Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

TOOS , Duulimaadyada Mareykanka oo dib loo fasaxay kaddib markii la qaaday hakintii guud

Duulimaadyada gudaha Mareykanka ayaa dib loo fasaxay inay duulaan kaddib markii la qaaday hakintii guud ee saarneyd duulimaadyada dalka oo dhan, hase yeeshee waxaa weli la filayaa dib-u-dhacyo ku yimaada duulimaadyada

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Nin qarax loogu dhex qariyay walaxo macmacaan ah oo geeriyooday

    Nin 35 jir ah ayaa ku dhintay dalka Hindiya, kaddib markii afka uu galiyay walax qarax ah oo loogu sheegay macmacaan la yiraahdo Rasgulla.

    Ninka oo lagu magacaabi jiray Rajendra Barautiya ayaa Talaadadii ku dhintay gobolka Madhya Pradesh, markii walaxda oo ahayd nooc bam deegaanka lagu sameeyo ay afkiisa ku qaraxday.

    Booliisku waxay sheegeen in bamamka noocan ah ay dadka deegaanka u adeegsadaan ugaarsiga doofaarrada duurjoogta ah.

    Laba nin ayaa loo xiray dhacdada, waxaana lagu eedeeyay dil aan ula kac ahayn. Booliisku waxay weli baarayaan in qaraxu ahaa shil ama fal si ula kac ah loo geystay.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  2. War deg deg ah, Darbiga dhisme ka socday Nairobi oo dumay, dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo warinayaa

    Saddex qof ayaa dhintay, 11 kalena way dhaawacmeen kaddib markii darbi dhisme ka socday xaafadda Riverside Drive ee magaalada Nairobi uu dumay, shaqaalihii goobtana ay ku hoos aasmeen burburka.

    Shilku wuxuu ka dhacay Sabtida maanta, , meel u dhow Grand Residence iyo Riverside Winchester Gardens. Sida ay baahisay Citizen Digital, 33 shaqaale ah ayaa ku sugnaa agagaarka goobta markii darbigu dumay.

    Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in 22 shaqaale ah la soo badbaadiyay, halka 11-ka dhaawacmay loola cararay isbitaallo kala duwan oo ku yaalla Nairobi.

    Kooxaha gurmadka iyo saraakiisha amniga ayaa goobta gaaray si ay u baaraan una soo badbaadiyaan dadkii ku hoos jiray burburka. Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay inay goobta u dirtay kooxaha gurmadka degdegga ah iyo laba ka mid ah gawaarida gurmadka degdeg ah.

    Dhacdadan ayaa timid maalin kaddib markii dhisme siddeed dabaq ah oo ka socday deegaanka Syokimau, una dhow xarunta tareenka SGR ee Nairobi, uu dumay Jimcihii, 13-kii Nofeembar. Lix qof ayaa ku dhintay shilkaas, shan kalena isbitaal ayaa la dhigay.

    Labadan shil oo dhacay muddo laba maalmood gudahood ah ayaa mar kale dhaliyay su’aalo ku saabsan badqabka goobaha dhismaha, tayada dhismayaasha iyo sida loo dhaqan-geliyo xeerarka dhismaha ee Kenya.

    Mas’uuliyiinta ayaa wada baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay dumista darbiga Riverside iyo in la raacay habraacyadii badbaadada.

  3. War deg deg ah, Koonfurta Suudaan oo doorashadeedii ugu horreysay qabanaysa dhawaan

    Koonfurta Suudaan ayaa sheegtay in ay qaban doonto doorashooyinkii guud ee ugu horreeyay taariikhdeeda bisha Febraayo ee sannadka dambe.

    Doorashada ayaa markii hore loo qorsheeyay dhammaadka bisha Diseembar, balse guddiga doorashooyinka dalka ayaa sheegay in jadwalka wax laga beddelay, isaga oo aan faahfaahin ka bixin sababta dib loogu dhigay.

    Go'aankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalka uu isu diyaarinayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo Sabtida ka bilaabatay in ka badan 3,000 oo xarumood oo dalka oo dhan ah.

