Jamhuuriyadda Ireland oo shaacisay war cusub ka hor ciyaarta caawa ay la ciyaarayan Israa’iil

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciyaartoyda xulka Jamhuuriyadda Ireland ayaa qorsheynaya inay xirtaan calaamado madow oo gacmaha lagu xirto, “si loo xuso dhammaan dadkii ku naf waayay colaadda [Qasa],” kulanka Nations League ee Axadda fiidnimadeeda aay Hungary kula ciyaarayaan Israa’iil, kaddib markii ay xaqiijiyeen inay ciyaarta sii wadi doonaan.
Agaasimaha guud ee Xiriirka Kubadda Cagta Ireland (FAI), David Courell, ayaa xaqiijiyay in hal ciyaaryahan uu ka baxay xulka ka hor ciyaarta.
Laakiin wuxuu intaas ku daray in cod loo qaaday ciyaartoyda xulka dhexdiisa, kaas oo muujiyay in aqlabiyad weyn ay taageersan yihiin in ciyaarta la ciyaaro.
Marka laga soo tago qorshaha ah in ciyaartoydu xirtaan calaamado madow oo gacmaha lagu xirto ciyaarta Axadda ee ay martida ku yihiin Israel, taas oo ka dhaceysa Debrecen, Courell wuxuu sheegay in ciyaartoydu ay sameyn doonaan tallaabooyin kale oo muujinaya mowqifkooda, ciyaarta koowaad iyo kulanka ay iyagu martida u noqon doonaan Israa’iil Axadda xigta ee Serbia.
Kulamadan waxaa hareeyay muran tan iyo markii labada kooxood loo kala saaray inay isku arkaan Group B3.
Ciyaartoyda Jamhuuriyadda Ireland waxaa loogu baaqayay inay ka baaqsadaan kulamadan sababo la xiriira dagaalka socda ee Israa’iil ee Qasa. Ololaha " jooji ciyaarta", oo ay abaabushay kooxda cadaadiska ee Irish Sport for Palestine, ayaa sii xoogeysanayay.
"Mid ka mid ah codsiyadooda waa in laga dhaafo waajibaadka warbaahinta inta ka hartay muddadan," ayuu Courell ku sheegay shirkii jaraa'id ee Sabtidii oo dib u dhacay.
"Waxay sidoo kale doonayaan inay xirtaan calaamado madow oo gacmaha lagu xirto, si ay u xusaan dhammaan dadkii ku naf waayay colaadda Qasa.












