Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War weyn oo ka soo kordhay dabaqii ku dumay Islii oo la shaaciyey

    Buburka dabaqii dumay

    Sida ay sheegtay Susan Auma Mang’eni, oo ah Xoghayaha Joogtada ah ee waaxda dowladda Kenya u qaabilsan horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (MSME), weli waxaa jira dad aan la ogeyn meelaha ay ku sugan yihiin, kaddib burburkii dhisme dabaqa ahaa ee ka koobnaa dhowr iyo tobanka kaas oo Jimcihii k ku dumay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

    “Illaa hadda, waxaa la soo sheegay in ku dhowaad 38 qof la la’yahay,” ayay tiri Mang’eni.

    Sida ay sheegtay, qoysaska ayaa macluumaadka ku saabsan ehelladooda maqan la wadaagay Ururka Laanqayrta Cas ee Kenya iyo kooxaha kale ee ka qayb qaadanaya hawlgallada samatabbixinta, oo ay ku jiraan Waaxda Dambi-baarista (DCI) iyo hay’adaha ammaanka.

    Mang’eni ayaa sheegtay in mas’uuliyiintu ay dabagal ku samaynayaan warbixin kasta si loo ogaado halka ay ku sugan yihiin dadka maqan. Waxay intaas ku dartay in lambarrada telefoonka ee qoysasku bixiyeen ay baarayaasha ka caawin karaan raadinta dadkaas.

    “Mararka qaarkood, haddii aad na siiso lambar telefoon, waxaan ogaan karnaa halka uu lambarkaasi ka shaqeynayo,” ayay tiri.

    Mang’eni ayaa sheegtay in sagaal qof la helay, iyadoo qaar ka mid ah laga helay goobta uu dhismuhu ku dumay. Qaar kale, ayay tiri, ma joogin goobta maalintii uu dhismuhu burburay.

    Lambarrada telefoonka ee sagaalka qof ayaa la jaanqaaday telefoonno laga helay burburka dhismaha.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Dal Afrikan ah oo mamnuucay in la isticmaalo ereyada 'dal sabool ah, dal deyn lagu leeyahay ama dal yar"

  3. Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo oo sheegay inay soo rideen 10 gantaal oo Xuutiyiintu ku ganeen dalkaas

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa ku dhawaaqay inuu soo riday 10 gantaal oo nooca ballistic ah oo ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ku rideen dalkaas.

    Afhayeenka isbahaysiga, Turki al-Maliki, ayaa qoraal uu ku baahiyey barta X ku sheegay in dhammaan gantaallada la soo riday, balse ma uusan faahfaahin waxyeellooyinka ka dhashay ama khasaaraha nafeed.

    Turki al-Maliki ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada isbahaysigu ay qabteen oo burburiyeen gantaal ballistic ah iyo laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Xuutiyiintu ku bartilmaameedsadeen magaalada Riyadh.

    Axadda, mant aha xilli lagu dhawaaqay in dib loo furayo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee Riyadh, ayaa waxaa la soo sheegay qaraxyo laga maqlay caasimadda Sacuudiga. Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in qaraxyadu ay la xiriireen gantaallo hawada lagu burburiyey iyo in ay ka dhasheen weerar toos ah.

    Qaar ka mid ah duullimaadyada garoonka King Khalid ayaa maanta u muuqday inay shaqeynayeen, laba toddobaad kaddib markii garoonka la xiray, inkasta oo shaashadaha ogeysiisyada garoonka ay ka buuxeen duullimaadyo la baajiyey.

    Xuutiyiinta oo xulafo la ah Iran ayaa hore uga digay in garoonku weli yahay “bartilmaameed militari” isla markaana “uusan ammaan ahayn”.

  4. Wasiirka Difaaca Ingiriiska: Waa inaan u diyaar garownaa dagaal muddo kun maalmood gudahood ah

    Xoghayaha Difaaca Ingiriiska ayaa ka digay in waddankiisu uu haysto qiyaastii kun maalmood si uu ugu diyaar garoobo dagaal suurtagal ah oo uu la galo cadawgiisa.

