Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Maxaa ka jira saadaashii ahayd in maanta ay dunidu dhammaan doonto, maxayse diinta Islaamka ka tiri Maalinta Qiyaame?
Haddii aad akhrinayso warbixintan, waxaa hubaal ah inaad weli nooshahay, duniduna aysan dhammaan.
Dad badan ayaa saadaalinayay in aan la gaari doonin maalintan oo ah 13-ka bisha Nofeembar, kaddib markii cilmi-baaris ay muujisay suurtagalnimada in "dunidu dhammaan karto".
Labada diimood ee waaweyn ee Islaamka iyo Masiixiyadda ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba waqtiga ay dhici doonto Qiyaamaha.
Hase yeeshee, saddex cilmi-baare ayaa qoray daraasad lagu daabacay joornaalka sayniska ee Maraykanka ee Science, 4-tii Nofeembar 1960-kii.
Cinwaanka daraasadda ayaa ahaa: "Doomsday: Friday, November 13" (Maalinta Aakhiro: Jimce, 13-ka Nofeembar).
Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in haddii tirada dadka dunidu ay sii kororto xawaaraha ay muujinayeen xogtii ay falanqeeyeen ee ku saabsanayd ku dhowaad 2,000 oo sano, ay suuragal tahay in bisha Nofeembar ee sannadka 2026-ka ay tirada dadka dunidu gaarto heer aysan meeraha Dhulka ku wada noolaan karin.
Dhanka kale, Muslimiin badan waxay aaminsan yihiin in Qiyaamuhu dhici doono maalin Jimce ah. Waxaa xusid mudan in 13-ka Nofeembar ee sannadkan ay ku beegan tahay maalin Jimce ah.
Haddaba, maxay diinta Islaamka ka qabtaa maalinta iyo waqtiga uu dhici doono Qiyaamuhu?
Fahamka Islaamka ee ku saabsan Maalinta Qiyaamaha
Diinta Islaamku waxay sheegtay in aanu jirin qof og waqtiga saxda ah ee Qiyaamuhu dhici doono, marka laga reebo Alle oo keliya.
Culimada Islaamku waxay sheegeen inay jiraan calaamado soo bixi doona ka hor inta aan Qiyaamuhu dhicin. Inkastoo xadiisyo laga wariyey ay tilmaamayaan in Qiyaamuhu dhici doono maalin Jimce ah.
Suuratul Acraaf, aayadda 187-aad, Alle wuxuu ku yidhi:
"Waxay ku weydiinayaan Saacadda (Qiyaamaha) goorta ay dhacayso. Waxaad ku tidhaahdaa: Cilmigeedu wuxuu uun yaallaa Rabbigay agtiisa. Ma jiro cid muujin karta waqtigeeda oo aan isaga ahayn."
Sidoo kale, Suuratu Luqmaan, aayadda 34-aad, Alle wuxuu ku sheegay in aqoonta waqtiga Qiyaamuhu ay ka mid tahay waxyaabaha isaga oo keliya og yahay.
Taas macnaheedu waa in aanu xitaa Nebi Muxamed (NNKH) ogeyn waqtiga saxda ah ee Qiyaamuhu dhici doono.
- Waa maxay calaamadaha ay Islaamku ka sheegtay Qiyaamaha?
Waxbarashada Islaamka, calaamadaha Qiyaamaha waxa loo qaybiyaa laba qaybood: calaamadaha yaryar iyo kuwa waaweyn.
Calaamadaha yaryar qaarkood way dhaceen, qaar kalena weli way sii muuqdaan, halka kuwo kale aanay weli dhicin.
Calaamadaha lagu sheegay axaadiista Nebiga (NNKH) waxaa ka mid ah:
- Faafidda jaahilnimada iyo yaraanta cilmiga.
- Kororka fitnada iyo colaadaha.
- Dadka oo ku tartama dhismaha dhismayaal dhaadheer.
Calaamadahan qaarkood waxaa lagu sheegay axaadiis sugan oo ku jira Saxiixul Bukhaari iyo Saxiix Muslim.
Waxaa sidoo kale jira calaamado waaweyn oo la filayo inay soo baxaan marka Qiyaamuhu aad u soo dhowaado.
Xadiis uu weriyey Imaam Muslim ayaa Nebiga Muxamed (NNKH) laga soo xigtay isagoo sheegay toban calaamadood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah:
- Soo bixitaanka Dajjaal.
- Soo degitaanka Nabi Ciise ibnu Maryam (CS).
- Soo bixitaanka Yajuuj iyo Maajuuj.
- Soo bixitaanka qiiq.
- Soo bixitaanka bahal dhulka ka soo bixi doona.
- Qorraxda oo ka soo baxda galbeedka.
- Dhul-gariir ama dhul-liqid ka dhaca bariga.
- Dhul-liqid ka dhaca galbeedka.
- Dhul-liqid ka dhaca Jasiiradda Carabta.
- Dab ka soo bixi doona dalka Yemen, kaas oo dadka u kaxayn doona goobta ay isugu imanayaan.
