erling Haaland iyo Lamine Yamal ayaa hadda soo jiidanaya dareenka dadka u codeeya abaalmarinta.

Si kastaba ha ahaatee, haddii uu gaaro 1,000 gool isla markaana uu Al-Nassr ama xulka Portugal kula guuleysto koobab waaweyn, waxaa dib u soo cusboonaan kara doodda ku saabsan inuu mar kale ku guuleysto Ballon d'Or.