Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Bloomberg: Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa qorshaynaysa inay dib u dhigto daabacaadda warbixinta weerarkii lagu qaaday iskuul ku yaalla Minab ilaa doorashada Maraykanka ka dib

    Warbaahinta Bloomberg ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, in saraakiisha sare ee wasaaradda difaaca Maraykanka ay qorshaynayaan inay dib u dhigaan shaacinta natiijada baaritaanka weerarkii khasaaraha badnaa ee Maraykanku ku qaaday iskuulka Shajarah Tayyiba ee magaalada Minab, ilaa ugu yaraan doorashada dhexe ee Kongareeska Maraykanka ay ka dhacdo ka dib.

    In ka badan 150 qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 123 carruur ah, ayaa ku dhintay weerarkii iskuulka lagu qaaday 28-kii Febraayo, oo ahayd maalintii koowaad ee dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iiraan.

    Sida lagu sheegay baaritaanno hore oo ay Bloomberg samaysay, xog khaldan, sawirro dayax-gacmeed oo duugoobay iyo ku-tiirsanaan xad-dhaaf ah oo la saaray garaadka macmalka ah (AI) ayaa door ku lahaa xulashada iskuulkaas bartilmaameedka weerarka.

    Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, warbixinta baaritaanka Pentagon-ka, oo la bilaabay bishii Maarso, ayaa muddo dhowr bilood ah ku dhowayd in la daabaco. Hase yeeshee, weli lama gaarin go’aan kama dambays ah oo ku saabsan waqtiga la shaacin doono.

    Markii Bloomberg ay su’aalo weydiisay, Pentagon-ku wuxuu sheegay in baaritaanku weli socdo, isla markaana uusan hadda hayn xog cusub oo uu ku dhawaaqo.

    Arrintan ayaa imanaysa xilli in ka badan 70 xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ay warqad u direen xoghayaha difaaca Maraykanka, Pete Hegseth, iyagoo dalbanaya in lala xisaabtamo cidda mas’uulka ka ah dhimashada dadka rayidka ah ee dagaalka Iiraan, oo uu ku jiro weerarkii lagu qaaday iskuulka Minab.

  2. Ebola: Maxaa kasoo kordhay bukaankii dhowaan lagu karantiilay Muqdisho?

  3. Sarkaal Sacuudi ah oo eedey culus u jeediyey Iiraan

    Sacuudiga
    Qoraalka sawirka, Sacuudiga

    Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa Iiraan ku eedeeyay inay Xuutiyiinta Yemen ku dhiirrigelisay inay fuliyaan weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Sacuudiga. Wuxuu sheegay in Tehran ay weli kooxdaas siiso qalab, tababar iyo taageero.

    “Iiraan waxay weli hub iyo qalab siisaa, tababartaa, taageertana maleeshiyaadka Xuutiyiinta, taas oo ka hor imaanaysa qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,” ayuu Khamiistii yiri Raed Karimli, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Sacuudiga u qaabilsan diblomaasiyadda dadweynaha, xilli uu shir internetka ah la yeeshay wariyeyaal.

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan aaminsanahay in kororka weerarrada Xuutiyiinta ee marxaladdan colaadda ay Iiraan dhiirrigelinayso.”

    Sarkaalka Sacuudiga ayaa sheegay in dalkiisu uu weli xiriir la leeyahay Iiraan, balse Tehran aysan u muuqan mid diyaar u ah inay tanaasul samayso si xal loo gaaro.

    “Guud ahaan, weli uma muuqato in Iiraaniyiintu ay diyaar u yihiin inay sameeyaan tanaasullada lagama maarmaanka u ah in xal la gaaro,” ayuu yiri.

    Mr. Karimli ayaa sidoo kale Xuutiyiinta ku eedeeyay inay diideen inay ka qayb galaan wada-hadallo uu Sacuudigu soo jeediyay in lagu qabto dalka Cumaan toddobaadyadii la soo dhaafay, xilli dagaalladu sii xoogaysanayeen.