    Doorashada ayaa dhowr jeer dib loo dhigay sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya madaxweyne Salva Kiir iyo madaxweyne ku-xigeenkii hore Riek Machar, kaas oo ku saabsan hirgelinta heshiiskii nabadeed ee soo afjaray dagaalkii sokeeye sannadkii 2018.

    Dagaalkaas ayaa sababay dhimashada ku dhowaad nus milyan qof. Koonfurta Suudaan wax doorasho guud ah ma qaban tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Suudaan sannadkii 2011-kii.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  4. War deg deg ah, Shirkadda Microsoft oo soo hadashay iyo faahfaahin

    Shirkadda Microsoft ayaa raalli-gelin ka bixisay cilad ku timid adeegyada kombiyuutarradeeda ee dunida dacalladeeda, iyadoo sheegtay in dhibaatadu ka dhalatay casriyeyn lagu sameeyay nidaamkeeda, balse aysan ahayn weerar dhanka internetka ah.

    Cilladda ayaa saameysay adeegyada isbitaallada, maxkamadaha iyo gaadiidka dalal badan. Si kastaba, Microsoft ayaa sheegtay in xaaladdu hadda soo hagaagayso.

    Dadka isticmaala adeegyada shirkadda ayaa dhibaatooyin soo sheegay tan iyo Khamiistii.

    Lama oga tirada saxda ah ee dadka ay saameysay, balse waxaa lagu qiyaasaa in 430 milyan oo qof ay isticmaalaan barnaamijyada Microsoft, iyadoo cabashooyin laga soo sheegay in ka badan 70 dal.

  5. War deg deg ah, Qabri ayay sii iibsatay laakin arrin aaney fileyn ayaa dhacday

    Haweeney 69 jir ah oo lagu magacaabo Marie Lane ayaa sheegtay inay ka niyad jabtay qabrigii ay horay u sii iibsatay, kaddib markii si khalad ah qof kale loogu aasay, markii dambena meydkiisa laga soo saaray.

    Marie ayaa dhulkaas ka sii qabsatay qabuuraha Deeping St James ee gobolka Lincolnshire, si loogu aaso agagaarka qabuuraha waalidiinteed oo geeriyooday.

    Wasaaradda Caddaaladda UK ayaa horraantii sanadkan oggolaatay in meydka ninka sida khaldan loogu aasay halkaa laga soo saaro qabriga, si qaladka loo saxo.

  6. War deg deg ah, War cusub: Yaa maamula Iran haddda, maxey tahay dodda taagan

    Tan iyo markii la khaarajiyay hoggaamiyihii sare ee Iran, Cali Khamenei, su’aal si joogto ah u taagnayd ayaa ah: Yaa hadda maamulaya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran?

    Mala-awaallo kala duwan oo degdeg ah ayaa laga bixiyay su’aashaas, kuwaas oo qaarkood markii dambe dib loo eegay markii ay soo baxeen isbeddello cusub oo siyaasadeed.

    Tusaale ahaan, dagaalkii 40-ka maalmood socday ka dib, mar waxaa la tilmaamay Maxamed Baqir Qaalibaaf, guddoomiyaha baarlamaanka Iran, mar kalena Axmed Vahidi, taliyaha Ilaalada Kacaanka, inay yihiin dadka ugu awoodda badan dowladda. Dhawaanahan waxaa sidoo kale soo baxay saadaal cusub oo ku saabsan Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka.

    Shaki kuma jiro in shakhsiyaadkan ay mid walba xil muhiim ah ka hayaan nidaamka awood-qaybsiga Iran. Hase yeeshee, aragtiyaha laga bixiyay cidda sida dhabta ah talada u haysa bilihii u dambeeyay waxay ku dhisnaayeen mala-awaal la buunbuuniyay.

    Gaar ahaan, waxaa la buunbuuniyay fikirka ah in taliye hadda ama hore uga tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran uu qasab ku yahay inuu door dhexe ka yeesho qaab-dhismeedka awoodda dalka xilligan cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  7. War deg deg ah, Maxaa ka soo kordhay shirkii mucaaradka iyo dowladda ee maanta loo ballansanaa?

    War ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in ay socdana dedaallo ku aaddan qabsoomidda gogashii dowladdu ay horey ugu fidisay dhinacyada mucaaradka.

