Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Maxaa kaa caawin kara joojinta qufaca badan, maxayse tahay inaad iska ilaaliso?

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Qufaca caadiga ah wuxuu socon karaa toddobaadyo wuxuuna keeni karaa cune-xanuun, murqo xanuun, iyo hurdo la'aan. Sidaa darteed, ma aha wax lala yaabo in dadku raadinayaan daawooyin qufac iyo in uu jiro suuq weyn oo loogu talagalay alaabooyinka xalliya dhibaatadan.

    Faahfaahinta ka akhriso qeybta comment

  2. Daraasad lagu ogaaday in halista Kansarka Naasaha uu Somaliland ku sii kordhayo

  3. Taliyaha ciidamada badda Iiraan: Ciidamada Maraykanka ayaa 600 kiiloomitir uga durkay Marinka Hormuz

    Taliyaha ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan, Cali Azmaei, ayaa sheegay in “Maraykanku aanu hadda joogin Gacanka Faaris.”

    Wuxuu yiri: “Maanta, ciidamada Maraykanku ma joogaan Gacanka Faaris, waxayna 600 ilaa 700 oo kiiloomitir u jiraan Marinka Hormuz. Maraakiibtoodana laguma arko aaggan.”

    Cali Azmaei ayaa intaas ku daray: “Maraykanku mar dambe boos kuma laha Marinka Hormuz.”

    Saacado ka hor, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Iiraan ku eedeeyay inay dadaal kasta ku bixinayso kor u qaadista qiimaha shidaalka ka hor doorashooyinka dhexe ee Maraykanka, iyadoo uu sheegay inay faafinayso warar been abuur ah oo ku saabsan qaraxyada miinooyinka iyo weerarrada maraakiibta ee Marinka Hormuz.

    Trump ayaa sheegay in shidaal ka badan kii dagaalka ka hor uu hadda marayo Marinka Hormuz, sidaas darteedna Iiraan ay adeegsanayso tallaabo kasta oo ay qiimaha shidaalka kor ugu qaadi karto.

    Maanta, qiimaha fuustadii shidaalka cayriin ee Brent ayaa kor u dhaafay 113 doollar, waana qiimihii ugu sarreeyay ee saliiddaasi gaarto shantii bilood ee la soo dhaafay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Maxaa ku dhacaya jirkeenna marka jaceyl nalooga baxo?

    Jaceylada burbura
    Qoraalka sawirka, Jaceylada burbura

    Wadne xanuun, wadnaha oo laba qaybood u qaybsamaa, maxaad u maleyneysaa halbeeg kasta oo aan dul dhigno si aan isugu dayno inaan ku qeexno xanuunka na soo gaara, ka dib markii qof aad la socotay ku diido balse wali aad jeceshahay.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  5. Weerar Internetka ah oo lagu qaaday in badan oo ka mid ah mareegaha caalamka, ayadoo qaarkood la geli waayey

  6. Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

    Volodymyr Zelensky
    Qoraalka sawirka, Volodymyr Zelensky

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu mar kale hubka nooca gantaallada marka ay bartilmaameedka ku dhacaan kala firdha u adeegsaday weerarro habeen hore ka dhacay caasimadda Kyiv iyo gobollo kale oo Ukraine ah.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa sheegtay in weerarrada lagu dilay ugu yaraan afar qof. Zelenskyy ayaa Khamiistii sheegay in 34 qof oo kale, oo ay ku jiraan shan carruur ah, ay ku dhaawacmeen.

    Weerarradan ayaa dhacay saacado kaddib markii Ruushku sii daayay Steven Hubbard, oo ah muwaadin Maraykan ah oo dalkaas ku xirnaa.

    Sidoo kale, Steve Witkoff oo ah ergeyga gaarka ah ee Maraykanka ayaa la kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, wuxuuna ku tilmaamay “samafale”. Hadalkaas ayaa dhaliyay falcelin iyo dhaleecayn. farriin.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. Netanyahu oo beeniyay wararka sheegaya in Trump ka hor istaagay Israa’iil inay weerarto Iiraan

    Benjamin Netanyahu
    Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa beeniyay war uu daabacay wargeyska Financial Times oo sheegayay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu hor istaagay qorshe ay Israa’iil bishan ku doonaysay inay ku weerarto Iiraan.

    Netanyahu oo la hadlay telefishinka Channel 7 ee Israa’iil ayaa sheegay in warkaas aanu sax ahayn. Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan faahfaahin ka bixin doonin waxyaabihii ay kaga wada hadleen Trump kulamadoodii iyo wada sheekaysigoodii ugu dambeeyay ee la xiriiray Iiraan.