    “Bilowgii marxaladdan xiisaddu kor u kacday, waxaan ka codsannay inay kulan kula yeeshaan magaalada Muscat ee caasimadda Cumaan, balse way diideen,” ayuu yiri.

    Sida uu sheegay sarkaalka Sacuudiga, taasi waxay ahayd xiriirkii ugu dambeeyay ee labada dhinac dhexmaray, kaas oo dhacay dhowr toddobaad ka hor.

    Dhanka kale, Turki al-Maliki, afhayeenka isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo, ayaa shir jaraa’id kaga hadlay weerarradii Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyadh iyo hawlgallada milatari ee isbahaysigu ka fuliyay kooxda.

    Wuxuu sheegay in Xuutiyiintu ay isku dayeen inay bartilmaameedsadaan daraasiin garoomo diyaaradeed, xarumo shidaal iyo dekedo ku yaalla Sacuudiga.

    Mr. Maliki ayaa sheegay in weerarrada lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee King Khalid lagu fuliyay 10 diyaaradood oo aan duuliye lahayn, gantaallo iyo hub kale oo la soo tuuray.

  4. Madaxweynaha Somaliland oo caddeeyey mowqifka dowladdiisa ee xiisadda ka taagan gobolka

  5. Yaa hadda gacanta ku haya Buurhakaba?

  6. Trump oo ku dhawaaqay ka laabashada go’aan horrey dowladiisu u shaacisay

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in, si ka duwan go’aankii hore ee maamulkiisa, aan si toos ah loo baahin doonin dilka Nidal Malik Hassan, oo ahaa sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidanka Maraykanka, kaas oo sannadkii 2009-kii 13 qof ku dilay saldhigga milatariga ee Fort Hood, gobolka Texas.

    Farriin uu ku baahiyey barta bulshada ee Truth Social, ayuu Trump Nidal Hassan ku tilmaamay “qof aad u shar badan” iyo “khaa’inul waddan”. Wuxuu qoray in weerarkiisa lagu dilay 13 qof, oo ay ku jirtay haweeney askari ah oo uur lahayd. Ilmihii uurka ku jiray ee askarigaas ayaa sidoo kale dhintay, halka 32 qof oo kale ay dhaawacyo culus soo gaareen.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xiriirro elektaroonig ah oo uu Nidal Hassan la lahaa wadaad xagjir ah oo asal ahaan Maraykan ah, balse Yemeni ah, Anwar al-Awlaki. Trump ayaa sheegay in FBI-du ay farriimahaas dhexda u gashsy xilligii maamulkii madaxweynihii hore Barack Obama, balse baarayaashu aanay u arkin kuwo khatar muujinaya. Wuxuu arrintaas ku tilmaamay fashil weyn oo dhanka sirdoonka ah.

    Trump ayaa qoray in baahinta tooska ah ee dilku ay dunida u noqon kartay digniin iyo cashar muujinaya sida Maraykanku ula macaamilo “argagixisada iyo dadka la midka ah Hassan”.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu intaas ku daray: “Dad badan oo wanaagsan, niyad wanaagna leh, ayaa doorbidi lahaa inaysan goob-joog u noqon dhimashadiisa, ha ahaato baahin toos ah ama qaab kale oo muuqaal ah.”

    Trump ayaa xusay: “Waxaa loo dili doonaa qaab toogasho ah, sidii loo qorsheeyey, balse munaasabadda lama baahin doono.”

    Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in xubnaha qoysaska dhibbanayaasha ee doonaya inay goob-joog ka noqdaan dilka loo oggolaan doono inay si shakhsi ah u daawadaan fulinta xukunka. Wuxuu intaas ku daray: “Waxay mudan yihiin inay goob-joog u noqdaan sida caddaaladda loo fulinayo.”

