Bidaarta nooc ka mid ah oo cilmi-baarayaal Shiinays ah u heleen "daaweyn wax ku ool ah"

Bidaar
Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Cilmi-baarayaal Shiines ah ayaa sheegaya inay soo saareen shanlo koronto ku shaqaysa oo ka caawin karta daaweynta bidaarta la iska dhaxlo.

Natiijooyinka cilmi-baaristan oo ay sameeyeen Jaamacadda Beihang iyo hay'ado kale oo cilmi-baaris oo Shiine ah, ayaa 3-dii November lagu daabacay joornaalka sayniska ee Nature Communications.

Cilmi-baarayaashu waxay shanladaan u bixiyeen magaca De-Tangle, iyagoo sheegay in magaca ay ka soo dheegtay filimka Tangled.

Tangled waa filim kartoon ah oo la sii daayay sannadkii 2010-kii, waxaana jilaaga ugu weyn ee filimka ku jira gabar leh timo aan caadi ahayn oo aad u dhaadheer.

Bidaarta hidde-sideyaasha la xiriirta ayaa dhanka sayniska loo yaqaannaa Androgenetic Alopecia (AGA), waxaana loo aqoonsan yahay nooca ugu badan ee bidaarta. Xaaladdan ayaa keenta in timuhu si tartiib tartiib ah u khafiifaan.

Inkasta oo bidaartu aysan wax saameyn ah ku lahayn caafimaadka jirka, haddana waxay saamayn nafsi ah iyo mid bulsho ku yeelan kartaa dadka yeesha, gaar ahaan haweenka iyo ragga da'da yar.

Daraasaddan oo lagu daabacay joornaalka sayniska ee Nature Communications, ayaa sheegaysa in bidaarta la iska dhaxlo ay saamayso inta u dhaxaysa 1.5 ilaa 2 bilyan oo qof oo dunida ku nool.

Xaaladdan, xididdada timaha ayaa si tartiib tartiib ah u daciifa oo u yaraada, taas oo keenta in timuhu khafiifaan, ugu dambayna ay daataan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in mid ka mid ah caqabadaha ka jira daawooyinka hadda loo isticmaalo bidaarta ay tahay in qaar ka mid ah dawooyinku ay saameeyaan jirka oo dhan, halka dawooyinka madaxa la mariyo aysan inta badan gaarin xididdada timaha xaddiga loo baahan yahay.

Sida ay cilmi-baarayaashu sheegeen, hab kale oo lagu daaweyn karo bidaarta la iska dhaxlo ayaa ah in daawada maqaarka madaxa lagu geliyo cirbado aad u yaryar.

Hase yeeshee, waxay tilmaameen in habkan uu halis u leeyahay inuu dhaawaco maqaarka iyo xididdada timaha, sidoo kalena aysan sahlanayn in lagu isticmaalo dhammaan qaybaha ballaaran ee madaxa.

Intaa waxaa dheer, jiritaanka timaha ayaa sidoo kale saamayn ku yeelan kara waxtarka habkan daaweynta.

Dr Burhan Ashraf, ayaa sheegay in dhaliisha ugu weyn ee daraasaddan ay tahay in tijaabada ilaa hadda lagu sameeyay oo keliya jiirar, isla markaana aan weli la samayn tijaabooyin lagu sameeyo dadka.

Wuxuu yiri: "Hadda waa inaan sugno oo aan aragno natiijooyinka ka soo baxa marka tiknoolajiyaddan si ballaaran loo isticmaalo, isla markaana laga gudbo tijaabooyinka xayawaanka loona gudbo tijaabooyinka dadka. Ma yeelan doontaa wax saameyn ah oo aan la rabin? FDA-du ma ansixin doontaa mise maya?"

Waxaa xusid mudan in dalka Mareykanka ay FDA, oo ah Hay'adda Maamulka Cuntada iyo Daawooyinka, mas'uul ka tahay qiimeynta waxtarka iyo badbaadada dawooyinka cusub, qalabka caafimaadka iyo hababka daaweynta, ka hor inta aan si guud loo adeegsan.

Dr Burhan, wuxuu sheegay in tiknoolajiyaddan cusub ay ku eegayaan "rajo weyn", balse maadaama ay weli ku jirto marxaladda tijaabada, aan si ballaaran loo adeegsan karin.