    Wargeyska Financial Times ayaa shalay, isagoo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah oo aan magacyadooda la shaacin, qoray in ciidamada Israa’iil ay diyaar u ahaayeen inay Iiraan weeraraan 10-kii iyo 11-kii October, balse Trump uu go’aansaday inaan Iiraan la weerarin ka hor doorashooyinka dhexe ee Maraykanka.

    Sida uu wargeysku sheegay, bartilmaameedyada qorshuhu ka koobnaa waxaa ka mid ahaa xarumaha nukliyeerka, xarumaha dowladda iyo qaar ka mid ah kaabeyaasha rayidka, sida xarumaha korontada.

    Wargeysku wuxuu soo xigtay mid ka mid ah ilaha xogta bixiyay oo sheegay in weerarradii Israa’iil qorshaysay ay ka xoog badnaan lahaayeen kuwii ay fulisay intii uu socday dagaalkii afartan maalmood socday.

  8. Digniin ku saabsan weerar gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo laga maqlay Riyadh, iyadoo qaraxyo laga soo sheegay caasimadda Sacuudiga

    Dagaal
    Qoraalka sawirka, Diyaarad dagaal

    Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa subaxnimadii Jimcaha soo saartay digniin ay dadka ku nool caasimadda Riyadh ugu sheegtay inay galaan goobo ammaan ah, si ay isaga ilaaliyaan weerarro la filayo inay dhowaan dhacaan.

    Digniinta ayaa lmeesha laga saaray dhowr daqiiqo kaddib. Isla waqtigaas, hay’addu waxay barteeda bulshada ku baahisay digniin kale oo sheegaysa in ay sharci-darro tahay in la duubo, la faafiyo ama la diro muuqaallo la xiriira nidaamyada lagu fashiliyo weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Dhanka kale, warbaahinta qaarkeed ayaa sheegtay in qarax laga maqlay magaalada Riyadh, balse ilaa hadda ma jiraan faahfaahin ay xaqiijiyeen ilo rasmi ah ama kuwo madax-bannaan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  9. Trump oo lagu amray inuu su'aalo dhaar la socoto kaga jawaabo dacwadda BBC-da

  10. Xuutiyiinta oo sheegay inay weerar ku beegsadeen goob muhima oo ku taalla Sacuudiga

    Colaadda Yemen
    Qoraalka sawirka, Colaadda Yemen

    Kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee Yemen ayaa ku dhawaaqday inay bartilmaameedsatay wasaaradda difaaca Sacuudi Carabiya ee Riyadh iyo xarumaha shirkadda shidaalka ee Aramco ee magaalada Yanbu. Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in shirkaddu amartay in shaqaalaha weli jooga xarunteeda dhexe ee Dhahran la daadgureeyo, isla markaana ay shaqada guryahooda ka sii wataan.

    Afhayeenka milatariga kooxda, Yahya Saree, ayaa sheegay in wasaaradda difaaca “si toos ah loo garaacay”. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan waqtigii warbixintan la diyaarinayay.

    Arrintan ayaa timid kaddib markii mas’uuliyiinta Sacuudigu ay shaaciyeen in afar qof ay ku dhinteen, toban kalena ay ku dhaawacmeen laba weerar oo kala duwan oo Arbacadii lala beegsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Fahd ee Dammam iyo goobta shidaalka ee Shaybah.

    Wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo xigatay laba ilo-wareed oo xog-ogaal u ah arrintan, kuwaas oo sheegay in amarka daadgureynta xarunta Aramco ee Dhahran uu khuseeyay shaqaalihii weli goobta ku sugnaa. Shaqaalaha aan muhiimka u ahayn joogitaanka goobta ayaa shaqada meel fog ka qabanayay tan iyo weerarkii toddobaadkii hore.

    Ilo-wareedyadu waxay xaqiijiyeen in goobaha la deggan yahay ee ku dhex yaalla xarunta shirkadda aan la xirin ama laga daadgureyn dadka deggan.

    Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, lama bixin sabab gaar ah oo ku saabsan amarka daadgureynta

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  11. Ma taqaanaa gantaalka ugu halista badan ee yalla Afrika xilligaan?

    Iskander
    Qoraalka sawirka, Gantaalka Iskander

    Ciidanka Aljeeriya ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay inay haystaan ​​gantaalada Iskander ee hypersonic, iyagoo sii daayay muuqaallo muujinaya gantaalka oo la ridayo intii lagu jiray tababar.

    Gantaalkan waxaa la rumeysan yahay inay haysteen militariga dalka sannado badan, inkastoo xaqiijin la'aanta hore ay muujinayso u janjeersiga militariga Aljeeriya ee ah inaysan ku dhawaaqin iibsashada hub cusub.

