Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Warbaahinta Mareykanka oo hadal-haysa nuxurka warqadda JD Vance u diray Mohsen Rezaei

    J.D. Vance madaxwayna ku xigeenka Mareykanka
    Qoraalka sawirka, J.D. Vance madaxwayna ku xigeenka Mareykanka

    Warbaahinta Maraykanka ee Axios ayaa qortay in Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance, uu warqad uu u diray Mohsen Rezaei, oo ah mas’uul sare oo amniga qaranka Iiraan ah, ku adkeeyay in wadaxaajood kasta oo looga hortagayo weerarro militari oo Maraykanku qaado uu khasab ka dhigo in laga wada hadlo arrinta nukliyeerka Iiraan.

    Mas’uul Maraykan ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa sidaas u sheegay Axios.

    Dhanka kale, wargeyska The New York Times ayaa qoray in warqadda Vance ay gaartay Mohsen Rezaei toddobaadkii hore, iyadoo loo sii mariyay dhexdhexaadiyeyaal u dhashay Qatar.

    Toddobaadkii hore, waxaa soo baxay warar sheegaya in wafdi Qatar ah uu gaaray Tehran, xilli ay halkaas booqasho ku joogeen wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, iyo taliyaha ciidamada qalabka sida ee Pakistan, Asim Munir.

    Hase yeeshee, warbaahinta xiriirka dhow la leh Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa beenisay in diyaaraddii siday wafdiga Qatar ay halkaas ka degtay.

    Sidoo kale, telefishinka Al-Carabiya ayaa habeenkii Arbacada sheegay in dadaallo lagu doonayo in Turkigu martigeliyo kulan ka hor 4-ta Nofeembar, si dib loogu bilaabo wadaxaajoodyada u dhexeeya Tehran iyo Washington.

    Warbaahintu waxay intaas ku dartay in arrinta nukliyeerka Iiraan ay ka mid noqon doonto qodobada laga wada hadlayo.

    Dhanka kale, mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa Arbacadii soo-jeedinta Qatar ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, isagoo carrabka ku adkeeyay in Iiraan aysan wax tanaasul ah ka sameyn doonin arrinta nukliyeerka.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  2. Kenya oo marti gelinaysa cayaar u dhaxaysa kooxaha caanka ah ee Bayern Munich iyo Ajax

  3. Sacuudiga oo digniin amni oo ah weeraro ka soo saaray Najraan iyo bariga dalka

    Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa ka digtay “khatar suuragal ah” oo ka jirta gobolka Najraan ee koonfur-galbeed dalkaas iyo sidoo kale gobollada bari.

    Hay’addu waxay dadka ku nool deegaannadaas ugu baaqday inay gabaad ka dhigtaan goobta ammaan ah ee ugu dhow.

    Digniintan ayaa imaanaysa xilli weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ka socdaan gudaha Sacuudiga, kuwaas oo lagu beegsanayo garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo xarumaha shidaalka.

    Dhanka kale, isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu qabtay oo burburiyay gantaal nooca ballistic-ga ah oo Xuutiyiintu ku soo rideen bariga dalka.

    Warar dheeraad ah :

  4. Iiraan oo carruurta iskuullada ku tababaraysa isticmaalka hubka, ka dibna lambar siinaysa mid kasta

  5. Ururka Xisbullah oo ka hadlay natiijada doorashada Israa'iil

    Xoghayaha guud ee ururka Xisbullah ee Lubnaan, Naciim Qaassim, ayaa sheegay in natiijada doorashada Israa’iil aysan wax muhiimad ah u lahayn ururka, isla markaana uu sii wadi doono iska caabbinta Israa’iil, cid kasta oo ku guuleysata doorashada.

    Iyadoo la tiriyay boqolkiiba 85 codadka doorashada, isbahaysiga midigta ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa wax yar ka horreeyay isbahaysiga ugu weyn ee mucaaradka oo uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot. Hase yeeshee, isbahaysiga Netanyahu weli ma uusan helin aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka.

    “Annaga muhiim nooma aha cidda xukunta Israa’iil. Laakiin waa in ay caddaataa in Israa’iil aysan sii wadi karin qabsashada dhulkeenna, waana inay ka baxdaa,” ayuu Naciim Qaassim ku yiri bayaan qoraal ah oo uu soo saaray Arbacadii.

