TOOS , Warar sheegaya weerarro cusub oo lagu qaaday goobo dhowr ah oo ku yaalla koonfurta Iiraan; Trump: "Waxaan burburinnay qalabkoodii difaaca cirka"

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku burburiyay qalabkii difaaca cirka ee Iiraan, xilli warbaahinta Iiraan ay sheegtay in gantaallo lagu weeraray jasiiradda Qeshm iyo goobo kale oo ku yaalla koonfurta dalkaas. Trump ayaa sidoo kale sheegay in wada-hadallada Iiraan ay socdaan, isla markaana marinka Hormuz dib loo furayo.

Kooban

Tebin toos ah

  1. 52 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Itoobiya

    Itoobiya

    Maamulka gobolka Benishangul-Gumuz ee galbeedka Itoobiya ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay weerar ku dileen 52 qof.

    Weerarka ayaa dhacay subaxnimadii Khamiista, magaalada Daliti ee degmada Buldiglu, aagga Asosa. Booliska deegaanka ayaa BBC-da u xaqiijiyay in weerarka lagu dilay 52 qof.

    War kooban oo uu BBC-da siiyay, taliyaha booliska gobolka, Idris Mohammed, ayaa sheegay in weerarku dhacay abbaare 5:00 subaxnimo xilliga maxalliga ah. Waxa uu weerarka ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA), oo dowladda Itoobiya ay u taqaan “Shene”.

    Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dadka la dilay ay ka tirsanaayeen ciidamada ammaanka ee gobolka.

    Idris, ayaa sheegay in 21 ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen rayid, halka 31 kalena ay ahaayeen xubno ka tirsan ciidamada ammaanka.

    Waxa uu intaas ku daray in goobta weerarku ka dhacay ay xuduud la leedahay gobolka Oromiya, isla markaana muddo dheer ay dhibaato ku hayeen kooxo hubeysan oo ay mas’uuliyiintu xiriiriyaan “Shene”.

    “Kooxihii weerarka soo qaaday ayaa si lama filaan ah ku yimid, waxayna geysteen khasaare badan,” ayuu yiri.

    Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka. OLA ayaan weli ka jawaabin eedeymaha ay mas’uuliyiinta deegaanka u jeediyeen. Isku-daygii BBC-da ay jawaab uga raadinaysay afhayeenka OLA ayaan guuleysan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. War deg deg ah, Qorshe Natenyahu riixayey oo la ogaaday in Maraykanku hor istaagay

    Netanyahu oo qorshe uu riixay laga hor istagay

    Telefishinka Channel 12 ee Israa’iil ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo agaasimaha hay’adda sirdoonka Mossad, Roman Goffman, ay qorsheynayeen inay hawlgal ka fuliyaan gudaha Iiraan ka hor doorashooyinkii Israa’iil ee 27-kii October, balse Mareykanku uu hor istaagay qorshahaas.

    Sida lagu sheegay warbixinta, qaar ka mid ah saraakiisha sare ee amniga Israa’iil ayaa ka horyimid qorshaha, iyaga oo ka cabsi qabay in fulintiisu ay gobolka ka abuurto qalalaase amni oo hor leh, isla markaana ay khatar geliso qabsoomidda doorashooyinka.

    Channel 12 ayaa ku andacooday in khalad uu sameeyay sarkaal ka tirsan amniga Israa’iil uu sababay in Mareykanku ogaado qorshaha, taas oo Washington ku kalliftay inay si degdeg ah tallaabooyin u qaaddo si looga hortago fulintiisa.

    Telefishinku faahfaahin kama bixin nooca hawlgalka la qorsheeyay iyo sida Mareykanku ku ogaaday qorshaha. Sidoo kale ma uusan shaacin ilaha uu warkan ka helay.

    Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa beeniyay warbixinta, isaga oo sheegay in Benjamin Netanyahu uu xilligaas caddeeyay in weerar la qaado ka hor doorashooyinka Israa’iil uusan ka mid ahayn qorshayaasha dowladda.

    Hore, Channel 12 ayaa sidoo kale sheegay inuu jiray khilaaf u dhexeeyay Benjamin Netanyahu iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Israa’iil, Eyal Zamir, oo ku saabsanaa suurtagalnimada in tallaabo milatari laga qaado Iiraan.