    "Rabitaanka cadawgeennu inay na waxyeeleeyaan ma aha wax cusub," ayuu Wes Streeting u sheegay wargeyska Ingiriiska ee The Telegraph. "Waxa isbeddelay waa awooddooda. Marka la gaaro 2030, awooddooda ciidan iyo dhaqaalahooda dagaal ayaa ku ridi kara boos ay ku weeraraan."

    Mr. Stretting ayaa intaa ku daray in qiimeyntan, Britain ay haysato wax ka badan kun maalmood si ay ula diyaararowdo xulafadeeda si ay "ugu guuleysato" dagaalka.

    "Waa inaan diyaar u ahaannaa inaan ka fogaano malaha ugu xun," ayuu yiri, isagoo ka hadlayay weerar suurtagal ah oo Ruush ka yimaada.

    Dowladda Ingiriiska waxay bilowday olole "Diyaargarow", iyadoo dadka kula talinaysa inay sii wadaan kaydsashada biyaha, cuntada la keydin karo sida cuntooyinka qasacadaysan, busteyaasha iyo raadiyaha guriga si loogu diyaari garoobo haddii ay dhacdo weerar internet ama cimilo daran iyo carqaladayn kaabayaasha.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  5. Qaraxyo laga maqlay magaalada Riyaad xilli uu dib u furmayo garoonka diyaaradaha ee Boqor Khaalid

    .

    Qaraxyo ayaa laga maqlay caasimadda Sacuudiga iyadoo mas'uuliyiinta Sacuudiga ay ku dhawaaqeen go'aankooda ah inay dib u bilaabaan duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee King Khalid ee Riyaad.

    Lama caddeyn in qaraxyadu ay la xiriireen gantaalo hawada lagu qabtay ama kuwo ku dul dhacay magaalada.

    Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa sheegay inay qabteen 10 gantaal oo lagu riday Riyaad iyo meelo kale.

    Garoonka diyaaradaha ee King Khalid ayaa xirnaa muddo laba toddobaad ah sababo la xiriira weerarrada ay geysanayaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen.

    Xuutiyiinta ayaa ka digay in garoonka diyaaradaha uu weli yahay "bartilmaameed militari" oo "aan ammaan ahayn."

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Khilaaf adag oo ku saabsan shaqada milatariga Israa'iil kaa oo laga yaabo inuu qaabeeyo mustaqbalka Israa'iil

  7. 'Cudurka halista ah' ee raggu ka qaadaan cabidda caanaha

    daraasad

    Ragga sida joogtada ah u isticmaala manaafacaadka xoolaha, gaar ahaanna caanaha, ayaa marka la barbardhigo kuwa aan isticmaalin, waxay boqolkiiba 60 halis weyn ugu jiraan inuu ku dhaco xanuunka kansarka ku dhaca kaadi-heysta, sida lagu xusay daraasad cusub.

    Daraasaddan oo lagu daabacay joornaalka Mareykanka ka soo baxa ee nafaqada ka faallooda, ayaa waxaa sameeyay baarayaal ka tirsan Jaamacadda Loma Linda, kuwaas oo daneynayay baaritaanka xiriirka ka dhaxeeya cuntada iyo kansarka kaadi-heysta.

    Tan iyo sanadkii 2001, baarayaasha ayaa la socday caafimaadka rag ku sugan Mareykanka iyo Canada. Waxay daraasaddan eegeysay cuntada raggan muddo shan sano ah.

  8. Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo oo war soo saaray

    Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo
    Qoraalka sawirka, Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo

    Afhayeen u hadlay isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in la burburiyay gantaal nooca ballistic-ga ah oo Xuutiyiintu subaxnimadii Axadda ku rideen dhinaca magaalada Riyadh.

    Afhayeenku wuxuu bayaan uu ku baahiyay barta X ku sheegay in “nidaamka difaaca cirka uu qabtay oo burburiyay gantaal nooca ballistic-ga ah oo maleeshiyada Xuutiyiinta ee argagixisada ahi u soo tuurtay dhinaca Riyadh”.

    Ka hor inta uusan afhayeenka isbahaysiga milatarigu bayaankan soo saarin, wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in magaalada Riyadh laga maqlay saddex qarax.

