Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Dibadbaxayaal lagu dilay magaalada Basra ee dalka Ciraaq
Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda ciraaq ayaa waxay sheegeen iska horimaadyo ka dhashay dibadbaxa maalintiisi labaad ka socda magaalada Basra 5 qof iney ku dhinteen 16 kalana ay ku dhaawacmeen.
Warku wuxuu intaa ku daryaa 14 ka mid ah ciidamada ammaanka iney waxyeello ka soo gaartay rabshadahaasi, iyada oo dadka dibadbaxa sameeynaya ay si gaar ay u beegsanayeen dhismayasha dowladda.
Maalinti Isniintina waxaa magaalada Basra lagu dilay 1 qof oo ka mid ah dadki dibadbaxa sameeynayey.
Waxayna shacabka magaalada ay sheegayaan iney dowladdu ku sifoowday musuqmaasuq baahsan ayna ku guul darreysatay iney kaabayaasha dhaqaalaha ay wax ka qabato, iyado magaalada Basra laga soo saaro shidaalka ugu badan dalkaasi ciraaq.
Dowladduna waxay sheegtay iney ka shaqeyneyso sidi ay wax uga qabana lahayd dhibaatooyinka ay shacabku ka acabanayaan.
Dibadbaxani ayaa wuxuu ku soo beegmay xilli ay siyaasiyiinta dalkaasi Ciraaq ay loollan iyo u diyaar garow adag ugu jiraan doorashada bisha May ee sanadka soo socota dalka ka dhici doonto.