TOOS , Duulimaadyada Mareykanka oo dib loo fasaxay kaddib markii la qaaday hakintii guud

Duulimaadyada gudaha Mareykanka ayaa dib loo fasaxay inay duulaan kaddib markii la qaaday hakintii guud ee saarneyd duulimaadyada dalka oo dhan, hase yeeshee waxaa weli la filayaa dib-u-dhacyo ku yimaada duulimaadyada

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, War cusub oo ku saabsan Trump, Putin iyo Xi Jinping oo is arkaya iyo waxa ay ka hadlayaan

    .

    Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump, dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ay suuragal tahay inay toddobaadka soo socda kulan ku yeeshaan magaalada Shenzhen ee Shiinaha, xilliga shir madaxeedka APEC.

    Afhayeenka Aqalka Cad ayaa sheegtay in hoggaamiyeyaashu ka wada hadli doonaan arrimo caalami ah, oo ay ku jiraan dhimista hubka nukliyeerka iyo xaaladda Iran, balse aan la filayn in laga hadlo dagaalka Ukraine.

    Trump ayaa sidoo kale Khamiista kulan gaar ah la yeelan doona Xi Jinping. Waa kulankoodii afaraad tan iyo markii ay labaduba dib ugu soo laabteen madaxtinimada 2025.

    Kulankan ayaa imanaya iyadoo heshiiskii muhiimka ahaa ee xakameynta hubka nukliyeerka ee Mareykanka iyo Ruushka uu dhacay bishii Febraayo ee sanadkan, Qaramada Midoobayna ay labada dal ku boorrisay inay heshiis cusub gaaraan.

    Shiinaha iyo Ruushka weli si rasmi ah uma xaqiijin kulanka saddex geesoodka ah, inkastoo Moscow ay sheegtay inay jiraan calaamado wanaagsan oo muujinaya suuragalnimada qabsoomiddiisa.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  2. War deg deg ah, Maxaa keenay cillada loo xiray hawada Mareykanka oo dhan

    Hawada Mareykanka oo dib hadda loo furay

    Xoghayaha Gaadiidka Mareykanka, Sean Duffy, ayaa sheegay in ciladdu bilaabatay 3:36 galabnimo, xilliga maxalliga ah, taas oo saameysay raadaarrada, isgaarsiinta iyo xarumaha hagista duulimaadyada ee dalka oo dhan.

    Wuxuu sheegay in nidaamka hagista duulimaadyada uu yahay mid duug ah, isla markaana xog badan ay buux dhaafisay qalabka gudbiya xogta, taasoo keentay ciladda. Arrintaas ayaa sababtay in hay’adda duulista Mareykanka ay hakiso dhammaan duulimaadyada dalka.

    Duffy ayaa ugu baaqay Kongareeska inuu bixiyo dhaqaale lagu casriyeynayo nidaamka, isagoo sheegay in loo baahan yahay 50 bilyan oo doollar si dib loogu dhiso. Xisbiga Jamhuuriga ayaa hadda aqlabiyad ku leh labada aqal ee Kongareeska.

    Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:

  3. Degdeg: Hawada Mareykanka oo dib loo furay iyo waxa dhici kara maalmaha soo socda

    Hawada Mareykanka oo dib loo furay

    Xoghayaha Gaadiidka Mareykanka, Sean Duffy, ayaa xaqiijiyay in hawada dalka dib loo furay, isla markaana duulimaadyada dib loo bilaabi karo.

    Wuxuu sheegay in xarumaha hagista iyo kormeerka duulimaadyadu ay shaqeynayaan, hawadana dib loo furay 8:15 fiidnimo waqtiga bariga Mareykanka.

    Si kastaba ha ahaatee, Duffy wuxuu sheegay in hakadkii dhacay uu saameyn ku yeelan doono duulimaadyada maalmaha soo socda, isla markaana ay qaadan karto dhowr maalmood in xaaladdu caadi ku soo noqoto.