    Qaraxyada ayaa dhacay kaddib markii dadka deggan magaalada ay heleen farriimo digniin ah oo ku saabsan khatar cirka ka imanaysa, kuwaas oo lagu farayay inay joogaan goobaha ammaanka ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  9. Guddoomiyaha Barlamaanka Iiraan oo si adag ugu jawaabay Maraykanka

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf
    Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa ka jawaabay hanjabaad ka timid saraakiil sare oo Mareykan ah oo la xiriirtay suurtagalnimada in Iran mar kale weerar milatari lagu qaado.

    “Waxaan jawaab aan la qiyaasi karin ka bixin doonnaa tallaabo kasta oo gardarro ah oo lagu qaado wadajirka dhuleed ee Iran,” ayuu yiri Qalibaf.

    Guddoomiyaha baarlamaanka, oo sidoo kale ah wadaxaajoodka ugu sarreeya ee Iran, ayaa hadalkan ka jeediyay khudbad hordhac ah oo uu Axaddii ka jeediyay kulan furan oo baarlamaanku yeeshay.

    Kulankaas, xildhibaannadu waxay sii wadeen dib-u-eegista qorshaha loogu magac daray “Qorshaha Ka-hortagga Saameynta Shisheeye” (Counter-Influence Plan).

    Saddex-meelood laba meel xildhibaannada ayaa ka qaybgalay kulanka baarlamaanka ee maanta, kaas oo loo qabtay qaab isku dhafan; qaar ayaa si toos ah u joogay, halka kuwa kalena ay kaga qaybqaateen shir muuqaal ah oo internet-ka ah.

    Qalibaf wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii tagay xarunta baarlamaanka si ay uga qaybgalaan kulanka.

    Baarlamaanka Iran ayaa muddo bilo ah kulamadiisa ku qabanayay hab internet-ka ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  10. "Waxaan ahay 96 jir, waxaana igu xiran 15 milyan oo qof": Ayeeyooyinka la wareegaya TikTok-ga

  11. Iran oo shardi ku xirtay xabad joojin ay la gaarto Maraykanka

    Hadalladiisii ​​ ugu dambeeyay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araqchi ayaa ka digay suurtagalnimada khilaaf cusub oo dhexmara Mareykanka iyo Israa'iil iyo Iran, isagoo sheegay in "xabad joojin lagu gaari karo oo keliya joojinta colaadda dhinac walba."

    Wasiirka Arrimaha Dibadda, oo ka hadlayay munaasabadda furitaanka "Xarunta Dukumentiyada iyo Matxafka Kamal Kharrazi," ayaa sheegay in arrintan lala soo qaaday Mareykanka dhammaan wadahadalladii ay la yeesheen dhexdhexaadinta Bakistaan ​​iyo Qadar.

    Kamal Kharrazi, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee Iiraan iyo la-taliyaha caalamiga ah ee hoggaamiyihii hore ee dalkaas, ayaa u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray weerarkii Mareykanka.

    Qayb kale oo ka mid ah hadalladiisa, Mr. Araqchi ayaa ka digay "hadallada cadawga ah ee afhayeennada dagaalka" wuxuuna ka digay in Iiraan ay ku kici doonto kharash badan.

    Warar kale oo dheeri ah

  12. Sarkaal sare oo Iiraani ah oo hanjabaad culus u jeediyey Israa’iil

    Ibraahim Caziizi, oo ah guddoomiyaha Guddiga Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Iran, ayaa farriin ku qoran luqadda Cibraaniga oo uu ku baahiyay barta X ugu hanjabay in Israa’iil laga dhigi doono “meel aan lagu noolaan karin wax ka yar saacad”, haddii tallaabo kasta oo ka dhan ah amniga Iran iyo danaha qarankeeda la qaado.

    Waxa uu qoray: “Ogaada in haddii tallaabo kasta laga qaado amnigeenna iyo danaha qarankeena, ay qaadan doonto wax ka yar saacad in dhulka laga dhigi doono meel aan lagu noolaan karin.”