    Qoraal lagu baahiyay barta Facebook, ee madaxtooyada ayaa lagu yiri:

    “Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay wargelinaysaa in ay socdaan xiriirro lala yeelanayo dhinacyada lagu casuumay gogosha Wadatashiga Qaran, taas oo qayb ka ah diyaar-garowga shirka,”.

  8. Fadeeexad galmo oo ka dhacday Nvidia sidee ayay ku gaartay Aqalka Cad?

    Jensen Huang, madaxa shirkadda Nvidia ee soo saarta qalabka muhiimka u ah horumarinta sirdoonka macmalka ah (AI), ayaa noqday mid ka mid ah ganacsatada sida dhow ula xiriira madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Labadoodu dhowr jeer ayay kulmeen, wuxuuna Huang Trump ku weheliyay safarro uu ku tagay Britain iyo Shiinaha.

    Huang wuxuu door muhiim ah ku lahaa doodda ka dhex taagan maamulka Trump ee ku saabsan inta ay tahay in tiknoolajiyadda ugu horumarsan Mareykanka loo oggolaado inay gaarto Shiinaha.

    Tan iyo 2022, Mareykanku wuxuu xayiraado saaray dhoofinta qaar ka mid ah qalabka kombiyuutarrada ee ugu awoodda badan Nvidia, isaga oo ka cabsi qaba in Shiinuhu u adeegsado horumarinta awooddiisa milatari iyo tiknoolajiyadeed.

    Huang ayaa muddo dheer ku doodayay in xayiraaduhu ay dhaawacayaan shirkadda Nvidia, isla markaana ay Shiinaha ku dhiirrigelinayaan inuu isagu soo saaro qalab u gaar ah. Trump ayaa u muuqday inuu aragtidaas la qabay, isaga oo sannadkii hore oggolaaday in Nvidia ay dib ugu iibiso Shiinaha qaar ka mid ah qalabkeeda, iyadoo dowladda Mareykanku qayb ka hesho dakhliga. Hase yeeshee, qalabka ugu horumarsan ee Blackwell weli waa mamnuuc.

    Xiisadda ayaa sii xoogaysatay ka dib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira xiriirka Huang iyo Alice Huang, oo hore uga tirsanaan jirtay shirkadda Megaspeed ee Singapore, balse aan qaraabo la ahayn Jensen Huang.

    Hay'adaha sirdoonka Mareykanka ayaa la sheegay inay ka shaki qabaan in Alice Huang ay xiriir la leedahay sirdoonka Shiinaha, eedeymahaas oo Beijing ay beenisay. Guddiga maamulka Nvidia ayaa sheegay inaysan jirin sabab ay ku rumaystaan in siraha shirkadda ama amniga qaranka Mareykanka waxyeello soo gaartay.

    Dhanka kale, waxaa su'aalo la iska weydiinayaa shirkadda Megaspeed, oo macaamiil u ahayd Nvidia, lagana shakisan yahay inay gacan ka geysatay in qalab casri ah oo Mareykan ah si dadban loogu gudbiyo Shiinaha.

    Arrintan waxay si gaar ah cadaadis u saartay Xoghayaha Ganacsiga Mareykanka, Howard Lutnick, oo wasaaraddiisu mas'uul ka tahay xakameynta dhoofinta tiknoolajiyadda xasaasiga ah. Warar ayaa sheegaya in Lutnick loo gudbiyay qoraal sir ah oo looga digayay walaacyada la xiriira Alice Huang iyo Megaspeed, balse uusan tallaabo adag ka qaadin shirkadda.

    Saraakiil kale oo sare, oo uu ku jiro Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent, ayaa la sheegay inay su'aalo ka keeneen sababta Megaspeed aan loogu darin liiska shirkadaha laga mamnuucay inay la macaamilaan Mareykanka.

    Wargeyska The New York Times ayaa sidoo kale sheegay in qareenka guud ee Nvidia uu la xiriiray baarayaasha Wasaaradda Ganacsiga ee baarayay tuhunka ku saabsan tahriibinta qalabka kombiyuutarrada. Baaritaanka ayaa markii dambe la hakiyay, waxaana kiiska loo gudbiyay Wasaaradda Caddaaladda.