  7. Maraykanka oo soo saaray amar maxkamadeed si ehelada Ilhaan Cumar su'aalo loo weydiiyo

    Wakiillada Federaalka ee baaraya Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota, ayaa soo saaray warqado wicitaan ah oo loo diray qaar ka mid ah qaraabadeeda iyadoo mas'uuliyiintu ay baarayaan taariikhda qoyskeeda si ay u helaan caddayn khiyaano iyo hadallo been abuur ah oo ku jira waraaqaha socdaalka, sida ay sheegeen dad u dhuun daloola arrinta,sida uu qoray wargayskaNew York Times.

    Ilhaan walaasheed Sahra Nuur ayaa heshay warqad amar maxkamadeed ah, ayadoo ugu yaraan hal xubin oo kale oo ka tirsan qoyskeeda amarkaas loo diray, sida ay sheegeen dad la socda arrinta baaritaanka oo uu wargeysku soo xigtay.

    Isniintii ayaa saraakiisha xukuumadda Maraykanka waxay ku fuliyeen warqad amar baaritaan ah oo lagu baarayo Ilhaan gurigeeda oo ku yaal Washington, waxaana la arkayey iyagoo wata sanduuqyo dukumeentiyo ah.

    Sahra Nuur oo ah xirfadle daryeel caafimaad iyo qoraa, kama aysan jawaabin codsiyada faallooyinka ee loogu diray emaylka.

    Warqado amar maxkamadeed oo heer sare ah ayaa la soo saaray si loo ururiyo caddaymo ku saabsan dambiyada suurtagalka ah, mana aha macnaheedu in dadka la siiyay ay baaritaan ku socdaan. Isniintii ayaa Ilhaan Omar waxay cambaareysay baaritaanka gurigeeda, iyadoo ku tilmaamtay dadaal uu maamulka Trump "ku bartilmaameedsanayo 'cadawga siyaasadeed' iyo hub ka dhigashada sharci fulinta federaalka." Waxay si isdaba joog ah u beenisay inay wax khalad ah ka gashay arrimaha socdaalka.

  8. Farmaajo oo ka hor yimid horyimi go’aan ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo
    Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo

    Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliy aayaa mar si horeysay oo maanta ahayd shaaciyey jadwalka doorashooyinka ee labada gobole Baarlamaanka ee Federalka iyo tan madaxweynaha.

    War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 5-ka April-2027 ay dhici doonto doorashada xildhibaannada labada Aqal, si loo soo xulo xubnaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka. Dhanka kale guddiga doorashada madaxweynaha u asteeyey inay la qabto 15-ka May-2027, sida guddigu shaaciyeyey.

    Dhanka kale war goor dhaweyn ka soo baxay xukuumada Federalka Soomaaliya oo lagu baahiye barta Facebook ee xafiiska Ra'iisul wasaaraha ayaa lagu soo dhaweeyey go'aanka guddiga.

    "Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa jadwalka uu shaaciyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ee ku saabsan qabashada doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xukuumaddu waxa ay u aragtaa jadwalkan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka." ayaa lagu yiri qoraalka Xukuumadda.

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo soo saaray war la soo dhigay bartiisa Faceboog ayaa ka horyimid tallaabada guddiga madaxa-Bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya.

    “Waxaan si xooggan u cambaaraynaynaa go'aanka goonni qaadashada ah ee uu ku dhawaaqay guddiga doorashada halka dhinac ah ee uu samaystay Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.” ayaa lagu yiri qoraalka.

    “Hannaanka is-doorashada ee uu qaatay Madaxweynweynaha muddo xileedkiisa dhammaday, waxa ay halis gelinaysaa dowladnimada iyo mustaqbalka dalka, waxa ayna horseedaysaa doorashooyin isbarbar socda iyo dagaallo sokeeye oo dalka ku baaha.”

    Qoraalka ayaa intaa raaciyey baaq loo diray maamulada dalka, iyo madaxdii hore “Madaxda iyo masuuliyiintii hore ee dalka, Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada iyo dhammaan dhinacyada siyaasadeed waxaan ku adkaynaynaa in ay wadajir ugu istaagaan hirgelinta doorasho hufan oo loo dhan yahay, dalkana ka samatabixisa marxaladda adag ee aynu ku jirno.”