"Marka dadka lagu tijaabiyo, ayay soo bixi doonaan natiijooyinka dhabta ah, markaas oo keliya ayaana si wanaagsan u ogaan karnaa heerka waxtarkeeda," ayuu yiri.

Isagoo ka hadlayay daraasaddan, Dr Ramon Grimalt, oo bare ka ah qaybta cudurrada maqaarka ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Catalonia (Universitat Internacional de Catalunya) ee Spain, ayaa BBC-da u sheegay in tani ay tahay hab daaweyn oo bukaanku si fudud ula qabsan karo, maadaama uu adeegsanayo ficillo maalinle ah sida timaha oo la shanleeyo, si loo abuuro qulqul koronto oo khafiif ah oo ka caawiya koritaanka timaha.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sidoo kale sheegay in caddeymaha hadda la hayo ay inta badan ka yimaadeen tijaabooyin lagu sameeyay jiirar.

Dr Grimalt, wuxuu sheegay in maqaarka madaxa dadka, cufnaanta xididdada timaha iyo qaab-dhismeedka jirka bini'aadamku ay ka duwan yihiin kuwa xayawaanka, sidaas darteedna aan natiijooyinkan si toos ah loogu dabaqi karin dadka.

Sida uu sheegay, inkasta oo natiijooyinka hordhaca ahi ay dhiirrigelinayaan, haddana waa xilli hore in la sheego in habkani noqon doono daaweyn wax ku ool ah oo lagula tacaalo bidaarta dhaxalka ah ee dadka.

Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay tijaabooyin caafimaad oo ballaaran ka hor inta aan tiknoolajiyaddan si guud loogu adeegsan daaweynta caafimaadka. Tijaabooyinkaas ayaa lagu ogaan doonaa waxtarka iyo badbaadada daaweynta, muddada ay natiijooyinkeedu sii jiri karaan iyo inay leedahay waxyeellooyin iyo in kale.

Dr Grimalt wuxuu yiri: "Daraasaddani waa tallaabo hordhac ah oo rajo leh, balse lama gaari karo go'aan kama dambays ah oo ku saabsan waxtarkeeda caafimaad ilaa laga helo natiijooyinka tijaabooyinka lagu sameeyo dadka."

Sida ay cilmi-baarayaashu sheegeen, caqabadda ugu weyn ee daaweynta bidaartu waa sidii maaddooyinka loo isticmaalo kobcinta timaha si ammaan ah oo wax ku ool ah loo gaarsiin lahaa xididdada timaha.

Sidee ayay shanladani u shaqaysaa?

Bidaarta

Ilkaha shanladan waxaa ku rakiban qalab koronto gudbiya oo loo yaqaan electrodes, kuwaas oo ah qaybo yaryar oo bir ah oo gudbiya korontada.

Sida ay cilmi-baarayaashu sheegeen, shanlada loo bixiyay Detangler waxay u egtahay shanlo caadi ah, balse maadaama ilkaha shanladu ay ku rakiban yihiin qalab koronto gudbiya, marka timaha lagu shanleeyo waxay madaxa ka dhex abuurtaa goob koronto oo xooggan.

Marka si guud loo sharaxo, goobta korontadu waa awood koronto oo aan indhaha lagu arki karin, balse saamayn ku yeelata unugyada ku jira maqaarka.

Sida lagu sheegay daraasadda, mid ka mid ah shaqooyinka goobtan korontadu waa inay ka caawiso dib u kicinta xididdada timaha ee daciifay. Shaqadeeda kale waa inay maaddooyinka loo isticmaalo kobcinta timaha gaarsiiso gudaha hoose ee maqaarka, kuwaas oo caadi ahaan ku ekaada dusha sare ee maqaarka.

Maaddooyinkaasi waa laba walxood oo loo adeegsaday in lagu wanaajiyo koritaanka timaha. Mid ka mid ah ayaa loo isticmaalay kordhinta dhiigga gaara xididdada timaha, halka kan kalena loogu talagalay inuu yareeyo hababka bayoolojiyeed ee la xiriira daadashada timaha.