    Wararkii xilligaas ayaa sheegay in Jeneraal Zamir uu ka cabsi qabay in tallaabadaasi ay sii huriso colaadda ka hor doorashooyinka dalka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  3. War deg deg ah, Madaxweyne Trump oo qaaday tallaabo sii kala fogeyn karta isaga iyo Xisbiga dimuquraadiga ah

    Trump iyo Miller

    Kadib guuldarradii weynayd ee xisbiga Jamhuuriga ka soo gaartay doorashadii dhexe ee Talaadadii, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Dimuqraaddiyiinta ku xoogaystay Aqallada Wakiillada iyo kan sare.

    Hase yeeshee, Jimcihii ayuu Stephen Miller, oo muddo dheer ahaa la-taliyihiisa siyaasadeed, u magacaabay madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, isaga oo beddelaya Susie Wiles.

    Miller ayaa caan ku ah inuu hormuud ka ahaa siyaasadaha adag ee maamulka Trump ee ka dhanka ah socdaalka sharci-darrada ah, sidoo kalena lagu soo warramay inuu door weyn ku lahaa hawlgallada milatari ee Mareykanka ee Venezuela iyo kuwii dhanka ahaa kooxaha looga shakisan yahay ka ganacsiga daroogada.

    Magacaabistiisa ayaa loo arki karaa calaamad muujinaysa in Trump uu isu diyaarinayo loollan siyaasadeed, halkii ay ka ahaan lahayd tallaabo uu ku muujinayo inuu doonayo wada-shaqayn uu la yeesho Dimuqraaddiyiinta.

    Miller ayaa sheegay inuu sharaf weyn u arko in Trump u doortay xilkaas. Trump-na wuxuu sheegay in Miller uu la joogay tan iyo bilowgii ololihiisa siyaasadeed, isla markaana uu si fiican u fahamsan yahay himilooyinkiisa.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. War deg deg ah, Degdeg: Markab miino kula qaraxday Marinka Hormuz

    Hormuz

    Wakaaladda wararka Fars, oo soo xiganaysa ciidamada badda Iiraan, ayaa sheegtay in markab shidaal siday ay miino badda kula qarxay marinka Hormuz.

    Sida ay wakaaladdu sheegtay, ciidamada badda Iiraan ayaa sheegay in markab ku sugnaa bariga marinka Hormuz, kaas oo marayay goob mamnuuc ah oo aan ammaan ahayn, isla markaana aanu dhegaysan digniino joogto ah kana damiyay qalabkiisa hagista, uu dab qabsaday kaddib markii miinadu ku qaraxday.

    Warbixintu waxay sheegtay in shilkaasi uu dhacay saacadihii hore ee maanta, isla markaana markabku uu tan iyo xilligaas taagnaa halkaa.

    Ilaa hadda wax war ah lagama soo saarin magaca markabka ama khasaaraha ka dhashay shilka.

  5. Ilaalada Kacaanka Iiraan oo war cusub shaaciyey

    Iiraan

    Afhayeen u hadlay Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in Iiraan ay ka faa’iidaysatay baaxadda dhulkeeda si ay u dhisto shabakad ballaaran oo saldhigyo iyo xarumo gantaallo oo dhulka hoostiisa ah, kuwaas oo lagu sameeyay khibrad gudaha ah.

    Sida uu baaahiyey telefishinka Press TV, afhayeenka Ilaalada Kacaanka, Sarreeye Guuto Mohebbi, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Ciidanka Cirka iyo Hawada Sare ee IRGC ay “soo rideen 260 diyaaradood oo cadowga ah” intii uu socday dagaalka.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in Iiraan ay sii waday soo saarista gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, inkasta oo duqeymo cadowgu ay jireen, isla markaana ay ku guuleysatay in xarumaheeda wax-soo-saarka ay ka rarto dhulka dushiisa una wareejiso dhulka hoostiisa.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Trump oo war wanaagsan ka sheegay arrinta Iiraan

    Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wada-hadallada Washington iyo Tehran ay weli socdaan, isla markaana arrimaha la xiriira Iiraan ay horumar ka sameynayaan.

    Trump oo la hadlayay wariyeyaasha xilli uu ka baxayay Aqalka Cad ayaa yiri: “Xaaladda si buuxda ayaan gacanta ugu haynaa, balse waxaan wada-hadal kula jirnaa Iiraan, waxaana eegaynaa halka ay wax ku dambayn doonaan.”

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uusan wax askari ah ku waayin lixdii ama toddobadii bilood ee la soo dhaafay.

    Hadallada madaxweyne Trump ayaa imaanaya xilli warbaahinta Iiraan ay sheegtay in subaxnimadii Sabtida weerarro lala beegsaday goobo ku yaalla koonfurta dalkaas, oo ay ku jirto Jasiiradda Qeshm.

