Sababta uu kafeygu dadka qaar u siiyo firfircooni halka qaar kalena aanay wax badan ka dareemin

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Jim Reed
- Role, Weriyaha caafimaadka
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
"Kafeentu saameyn badan iguma yeelato," ayay tiri Emily oo 20 jir ah, xilli ay 18:00 fiidnimo waqtiga xagaaga ee Britain (BST) ka baxaysay maqaaxi ku taalla bartamaha London.
"Caadi ahaan waxaan cabbaa laba koob maalintii, mararka qaarna waxaan intaas ku daraa cabitaan tamareed. Xitaa habeenkii oo dhan ayaan cabbi karaa Coca-Cola, wax dhib ahna ma dareemo."
Dhammaanteen waxaynu leennahay saaxiib la mid ah Emily. Qofka cabbi kara laba jeer espresso ah ama xitaa cabitaan tamareed fiidkii, haddana saacad ama wax la mid ah ka dib si caadi ah u seexan kara.
Hase yeeshee, dad badan waxaa saameynta kafeentu ku sii raagtaa muddo intaas aad uga dheer.
Haddaba, maxaa sababa in dadka qaar ay kafee cabbi karaan xitaa xilliga hurdada ka hor, dabadeedna si raaxo leh u seexdaan, halka qaar kalena ay soo jeedaan iyagoo saqafka indhaha ku haya oo hurdo la'aan la ildaran?
Waa maxay dhab ahaan kafeentu?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kafeentu waa maaddada ugu badan ee dunida laga isticmaalo ee saameysa hab-dhiska maskaxda iyo neerfayaasha.
Maalin kasta waxaa dunida laga cabbaa in ka badan laba bilyan oo koob oo kafee ah. Tiradaas kuma jiraan cabitaannada Coca-Cola iyo kuwa kale ee kaarboonaysan, cabitaannada tamarta, iyo sidoo kale shukulaatada qaarkeed, xanjada iyo kaabeyaasha nafaqada ee ciyaartoyda, kuwaas oo dhammaantood ay ku jirto maaddadan kiimikada ah.
Kafeentu waxay qofka ka caawin kartaa inuu dareemo feejignaan dheeraad ah, kor u qaaddo awoodda diiradda saarista, isla markaana yarayso daalka. Hase yeeshee, isticmaalkeeda xad-dhaafka ah wuxuu keeni karaa madax-xanuun, gariir iyo kacsanaan, wadne garaac degdeg ah iyo hurdo la'aan habeenkii.
Khubarradu waxay sheegeen in kafeentu aanay jidhka siinayn tamar dheeraad ah, balse ay ka caawiso inuu qariyo ama dib u dhigo dareenka daalka.
Waxay arrintan ku samaysaa iyadoo xannibaysa shaqada maaddada loo yaqaan adenosine, oo ah kiimiko ku ururta maskaxda maalintii oo dhan, taasoo qofka ku keenta dareen hurdo iyo daal.
Maxaa sababa in kafeentu dadka si kala duwan u saamayso?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Arrin muhiim ah oo keenta kala duwanaanshahaas ayaa ah muddada ay kafeentu ku sii jirto jidhka qofka.
Marka qofku cabbo koob kafee ah, kafeentu waxay gashaa dhiigga, halkaas oo ay si degdeg ah ugu gudubto maskaxda.
Inta ay taasi socoto, waxa kale oo kafeenta burburiya ama dheefshiida dheecaan uu beerku soo daayo, ka dibna hadhaaga waxaa jidhka looga saaraa kaadida.
Habkan sifaynta kafeenta ee jidhka wuxuu qaadan karaa inta u dhexeysa lix ilaa 20 saacadood, iyadoo ku xiran qofka, sida ay sheegtay Dr Marilyn Cornelis, oo ah borofisar ku-xigeen ku takhasustay nafaqada kana tirsan Jaamacadda Northwestern ee magaalada Chicago.
"Waxaa dhici karta in qofku cabbo koobkiisii ugu horreeyay ee kafee ah, balse aanu dareemin wax saameyn ah," ayay tiri.
"Laakiin laba ama saddex saacadood ka dib, kafeentu weli waxay ku jirtaa jidhka. Haddii aad markaas cabto koob labaad, waxaa dhici karta in taasi kugu filnaato inaad dareento welwel iyo kacsanaan yar."
Xawaaraha uu beerku ku burburiyo kafeenta wuxuu ku xiran yahay hal hidde-side oo loo yaqaan CYP1A2.
Waxa xiiso leh in arrintan, ugu yaraan qayb ahaan, ay sidoo kale saameyn ku yeelan karto abtirsiinta qofka.
Daraasad la daabacay sannadkan ayaa ogaatay in dadka asal ahaan ka soo jeeda Yurub iyo Koonfurta Ameerika ay celcelis ahaan si ka dhakhso badan u burburiyaan kafeenta marka loo eego dadka ka soo jeeda gobollada kale.
Maxay yihiin arrimaha kale ee saameeya sida kafeentu dadka u saamayso?
Hidde-sideyaasha qofka ma aha qodobka keliya ee arrintan saameeya. Sigaar-cabista, balse ay u badan tahay in aanay sidaas oo kale u samayn sigaarka elektaroonigga ah (vaping), waxay kicisaa beerka si uu si dhakhso badan u burburiyo kafeenta, taasoo dedejin karta habkaas ilaa boqolkiiba 65.