    Shirkadda Megaspeed ayaa beenisay inay dayacday waajibaadkeeda, iyadoo sheegtay inay si buuxda ula shaqeysay baaritaannada dowladda Mareykanka, isla markaana ay u hoggaansanto shuruucda xakameynta dhoofinta.

    Arrintan ayaa dhalisay khilaaf ku saabsan siyaasadda maamulka Trump ee Shiinaha: Huang wuxuu doonayay in Nvidia ay sii hesho suuqa weyn ee Shiinaha, halka saraakiil kale ay ka walaacsanaayeen saameynta ay arrintaasi ku yeelan karto amniga qaranka.

    Cadaadiska siyaasadeed ayaa hadda sii kordhaya. Xildhibaanno ka tirsan labada xisbi ee Mareykanka ayaa dalbanaya in la caddeeyo sida shirkadaha Shiinaha loogu oggolaaday inay helaan qalabka sirdoonka macmalka ah.

    Guddoomiyaha guddiga Aqalka Wakiillada ee arrimaha Shiinaha, John Moolenaar, ayaa sheegay in shirkadaha Mareykanka ay muhiim tahay inay ku guuleystaan tartanka AI, balse aysan taasi khatar gelin karin amniga qaranka.

    Dhanka kale, Senator Elizabeth Warren ayaa sheegtay in iscasilaadda ama ka bixitaanka Huang ee arrintan aysan ka qaadayn mas'uuliyadda, iyadoo Lutnick ka dalbatay inuu sharaxo sababta ay weli u jiraan goldaloolooyin ku jira nidaamka xakameynta dhoofinta.

    Kooxda Huang ayaa sidoo kale xildhibaannada Jamhuuriga u sheegtay inuu diyaar u yahay inuu ka jawaabo codsi ay ku doonayaan inuu kulan xiran kaga markhaati furo arrintan.

    Aqalka Cad ayaa sheegay inuu Trump kalsooni buuxda ku qabo Lutnick, balse su'aalaha ayaa weli taagan: Maxay wasaaradda ganacsigu tallaabo uga qaadi weyday digniinihii la sheegay in loo gudbiyay? Maxaase madaxweyne Trump ka ogaa walaacyada sirdoonka ee ku saabsan arrintan?

    Inkasta oo xiriirka gaarka ah ee Huang uu ahaa halka ay xiisaddu ka bilaabatay, haddana dooddu waxay gaartay Aqalka Cad, iyadoo la isweydiinayo cidda mas'uulka ka ahayd ilaalinta tiknoolajiyadda ugu xasaasisan Mareykanka.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  9. War deg deg ah, Duulimaadyadii ugu badnaa oo Mareykanku baajiyay

    Ku dhowaad 10,000 duulimaad oo ka bixi lahaa ama ku degi lahaa garoomada diyaaradaha Mareykanka ayaa la baajiyay ilaa Sabtida xilliga Mareykanka, sida ay sheegtay shirkadda xogta duulimaadyada ee Flightradar24.

    Shirkadaha Delta Air Lines iyo American Airlines ayaa midkiiba baajiyay in ka badan 2,200 duulimaad, halka United ay baajisay 1,800, Southwest-na ku dhowaad 1,400.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  10. War deg deg ah, Degdeg: Sababta keentay hakadka ku yimid duulimaayada Mareykanka oo la shaaciyay

    Hakintii guud ee duulimaadyada ka dhoofayay Mareykanka ayaa la qaaday kaddib ku dhowaad shan saacadood, hase yeeshee rakaabka ayaa weli wajahaya dib-u-dhacyo badan iyadoo garoomadu isku dayayaan inay maareeyaan duulimaadyadii is biirsaday.

    Xoghayaha Gaadiidka Mareykanka Sean Duffy iyo Xoghayaha Amniga Gudaha Markwayne Mullin ayaa sheegay in hakinta ay sababtay xog aan is-waafaqsanayn oo ka timid qalab duug ah oo lagu hago duulimaadyada.