  9. Shir muhim ahaa oo dib loo dhigay

    Golaha Yurub ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay shir-madaxeedkii labaad ee u dhexeeya Midowga Yurub iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka, kaas oo la qorsheeyey inuu 24-ka Oktoobar ka dhaco magaalada Riyaad ee caasimadda Sacuudi Carabiya.

    Golaha ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in taariikh cusub oo shirka la qabanayo lagu dhawaaqi doono marka ay ku habboonaato.

    Sacuudi Carabiya ayaa haatan dagaal kula jirta Xuutiyiinta Yemen oo uu taageero Iran.

    Gobollo kala duwan oo ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa maalmihii u dambeeyey marar badan la kulmay weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  10. Trump: Dadka faafiya xogta sirta ah ee hawlgallada milatariga Maraykanka waa in la toogtaa

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dadka xogta ku saabsan hawlgallada milatariga dalkiisa u gudbiya warbaahinta “ay tahay in la toogto”.

    “Waxaan qabaa in dadka xogta sirta ah faafiya la toogto,” ayuu Trump ka sheegay isu-soo-bax olole siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Bullhead City ee gobolka Arizona, maalintii Arbacada.

    “Waagii hore, waxaan toogan jirnay dadka faafiya xogaha noocaas ah, tusaale ahaan marka la shaacinayo in dal la weerari doono,” ayuu raaciyey.

    Isagoo tixraacaya weerarkii Maraykanku bishii Juun 2025 ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iran, ayuu Trump ku andacooday in qof uu shaaciyey waqtiyadii ay diyaaradihii milatariga Maraykanku baxayeen iyo markii gaaraan si ay u fuliyaan hawlgalkaas.

    Donald Trump ayaa dhaleeceeyey baahinta xogtan ee warbaahinta, oo ay ku jiraan wargeyska New York Times iyo CNN. Wuxuu sheegay in dadka xogta sirta ah faafiya ay tahay in si adag loo ciqaabo, isagoo ku tilmaamay “dadka ugu karaahiyada badan dunida”.

  11. Xog laga helay qorshe weyn oo Maraykanku wado oo ka dhana Iiraan

    Maraykanka
    Qoraalka sawirka, Bamka Maraykanka

    CNN ayaa soo werisay, iyadoo soo xiganaysa dhowr sarkaal oo Maraykan ah, in milatariga dalkaasi uu diyaariyey qorshayaal cusub oo ku saabsan weerarro lagu qaado Iran. Qorshayaashan waxaa ka mid ah suurtagalnimada in la adeegsado bamka loo yaqaan “Hooyada Bambooyinka”kaas oo lagu beegsan karo xarumaha tamarta iyo goobaha nukliyeerka ee Iran.

    Sida lagu sheegay warbixinta, haddii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu amro in dib loo bilaabo hawlgallada milatari, ka hor ama ka dib doorashooyinka dhexe ee Kongareeska, adeegsiga bamka GBU-43/B, oo ah bamka aan nukliyeerka ahayn ee ugu weyn kaydka hubka Maraykanka, wuxuu noqon karaa mid ka mid ah xulashooyinka la tixgelinayo.

    Ilo xog-ogaal u ah arrintan ayaa CNN u sheegay in shaki laga qabo waxtarka bamkan ee burburinta xarumaha nukliyeerka ee Iran ee ku yaalla dhulka hoostiisa. Waxay intaa ku dareen in adeegsigiisa suuragalka ahi uu yeelan karo saameyn nafsiyeed oo ka weyn awooddiisa wax-ku-oolka ah. Inkasta oo uu leeyahay awood burburin oo aad u weyn, bamkan looma qaabayn inuu si qoto dheer u dhexgalo dhulka.

    Warbixintan ayaa soo baxaysa xilli Trump uu wajahayo cadaadis ah inuu soo afjaro dagaalka Iran, iyadoo aanay muuqan calaamado muujinaya in Tehran iyo Washington ay ku sii dhowaanayaan heshiis.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa iyaduna baahisay warbixinta CNN, balse waxay sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin xogta la soo bandhigay.