Arrintani waxay qayb ahaan sharxi kartaa sababta dadka sigaarka caba ay u jecel yihiin cabbitaanka kafee badan, iyo sababta dadka sigaarka joojiya ay si lama filaan ah u dareemi karaan in koobkii kafee ee ay caadi ahaan cabbi jireen uu hadda si ka xoog badan u saamaynayo.
Qaar ka mid ah dawooyinka antibiyootigga, kiniinnada ka hortagga uurka iyo dawooyinka kale ee dhakhtarku qoro ayaa saamayn taas ka soo horjeedda leh. Waxay keeni karaan in kafeentu muddo dheer ku sii jirto jidhka, taasoo sii dheereynaysa saameynteeda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidoo kale, arrintani waxay dhacdaa xilliga uurka, marka isbeddellada hormoonnadu ay yareeyaan shaqada dheecaanka beerka ee burburiya kafeenta.
Waxaa kale oo jira arrin la xiriirta la-qabsiga jidhka ee kafeenta.
Dadka sida joogtada ah u cabba kafee waxay si tartiib tartiib ah u lumiyaan dareenka ay u leeyihiin saameynta kafeenta, maadaama jidhkoodu la qabsado joogitaanka maaddadan.
Haddii qofku markaas dhowr toddobaad iska daayo cabbitaanka kafee, isbeddelladii maskaxda uga dhacay ee la xiriiray la-qabsigaas ayaa bilaaba inay dib u noqdaan. Taas macnaheedu waa in koobkii ugu horreeyay ee uu mar kale cabbo uu ku keeni karo firfircooni aan caadi ahayn, kacsanaan ama gariir.
Maxay khubarradu kula talinayaan dadka marka ay timaaddo isticmaalka kafeenta?
Cilmi-baarayaasha ku takhasusay hurdada ayaa inta badan ku taliya in dadka ay iska ilaaliyaan kafeenta ugu yaraan lix saacadood ka hor wakhtiga hurdada.
Dr Lindsay Browning, oo ah cilmi-nafsi yaqaan iyo khabiir ku takhasustay hurdada, ayaa sheegtay in caddaymaha cilmiyeed ay muujinayaan in kafeentu aanay kaliya qofka ka hor istaagin inuu seexdo, balse ay sidoo kale hoos u dhigi karto tayada hurdada.
"Waxaan dadka kula talin lahaa inay iska ilaaliyaan kafeenta wixii ka dambeeya abbaaraha 2-da duhurnimo, haddii ay qorsheynayaan inay seexdaan 10-ka habeenimo," ayay tiri.
"Laakiin in hal xeer oo adag loo dejiyo qof walba ma aha mid waxtar leh, sababtoo ah ma tixgelinayo kala duwanaanshaha xaaladaha dadka iyo sida qof walba xaaladdiisu u gaar tahay."
Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee Britain (NHS) waxay haweenka uurka leh kula talisaa in aanay maalintii qaadan wax ka badan 200mg oo kafeen ah, taasoo u dhiganta qiyaastii laba koob oo waaweyn oo kafee shaandhaysan ah. Talooyinkan ayaa salka ku haya daraasado xiriir ka dhex helay isticmaalka kafeenta iyo miisaanka ilmaha oo hooseeya marka uu dhasho, iyo dhibaatooyin kale oo uurka la xiriira.
Dadka kale ee qaangaarka ah, farriinta ugu muhiimsan waa inay kafeenta si dhexdhexaad ah u isticmaalaan, maadaama dareenka ay dadku u leeyihiin maaddadani uu aad ugu kala duwan yahay qofba qofka kale.
"Kafeentu guud ahaan waa maaddo ammaan ah," ayuu yiri Peter Rogers, oo ah borofisar nafaqada ka fadhiistay Jaamacadda Bristol.
"Haddii aad si xad-dhaaf ah u isticmaasho, waxaad bilaabaysaa inaad dareento gariir iyo raaxo-darro, waxaana markaas kuu caddaanaysa inaad u baahan tahay inaad joojiso, maadaama aanay jirin wax faa'iido ah oo aad ka helayso isticmaalkeeda dheeraadka ah."
Sumowga ka dhasha isticmaalka xad-dhaafka ah ee kafeentu aad ayuu u dhif yahay. Kiisaska sumowga daran waxay ku dhowaad dhammaantood la xiriiraan isticmaalka maaddooyin kafeen aad u uruursan, kuwaas oo qofku dhowr garaam oo ka mid ah ku liqi karo muddo daqiiqado ah.
Dadka jecel cabbitaanka kafee, waxaa jira war wanaagsan: caadada ah in qofku si joogto ah u cabo kafee subaxdii, inkasta oo ay kharash leedahay, ayaa lala xiriiriyay natiijooyin caafimaad oo wanaagsan.
Inkasta oo cilmi-baarayaashu aanay caddayn karin in kafee keliya uu sabab u yahay faa'iidooyinkaas, haddana daraasado muddo tobannaan sano ah socday ayaa tilmaamaya in dadka si dhexdhexaad ah u cabba kafee ay u badan tahay inay halis hoose ugu jiraan dhowr cudur oo waaweyn, isla markaana ay xitaa wax yar ka cimri dheeraan karaan dadka aan cabin.

