    Warar dheeraad ah :

  6. Doorashada hoggaanka Israa’iil: Indhaha oo dhan waxay ku jeedaan go’aanka madaxwaynaha israa'iil — Netanyahu mise Eisenkot?

    Doorashada Israa'iil
    Qoraalka sawirka, Doorashada Israa'iil

    Haddii ilaa xalay indhaha oo dhan ay ku jeedeen Benjamin Netanyahu iyo Gadi Eisenkot, hadda waxaa la wada sugayaa go’aanka madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, si loo ogaado cidda uu u xilsaari doono dhismaha dowladda cusub.

    Herzog ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu ka hortago in dalka uu mar kale doorasho galo, qiimo kasta ha ku kacdee.

    Inkasta oo Netanyahu uu la kulmay dhaleecayn badan, saadaalina laga bixiyay mustaqbalkiisa siyaasadeed, haddana doorashada kama uusan soo bixin isagoo si weyn loo wiiqay. Taageerada lama filaanka ah ee uu helay, iyadoo doorashadan loo arkayay mid wax weyn ka beddeli karta siyaasadda dalka, ayaa u muuqata inay u suuragelinayso inuu xilka sii hayo, ugu yaraan isagoo ah ra’iisul wasaare ku-meel-gaar ah.

    Iyadoo ku dhowaad 90 boqolkiiba codadka la tiriyay, warbaahinta waaweyn ee Israa’iil ayaa sheegtay in isbahaysiga Netanyahu, oo ka kooban xisbiyada midigta, midigta fog iyo kooxaha diimeed ee muxaafidka ah, uu ku socdo inuu helo 53 kursi oo baarlamaanka ah.

    Taas ayaa ka badan 48-ka kursi ee la saadaaliyay inay heli doonto isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot.

    Hase yeeshee, natiijada ugu yaabka badan waxaa gaaray xisbiyada Carabta Israa’iil iyo kuwa Falastiiniyiinta, kuwaas oo ka faa’iideystay ka-qaybgalka codbixiyeyaasha oo sarreeyay, isla markaana la filayo inay ku guuleystaan 19 kursi oo ka mid ah baarlamaanka Israa’iil, oo loo yaqaan Knesset.

    Warar dheeraad ah :

  7. Dhammaad

    Waxaa intaas nooga eg baahinteenni tooska ahayd ee maanta.

  8. Youssef Jabarin: "Carabta Israa’iil oo doonaya in Ben-Gvir xilka laga qaado iyo in noloshoodu hagaagto".

    Youssef Jabarin: Carabta Israa’iil oo doonaya in Ben-Gvir xilka laga qaado iyo in noloshoodu hagaagto

    Youssef Jabarin, oo ah hoggaamiyaha Isbahaysiga Wadajirka ah ee Carabta Israa’iil, ayaa BBC-da u sheegay in Carabta Israa’iil ay codkooda dhiibteen iyagoo rajaynaya in xilka laga qaado Itamar Ben-Gvir, wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil oo ah qof leh aragtiyaha xagjirka ah, isla markaana ay noloshooda maalinlaha ahi soo hagaagto.

    Sida uu sheegay Youssef Jabarin, sabab weyn oo keentay tirada badan ee dadka Carabta ah ee codeeyay ayaa ahayd rajada ah in Ben-Gvir xilka laga qaado.

    Wuxuu hab-dhaqanka iyo tallaabooyinka Ben-Gvir ku tilmaamay kuwo “cunsuriyad” iyo “faashiiste” ah, isagoo sheegay inuu isku dayayay inuu ka xanaajiyo bulshada Carabta. Jabarin wuxuu tusaale u soo qaatay magaalada Umm al-Fahm ee waqooyiga Israa’iil, oo ay dadka badankoodu Carab yihiin, halkaas oo uu isaguba ku nool yahay, isla markaana Ben-Gvir uu booqday si uu amarro uga bixiyo duminta guryaha.

    Jabarin ayaa dowladda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeeyay inay si nidaamsan u takoorto dadka laga tirada badan yahay ee Carabta ah ee ku nool dalka.