    Wasaaradda difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa bishii Abriil 2017 ku dhawaaqday inay adeegsatay bamkeeda aan nukliyeerka ahayn ee ugu weyn hawlgal ka dhan ahaa fariisimaha kooxda Daacish ee gobolka Nangarhar ee dalka Afghanistan.

  12. UK oo ku hanjabtay inay muwaadiniinta Eritrea ka mamnuuci doonto dalka haddii aan la aqbalin dib u celinta muhaajiriinta

  13. Xuutiyiinta oo beeniyey war ay horey u shaaaciyeen Sacuudiga

    Yahya Saree, afhayeenka milatariga Xuutiyiinta
    Qoraalka sawirka, Yahya Saree, afhayeenka milatariga Xuutiyiinta

    Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay inaysan wax weerar ah ku qaadin gobolka Madiina maalintii Khamiista.

    Hadalkan ayaa yimid wax yar kaddib markii Sacuudi Carabiya ay ku dhawaaqday inay “dhexda ku qabatay oo burburisay” gantaal ku wajahnaa magaalada barakaysan ee Muslimiinta.

    Yahya Saree, afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, ayaa bartiisa bulshada ee X ku qoray:

    “Ciidamada qalabka sida ee Yemen waxay xaqiijinayaan inaysan maanta wax hawlgallo ah ka fulin gudaha dhulka Sacuudiga, sheegashooyinka Sacuudiga ee ku saabsan...”

  14. Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo oo sheegay inuu gantaal ku qabtay gobolka Madiina

    Isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo, kana dagaallamaya fallaagada Xuutiyiinta Yemen, ayaa sheegay in uu qabteen oo ay burburiyeen gantaal nooca cruise-ka ah oo lagu arkay hawada gobolka Madiina.

    Madiina waxaa ku yaalla mid ka mid ah goobaha ugu barakeysan Islaamka, waxaana Xuutiyiintu hore u sheegeen inaysan bartilmaameedsan doonin gobolkaas.

    Afhayeenka isbahaysiga, Turki al-Maliki, ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay: “Waxaa la qabtay oo la burburiyay gantaal nooca cruise-ka ah oo ku sugnaa gobolka Madiina.”

  15. Zelensky: Waxaan dareemayaa in Trump uu khiyaamay Ukraine

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky,
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky,

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu dareemayo in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu khiyaamay, kaddib markii Mareykanku dhowaan qaaday cunaqabateyn saarnayd naaftada Ruushka, isla markaana uu ku dhawaaqay xabbad-joojin la xiriirta tamarta oo Ruushku iska indho-tiray.

    Wareysi telefishin oo uu siiyay weriyaha British-ka ah ee Piers Morgan, intii uu booqashada ku joogay London, ayuu Zelensky ku sheegay in ay u muuqato in Ukraine ay luminayso taageeradii muddada dheer ee Mareykanku siinayay dagaalka ay kula jirto Ruushka.

    Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay suurtagalnimada in Mareykanku xaddido xogta sirdoonka uu la wadaago Ukraine, arrintaas oo Donald Trump uu beeniyay inuu sameeyay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto:

  16. Maxay ka wada hadleen Abiy Axmed iyo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka

  17. Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay sii deynta shaqaale ay Xuutiyiintu ku hayeen Yemen

    Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay sii deynta mid ka mid ah shaqaalaheeda oo Xuutiyiintu ku hayeen dalka Yemen tan iyo sannadkii 2024.

    Farhan Haq, ku-xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in Sami Kalabi uu dib ula midoobay qoyskiisa kaddib markii la sii daayay.

    Waxa uu sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo 71 shaqaale kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwaas oo weli lagu hayo deegaannada ay Xuutiyiintu maamulaan.