    Hase yeeshee, weli ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha ama burburka ka dhashay weerarradaas.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. War deg deg ah, Maxaa ka cusub xaaladda Beledweyne iyo wararkii ugu dambeyay

    Aargada Beledweyne

    Wararka saaka aan ka helayno magaalada Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in halkaasi ay xiisadi ka jirto tan iyo markii shalay uu halkaasi gaaray madaxweyne ku xigeenka cusub ee Hirshabeelle Cabdifitaax Xasan Afrax.

    Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku sugan duuleedka magaalada Beledweyne, iyadoo xalay meel u dhow aagga uu degenyahay madaxweyne ku xigeenku la sheegay in ay ka dhacday is rasaaseyn kooban.

    Magaalada waxaa isna shalay tagay oo dhanka Itoobiya, ka soo galay sida ay noo sheegeen dad magaalada ku sugan taliyihii hore ee Nabad-suguidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

    Cabdifitaax Xasan Afrax oo hadlay ayaa sheegay in Beledweyne uu u tagay in"talkiisa uu qanciyo ama ay qanciyaan". Wuxuu intaasi raaciyay in "dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ay diyaar u yihiin wax ka qabashada tabashada reer Hiiraan".

    Qof ku sugan magaalada oo BBC-du la hadashay ayaa noo sheegay in kacsanaan ay jirto marka la eego aagagga la kala joogo iyo sida xaaladda guud ay tahay.

  8. War deg deg ah, Mareykanka oo abaal-marin malaayiin doollar ah ku bixinaya ciddii xogtaan keenta

    Trump

    Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku burburiyay qalab difaaca cirka ah oo Iiraan ay samaysatay. Hadalkan ayaa imanaya xilli warbaahinta Iiraan ay sheegtay in gantaallo lagu weeraray jasiiradda Qeshm iyo goobo kale oo ku yaalla koonfurta dalkaas.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in wada-hadallada Mareykanka iyo Iiraan ay socdaan, isla markaana marinka Hormuz dib loo furayo.

    Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa abaalmarin gaareysa 20 milyan oo dollar u ballanqaadday cid kasta oo xog ka bixisa xarumaha iyo tiknoolajiyadda la xiriirta barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  9. Dunidu ma dhammaan doontaa 13-ka Nofeembar 2026? Maxey tahay saadaasha iyo doodda cusub

    .

    Marka ay taariikhdani soo dhowaanayso, cabsida laga qabo "dhammaadka dunida" ayaa mar kale si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada iyo warbaahinno kala duwan.

    Taariikhdani waxay la xiriirtaa daraasad cilmiyeed oo la daabacay 66 sano ka hor, taas oo lagu qiimeynayay mustaqbalka tirada dadka ku nool dhulka.

    Daraasaddan waxaa qoray saddex cilmi-baare, waxaana 4-tii Nofeembar 1960 lagu daabacay majaladda Maraykanka ee Science. Cinwaankeedu wuxuu ahaa: "Maalinta Qiyaamaha: Jimce, 13-ka Nofeembar".

    Cilmi-baarayaashu waxay daraasaddooda ku sheegeen in haddii tirada dadka dunidu ay ku sii korodho isla xawaaraha ay ku arkeen xogta ku dhowaad 2,000 oo sano, marka la eego xisaabtooda saadaasha ah, tirada bani'aadamku ay bisha Nofeembar 2026 aragti ahaan gaari doonto wax "aan xad lahayn".

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  10. War deg deg ah, Iran oo sheegtay in ay soo ridday diyaarad Mareykanku leeyahay

    Sawir hore

    Wakaaladda wararka Tasnim ayaa sheegtay in laba gantaal ay ku dhaceen jasiiradda Qeshm ee koonfurta Iiraan.

    Wakaaladda IRNA ayaa iyaduna sheegtay in laba madfac ay ku dhaceen deegaanka Souza ee jasiiradda, kaddib markii la maqlay dhawaqa diyaarad.

    Tasnim waxay sheegtay in aan weli la hayn xog rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka.

    Dhanka kale, warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in ciidanka milatariga dalkaasi ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca MQ-9 ah oo Mareykanku leeyahay, taas oo dul mareysay jasiiradda Qeshm.

    Weli ma jiro xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan soo ridista diyaaradda ama xiriirka ay la leedahay gantaallada ku dhacay jasiiradda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  11. War deg deg ah, Subax wanaagsan saaxiibadda BBCSomali, ku soo dhawaada teninteenna tooska ah ee saaka iyo wararka Soomaalida iyo caalamka kale