    Wuxuu sheegay in bulshada Carabtu ay wajahdo dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhaqaale iyo agab kooban, awood-darro lagu xakameeyo rabshadaha kooxaha dembiilayaasha ah, amarro lagu duminaayo guryaha iyo hadallo cunsuriyadeed. Dadka Carabta ah ee laga tirada badan yahay waxay ka yihiin ku dhowaad shan meelood meel dadka guud ee Israa’iil.

    “Waxay ahayd xilli adag intii ay jirtay dowladda Netanyahu, dadkuna waxay doonayeen inay codkooda ugu ciqaabaan Netanyahu, Ben-Gvir iyo wasiirka Maaliyadda ee midigta fog, Bezalel Smotrich,” ayuu yiri.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in tirada badan ee dadka codeeyay aysan ku koobnayn oo keliya doonista ah in hoggaamiyeyaashaas xilka laga qaado, balse ay sidoo kale ahayd rabitaan ah in noloshooda maalinlaha ahi hagaagto.

    Youssef Jabarin ayaa sheegay in xisbigiisu diyaar u yahay inuu wada-hadallo la yeesho xisbiyada mucaaradka Yuhuudda si looga caawiyo dhismaha dowlad, balse ay jiraan shuruudo uu isaguna qabo.

    Waxaa hadalladiisa kamid ahaa in “ajandaha siyaasadeed ee Xisbiga isbahaysiga Wadajirka ah ee Carabta uu ku salaysan yahay horumarinta sinnaanta iyo muwaadinnimo loo siman yahay.”

    Sida uu sheegay, bulshada Carabtu waxay la kulantay dhibaatooyin badan intii ay jirtay dowladda Netanyahu, waxaana hadda la joogaa waqtigii isbeddel dhab ah la samayn lahaa.

  9. Dowladda Cummaan oo ka digeysa dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan.

    Dowladda Cummaan oo ka digeysa dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal kale uu ka qarxo gobolka.

    Badr Busaidi ayaa telefishinka Channel 4 ee Ingiriiska u sheegay in dalalka Khaliijku ay tahay inay sii wadaan doorkooda hoggaamineed ee Bariga Dhexe.

    Wuxuu ku baaqay in la sameeyo hannaan cusub oo amni oo gobolka Gacanka Faaris ah, halkii dalalka gobolka ay si weyn ugu tiirsanaan lahaayeen Maraykanka oo ah kan ugu weyn ee amniga suga, waa inay iyagu door muuqda ka qaataan xaqiijinta amnigooda.

    Ka hor dagaalkii dhowaan dhacay, Cumaan waxay dhex-dhexaadin ka dhex waday Iiraan iyo Maraykanka.

    Goor dhaw ayey markii wasiirka arrimaha dibadda Iiraan uu isna ka digay dagaal ama weerarro cusub oo ay Israa'iil ku qaaddo Iiraan in ay keeni karto dhibaato cusub oo saameyn doonta ganacsiga gobolka iyo kan caalamka.

    Sidoo kale, Iiraan ayaa Qatar ugu baaqday inay “u hoggaansanto shuruudaha dhexdhexaadinta", oo ay noqoto waddan dhex dhexaad ah.

    Mas’uul u hadlay Qatar ayaa hore u sheegay in “Iiraan ay tahay inay joojiso hanjabaadaha ay u jeedinayso dalalka gobolka”.

    Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Qatar ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan u gudbisay qabyo-qoraal cusub oo heshiis ah.

    Warar dheeraad ah :

  10. Shilka tareen ee Spain oo sababay in la hakiyo dhamaan ciyaarihii loo balansanaa

  11. Ma jiro xisbi weli helay aqlabiyad cad doorashada Israa’iil: Maxaa xigi kara?

    Ma jiro xisbi weli helay aqlabiyad cad doorashada Israa’iil: Maxaa xigi kara?

    Israa’iil ayaa u muuqata inay mar kale wajahayso qalalaase siyaasadeed. Iyadoo la tiriyey 85 boqolkiiba codadka, ra’iisul wasaaraha xilka haya, Benjamin Netanyahu, iyo ninka ay sida weyn u tartamayaan, Gadi Eisenkot, midkoodna uma muuqdo inuu haysto aqlabiyadda looga baahan yahay dhismaha dowlad.

