Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Wax ka ogow daawadan laga yaabo in aad u cuntid gaas, laakiin loo adeegsado ilma iska soo xaaqidda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dawo gaas Ilma iska soo xaaqidda, waa wax kala qeybsanaan ballaaran ka dhex abuuray waddamo badan oo caalamka ah, waxaana laga mamnuucay qaar kamid ah dalalkaas.
Arrintan ayaa sidoo kale saameyn wanaagsan ku leh nolosha malaayiin haween ah oo dunida ku nool.
Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose.
Kim Jong Un: Muxuu warka geeridiisa u noqday mid aad loo xiiseeyo
Trump: Waa inaan go’aamiyaa sida aan Iran uga adkaan lahayn, si kasta oo ay xaaladdu u adkaato

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Trump Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuusan u baahnayn wax caawimaad ah si uu Iran uga adkaado.
Trump ayaa mar kale ku celiyay sheegashadiisa ah in Mareykanku uu si weyn uga gacan sarreeyo Iran dagaalka u dhexeeya labada dal.
“Sidii aad la socotaan, si wanaagsan ayaan u wadnaa dagaalka Iran. Waxa keliya ee ay tahay inaan go’aamiyo waa sida aan guusha ku gaari doonno; ma waxaan rabnaa inaan si wanaagsan u guuleysanno mise si adag oo aan naxariis lahayn?” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo Talaadadii fiidkii ka dhacay Aqalka Cad.
“Si kastaba ha ahaatee, si wanaagsan ayaan u soconnaa, mana u baahnin cid naga caawisa,” ayuu raaciyay.
Isagoo ka hadlayay sare u kaca qiimaha shidaalka ee ka dhashay xayiraadaha saameeyay isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz, ayuu Trump yiri dadka ayaa ka cabanaya qiimaha shidaalka oo sare u kacay.
“Ma doonayo inaan hadal aan macno badan lahayn ku dhawaaqo, balse dhab ahaantii waa qiimo yar oo la bixinayo si looga hortago in Iran ay hesho hub nukliyeer ah,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu la xiriiray hoggaamiyeyaasha dalal dhowr ah si uu u ogaado kuwa diyaar u ah inay Mareykanka ka caawiyaan dagaalka.
Wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha uu la xiriiray ay u sheegeen inaysan diyaar u ahayn inay caawiyaan.
“Waxaan tijaabinayay. Waxaan wacay madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal kala duwan, waxaanan weydiiyay inay doonayaan inay na caawiyaan, waxayna igu yiraahdeen maya,” ayuu yiri Trump.
Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan sheegin magacyada hoggaamiyeyaasha uu la xiriiray ama faahfaahinta wada-hadallada uu la yeeshay.
Hadalka Trump ayaa yimid saacado kaddib markii ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu baahiyay muuqaal laga duubay wada-hadal taleefoon oo uu la yeeshay Trump.
Trump ma taageeri doonaa J.D. Vance si uu ugu tartamo madaxtinnimada Mareykanka sannadka 2028?

Xigashada Sawirka, Joe Raedle/Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in ay xilli hore tahay in laga hadlo qofka beddeli doona marka uu dhammaado muddo xileedkiisa madaxtinnimo.
Trump ayaa hadalkan sheegay isaga oo su’aalo uga jawaabayay wariyeyaasha gudaha Xafiiska Oval-ka ee Aqalka Cad. Waxaa la weydiiyay inuu taageeri doono madaxweyne ku-xigeenkiisa, J.D. Vance, haddii uu u tartamo xilka madaxweynaha doorashada 2028-ka.
Waxa xusid mudan in Vance uu taagnaa dhabarka Trump markii su’aashan la weydiiyay.
Trump ayaa ammaanay Vance, isaga oo ku tilmaamay qof “aad u karti badan” iyo “qof aad u wanaagsan”. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in aanay ahayn waqtigii ku habboonaa in laga hadlo arrimaha siyaasadeed ee mustaqbalka.
“Weli waa xilli hore. Waa inaan marka hore ka gudubnaa doorashooyinka dhexe ee Mareykanka. Intaas kaddib, waxaan arki doonnaa sida xaaladdu tahay,” ayuu yiri Trump.
Waxaa xusid mudan in J.D. Vance uu wareysi uu siiyay wariye Mark Halperin ku sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin inuu u tartami doono doorashada madaxtinnimada.
Si kastaba ha ahaatee, Vance ayaa muujiyay rajada ah in Trump uu taageeri doono haddii uu go’aansado inuu doorashada galo.
Cabbaas Araqchi: "Weli waxaan Mareykanka kula jirnaa wadaxaajood aan u mareyno Pakistan iyo Qadar"

Xigashada Sawirka, Reuters
Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in ay weli aragtiyo iyo farriimo is-weydaarsanayaan Mareykanka, iyaga oo adeegsanaya Qatar iyo Pakistan.
Araqchi, oo wareysi siiyay shabakadda Al-Ikhbariya ee Ciraaq Talaadadii, ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay: “Marinka Hormuz ma aha marin-biyood caalami ah, wuxuu ku yaallaa biyaha dhuleed ee Iraan iyo Cumaan. Biyaha marinkani ma aha biyo caalami ah".
Wasiirka arrimaha dibadda Iraan ayaa Al-Ikhbariya u sheegay in Tehran iyo Muscat ay heshiis ka gaareen maraakiibta isaga kala gudbaysa Marinka Hormuz.
“Waxaa la diyaariyay khariidad gaar ah oo muujinaysa waddooyinkan, waxaana la go’aamiyay lana calaamadeeyay isku-duwayaasha juqraafiyeed ee marinnadaas. Sidaas darteed, haddii maalin uun Marinka Hormuz dib loo furayo, waddada ay Iraan iyo Cumaan ku heshiiyeen ayaa noqon doonta waddada rasmiga ah ee la isla oggol yahay in maraakiibtu maraan, mana noqon doonto waddo kale,” ayuu yiri Araqchi.
Iiraan oo beenisay in wafdi ka socda Qadar uu u safray dalkeeda
Wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir dhow la leh Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa beenisay wararka sheegaya in wafdi ka socda Qatar uu u safray Iran, iyadoo qortay: “Ma jiro wafdi ka socda Qatar oo u safray Iran".
Magaalada Tehran ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay booqashooyinka diblomaasiyadeed ee madaxda gobolka.
Isniintii, wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa booqday Tehran, taas oo ahayd booqashadiisii ugu horreysay tan iyo dagaalkii ay Israa’iil iyo Mareykanku la galeen Iran.
Saacad kaddib markii uu Lavrov ka baxay Tehran, taliyaha ciidanka Pakistan, Asim Munir, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, guddoomiyaha baarlamaanka, Mohammad Baqer Qalibaf, iyo Mohsen Rezaei.
Qatar iyo Pakistan ayaa door firfircoon ka ciyaarayay dhexdhexaadinta wada-hadallada u dhexeeya Iraan iyo Maraykanka
Mohsen Rezaei: "Walxaha nukliyeerka lagama saari doono Iiraan"

Xigashada Sawirka, ISNA
Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa kulan uu la yeeshay Asim Munir, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Pakistan, ku sheegay: “In aysan ogolaan doonaa in hal qurub oo ka mid ah walxaha nukliyeerka ee la kobciyay laga saaro Iiraan”.
Rezaei ayaa sidoo kale sheegay in aanay jiri doonin wax wadaxaajood ah ilaa Mareykanku dhiso kalsooni ama wax la isku halleyn karo. Wuxuu intaas ku daray in tallaabada ugu horreysa ee kalsoonida lagu dhisi karo ay tahay in la fuliyo shuruudaha Iraan.
Dhankiisa, Munir ayaa carrabka ku adkeeyay in la xalliyay dhibaatadii ka jirtay xuduudaha Iraan iyo Pakistan, isla markaana dhammaan goobihii laga gudbi jiray ee xuduudaha labada dal dib loo furay subaxnimadii maanta.
Taliyaha ciidamada Pakistan ayaa hadalkan ka sheegay wararka iyo sawirrada labadii maalmood ee la soo dhaafay la baahiyay, kuwaas oo ku saabsanaa xiritaanka xuduudda labada dal.
Saacado ka hor, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan, Esmail Baghaei, ayaa xiritaanka xuduudda sabab uga dhigay “arrimo farsamo."
Intii uu safarkan ku joogay Tehran, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Pakistan ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas, Mohammad Baqer Qalibaf.
Mohsen Rezaei:" Walxaha nukliyeerka lagama saari doono Iiraan"

Xigashada Sawirka, ISNA
Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa kulan uu la yeeshay Asim Munir, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Pakistan, ku sheegay: “In aysan ogolaan doonaa in hal qurub oo ka mid ah walxaha nukliyeerka ee la kobciyay laga saaro Iiraan”.
Rezaei ayaa sidoo kale sheegay in aanay jiri doonin wax wadaxaajood ah ilaa Mareykanku dhiso kalsooni ama wax la isku halleyn karo. Wuxuu intaas ku daray in tallaabada ugu horreysa ee kalsoonida lagu dhisi karo ay tahay in la fuliyo shuruudaha Iraan.
Dhankiisa, Munir ayaa carrabka ku adkeeyay in la xalliyay dhibaatadii ka jirtay xuduudaha Iraan iyo Pakistan, isla markaana dhammaan goobihii laga gudbi jiray ee xuduudaha labada dal dib loo furay subaxnimadii maanta.
Taliyaha ciidamada Pakistan ayaa hadalkan ka sheegay wararka iyo sawirrada labadii maalmood ee la soo dhaafay la baahiyay, kuwaas oo ku saabsanaa xiritaanka xuduudda labada dal.
Saacado ka hor, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan, Esmail Baghaei, ayaa xiritaanka xuduudda sabab uga dhigay “arrimo farsamo."
Intii uu safarkan ku joogay Tehran, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Pakistan ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas, Mohammad Baqer Qalibaf.
Iiraan oo beenisay in wafdi ka socda Qadar uu u safray dalkeeda
Wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir dhow la leh Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa beenisay wararka sheegaya in wafdi ka socda Qatar uu u safray Iran, iyadoo qortay: “Ma jiro wafdi ka socda Qatar oo u safray Iran".
Magaalada Tehran ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay booqashooyinka diblomaasiyadeed ee madaxda gobolka.
Isniintii, wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa booqday Tehran, taas oo ahayd booqashadiisii ugu horreysay tan iyo dagaalkii ay Israa’iil iyo Mareykanku la galeen Iran.
Saacad kaddib markii uu Lavrov ka baxay Tehran, taliyaha ciidanka Pakistan, Asim Munir, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, guddoomiyaha baarlamaanka, Mohammad Baqer Qalibaf, iyo Mohsen Rezaei.
Qatar iyo Pakistan ayaa door firfircoon ka ciyaarayay dhexdhexaadinta wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo...
Laba qof oo mar kale loo xiray ka dib dhacdadii ka dhacday RAF Fairford

Xigashada Sawirka, get
Qoraalka sawirka, Saraakiil boolis ah ayaa la geeyay aagga saldhigga ciidamada cirka maalmihii ka dambeeyay dhacdada. Booliska la-dagaallanka argagixisada ayaa sheegay in laba nin dib loo xiray ka dib dhacdo ka dhacday meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee RAF Fairford bishii hore.
Raggan oo midkood yahay 24-jir u dhashay dalka UK, kan kalena yahay 25-jir haysta dhalashada laba dal oo kala ah UK iyo Iiraan, ayaa loo xiray tuhun la xiriira inay gacan siiyeen hay'ad sirdoon oo shisheeye. Arrinkan ayaa ku salaysan Qaybta 3-aad ee Xeerka Amniga Qaranka ee 2023-kii, iyadoo booliskuna ay sheegeen in baaritaanku uu xiriir la leeyahay dalka Iiraan.
Booliska ayaa lagu wargeliyay saddex baabuur oo laga shakiyay oo ku dhow saldhigga cirka ee Mareykanka ee Gloucestershire saacadihii hore ee 27-kii Sebtembar - shil weyn ayaa markii dambe la shaaciyay, waxaana laga daadgureeyay tobanaan guri.
Toddobo nin ayaa markii hore la xiray iyagoo qayb ka ah baaritaanka booliiska ee la dagaallanka argagixisada, ka dibna waxa lagu sii daayay dammaanad.
Wararka kale ee dheeraadka:
Kanaallada baahinta ee BBC Three, BBC Scotland iyo Radio 4 Extra oo la xirayo

BBC-du waxay xilliga gu'ga xiri doontaa kanaalladeeda telefishinka ee BBC Three iyo BBC Scotland, iyadoo Hay’addu ay waddo dadaal ay ku doonayso inay labada sano ee soo socota ku dhinto lacag dhan 500 oo milyan oo gini.
Labada adeegba waxay noqon doonaan kuwo laga heli karo internetka oo keliya; taas oo macnaheedu yahay inay sii wadi doonaan soo saarista iyo soo bandhigidda waxyaabo ka mid ah kuwa laga helo iPlayer, iyadoo aan loo baahnayn in lagu buuxiyo jadwalka baahinta telefishinka caadiga ah.
BBC-du waxay sidoo kale ku dhawaaqday inay xirayso Radio 4 Extra, kaas oo inta badan baahiya barnaamijyo hadal ah oo laga soo qaatay kaydka BBC-da, oo ay ku jiraan majaajillo, riwaayado, iyo barnaamijyo dukumeentari ah.
Agaasimaha guud ee BBC Matt Brittin ayaa yiri: "Waxaan u baahanahay inaan ka dhigno qof walba mid si adag ugu shaqeeya dhagaystayaasha iyadoo aan ka jawaabayno cadaadiska degdegga ah ee kharashka isla markaana aan dib u habeyn ku sameyneyno BBC si aan ula jaanqaadno dunida isbeddelaya. Dhammaanteen waan ognahay in taasi ay la macno tahay doorashooyin adag."
Wararka kale ee dheeraadka:
'Sacuudigu wuxuu ku jiraa xasarad dhaqaale kadib weeraradii xuutiga' - The Independent
Heshiiska Isbahaysiga Maka oo loo gudbiyay Baarlamaanka Turkiga

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Qoraalka sawirka, Heshiiska Makka waxaa la saxiixay 7-dii Agoosto, waxaana kala saxiixday Turkiga, Sacuudi Carabiya, iyo Baakistaan. Hindise-sharciyeed ku saabsan Heshiiska Isbahaysiga Makka, oo ay kala saxiixdeen Turkiga, Baakistaan iyo Sacuudi Carabiya, ayaa loo gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Qaranka Turkiga.
Soo-jeedinta waxaa marka hore loo gudbin doonaa Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Turkiga.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif iyo Dhaxal-sugaha Sucuudi Carabiya ahna Ra'iisul Wasaare Mohammed bin Salman ayaa 7-dii Agoosto saxiixay Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makka.
Sida ku xusan Dastuurka, heshiis kasat oo caalami ah waa in uu ansixiyaa Baarlamaanka Qaranka Turkiga si uu u dhaqangalo.
Turkigu wuxuu qiimeynayaa baaxadda iyo qaab-dhismeedka sharciga ah ee taageerada milatari ee la siinayo maamulka Riyaad, taas oo ku salaysan Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan, oo ka hadlayay doodaha ku saabsan baaxadda heshiiska ayaa yiri: "Turkigu ciidamo uma diri doono dhulka waddan kale si ay halkaas weerar uga fuliyaan."
Muddooyinkii u dambeeyay, Sacuudi Carabiya waxa ay la kulmaysay weerarro sii kordhaya oo uga imaanaya kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Wararka kale ee dheeraadka:
Soomaali ku dhimatay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday gobol lagu muransan yahay oo u dhaxeeyay Koonfurta Suudaan iyo Suudaan
Dad badan oo rayid ah oo ku dhintay weeraradii ugu dambeeyay ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Suudaan

Xigashada Sawirka, MSF via Reuters
Qoraalka sawirka, Isbitaalka Ameth Bek ee magaalada Abyei ayaa daweynaya dad ku dhaawacmay weerarkii Isniintii lagu qaaday suuqa. Ciidanka Suudaan ayaa lagu eedeeyay inay fuliyeen dhowr weerar oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), kuwaas oo la sheegay inay dileen in ka badan 200 oo qof, oo ay ku jiraan dad badan oo ku sii jeeday aas.
Ilo-wareedyo ayaa u sheegay hay’adda 'Sudan War Observatory' — oo la socota xaaladda colaadda ka dhex qaraxday ciidanka qaranka iyo xoogagga garabka milatariga ee 'Rapid Support Forces' (RSF) sannadkii 2023-kii — in tirada dadka ku dhintay duqeymo ka dhacay laba goobood oo ka tirsan gobolka Kordofan-ta Galbeed, fiidnimadii Axadda, ay gaartay 150 qof.
Wasiirka warfaafinta ee gobolka Abyei — oo ah dhul xuduudeed ay ku muransan yihiin Suudaan iyo Koonfurta Suudaan — ayaa sheegay in 73 qof lagu dilay suuq halkaas ku yaalla, ka dib markii ay ku dhaceen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).
Ilo dhanka militariga ah ayaa u sheegay BBC-da in ciidanka milatarigu ay fuliyeen weerarkii Abyei, iyagoo sheegay in suuqaasi uu ahaa goob shidaalka looga keeno ciidamada RSF-ta.
Weerarku wuxuu kordhiyay xiisadda u dhaxaysa Koonfurta Suudaan iyo Suudaan, kuwaas oo si wadajir ah u maamula gobolka Abyei; labada dhinacba waxay sheeganayaan lahaanshaha gobolkan saliidda hodanka ku ah, waana khilaaf aan xal loo helin tan iyo markii Koonfurta Suudaan ay go’day sannadkii 2011-kii.
Koonfur Suudaan ayaa u yeertay safiirka Suudaan si ay u gudbiso cabasho rasmi ah. Waxa jira walaac laga qabo in colaaddu ay u gudbi karto dhinaca kale ee xuduudka.
Wararka kale ee dheeraadka:
UK oo diyaarado dagaal u diraysa Sacuudi Carabiya si ay uga difaacdo weerarrada Xuutiyiinta

Xigashada Sawirka, MOD
Dowladda UK ayaa sheegtay inay geyn doonto diyaaradaha dagaalka ee nooca Typhoon-ka (ee ka tirsan Ciidanka Cirka ee UK) si ay u difaacaan Sacuudi Carabiya, taas oo jawaab u ah weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay kooxda Xuutiyiintu sii kordhinayaan.
Hawlgalkan difaaca ah — oo uu oggolaaday Ra'iisul Wasaare Andy Burnham — ayaa gacan ka geysan doona difaaca magaalooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Sacuudi Carabiya, iyadoo laga hortagayo weerarrada dhanka hawada ah ee ay geysanayaan kooxda ay taageerto Iiraan.
Tani waxay daba socotaa weerarro ay Xuutiyiintu ku qaadeen caasimadda Sacuudiga ee Riyaad, iyo sidoo kale goobaha tamarta oo ku yaalla xeebaha dalkaas.
"Diyaaradahan waxay ka hawlgeli doonaan door difaac ah, mana qaadi doonaan weerarro dagaal oo ka dhan ah Xuutiyiinta," ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Wes Streeting, isagoo ku sheegay bayaan qoraal ah oo soo baxay Talaadadii.
Xuutiyiintu waxay ku jiraan dagaal sokeeye oo ay kula jiraan dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, taas oo ay taageerto Sacuudi Carabiya.
Wararka kale ee dheeraadka
Abiy Ahmed oo sheegay in Eritrea wajihi doonto cawaaqib xun hadii ay sii waddo 'ku tiirsanaanta wadamada kale'
Ronaldo oo laga joojiyay xulka qaranka Portugal muddo 30 maalmood ah ganaax lacageedna lagu riday

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo rogay ganaax 30 maalmood ah iyo ganaax lacageed oo dhan 255 Yuuro (£215), taas oo ay go’aamisay Xiriirka Kubadda Cagta ee Portugal (FPF), ka dib markii uu bishii hore ka baxay xerada tababarka ee xulka qarankiisa.
Kabtankan oo 41 jir ah ayaa bishii Sebtembar ka baxay xulka Portugal ee ka qaybgalaya tartanka Nations League, ka dib markii kaydka la geliyay balse aan la ciyaartii Norway, ka dibna uu ogaaday inaan lagu soo bilaabi doonin ciyaarta Denmark ee dhacaysa 1-da Oktoobar.
Ronaldo wuxuu sheegay inuu go’aansaday inuu baxo sababtoo ah Jorge Jesus ma ixtiraamin heshiiskii ay gaareen. Wuxuu tababaraha ku eedeeyay inuu khiyaanay kalsoonidii uu siiyay.
Dhankiisa, tababaraha reer Portugal ayaa beeniyay inay jirtay wax heshiis ah oo uu la galay Ronaldo, balse wuxuu sheegay in albaabka kooxda uu u furan yahay haddii ciyaaryahanku uu doonayo inuu dib ugu soo laabto.
Ronaldo, oo shan jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or, ayaa ah ciyaaryahanka ugu safashada badan heer caalami ee kubadda cagta ragga, isagoo dalkiisa Portugal u ciyaaray 146 jeer.
Wararka kale ee dheeraadka

