Maxaa ka dhacay ciyaartii Ghana iyo Soomaaliya ee tartanka Koobka Qaramada Afrika ee 2027?

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ghana ayaa ugu dambayn dib u billowday ololaheeda isreebreebka Koobka Qaramada Afrika ee 2027, kaddib markii ay 2-0 garoonkeeda kaga badisay Soomaaliya.

Xulka Black Stars ayaa guuldarro kala kulmay labadii kulan ee ugu horreeyay Group C, kuwaas oo ay la ciyaareen Ivory Coast iyo Gambia. Natiijooyinkaas ayaa horseeday inuu xilka ka tago tababarihii Carlos Queiroz, kaddib markii labada dhinac ay si wadajir ah ugu heshiiyeen.

Tababaraha xulka haweenka Ghana, Kim Bjorkegren, ayaa si ku-meel-gaar ah loogu dhiibay hoggaaminta xulka ragga, si uu u maareeyo labada kulan ee bishan ay la ciyaarayaan Soomaaliya. Xulka Galbeedka Afrika ayaa halis ugu jiray inuu seego markii labaad oo xiriir ah ka qaybgalka tartanka kama dambaysta ah ee Koobka Qaramada Afrika.

Ghana ayaa fursad u heshay inay gool hore ka dhaliso ciyaarta ka dhacday magaalada Sekondi-Takoradi, kaddib markii Alidu Seidu lagu jiiday gudaha xerada ganaaxa. Balse rigooradii uu Jordan Ayew tuuray daqiiqaddii 14-aad waxaa badbaadiyay goolhayaha Soomaaliya, Ibrahim Hussein.

Ghana ayaa ugu dambayn hoggaanka qabatay dhammaadkii qaybta koowaad, markii Mohammed Salisu uu madax ku dhuftay koorne dheer oo uu soo tuuray Mohammed Kudus, isagoo kubbadda dib ugu soo celiyay afka goolka, halkaas oo Jonas Adjetey uu madax ku dhaliyay isaga oo cabbaar u jira goolka.

Felix Afena-Gyan ayaa goolka labaad u dhaliyay Black Stars. Wuxuu kubbadda ka toogtay gudaha xerada ganaaxa, taas oo ka siibatay gacmaha goolhayaha Xuseen, kana gudubtay xarriiqda goolka.

Ghana oo afar jeer ku guuleysatay koobka qaaradda ayaa weli lix dhibcood ka dambaysa hoggaamiyeyaasha Group C ee Ivory Coast, kuwaas oo sii xoojiyay rikoodhkooda guulaha boqolkiiba boqol ah, kaddib markii ay 2-1 kaga badiyeen Gambia magaalada Bouake.

Khadka dhexe ee Brighton, Malick Yalcouye, ayaa kubbadda shabaqa dhex dhigay isaga oo toddoba yaardi u jira goolka, halka Elye Wahi uu dhaliyay goolka labaad ee Ivory Coast. Musa Barrow ayaa hal gool u soo celiyay xulka martida ahaa ka hor dhammaadka qaybta koowaad.

Kulamadii kale ee Khamiistii la ciyaaray, waxaa guulo gaaray Cameroon, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Senegal, kuwaas oo dhammaantood weli ku socda waddadii ay ugu soo bixi lahaayeen tartanka sannadka dambe ka dhacaya Kenya, Tanzania iyo Uganda.

Wareegga saddexaad ee kulamada isreebreebka ayaa Jimcaha sii soconaya, iyadoo Masar, Morocco, Nigeria iyo Koonfur Afrika ay ka mid yihiin xulalka ciyaaraya. Guud ahaan waxaa la ciyaari doonaa 12 kulan.

Jackson iyo Mbaye ayaa goolal dhaliyay

Nicolas Jackson ayaa Senegal u horseeday guul 4-1 ah oo ay garoonkeeda kaga gaartay Sudan, kulan ka tirsanaa Group J. Ibrahim Mbaye oo ay isku kooxda yihiin ee Aston Villa ayaa sidoo kale gool ka dhaliyay ciyaarta, isagoo u ciyaaraya xulka uu hoggaamiyo Patrick Vieira, magaalada Dakar.

Senegal ayaa hoggaanka Group J ku haysa toddoba dhibcood, iyadoo saddex dhibcood ka horreysa Mozambique oo Jimcaha garoonkeeda ku martigelinaysa Itoobiya.

Cameroon ayaa iyaduna sii wadatay billowgeeda guulaha, iyadoo gaartay toddoba dhibcood oo Group G ah, kaddib markii ay magaalada Douala 2-0 kaga badisay Namibia.

Dhanka kale, weeraryahanka Newcastle United, Yoane Wissa, ayaa furay goolasha, iyadoo DR Congo ay sii wadatay bilowgeeda guulaha, kaddib markii ay magaalada Kinshasa 3-1 kaga adkaatay Sierra Leone.

Xulka Leopards ayaa sagaal dhibcood ku hoggaaminaya Group E, iyagoo shan dhibcood ka horreeya Zimbabwe iyo Equatorial Guinea, kaddib markii labadaas xul ay ku kala baxeen barbarro goolal la'aan ah oo 0-0 ah.

Nigeria ayaa dhiirrigelin ka heshay kaddib markii hoggaamiyeyaasha Group L, Guinea-Bissau, ay barbarro 1-1 ah la galeen Madagascar, ciyaar ka dhacday Morocco oo ahayd garoon dhexdhexaad ah.

Super Eagles ayaa afar dhibcood ka dambaysa Guinea-Bissau, iyadoo Jimcaha garoonkeeda ku martigelin doonta Tanzania, saacadda 16:00 GMT.

Tanzania ayaa durba xaqiijisatay ka qaybgalka Koobka Qaramada Afrika ee 2027, maadaama ay ka mid tahay dalalka martigelinaya tartanka. Saddexda xul ee kale ayaa u tartamaya hal boos oo keliya oo ay ku soo bixi karaan.

Benin ayaa iyaduna xoojisay rajadeeda ah inay markii labaad oo xiriir ah gaarto wareegga ugu dambeeya ee tartanka, kaddib markii ay 4-1 ku garaacday Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Xulka Cheetahs ee uu hoggaamiyo Gernot Rohr ayaa saddex dhibcood ku hoggaaminaya Group F, iyagoo ka horreeya Burkina Faso oo Jimcaha la ciyaari doonta Mauritania.

Group D, oo ah koox kale oo hal boos oo keliya laga heli karo, Guinea ayaa dhibcaha la simatay hoggaamiyeyaasha kala sarreynta ee Koonfur Afrika, kaddib markii ay magaalada Conakry 2-1 kaga badisay Eritrea.