    Aan eegno xaaladaha suuragalka ah ee arrintan ka dhalan kara:

    • Isbahaysi dhex mara Netanyahu iyo Eisenkot? Xaaladdan, Netanyahu waa inuu ka baxaa isbahaysiga uu hadda la leeyahay xisbiyada midigta iyo kuwa diinta aadka ugu ad-adag. Dhanka kale, Eisenkot waa inuu ka tanaasulaa ballanqaadkiisii ugu weynaa ee doorashada, kaas oo ahaa inuu Netanyahu xilka ka tuuro.
    • Dowlad uu Eisenkot hoggaamiyo oo taageero ka hesha xisbiyada Carabta. Eisenkot iyo ku dhowaad dhammaan xisbiyada Yuhuudda ee isbahaysigiisa ayaa diiday suurtagalnimada in dowlad lala dhiso xisbiyada Carabta. Hase yeeshee, marka la eego tirooyinka hadda jira, tani waxay u muuqataa waddada keliya ee ay ku heli karaan aqlabiyad.
    • Dowlad uu Netanyahu hoggaamiyo oo taageero ka hesha hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee midigta? Netanyahu ayaa isku dayi kara inuu xisbiyada midigta ee ku jira isbahaysiga mucaaradka ku soo daro dhinaciisa. Arrintan, Naftali Bennett oo ka tirsan isbahaysiga Bayhad iyo Avigdor Lieberman oo hoggaamiya xisbiga Yisrael Beitenu ayaa loo arkaa siyaasiyiin muhiim ah oo door weyn ka ciyaari kara.
    • Doorasho cusub haddii lagu noqonayo: Haddii aanu jirin isbahaysi hela aqlabiyad, dalka waxaa laga yaabaa inuu mar kale u dareero doorasho. Kormeerayaal badan ayaa sheegaya in tani si dadban faa’iido ugu yeelan karto Netanyahu, maadaama uu sii ahaan doono ra’iisul wasaare sii haya xilka ilaa doorashada cusub la qabto, isla markaana uu u arki karo inuu markale haysto fursad wanaagsan oo uu ku guuleysto.

    Warar dheeraad ah :

  12. Iiraan "Weerar kasta oo Israa’iil qaaddo wuxuu saameyn ba’an ku yeelan karaa suuqyada caalamka"

    Iiraan "Weerar kasta oo Israa’iil qaaddo wuxuu saameyn ba’an ku yeelan karaa suuqyada caalamka"

    Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Cabbas Araqchi, ayaa Arbacadii ka digay in tallaabo militari oo kasta oo Israa’iil ka qaaddo gobolka Gacanka ay saameyn masiibo leh ku yeelan karto suuqyada caalamka.

    Araqchi ayaa bayaan uu ku baahiyay barta X ku yiri: “Dalalka soo saara gaaska iyo kuwa isticmaala labaduba waxay ka walaacsan yihiin saameynta ba’an ee tallaabo kasta oo militari oo Israa’iil ka qaaddo gobolka Gacanka Faaris ay ku yeelan karto suuqyada caalamka.”

    Bayaankan ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay la hadal hayay suurtagalnimada in Maraykanka iyo Israa’iil ay dib u bilaabaan weerarrada ka dhanka ah Iiraan. Dagaalka hadda socda ayaa billowday dabayaaqadii bishii Febraayo, kaddib weerarro lagu qaaday Iiraan.

    Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo isku dayi doona inuu soo dhiso dowlad cusub kaddib natiijooyinka doorashada, ayaa Arbacadii sheegay inuu la shaqeyn karo Madaxweyne Donald Trump si meesha looga saaro “khatarta".

    Warar dheeraad ah :

  13. War deg deg ah, Tirinta codadka doorashada Israa'iil oo ku dhaw in lasoo gababeeyo

    Tirinta codadka doorashada Israa'iil oo ku dhaw in lasoo gababeeyo

    Sida ay baahiyeen telefishinnada Channel 12 iyo Channel 13 ee Israa’iil, waxaa la soo gabagabeeyay tirinta dhammaan codadka, marka laga reebo codadka ay dhiibteen dadka aan goobaha codbixinta ka codayn.