Sida ay cilmi-baarayaashu sheegeen, qaar ka mid ah ilkaha shanladu waxay u samaysan yihiin sida caaradda qalin qorka. Marka shanlada madaxa lagu shanleeyo, ilkaas ayaa sii daaya maaddooyinka, halka goobta korontadu ay ka caawiso inay maaddooyinkaas gaaraan xididdada timaha.

Bidaarta

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in maqaarka madaxa iyo lakabka sare ee unugyadu ay caadi ahaan ka hortagaan in walxaha ay gudaha u galaan. Hase yeeshee, goobta korontada ee ay shanladu dhaliso ayaa muddo aad u kooban isbeddel ku samaysa lakabka sare ee unugyada, taas oo u saamaxaysa in maaddooyinka loo baahan yahay daaweyntu ay gudaha u gudbaan.

Marka habkani dhammaado, unugyadu waxay dib ugu soo laabtaan xaaladdoodii caadiga ahayd.

Daraasaddu waxay sheegtay in tijaabooyin lagu sameeyay kombiyuutarro iyo jiirar ay muujiyeen in nidaamkani uu maaddooyinka daawada gaarsiin karo qoto-dheer dhan ku dhowaad 660 mikromitir gudaha maqaarka, halka marka habka caadiga ah ee dusha laga mariyo la isticmaalo ay gaaraan qiyaastii 74 mikromitir oo keliya.

Sida ay cilmi-baarayaashu sheegeen, farqigaasi wuxuu shanlada ka dhigayaa mid si waxtar badan maaddooyinka daawada ugu gaarsiin karta xididdada timaha.

Daraasaddu waxay sidoo kale sheegtay in habkan daaweyntu uu kordhiyay dhiigga gaara agagaarka xididdada timaha, isla markaana uu yareeyay arrimaha bayoolojiyeed ee loo malaynayo inay xiriir la leeyihiin daadashada timaha.

Cilmi-baarayaashu waxay rumaysan yihiin in marka dhiig badan, ogsijiin iyo nafaqooyin ay gaaraan xididdada timaha, ay taasi gacan ka geysan karto koritaankooda.

Hase yeeshee, daraasaddu waxay si cad u tilmaamaysaa in natiijooyinkan aan weli laga helin tijaabooyin lagu sameeyay dadka, balse ay ku salaysan yihiin tijaabooyin lagu sameeyay jiirar.

Intii ay daraasadda socotay, cilmi-baarayaashu waxay jiirarkii bidaarta qabay u kala qaybiyeen kooxo kala duwan. Qaar waxaa la siiyay oo keliya daawooyinka caadiga ah, qaar kalena waxaa lagu sameeyay kicin koronto oo keliya, halka koox saddexaadna lagu sameeyay kicinta korontada oo ay weheliso laba maaddo oo ka qayb qaata koritaanka timaha.

Bidaarta

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in jiirarkii lagu daweeyay qalabka De-Tangle ay timahoodu ku soo noqdeen ku dhowaad gebi ahaanba meelihii ay markii hore ka maqnaayeen muddo bil gudaheed ah. Marka la barbar dhigo, daawada Minoxidil ee sida weyn loo isticmaalo waxay keentay in timuhu dib uga soo baxaan qiyaastii 70% goobihii ay ka daateen.

Intii daraasaddu socotay, cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale baareen maqaarka xayawaanka iyo xubnaha kale ee jirkooda. Sida ay sheegeen, ma aysan helin wax caddeyn ah oo muujinaysa in daaweyntani ay dhaawac weyn u geysatay xubnaha kale ee jirka xayawaanka.

Iyadoo ku salaynaya natiijooyinkooda, cilmi-baarayaashu waxay sheegayaan in De-Tangle uusan kaliya awood u lahayn inuu maaddooyinka koritaanka timaha caawiya gaarsiiyo xididdada timaha, balse isku darka korontada iyo maaddooyinkaas uu daaweynta timaha dib loogu soo celinayo ka dhigi karo mid waxtar badan.

Si loo ogaado heerka waxtarka iyo badbaadada qalabkan marka dadka la isticmaalo, waxaa loo baahan doonaa tijaabooyin caafimaad oo dheeraad ah.

BBC-da ayaa cilmi-baaristan cusub kala hadashay Dr Burhan Ashraf, oo ah dhakhtar ku takhasusay qalliinka timaha lagu beero, kana howlgala Pakistan.