Diinta Islaamku waxay ka digtay in la isku dayo in la cayimo waqtiga saxda ah ee Qiyaamaha ama dhacdooyinka dunida ka socda si dhab ah loogu sheego inay yihiin calaamadihii ugu dambeeyey.
Inkasta oo axaadiistu faahfaahiyeen calaamadaha Qiyaamaha, haddana ogaanshaha waqtiga saxda ah ee ay dhici doonto wuxuu u gaar yahay Alle oo keliya.
Halkee ayay sheekadani ka soo bilaabatay?
Asalka daraasaddan wuxuu ka soo bilaabmay fiisigiste u dhashay Austria, balse haystay dhalashada Maraykanka, Heinz von Foerster.
Waxa uu cilmi-baaristan sameeyay isaga oo kaashanaya labo cilmi-baare oo kale oo kala ahaa Patricia Mora iyo Lawrence Amiot. Saddexdooduba waxay ka tirsanaayeen waaxda injineernimada korontada ee Jaamacadda Illinois ee dalka Maraykanka.
Cilmi-baarayaashu waxay adeegsadeen qiyaaso taariikhi ah oo ku saabsan tirada dadka dunida. Xogtaasi waxay ka koobnayd 24 qiyaasood oo laga soo ururiyay muddadii u dhexeysay bilowgii taariikhda Miilaadiga ilaa sannadkii 1958-kii. Waxay xogtan u adeegsadeen inay fahmaan sida tirada bani'aadamku taariikhda oo dhan u kordhaysay.
Cilmi-baarayaashu kuma salayn daraasaddooda in tirada dadka dunidu ay ku kordhayso xawaare go'an. Taa beddelkeeda, waxay soo bandhigeen hannaan xisaabeed oo ku salaysan fikradda kororka xad-dhaafka ah ee tirada dadka, kaas oo loo yaqaan Hyperbolic Growth.
Hannaankan, tirada dadka oo keliya ma kordhayso, balse xawaaraha ay ku kordhayso ayaa isaguna sii dardar-gelaya marka waqtigu socdo.
Qaabkan xisaabeed wuxuu ku salaysnaa fikradda ah in awoodda bani'aadamku u leeyahay inuu dadka kale la falgalo, is-caawiyo, isla markaana samaysto isbahaysiyo ay ka caawiso inuu ka gudbo qaar ka mid ah xaddidaadaha deegaanka.
Arrintani waxay kordhisaa awoodda bani'aadamka ee badbaadada iyo taranka.
Kaddib markii ay isla'egta xisaabeed ku dabbaqeen xogtii taariikhiga ahayd, cilmi-baarayaashu waxay ku soo gabagabeeyeen in hannaankoodu sannadka 2026 gaari doono xaalad loo yaqaan keli ahaansho. Xilligaas ayaa ku beegan bartamaha bisha Nofeembar 2026.
Sidaas ayay taariikhda 13-ka Nofeembar 2026 ku noqotay qayb ka mid ah cinwaanka daraasadda. Sida uu saadaaliyay hannaanka xisaabeed, taariikhdaas ayay tirada dadka dunidu aragti ahaan ku gaari lahayd mid "aan xad lahayn", haddii isla shuruudihii iyo malo-awaalkii hore lagu sii socdo.
Marka ugu horreysa ee la akhriyo, cinwaanka daraasaddu wuxuu u ekaan karaa saadaal ku saabsan dhammaadka dunida, balse macnaha dhabta ahi gebi ahaanba wuu ka duwan yahay.
Cilmi-baarayaashu kama hadlin in dhulka uu ku dhici doono dhagax weyn oo hawada sare ka yimaadda, in qorraxdu qarxi doonto, ama in ay dhici doonaan dhulgariirro iyo foolkaanno sababa burbur baahsan. Sidoo kale, ma aysan cayimin taariikh ay bani'aadamnimadu ku dabar go'i doonto musiibo dabiici ah awgeed.
Dhab ahaantii, waxay fikradda "maalinta qiyaamaha" u adeegsadeen inay ku tilmaamaan barta mala-awaalka ah ee xisaabeed ee ay tirada dadku ku noqonayso mid aan xad lahayn, sida uu dhigayo isla'egtoodu. Arrintaasi se waa wax aan suurtagal ka ahayn dunida dhabta ah.
Si kale haddii loo dhigo, tirada "aan xadka lahayn" macnaheedu ma aha in dadka dhulka ku nool ay dhab ahaan gaari doonaan tiro intaas le'eg. Waxay tilmaamaysaa oo keliya natiijada xisaabeed ee soo baxaysa marka hannaan saadaalineed mustaqbalka la sameeyo, iyadoo la malaynayo in dhammaan shuruudihii lagu dhisay ay sidii hore ahaanayaan, isla markaana aan waxba iska beddelayn.
Akhrinta daraasaddii asalka ahayd waxay muujinaysaa in cilmi-baarayaashu ay ka warqabeen inaan hannaankan si sax ah loo adeegsan karin haddii aan la tixgelin saamaynta deegaanka, kheyraadka iyo xaaladaha kale ee ku xeeran tirada dadka.
Kuwani waa arrimo saameyn ku yeelan kara heerka dhalashada iyo dhimashada, isla markaana beddeli kara jihada kororka tirada dadka.