    Codadka maqnaanshaha lagu dhiibtay, oo intooda badan ay leeyihiin ciidamada milatariga, ayaa lagu qiyaasay ku dhowaad 600,000 oo cod, taasoo u dhiganta qiyaastii 10 boqolkiiba wadarta codadka la dhiibtay. Waxaa la filayaa in tirinta codadkan la dhammaystiro maanta.

    Isbahaysiga uu hoggaamiyo xisbiga Likud ee Benjamin Netanyahu ayaa kordhiyay hoggaankiisa, isagoo helay 54 kursi, shan kursina ka horreeya isbahaysiga uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot, kaas oo helay 49 kursi.

    Si kastaba ha ahaatee, isbahaysiga Netanyahu ayaa weli toddoba kursi ka dhiman yihiin tirada looga baahan yahay aqlabiyadda baarlamaanka.

    Warar dheeraad ah :

  14. War deg deg ah, Isbahaysiga Carabta ee Israa’iil oo shaaciyey war an u wanaagsanayn Natenyahu

    Isbahaysiga Carabta ee Israa’iil oo shaaciyey war an u wanaagsanayn Natenyahu

    Youssef Jabarin, hoggaamiyaha Isbahaysiga xisbiyada Carabta ee Wadajirka ah, oo ah isbahaysi Carbeed oo ka qaybgalaya doorashada Israa’iil, ayaa sheegay in isbahaysigiisu uu “diyaar u yahay, isla markaana doonayo inuu waddada u xaaro sidii xukuumadda Netanyahu xilka looga tuuri lahaa.”

    Sida ay sheegay Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil, Isbahaysiga Carabta ee Wadajirka ah ayaa hadda ku jira kaalinta afraad, isagoo helay 9.11 boqolkiiba codadka. Isbahaysigan ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara dadaallada lagu dhisayo dowlad isbahaysi ah oo cusub.

    “Waxaan soo bandhigaynaa weji gebi ahaanba ka duwan siyaasadda dhiigga daadinaysa iyo siyaasadda islaweynida, cunsuriyadda iyo dadka la takooro", ayuu Jabarin ku sheegay bayaan uu ku baahiyay barta X.

    Wuxuu intaas ku daray: “Isbeddelku wuxuu ku iman doonaa iskaashi dhex mara Yuhuudda iyo Carabta, kaas oo ah iskaashi dhab ah oo loo siman yahay, wax intaas ka yar iyo wax intaas ka badan midna ma aha.”

    Xukuumadda Netanyahu ayaa marar badan dadka Carabta ah ee Israa’iil, oo qaar badan oo ka mid ahi isu aqoonsan yihiin muwaadiniin Falastiiniyiin ah oo Israa’iil haysta, ku tilmaantay khatar ku wajahan aqoonsiga Yuhuudda ee dalka.

    Netanyahu ayaa dhowaan sheegay in siyaasiyiinta isaga ka soo horjeedaa ay qorsheynayaan inay xisbiyada Carabta la dhistaan “dowlad khatar ah”.

    Horaantii, Yair Golan ayaa isbahaysiga mucaaradka ugu baaqay inuu la shaqeeyo xisbiyada ay Carabtu hoggaamiyaan si dowlad loo soo dhiso, inkasta oo Gadi Eisenkot uu hore u diiday suurtagalnimadaas.

    Ka hor doorashada, Isbahaysiga Liiska Carabta ee Wadajirka ah ayaa sidoo kale muujiyay inay suurtagal tahay in heshiis iskaashi baarlamaan lala galo dowladda cusub ee isbahaysiga ah.

    Warar dheeraad ah :

  15. Yaa sarreeya doorashada iyadoo boqolkiiba 80 cododka la tiriyey

    Yaa sarreeya  doorashada iyadoo boqolkiiba 80 cododka la tiriyey

    Tirinta codadka doorashada Israa’iil ayaa weli socota, waxaana ilaa hadda la tiriyey in ka badan 77% codadka.

    Isbahaysiga Benjamin Netanyahu ayaa hadda haysta 54 kursi, halka tirada kuraasta isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot ay kor u kacday oo ay gaartay 49 kursi, kaddib markii uu helay laba kursi oo dheeraad ah.

    Midkoodna uma muuqdo inuu ku guuleysanayo 61-ka kursi ee loo baahan yahay si loo dhiso dowlad aqlabiyad leh.

