War deg deg ah, Khubaro Shiine ah oo ku biiray hawlgalka samatabbixinta dadka ku hoos jira burburka Eastleigh

Xigashada Sawirka, X
Koox Shiine ah oo ka tirsan hay’adda samatabbixinta ee Blue Sky Rescue ayaa ku biirtay hawlgalka lagu baadigoobayo dadka ku hoos xanniban burburka dhisme ku dumay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi. Kooxdu waxay adeegsanaysaa qalab gaar ah oo lagu ogaan karo dadka nool ee ku jira burburka hoostiisa.
Xildhibaanka deegaanka Kamukunji, Yusuf Xassan, ayaa sheegay in kooxdaasi ay ogaadeyn laba qof oo nool, kuwaas oo ku jiray qaybta hoose ee dhismaha. Arrintan ayaa sare u qaadday rajada laga qabo in dad kale oo badbaaday la helo.
“Galabta, kooxda samatabbixinta ee Shiinaha ayaa hawlgalka ku soo biirtay iyaga oo wata qalab gaar ah. Waxay durba ogaadeyn laba qof oo nool, kuwaas oo ku jiray qaybta hoose ee dhismaha,” ayuu yiri Xassan.
Blue Sky Rescue waa hay’ad aan dowladeed ahayn oo laga leeyahay Shiinaha, kana qaybqaadata gurmadka xaaladaha degdegga ah, oo ay ka mid yihiin raadinta iyo samatabbixinta dadka ku xannibma masiibooyinka sida burburka dhismayaasha, dhulgariirrada iyo daadadka.
Hay’addu waxay adeegsanaysaa kooxo si gaar ah loo tababaray iyo qalab casri ah si ay u baadigoobaan dadka badbaaday ugana qaybqaataan hawlgallada samatabbixinta.
Dhismaha oo weli dhismihiisu socday ayaa dumay Jimcihii, 23-kii Oktoobar, taas oo dhalisay hawlgal gurmad oo degdeg ah, iyadoo qoysasku raadinayeen xog ku saabsan eheladooda ku jiray dhismaha.
Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa sheegay in ilaa hadda la soo badbaadiyay lix qof, halka kooxaha gurmadku ay weli baadigoobayaan dad kale oo ku hoos jira burburka.
War ay soo saareen Isniintii, 26-kii Oktoobar, ayay KDF ku sheegeen in laba qof oo kale la soo badbaadiyay intii ay socdeen hawlgallo dambe, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Qaranka Kenyatta, iyaga oo xaaladdoodu deggan tahay, si halkaas loogu sii daweeyo loogulana socdo xaaladdooda caafimaad.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Nairobi, Johnson Sakaja, ayaa su’aalo ka keenay rukhsadaha dhismaha, waxa uu sheegay in dowlad-goboleedka Nairobi ay bishii Oktoobar 2024 oggolaatay in dhismaha, oo markii hore loogu talagalay degaan oo keliya, loo beddelo mid ganacsi iyo degaanba loo isticmaalo, balse aanay ansixin naqshadaha dhismaha.
Sakaja ayaa sidoo kale su’aal geliyay sida dukaamada loogu oggolaaday inay ka shaqeeyaan dabaqa hoose, iyadoo ay jireen warar sheegaya in dhismuhu aanu haysan shahaadada oggolaanshaha deggenaanshaha ama isticmaalka.
Xafiiska Agaasimaha Dacwad-oogista Dadweynaha ayaa Waaxda Baarista Dambiyada (DCI) ku amray inay baarto duruufihii sababay burburka dhismaha, oo ay ku jiraan doorka ay ku lahaayeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo qandaraaslaha dhismaha.