    Duffy ayaa ciladda ku eedeeyay nidaamka duulimaadyada oo aan muddo dheer la casriyeyn dhaqaale la’aan darteed, wuxuuna Kongareeska ka codsaday 50 bilyan oo doollar si loo dhiso nidaam cusub.

    Dhankiisa, Mullin ayaa sheegay inaan wax caddeyn ah loo hayn in ciladdu ka dhalatay weerar dhanka internetka ah ama ay xiriir la lahayd ciladdii Microsoft ee maalin ka hor dhacday.

    Tani waxay ahayd markii labaad ee tan iyo weerarradii 11-kii Sebtembar 2001 la hakiyo duulimaadyada dalka oo dhan, waana tii ugu muddada dheereyd.

    Xildhibaano ka kala tirsan labada xisbi ee Mareykanka ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo sababta ciladda si looga hortago inay mar kale dhacdo.

  11. War deg deg ah, War cusub oo ku saabsan Trump, Putin iyo Xi Jinping oo is arkaya iyo waxa ay ka hadlayaan

    Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump, dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ay suuragal tahay inay toddobaadka soo socda kulan ku yeeshaan magaalada Shenzhen ee Shiinaha, xilliga shir madaxeedka APEC.

    Afhayeenka Aqalka Cad ayaa sheegtay in hoggaamiyeyaashu ka wada hadli doonaan arrimo caalami ah, oo ay ku jiraan dhimista hubka nukliyeerka iyo xaaladda Iran, balse aan la filayn in laga hadlo dagaalka Ukraine.

    Trump ayaa sidoo kale Khamiista kulan gaar ah la yeelan doona Xi Jinping. Waa kulankoodii afaraad tan iyo markii ay labaduba dib ugu soo laabteen madaxtinimada 2025.

    Kulankan ayaa imanaya iyadoo heshiiskii muhiimka ahaa ee xakameynta hubka nukliyeerka ee Mareykanka iyo Ruushka uu dhacay bishii Febraayo ee sanadkan, Qaramada Midoobayna ay labada dal ku boorrisay inay heshiis cusub gaaraan.

    Shiinaha iyo Ruushka weli si rasmi ah uma xaqiijin kulanka saddex geesoodka ah, inkastoo Moscow ay sheegtay inay jiraan calaamado wanaagsan oo muujinaya suuragalnimada qabsoomiddiisa.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  12. War deg deg ah, Maxaa keenay cillada loo xiray hawada Mareykanka oo dhan

    Xoghayaha Gaadiidka Mareykanka, Sean Duffy, ayaa sheegay in ciladdu bilaabatay 3:36 galabnimo, xilliga maxalliga ah, taas oo saameysay raadaarrada, isgaarsiinta iyo xarumaha hagista duulimaadyada ee dalka oo dhan.

    Wuxuu sheegay in nidaamka hagista duulimaadyada uu yahay mid duug ah, isla markaana xog badan ay buux dhaafisay qalabka gudbiya xogta, taasoo keentay ciladda. Arrintaas ayaa sababtay in hay’adda duulista Mareykanka ay hakiso dhammaan duulimaadyada dalka.

    Duffy ayaa ugu baaqay Kongareeska inuu bixiyo dhaqaale lagu casriyeynayo nidaamka, isagoo sheegay in loo baahan yahay 50 bilyan oo doollar si dib loogu dhiso. Xisbiga Jamhuuriga ayaa hadda aqlabiyad ku leh labada aqal ee Kongareeska.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  13. Degdeg: Hawada Mareykanka oo dib loo furay iyo waxa dhici kara maalmaha soo socda

    Xoghayaha Gaadiidka Mareykanka, Sean Duffy, ayaa xaqiijiyay in hawada dalka dib loo furay, isla markaana duulimaadyada dib loo bilaabi karo.

    Wuxuu sheegay in xarumaha hagista iyo kormeerka duulimaadyadu ay shaqeynayaan, hawadana dib loo furay 8:15 fiidnimo waqtiga bariga Mareykanka.

    Si kastaba ha ahaatee, Duffy wuxuu sheegay in hakadkii dhacay uu saameyn ku yeelan doono duulimaadyada maalmaha soo socda, isla markaana ay qaadan karto dhowr maalmood in xaaladdu caadi ku soo noqoto.