    Hore waxaa loo saadaaliyay in xisbiyada ku bahoobay Liiska Carabta ay heli doonaan 19 kursi, balse tiradaasi hadda waxay hoos ugu dhacday 17 kursi.

    Maaddaama natiijooyinka doorashada ay weli soo baxayaan, waxaa suurtagal ah in isbeddel uu ku yimaado natiijada kama dambaysta ah.

    Warar dheeraad ah :

  16. War deg deg ah, Benjamin Netanyahu oo hadda khudbad jeediyey

    Benjamin Netanyahu oo hadda khudbad jeediyey

    Benjamin Netanyahu ayaa khudbad ka jeedinaya isu-soo-bax doorasho oo ay isugu yimaadeen taageerayaasha xisbigiisa Likud. “Likud waa xisbiga ugu kuraasta badan,” ayuu u sheegay dadweyne sacab iyo mashxarad ku soo dhaweeyay.

    “Waa inaan dhisnaa dowlad qaran oo xooggan, oo ay hoggaamiyaan xisbiyada midigta.”

    Inkasta oo natiijooyinka codbixinta hordhaca ah ee hadda la hayo ay muujinayaan in Likud uu yahay xisbiga ugu kuraasta badan, haddana kuraastiisu aad bay uga hooseeyaan tirada aqlabiyadda looga baahan yahay dhismaha dowlad.

    Sida ay muujinayaan natiijooyinka cusub ee codbixinta hordhaca ah ee ay baahiyeen laba ka mid ah xarumaha warbaahinta Israa’iil, isbahaysiga uu hoggaamiyo Netanyahu iyo kan ay hoggaamiyaan xisbiyada mucaaradka ayaa aad iskugu dhaw, halka xarun saddexaad ay muujisay in Netanyahu uu wax yar hoggaaminayo.

    Warar dheeraad ah :

  17. Dalxiiska Soomaaliya: Sida Sucdi uga caawiso dalxiisayaasha inay arkaan dhanka qarsoon ee Muqdisho

  18. Maxaa dhacaya haddii uusan jirin xisbi si cad ugu guuleysta doorashada?

    Ma jiro xisbi abid ku guuleystay aqlabiyad buuxda, taasoo ka dhigan in mar kasta la soo dhiso dowlad isbahaysi ah.

    Hannaankani wuxuu bilaabmaa marka codadka la tiriyo. Madaxweynaha Israa’iil ayaa la tashanaya hoggaamiyeyaasha xisbiyada, ka dibna wuxuu ku martiqaadayaa hoggaamiyaha uu u arko inuu fursadda ugu wanaagsan u haysto dhismaha dowlad.

    Musharraxaas ayaa markaas haysta 28 maalmood oo uu ku soo dhiso dowlad isbahaysi ah, inkasta oo uu codsan karo 14 maalmood oo dheeraad ah haddii uu u baahdo waqti dheeri ah.

    Haddii wadaxaajoodyadu ku guuldarreystaan muddadaas, madaxweynaha ayaa dooran kara musharrax kale oo isku daya inuu soo dhiso isbahaysi dowladeed.

    Haddii isku daygaasna uu fashilmo, xubnaha baarlamaanka Israa’iil ee Knesset ayaa madaxweynaha ka codsan kara inuu hoggaamiye saddexaad fursad siiyo. Haddii taasina ay guuldarreysato, waxaa la qabanayaa doorasho cusub.

    Intii u dhaxeysay 2019 iyo 2022, Israa’iil waxay qabatay shan doorasho oo kala duwan, iyadoo xisbiyadu marar badan ku guuldarreysteen inay iska kaashadaan dhismaha dowlad.

    Doorashadii 2022 ka dib, xisbiga Likud ee Benjamin Netanyahu ayaa noqday xisbiga ugu kuraasta badan, isagoo ku guuleystay 32 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamaanka. Netanyahu ayaa markii dambe isbahaysi la sameystay dhowr xisbi oo midigta fog ah, taasoo isaga iyo xulafadiisa siisay aqlabiyad ka kooban 64 kursi.

    Warar dheeraad ah :

  19. Ruushku ma wuxuu soo saaray hub cusub oo beddelaya Dayaaradaha is qarxiya ee Shahed