    Farriintan waxaa la socotay khariidad uu soo bandhigay guddoomiyaha Guddiga Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Iran. Khariidadda ayaa tilmaamaysa kaabayaal muhiim u ah Israa’iil, oo ay ka mid yihiin xarumaha biyaha badda laga sifeeyo si looga dhigo biyo la cabbi karo, xarumaha korontada, warshadaha sifeynta shidaalka iyo buundooyin muhiim ah.

    Ibraahim Caziizi ayaa hanjabaaddan jeediyay isaga oo ka jawaabaya hadallo dhowaan ka soo yeeray ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Netanyahu ayaa maalmo ka hor sheegay in sida keliya ee lagu ciribtiri karo khatarta Iran ay tahay in la rido dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

  13. Sirdoonka Maraykanka: Qorshaha Iiraan ee ah inay disho dad Maraykan ah 'meel sare ayuu gaaray'

  14. Halkee marayaan howlgallada lagu baadi-goobayo dadka ku hoos jira dhismaha ku dumay Islii

    Howlgallada baadi-goobka oo weli ka socda dhismihii ku dumay xaafada Islii ee magaalada Nairobi
    Qoraalka sawirka, Howlgallada baadi-goobka oo weli ka socda dhismihii ku dumay xaafada Islii ee magaalada Nairobi

    Waxaa weli socda howlgallada samatabixinta iyo baadi-goobka ah ee lagu doonayo in lagu helo dad weli loo malaynayo inay ku hoos jiraan dhismihii ku dumay wadada sagaalaad ee xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

    Axmed Qadar Maxamed Dabar, oo ah xildhibaanka golaha deegaanka Ismaamulka Nairobi ku matela waqooyiga xaafada Islii ayaa BBC-da u sheegay in howlgallada baadi-goobku si wanaagsan u socdaan.

    Tan iyo markii dhismuhu dumay maalintii jimcihii, waxaa samatabixiyaashu ku guuleysteen inay qaybta hoose ee dhismaha ka soo badbaadiyeen laba qof oo nool kuwaas oo lagu sheegay haweenay iyo nin.

    Labada qof ee la soo badbaadiyey ayaa loo qaaday isbitaal halkaas oo lagu daryeelayo xaaladooda caafimaad sida masuulliyiintu sheegeen.

  15. Donald Trump oo u jawaabay Obama si adagna u weeraray

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray madaxweynihii hore Barack Obama, isaga oo ka jawaabaya dhaleeceyn loo jeediyay. Trump ayaa sheegay in Obama uu malaayiin doollar siiyay Iran intii uu xilka hayay, isla markaana uu waddada u furay in dalkaasi helo hubka nukliyeerka.

    “Obama waxa uu ahaa madaxweyne aan karti lahayn haba yaraatee. Waxa uu Iran siiyay balaayiin doollar, wuxuuna waddada u furay in dalkaasi helo hub nukliyeer ah,” ayuu Trump ku qoray farriin uu ku baahiyay bartiisa bulshada ee Truth Social.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale xusay taageeradii Obama uu u muujiyay Hillary Clinton doorashadii 2016-kii iyo Kamala Harris doorashadii 2024-kii, isaga oo sheegay in labada musharraxba laga adkaaday.

    Intaas ka dib, Trump ayaa dhaliilay Abdul-Sayed, oo ah musharraxa xisbiga Dimuqraadiga uga tartamaya Aqalka Senate-ka Mareykanka ee gobolka Michigan. Waxa uu ku tilmaamay “jihaadiiste xiriir la leh Ikhwaanul Muslimiinka” iyo “dhakhtar been abuur ah”.

    Trump ayaa ku andacooday in Abdul-Sayed uu neceb yahay Yuhuudda, dadka madow iyo Mareykanka, isaga oo codbixiyeyaasha Michigan ugu baaqay inay u codeeyaan Mike Rogers, oo ah musharraxa xisbiga Jamhuuriga.