    Iskander waxaa loo arkaa gantaalka ballistic-ga ugu awoodda badan adduunka waxaana la ogyahay in loo dhoofiyay Armenia iyo Aljeeriya oo keliya iyaga oo ka helay Ruushka, halka Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfurta Kuuriya ay soo rideen gantaallo la mid ah iyada oo loo maleynayo inay ka faa'iideysanayaan tignoolajiyada Ruushka.

    Gantaalkan wuxuu gaaraa masaafo dhan 500 oo kiiloomitir iyo isaga oo leh bartilmaameedyo saxnaan sare leh iyo dhaqdhaqaaqa awooddiisa ee uu ku safri karo xawaare sare, taa oo adkeyneysaa in la qabto.

    Soo bandhigidda Iskander waxay ka dambeysay markii uu qarxay dagaal heer hoose ah oo u dhexeeya Ciidanka Morocco iyo kooxaha fallaagada ah ee kala duwan.

  12. Trump oo eedeyn culus u jeediyey Iiraan

    Donald Trump ayaa Iiraan ku eedeeyay inay dadaal kasta ku bixinayso sidii ay sare ugu qaadi lahayd qiimaha saliidda ka hor doorashooyinka Maraykanka, iyadoo uu sheegay inay “faafinayso warar been abuur ah” oo ku saabsan qaraxyada miinooyinka badda iyo weerarrada lagu qaado maraakiibta marinka Hormuz.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku andacooday in hadda ay marinka Hormuz ay maraan saliid ka badan intii ka horreysay dagaalka, wuxuuna sheegay in taasi ay tahay sababta Iiraan u adeegsanayso tallaabo kasta oo ay ku kordhin karto qiimaha saliidda.

    Trump ayaa hadalkan jeediyay xilli qiimaha fuustadii saliidda Brent uu maanta kor u dhaafay 112 doollar, taas oo ah qiimihii ugu sarreeyay muddo shan bilood ah.

    Trump ayaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku tilmaamay dowlad “shaydaan ah”, isagoo ku eedeeyay inay weli dilayso dibadbaxayaasha iyo dadka kale ee ka soo horjeeda.

    Wuxuu dowladda Iiraan ku eedeeyay inay dishay 75,000 oo dibadbaxayaal ah muddo ka yar toddoba bilood.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  13. Afarteeda addin ayey ku weyday xanuun ay ka qaadday xayawaan Soomaalida kula nool xaafadaha

    Caafimaad
    Qoraalka sawirka, Caafimaad

    Digniin: Qormadan waxaa ku jira muuqaallo laga yaabo in akhristayaasha qaarkood ay dhibsadaan

    Ka dib 32 toddobaad oo isbitaal ay ku jirtay, dhawr goorna wadnaha looga soo booday, afarta addinna laga jaray, ayaa Manjit Sangha oo ka badbaadday xanuunka Sepsis waxay ugu dambayntii ku soo laabtay gurigeeda.

    In kasta oo ay dhakhaatiirtu u malaynayeen in gabadhan 56 jirka ah ay runtii dhiman doonto, haddana waxay ka tagtay Ward 9 ee Moseley Hall ee Birmingham todobaadkii hore, iyada oo ka heshay soo dhawayn geesinimo leh qoyskeeda oo ku sugan Penn, oo ku taal xadka Wolverhampton/Staffordshire.

    Dhakhaatiirtu waxay aaminsan yihiin in xanuunka haya ee Sepsis uu ka dhashay wax aan waxba galabsan oo aan laga shakin karin sida leef-leefka eygeeda oo meel yar ka jaray ama ka xoqay.

    Ayadoo hadda soo kabanaysa, bilaabaysana inay dib u dhisto nolosheeda, ayaa waxay hadda doonaysaa inay uga digto dadka kale khatarta Sepsis, iyada oo aaminsan "inay ku dhici karto qof kasta".

  14. WHO oo war ka soo saartay haweenaydii laga helay Ebola

    Kiis Ebola ah oo laga xaqiijiyey Nigeria
    Qoraalka sawirka, Kiis Ebola ah oo laga xaqiijiyey Nigeria

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay inay weli baadhayso halka ay haweeney laga helay cudurka Ebola ee Nigeria ka qaadday fayraska.

    Haweeneydan oo 42 jir ah, xaaladdeedana la sheegay inay soo hagaagayso, ayaa horraantii bishan timid magaalada Abuja, kaddib markii ay in ka badan laba toddobaad ku qaadatay Uganda.

    Uganda ayaa sheegtay in haweeneydu ay sidoo kale u safartay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaas oo markii ugu horreysay looga dhawaaqay dillaaca cudurka bartamihii bishii May. Hase yeeshee, WHO ayaa sheegtay in xogtaas aan weli la xaqiijin.

    Saraakiisha caafimaadka ayaa dadaal degdeg ah ugu jira sidii ay u aqoonsan lahaayeen dhammaan dadka xiriirka la yeeshay haweeneyda, si looga hortago faafitaanka fayraska.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. Ilhaan Cumar oo sheegtay in weerar 'aan caadi ahayn' oo lagu qaaday gurigeeda uu ku qasbayo inay gurigaas ka guurto

  16. Warar hor leh oo laga helayo Sacuudiga kaddib weerrarkii Xuutiyiinta ku qaadeen

    Wararka ka imanaya Sacuudi Carabiya ayaa sheegaya in shirkadda shidaalka ee dowladda, Aramco, ay shaqaalaha ka daadgureysay xarunteeda dhexe ee magaalada Dhahran ee bariga dalka, iyadoo ay sii socdaan weerarrada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah Sacuudiga.

    Ilo xog-ogaal ah oo dhowr ah ayaa sheegay in shaqaalaha xarunta dhexe ee Aramco lagu amray inay shaqada ka sii wataan guryahooda, saacado uun ka dib markii laba qof lagu dilay weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee King Fahd, kaas oo u adeega bariga Sacuudi Carabiya. Weerarka waxaa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan.

    Dhanka kale, isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee Yemen kula dagaallamaya Xuutiyiinta ayaa sheegay inuu uu hawada ku burburiyay afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo dul marayay magaalada Riyadh iyo magaalada barakaysan ee Madiina.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. Jarmalka oo qaaday tallaabo ka dhan ah Iiraan

    Jarmalka
    Qoraalka sawirka, Jarmalka

    Hay’adda Jarmalka u qaabilsan kormeerka maaliyadda ayaa amartay in la kala diro lana soo afjaro hawlaha laanta Hamburg ee Bangiga Dhoofinta Iiraan.

    Laantan oo Jarmalka ka shaqaynaysay tan iyo sannadkii 1962 ayaa hore looga laalay ruqsaddii banginimo bishii Nofeembar 2025.

    Wakaaladda wararka ee Reuters iyo wargeyska Jarmalka ee Berliner ayaa sheegay in maxkamad ku taalla Hamburg ay shirkad qaabilsan hawlaha xiritaanka u magacowday inay maamusho kala dirista laanta bangiga.

    Hay’adda Jarmalka u qaabilsan kormeerka adeegyada maaliyadeed ee Bafin ayaa sheegtay in ruqsadda Bangiga Saderat looga laalay inuu jebiyay shuruudaha sharciga iyo inuu wax ka qaban waayay khaladaadkii iyo cilladihii ay hay’adaha kormeerku ogaadeen.

    Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee ka dhan ah bangiyada Iiraan ee ka hawlgala Jarmalka.

    Bishii Sebtembar, Bafin ayaa ku dhawaaqday in laanta Frankfurt ee Bangiga Sepah, oo ay dowladdu leedahay, ay kacday.

    Laanta Hamburg ee Bangiga Dhoofinta Iiraan ayaa ku hawlanayd maalgelinta macaamillada ganacsi ee la xiriira Iiraan. Adeegyadeeda waxaa ka mid ahaa xawilaadaha lacagaha, furitaanka waraaqaha amaahda, bixinta deynaha iyo soo saarista dammaanadaha maaliyadeed.

    Dhammaadkii sannadkii 2025, laantu waxay lahayd hanti qiimaheedu gaarayay ku dhowaad 62 milyan oo Yuuro, waxaana u shaqaynayay 13 qof.

    Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli cadaadiska maaliyadeed ee Iiraan uu sii kordhayo. Midowga Yurub ayaa bishii Sebtembar dib u soo celiyay qaar ka mid ah xannibaadihii maaliyadeed ee Iiraan, kaddib markii dib loo dhaqan geliyay cunaqabatayntii hore ee Qaramada Midoobay.

    Maraykanka ayaa sidoo kale kordhiyay cadaadiska uu saarayo bangiyada iyo hay’adaha maaliyadeed ee xiriirka la leh Iiraan.

  18. Qaar ka mid ah mucaaradka Xasan Shiikh oo taageeray doorashada dowladiisu ka qabatay Galmudug ee ay horrey u dhaliileen

  19. Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

    "Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.

    DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.

    "Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.

  20. Culeys intee la eg ayay Ilhaan wajahaysaa, maxaase dhici kara?