Weerarada Xuutiyina ayaa joojiyay 90 boqlkiiba duulimaadyada Riyaad

Xigashada Sawirka, Reuters
Xog laga helay hay’adaha la socda duulimaadyada ayaa muujinaya in weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku dhowaad gebi ahaanba hawada Riyaad ka joojiyen diyaaradaha. Sagaal ka mid ah tobankii duulimaad ayaa la baajiyey.
Xogtii ugu dambeysay ee ay soo bandhigtay Cirium, oo ah bog falanqeeya xogta duulimaadyada, ayaa muujineysa in intii u dhaxaysay 8-dii iyo 25-kii Oktoobar qiyaastii laba toddobaad ka hor, la baajiyey 4,071 duulimaad, marka loo eego 4,736 duulimaad oo guud ahaan jadwalkoodu ku jiray muddadaas.
Xuutiyiinta oo xulafo la ah Iran ayaa bilihii ugu dambeeyay kordhiyey weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ku beegsanayeen xarumaha shidaalka, dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga.
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyaad, oo ah garoonka labaad ee ugu mashquulka badan Sacuudiga marka laga yimaado kan Jiddah, ayaa marar badan bartilmaameed u noqday Xuutiyiinta. Weerarkii dhacay 10-kii Oktoobar ayaa waxaa ku dhintay 13 qof.
Shalay, mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in ay dib u furayaan garoonka diyaaradaha ee Boqor Khaalid ee Riyaad, kaddib markii uu xirnaa muddo laba toddobaad ah. Hase yeeshee, warbixinnadu waxay tilmaameen in weerarrada Xuutiyiintu ay weli sii socdeen, isla markaana duulimaadyo badan la baajiyey.
Xuutiyiinta ayaa ka digay in garoonka diyaaradaha ee Riyaad uu weli yahay “bartilmaameed milatari” isla markaana uu sidoo kale yahay meel “aan ammaan ahayn.”
Sheekooyin dheeraad ah










