Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Kenya oo u hambalyo u dirtay hoggaamiyaha cusub ee maamulka Galmudug

    Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan
    Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan

    Wasiirka caafimaadka Kenya ,Aadan Barre Ducaale, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray hoggaamiyaha cusub ee Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo maanta Baarlamaanka Galmudug doorteen kaddib doorasho ka dhacay magaalada Dhuusomareeb.

    Qoraal uu wasiir Barre soo dhigay bartiisa Facebook ayuu sidoo kale farriin u diray hoggaamiyaha cusub.

    "Doorashadiisu waxay mar kale xaqiijinaysaa horumarka uu sameynayo nidaamka federaalka Soomaaliya." ayuu ku yiri qoraalkiisa Aden Barre.

    Wasiir Aadan ayaa sheegay inuu hoggaamiyaha cusub u rajaynayo xikmad iyo hoggaan wanaagsan oo uu mudnaanta ku siinayo danaha shacabka, kana hormarinayo danaha gaarka ah, isla markaana kor u qaadaya nabadda iyo horumarka, xoojinayana xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

  2. War deg deg ah, Muxuu hoggaamiyaha cusub ee Galmudug ka yiri ka maqnaashiyaha Qoor-Qoor ee doorashada?

    Galmudug

    Waxaa gordhow magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug lagu doortay hoggaamiyaha maamulkaaas Liibaan Axmed Xasan. Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa doortay Liibaan, waxaana uu BBC-da u sheegay howlaha hortabinta u leh iyo tallaabooyinka uu qaadayo.

    Liibaan Axmed Xasan ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono amniga, dib u heshiisiinta dadka reer Galmudug iyo bixinta adeegyada muhiimka ah.

  3. Hoggaamiyaha Cusub ee Galmudug oo BBC-da la hadlay kadib doorashadiisa maanta

  4. Cabdiweli Ibraahim Garyare oo loo doortay hoggaamiye ku xigeenka Galmudug

    Cabdiweli Ibraahim Garyare. hoggaamiye ku xigeenka maamulka Galmudug
    Qoraalka sawirka, Cabdiweli Ibraahim Garyare. hoggaamiye ku xigeenka maamulka Galmudug

    Golaha wakiilada maamul gobleedka Galmudug ayaa waxay goor dhaw u doorteen hogmaamiyaha ku xigeenka maamulkasi Cabdiweli Ibraahim Garyare.

    Garyare oo horrey u ahaa Senator ka tirsan aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sidoo kale horrey usoo noqday agaasime xigeenka hay’adda duulista hawada Soomalaiya.

    Cabdiweli Ibraahim Garyare, wuxuu muddo dheer ahaa wariye ka soo shaqeeyey warbaahino kala duwan.

    Wuxuuna helay 64 Cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdisataar Maxamed Geelle uu helay 20 Cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug oo ku dhawaaqay natiijada doorashada.

  5. Tirada dadka ku dhintay weerarkii garoonka diyaaradaha Dammam ee Sacuudiga oo korodhay

    Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in tirada dadka ku dhintay weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Fahd ee magaalada Dammam ay gaartay laba qof, halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen.

    Warbixin hore oo aan soo xigannay Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in garoonka diyaaradaha King Fahd, oo ku yaalla bariga dalka, la weeraray fiidnimadii Arbacada.

    Bayaan cusub oo ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in dadka dhintay ay kala ahaayeen muwaadin Sacuudiyaan ah iyo muwaadin Hindi ah.

    Sida bayaanka lagu sheegay, weli waxaa socda qiimeynta khasaaraha soo gaaray garoonka.

    Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

    Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan garoomada diyaaradaha ee dalka ay sii xoogeysanayaan.

    Toddobaadyadii la soo dhaafay, Xuutiyiintu waxay kordhiyeen weerarrada ay ku qaadaan kaabeyaasha shidaalka iyo xarumaha rayidka ee Sacuudiga.

    Weerarradaasi waxay sababeen in la xiro garoonka weyn ee diyaaradaha Riyadh, sidoo kalena dib loo dhigo shir sannadle ah oo muhiim u ah maalgashiga dalka.

    Sida laga soo xigtay tirakoob ay samaysay wakaaladda wararka ee AFP, 22 qof ayaa ku dhintay weerarro lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga 30-kii maalmood ee la soo dhaafay.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  6. Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

    Liibaan Axmed Xasan
    Qoraalka sawirka, Liibaan Axmed Xasan

    Golaha wakiilada maamul gobleedka Galmudug ayaa waxay goor dhaw u doorteen hogmaamiyaha maamulkasi Liibaan Axmed Xasan.

    Liibaan ayaa helay 72-cod, halka musharaxii kula tartamay xilka Cabdulqaadir Cabdullahi Diiriye uu helay 14-cod, 3-cod ay halaabeen.

    Waxaa natiijadan shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Xuseen Maxamed Nuur.

    Liibaan ayaa lagu wadaa in uu xilka kala wareego Axmed Cabdi Kaariye "Qoor Qoor" oo isaga oo xilka haya hadana aan tartanka ka qeyb galin.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  7. Imaaraadka Carabta oo haweeney diblomaasi ah u soo xulay tartanka xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

    Lana Nusseibeh oo la taagan Majid Takht-Ravanchi, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan.
    Qoraalka sawirka, Lana Nusseibeh oo la taagan Majid Takht-Ravanchi, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan.

    Imaaraadka Carabta ayaa Lana Nusseibeh, oo hore dalkiisa ugu matashay Qaramada Midoobay, u magacaabay musharrax u tartamaya xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, si ay ugu beddesho António Guterres oo muddadiisa labaad ay ka harsan yihiin wax ka yar saddex bilood.

    Lana Nusseibeh ayaa ah wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta, waxayna in ka badan toban sano dalkaas safiir uga ahayd Qaramada Midoobay.

    Waxay sheegtay in xilli ay sii kordhayaan dhibaatooyinka caalamka, ay ka shaqayn doonto soo nooleynta doorka Qaramada Midoobay ee xal u helidda khilaafaadka iyada oo loo marayo diblomaasiyadda.

    Haddii la doorto, Nusseibeh waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horreysay ee qabata xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Lix musharrax oo kale ayaa sidoo kale u tartamaya xilkan.

    Wareegga hordhaca ah ee codbixinta musharraxiinta, Rebecca Greenspan oo u dhalatay Costa Rica ayaa hoggaanka u haysa.

    Musharraxiinta kale waxaa ka mid ah Rafael Grossi oo u dhashay Argentina, ahna agaasimaha guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA).

    Wararka kale ee dheeraadka:

  8. Maraykanka oo diblomaasiyiintiisa ku amray inay ka baxaan Sacuudiga

    Waxyeelada ak dhalatay mid ka mid ah weerarada
    Qoraalka sawirka, Waxyeelada ak dhalatay mid ka mid ah weerarada

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa diblomaasiyiinta iyo qoysaskooda ku amartay inay ka baxaan Sacuudiga, sababo la xiriira halista weerarrada Xuutiyiintu ku qaadayaan dalkaas.

    Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in weerar diyaaradeed oo ay Xuutiyiintu ku qaadeen xarun shidaal laga soo saaro la fashiliyay.

    Si kastaba ha ahaatee, laba qof ayaa dhintay markii diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay burburtay. Nin kale ayaa lagu dilay weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha ee King Fahad.

    Dagaallada u dhexeeya kooxaha hubaysan ee Yemen, Xuutiyiinta uu taageero Iiraan iyo Sacuudiga ayaa sii xoogeysanayay tan iyo bishii hore.

    Xuutiyiinta ayaa weerarrada Sacuudiga kaga jawaabaya weerarro ay ku qaadaan garoomada diyaaradaha, kaabeyaasha tamarta iyo saldhigyada milatariga.

    Weerarkii dhowaan lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaas ka dhaca sannadihii u dambeeyay.

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegay: “Wasaaraddu waxay shaqaalaha Maraykanka ee aan ka shaqayn xafiisyada xaaladaha degdegga ah ku amartay inay dalka ka baxaan iyaga iyo qoysaskoodaba.”

    Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dagaallada hadda socda ay si degdeg ah u sii xoogeysan karaan.

    Siddeed qof ayaa la sheegay inay si daran ugu dhaawacmeen weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee King Fahad.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  9. Trump: Wadaxaajood hadda uma socdo Maraykanka iyo Iiraan

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hadalkiisii ugu dambeeyay ku sheegay in aysan jirin wax wadaxaajood ah oo hadda u socda dalkiisa iyo Iiraan.

    Markii wax laga weydiiyay in uu ka tanaasulay wadaxaajoodka Iiraan, ayuu ku jawaabay: “Iiraaniyiinta wadaxaajood lama wadno, balse arrintan waxaan gaari doonnaa gunaanad. Taasi waxay dhici doontaa dhawaan.”

    Trump ayaa intaas ku daray: “Dadka badankoodu waxay qabaan in arrintani ay dhici doonto doorashada kaddib.”

    Wuxuu ula jeeday doorashooyinka dhexe ee Maraykanka, oo dhowaan la qaban doono.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu “shaqo aad u wanaagsan” ka qabtay arrinta Iiraan, wuxuuna iska horimaadka labada dal ku tilmaamay “isku dhac yar oo Iiraan lala galay.”

    Hadalka Trump ee ku saabsan wadaxaajoodka Iiraan ayaa imanaya xilli Asim Munir, oo ahaa dhexdhexaadiyihii ugu muhiimsanaa iska horimaadkii dhowaan dhexmaray Maraykanka iyo Iiraan, uu booqasho ku tagay Tehran.

    Ka hor booqashadiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka, Sergei Lavrov, ayaa isaguna booqday Iiraan.

  10. Muxuu Cudurka Ebola ku sameeyaa jirka qofka uu ku dhaco

  11. Ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan: Afar markab ayaa la weeraray Gacanka Faaris

    Ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa Khamiistii sheegay in afar markab oo ay ciidamadoodu “la socdeen oo ay kormeerayeen” la weeraray, isla markaana ay dab qabsadeen xilli ay shidaal ugu wareejinayeen markab kale, meel ku taalla waqooyiga bartamaha Gacanka Faaris.

    Ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan ay soo saareen afarta markab ku tilmaamay kuwo sharciga jebiyay, iyagoo sheegay in ay mareen waddooyin aan sharci ahayn.

    Iiraan waxay waddo sharci-darro ah u aragtaa marinka ay Cumaan ku dhawaaqday in maraakiibtu ka isticmaalaan dhinaca koonfureed ee Marinka Hormuz, kaas oo Maraykanku sheegay inuu sugayo ammaankiisa.

    Qayb kale oo ka mid ah bayaankooda, ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in saddex markab oo kale ay xalay shil galeen oo dab qabsaday, kaddib markii ay ku dhaceen miino taallay galbeedka Marinka Hormuz.

    Waxay sidoo kale sheegeen in ku adkaysiga ciidamada Maraykanka ee ah in maraakiibtu maraan waddooyin ay ku tilmaameen kuwo si sharci-darro ah miinooyin loogu aasay ay sababtay kororka shilalka badda.

    Dhammaadka bayaanka, ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa uga digay milatariga Maraykanka in haddii ay sii wadaan tallaabooyinka ay ku tilmaameen daandaansi, ay taasi horseedi karto jawaab ballaaran oo lagu qaado saldhigyadooda ku yaalla gobolka.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  12. IOM oo ka digtay in in ka badan 800,000 oo qof ay Soomaaliya ugu jiraan khatar barakac ka dhalan kara fatahaado

    Ku dhowaad 874,000 oo qof ayaa laga yaabaa in ay guryahooda ka barakacaan Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Ku dhowaad 874,000 oo qof ayaa laga yaabaa in ay guryahooda ka barakacaan Soomaaliya

    Ku dhowaad 874,000 oo qof ayaa laga yaabaa in ay guryahooda ka barakacaan Soomaaliya saddexda bilood ee soo socda, daadad awgood. Waxaa arrintan ka digtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyadoo webiyada oo fatahaadaya iyo roobab xooggan ay khatar ku yihiin bulshooyin horeba ula tacaalayay abaaraha iyo barakac soo noqnoqday.

    “Waxaan ka cabsi qabnaa in boqollaal kun oo qof ay guryahooda ku waayaan muddo toddobaadyo ah. Qoysas badan ayaa hore u barakacay, mana haystaan wax badan oo ay ku tiirsanaadaan,” ayuu yiri Manuel Marques Pereira, madaxa IOM ee Soomaaliya.

    Wuxuu intaas ku daray in weli ay jirto fursad lagu yareyn karo saameynta fatahaadaha, balse waqtigu sii dhammaanayo. Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo helo dhaqaale lagu caawiyo dadka si ay u ilaashadaan guryahooda iyo ilaha ay noloshoodu ku tiirsan tahay, una gaaraan goobo ammaan ah marka loo baahdo, si looga hortago barakac kale.

    Saadaal cusub oo ay soo saareen IOM iyo Golaha Qaxootiga Denmark (DRC) ayaa muujinaysa in 874,319 qof ay barakici karaan inta u dhexeysa bilaha Oktoobar iyo Diseembar. Fatahaadaha ayaa la filayaa in ay sababaan 92 boqolkiiba barakacaas.

    Digniintan ayaa timid xilli Soomaaliya ay galeyso xilli-roobaad la saadaaliyay in roobabku ka badnaan doonaan heerka caadiga ah, iyadoo ay sii xoogeysanayaan xaaladaha cimilada ee El Niño.

    Inkasta oo khatartu sii kordhayso, IOM waxay ilaa hadda heshay oo keliya 14.4 boqolkiiba lacagta loo baahan yahay, oo dhan 16.62 milyan oo doollar, si loogu diyaar garoobo loogana jawaabo fatahaadaha la xiriira El Niño.

    Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero in ka badan 517,000 oo qof oo ku nool deegaannada Soomaaliya ee u nugul fatahaadaha.

    Calaamadaha fatahaadaha ayaa durba soo muuqanaya. Magaalada Doolow, webiga Jubba ayaa ku dhow heerka fatahaadda, halka webiga Shabeelle ee mara Jowhar uu kor ugu sii kacayo dhinacyada webiga.

    Roobab xooggan oo ka da’ay Baydhabo ayaa durba waxyeelleeyay guryo, waxayna qoysas ku khasbeen inay ka cararaan xaafado dhowr ah.

    Beledweyne iyo Gaalkacyo ayaa ka mid ah deegaannada ay fatahaaduhu khatarta ugu badan ku hayaan, iyadoo la saadaalinayo in ku dhowaad 229,000 oo qof ay halis ugu jiraan barakac Beledweyne, halka Gaalkacyo ay khatartu ku wajahan tahay qiyaastii 82,000 oo qof.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  13. Netanyahu oo sheegay in khatarta Iiraan lagu soo afjari karo oo keliya in xukunka laga tuuro dowladda, isagoo amarro siiyay Mossad

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu
    Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in sida keliya ee meesha looga saari karo khatarta Iiraan ay tahay in xukunka laga tuuro dowladda dalkaas.

    Isagoo khudbad ka jeedinayay isu-soo-bax doorasho oo ka dhacay magaalada Dimona ee koonfurta Israa’iil, ayuu Netanyahu sheegay in Iiraan ay dooneysay inay Israa’iil burburiso, balse Israa’iil ay xooggeeda oo dhan u adeegsatay sidii ay taas uga hortagi lahayd.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in Iiraan ay isku dayaysay inay samaysato hub nukliyeer ah, arrintaas oo uu sheegay in laga hortagay, balse dadaalladaasi ay weli socdaan.

    Netanyahu oo maalmihii u dambeeyay sii adkeynayay hadalladiisa ka dhanka ah Iiraan ayaa yiri: “Waxaa jirta hal waddo oo keliya oo lagu soo afjari karo xaaladdan taagan, waana in xukunka laga tuuro dowladda Iiraan.”

    Waxa uu sheegay inuu amarro arrintan la xiriira siiyay ciidamada Israa’iil, hay’adda sirdoonka Mossad iyo dhammaan hay’adaha amniga dalkaas.

    Hase yeeshee, ra’iisul wasaaruhu ma uusan caddeyn goorta iyo sida amarradaasi loo fulin doono.

    Iiraan ayaa muddo dheer beeninaysay eedeymaha sheegaya inay dooneyso inay samaysato hub nukliyeer ah.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  14. Maxaa keenay dib u gurashada degdegta ah ee TPLF, maxaase dhici kara oo soo socda

  15. Weerar gantaallo ah oo Ruushku ku qaaday Kyiv oo dhaawacay ugu yaraan lix qof

    Weerarka ayaa dhaliyay dhimasho iyo burbur
    Qoraalka sawirka, Weerarka ayaa dhaliyay burbur

    Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub oo gantaallo ah oo lagu qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv.

    Duqa magaalada Kyiv, Vitali Klitschko, ayaa sheegay in dhowr dhisme oo ay dadku deggan yihiin ay waxyeello ka soo gaartay weerarka oo dhacay habeenkii Arbacada.

    Weerarkan ayaa dhacay xilli Ruushku sheegay inuu mabda’ ahaan diyaar u yahay inuu dib u bilaabo wadahadallada nabadeed, halka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in dunidu ay u badan tahay inay hadda ugu dhowdahay sidii hore in la soo afjaro dagaalka.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ergayada Trump, Steve Witkoff iyo Jared Kushner, ay wadaan dadaallo diblomaasiyadeed oo cusub.

    Witkoff ayaa Arbacadii magaalada Saint Petersburg kula kulmay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, kaddib markii uu maalin ka hor la kulmay madaxweynaha Ukraine.

    Wadahadallo saddex geesood ah oo ay ka qaybgalayeen Ruushka, Ukraine iyo dhinacyo kale ayaa burburay bishii Febraayo. Intaas kaddib, Ruushku wuxuu kordhiyay weerarradiisa, halka Ukraine ay soo wajahday yaraanta gantaallada difaaca cirka ee ay ka hesho dalalka reer Galbeedka.

    Trump oo Arbacadii hadlayay ayaa yiri: “Dhowr maalmood ka hor ayaan Vladimir Putin kala hadlay sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine. Waxaan u maleynayaa inaan ku sii dhowaanayno hadafkaas, laga yaabee inaan hadda ugu dhow nahay sidii hore.”

    Hase yeeshee, madaxweynaha Mareykanka ayaan ilaa hadda ku guuleysan inuu soo afjaro dagaalka Ruushka iyo Ukraine, inkastoo uu marar badan sheegay inuu awood u yeeshay inuu soo afjaro colaado kala duwan.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  16. Macron oo hogaamiyayal shisheeye ku eedeeyay rabshadaha ka socda faransiiska

    Dibad-baxyada Faransiiska
    Qoraalka sawirka, Dibad-baxyada Faransiiska

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa hoggaamiyeyaal shisheeye ku eedeeyay inay si siyaasadeed uga faa’iidaysanayaan dibadbaxyada ka socda dalkiisa, si ay taageero ugu helaan doorashooyinka ka dhacaya dalalkooda.

    Macron oo aan magacyadooda sheegin ayaa sheegay in hoggaamiyeyaashaas ay hadalladooda ku saabsan rabshadaha ka dhashay dibadbaxyada looga soo horjeedo sare u kaca qiimaha maciishadda u adeegsanayaan ololahooda doorasho, iyagoo taas ku samaynaya waxyeellada Faransiiska.

    Isagoo booqasho ku jooga Bariga Dhexe, ayuu Macron hoggaamiyeyaashaas ku tilmaamay “kuwo ku mashquulsan ololaha doorashooyinka, ha joogaan gobolkan ama dhinaca kale ee Badweynta Atlaantik”.

    Hadalka Macron ayaa u muuqda mid si gaar ah loogu jeediyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo wajahaya doorashooyinka baarlamaanka toddobaadka soo socda, iyo madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo dalkiisu bisha soo socota u dareerayo doorashooyinka xilliga dhexe ee Congress-ka.

    Tan iyo markii ay rabshaduhu ka qarxeen magaalada Paris iyo magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin Lyon, Marseille iyo Nice, ku dhowaad 150 qof ayaa lagu helay dambi, halka in ka badan 800 oo qof maxkamad la soo taagay.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  17. Heshiiska "Beder" ee dhex maray dalalkan Islaamka ah ma gaashaanbuur cusub baa?

  18. “Trump oo xabsi ku jira”: Boor xayaysiis oo muuqaal toos ah laga daawanayo oo laga furay fagaaraha Tajrish ee Tehran

    Boodh laga taagay bartamaha Tehran
    Qoraalka sawirka, Boodh laga taagay bartamaha Tehran

    Dowladda ama hay’adaha Iiraan ayaa fagaaraha mashquulka badan ee Tajrish, oo ku yaalla waqooyiga magaalada Tehran, ku rakibay boor xayaysiis oo saddex-geesood ah, kaas oo muujinaya qof wejiga madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u eg oo xiran maaskaro, kuna dhex socda meel u ekeysiisan qol xabsi.

    Dadka halkaas maraya ayaa istaaga si ay u daawadaan muuqaalka una sawirtaan.

    Bandhiggan ayaa la daahfuray Arbacadii, 19-kii Oktoobar. Qaar ka mid ah dadka isticmaala barta X ayaa sheegay in dhismaha boorkan uu socday muddo bil ah.

    Wakaaladda wararka ee Mehr ayaa sheegtay in bandhiggan la qorsheeyay inuu socdo 24 saacadood maalintii. Waxaa dhinaciisa ku qoran hal-ku-dhegga ah: “In aan la arkin muuqaalkan waa dembi.”

    Xayaysiiskan tooska ah ayaa sidoo kale soo jiitay dareenka warbaahinta caalamka, iyadoo wakaaladaha wararka ee Reuters iyo Agence France-Presse, iyo sidoo kale wargeyska Guardian ee ka soo baxa London, ay wax ka qoreen.

    Wararka kale ee dheeraadka:

    Boodh laga taagay bartamaha Tehran
    Qoraalka sawirka, Boodh laga taagay bartamaha Tehran
  19. Warbaahinta Mareykanka: Pentagon-ka oo si hoose u dhimaya tirada ciidamada Mareykanka ee saldhigyada Bariga Dhexe

    saldhigga Mareykanka
    Qoraalka sawirka, saldhig Mareykanka

    Warbaahinta Mareykanka ayaa, iyadoo soo xiganaysa saraakiil milatari iyo kuwo dowladeed, sheegtay in Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ku ay si hoose u dhimayso tirada ciidamada ku sugan saldhigyada milatari ee Bariga Dhexe.

    Telefishinka CBS, oo ah warbaahin Mareykan ah oo ay BBC-da iskaashi la leedahay, ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka iyo sarkaal sare oo milatari ay Arbacadii u sheegeen in ciidamada Mareykanku ay si hoose u dhimayaan tiradooda saldhigyada milatari ee Bariga Dhexe.

    Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay jiraan hanjabaado amni oo gobolka ka jira, oo ay ka mid yihiin kuwa kooxda Xuutiyiinta iyo hanjabaado toos ah oo ka imanaya Iiraan.

    Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa amartay in shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee dowladda Mareykanka laga saaro dalka Sacuudiga.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  20. Xuutiyiinta oo ka jawabay inay diyaarado aan duuliye lahayn u direen Madiina iyo in kale