    Abdul-Sayed ayaa hore u beeniyay eedeymaha sheegaya inuu xiriir la leeyahay ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

    Khudbadihii ololaha ee uu jeediyay Sabtidii, Barack Obama ayaa dhaleeceeyay siyaasadaha maamulka Trump, oo ay ku jirto dagaalka Iran. Waxa uu sheegay in heshiiskii nukliyeerka ee maamulkiisu la galay Iran uu ka hortagay in dalkaasi helo hubka nukliyeerka, iyada oo aan xitaa hal gantaal la ridin.

  16. Trump: Arrinta Iran inaan sii dhamaystiro ayaa laga yaabaa kadib heshiis waa lagaari karaa

    Donald Trump ayaa mar kale soo hadal qaaday suurtagalnimada tallaabo militari oo cusub oo ka dhan ah Iran, isagoo yiri: "Waxaa laga yaabaa inaan u baahdo inaan shaqada dhammeeyo, ama waxaa laga yaabaa inay heshiis gaaraan."

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay inuusan weli hubin natiijada ka dhalan doonta.

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa si adag uga soo horjeestay dagaal lala galo Iran, isagoo khudbad uu ka jeediyay olole siyaasadeed ku sheegay in maamulkiisu uu ku guuleystay inuu Iran ka hor-istaago inay hesho hubka nukliyeerka iyadoo la adeegsanayo diblomaasiyad. "iyadoo aan la ridin xitaa hal gantaal."

    Wuxuu sidoo kale tilmaamay khatarta dhimashada askarta Mareykanka, kor u kaca qiimaha tamarta, iyo awoodda ay Iran u leedahay inay carqaladeyso marinka shidaalka ee maraya Gacanka Hormuz.

    Warar kale oo dheeri ah

  17. Xagee ayey Iran ka heshaa qalabka ay diyaaradaha Drones-ka ku sameyso?

  18. Xuutiyiinta oo sheegay in Sacuudigu weeraro dhimasho sababay ka gaystay Sanca

    Yemen

    Shabakadda Al-Masirah, oo ay maamulaan Xuutiyiintu, ayaa warisay in diyaaradaha Sacuudigu ay duqeymo ka geysteen magaalooyinka Mukha iyo Sanca.

    Sida lagu sheegay warbixintan, weerarka ka dhacay Sanca ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad dhowr ah, waxaana sidoo kale la sheegay in ku dhawaad ​​20 weerar ay ka dhaceen Mukha, iyadoo diyaaraduhuna ay weli dul heehaabayaan magaalada.

    Weerarradan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysteen weerarrada labada dhinac ee u dhexeeya isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga iyo Xuutiyiinta, kuwaas oo dhacayay toddobaadyadii ugu dambeeyay.

    Warar kale oo dheeri ah

  19. Markii Masar ay ciidamo u dirtay Yemen si ay ula dagaalanto koox Sacuudigu taageero

  20. Dibadbaxayaal ayaa isugu soo ururay magaalada Orleans ee Faransiiska

    Dibadbaxyda Faransiiska

    Kumanyaal qof oo ka tirsan kooxaha garabka bidix ee Faransiiska ayaa socod-dibadbax ka wada magaalada Orléans oo qiyaastii 120 kiiloomitir koonfurka xigta Paris, halkaas oo xisbiga National Rally ee garabka midigta fog uu shir ku qabanayo dhammaadka toddobaadkan.

    Tirobadan oo boolis ah ayaa la geeyay magaalada, waxaana la hakiyay adeegyada gaadiidka dadweynaha.

    Marine Le Pen, oo ah hoggaamiyaha xisbiga National Rally, ayaa la filayaa in ay shirka labada maalmood soconaya ka bilowdo ololaheeda ay ugu tartamayso xilka madaxweynaha Faransiiska.

    Ra'yi-ururinnadaayaa muujinaya in doorashadan ay Le Pen u tahay fursadii ugu weyneyd ee ay ku noqon laheyd madaxweyne,iyadoo markii afraad u tartamaysa xilkaas, inkastoo maxkamad ay horraantii sannadkan ku heshay dambi la xiriira lunsashada lacagaha Midowga Yurub.

    LePen ayaa beenisay in ay wax dambi ah gashay, waxayna racfaan ka qaadatay xukunkaas.

    Warar kale oo dheeri ah