    Xuutiyiinta ayaa in ka badan toban sano dagaal kula jiray dowladda Yemen ee beesha caalamku aqoonsan tahay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto:

  18. Saadaam Xuseen oo dhiiggiisa Qur'aan ku qoray iyo afar arrimood oo kale oo la yaab leh

    Saddaam Xuseenna
    Qoraalka sawirka, Saddaam Xuseenna

    Madaxda lagu tiriyo iney yihiin keli-taliyayaal waxay leeyihiin dabeecado u gaar ah sida iney kelinimda jecel yihiin iyo iney awoodda ugu dambeysa adeegsadaan.

    Shaqsiyaadka kali-taliyanimada lagu yaqaanna oo dunida soo maray waxaa ka mid ah Hitler, Stalin, Mossolini, Franco, Muammar Qaddaafi iyo kuwa kale

    Waxa ay u muuqataa in kaligii taliye kasta uu leeyahay dabeecado shakhsiyeed oo qariib ah oo u muuqda kuwo ka duwan dabeecadda dadka caadiga ah.

    Saddaam Xuseenna hoggaamiyeyaashaasi kama duwana.

    Haddaba waxaan eegeynaa 5 qodob oo ka mid ah waxyaabaha lagu xusuusto madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saadaam Xuseen.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaqa hoose

  19. Dad badan oo ku dhintay dhismo iskuul oo dumay dalka Pakistan

    shaqaalaha Gurmadka
    Qoraalka sawirka, shaqaalaha gurmadka

    Ugu yaraan 16 arday iyo macallin ayaa ku dhintay, halka 20 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii saqafka iskuul ku yaalla magaalada Peshawar ee waqooyi-galbeed Pakistan uu dumay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta isbitaalka.

    Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa bayaan uu soo saaray ku muujiyay “murugo iyo tiiraanyo weyn” oo ku aaddan dhacdada, wuxuuna tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay.

    Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ardaydu ay ku jireen fasallada xilliga uu saqafku dumayay.

    Shaqaalaha gurmadka ee goobta ku sugan ayaa sheegay inay burburka hoostiisa ka raadinayaan dad kale oo laga yaabo inay ku xanniban yihiin.

    Dhismaha oo duma ayaa ku badan dalka Pakistan. Shilalkan ayaa inta badan ka dhasha ku guuldarreysiga in la raaco heerarka badbaadada dhismaha iyo isticmaalka qalab dhisme oo tayadiisu liidato.

    Bishii June ee sannadkan, in ka badan 12 carruur ah ayaa ku dhintay markii saqafka xarun waxbarasho uu ku dumay magaalada Lahore ee bariga Pakistan.

    Sannadkii 2025, 27 qof ayaa ku dhintay, 10 kalena way ku dhaawacmeen markii dhisme shan dabaq ah uu ku dumay xaafad ka tirsan magaalada Karachi ee koonfurta Pakistan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto:

  20. Australia iyo New Zealand oo muwaadiniintooda uga digay safarrada Sacuudi Carabiya

    Calanka Australia
    Qoraalka sawirka, Calanka Australia

    Australia iyo New Zealand ayaa soo saaray digniino cusub oo ku saabsan safarrada Sacuudi Carabiya, kaddib markii ay kordheen weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiintu fulinayaan.

    Australia ayaa muwaadiniinteeda kula talisay inay dib uga fiirsadaan qorshayaashooda safar ee Sacuudi Carabiya. Waxa kale oo ay soo saartay digniin toos ah oo ah in aan loo safrin garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Khaalid ee magaalada Riyadh, sababo la xiriira walaaca amniga.

    Dhanka kale, New Zealand ayaa heerka digniinta safarka ee Sacuudi Carabiya u qaaday heerka ugu sarreeya, iyadoo muwaadiniinteeda kula talisay inay gebi ahaanba ka fogaadaan safarrada dalkaas.

    Digniinahan cusub ayaa yimid kaddib markii ay si weyn u kordheen weerarrada Xuutiyiinta ee lagu beegsanayo duulimaadyada rayidka ah, kaabayaasha tamarta iyo goobaha ay dadku deggan yihiin ee Sacuudi Carabiya.

    Weerarrada ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyo sidoo kale carqalado baahsan oo ku yimid isu-socodka safarrada.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto: