Dad badan oo rayid ah oo ku dhintay weeraradii ugu dambeeyay ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Suudaan

Xigashada Sawirka, MSF via Reuters
Ciidanka Suudaan ayaa lagu eedeeyay inay fuliyeen dhowr weerar oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), kuwaas oo la sheegay inay dileen in ka badan 200 oo qof, oo ay ku jiraan dad badan oo ku sii jeeday aas.
Ilo-wareedyo ayaa u sheegay hay’adda 'Sudan War Observatory' — oo la socota xaaladda colaadda ka dhex qaraxday ciidanka qaranka iyo xoogagga garabka milatariga ee 'Rapid Support Forces' (RSF) sannadkii 2023-kii — in tirada dadka ku dhintay duqeymo ka dhacay laba goobood oo ka tirsan gobolka Kordofan-ta Galbeed, fiidnimadii Axadda, ay gaartay 150 qof.
Wasiirka warfaafinta ee gobolka Abyei — oo ah dhul xuduudeed ay ku muransan yihiin Suudaan iyo Koonfurta Suudaan — ayaa sheegay in 73 qof lagu dilay suuq halkaas ku yaalla, ka dib markii ay ku dhaceen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).
Ilo dhanka militariga ah ayaa u sheegay BBC-da in ciidanka milatarigu ay fuliyeen weerarkii Abyei, iyagoo sheegay in suuqaasi uu ahaa goob shidaalka looga keeno ciidamada RSF-ta.
Weerarku wuxuu kordhiyay xiisadda u dhaxaysa Koonfurta Suudaan iyo Suudaan, kuwaas oo si wadajir ah u maamula gobolka Abyei; labada dhinacba waxay sheeganayaan lahaanshaha gobolkan saliidda hodanka ku ah, waana khilaaf aan xal loo helin tan iyo markii Koonfurta Suudaan ay go’day sannadkii 2011-kii.
Koonfur Suudaan ayaa u yeertay safiirka Suudaan si ay u gudbiso cabasho rasmi ah. Waxa jira walaac laga qabo in colaaddu ay u gudbi karto dhinaca kale ee xuduudka.
Wararka kale ee dheeraadka:













