Feryahanad Ramla Cali oo ilmeysay kadib markii ay gaartay guul caalami ah

Ramla Cali ayaa farxad la ilmeeysay
Qoraalka sawirka, Ramla Cali ayaa farxad la ilmeeysay
    • Author, Coral Barry
    • Role, Senior Journalist
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Feryahanad Ramla Cali ayaa gaartay guusheedii ugu horeysay oo caalami ah, kadib markii ay ka adkaatay Mikiah Kreps, kadib cayaar feer ah oo ka dhacday Arlington, Texas.

Guushan waa heerkii ugu sarreysay ee ay gaarto gabadhan British-ka ah, oo yaraanteedii ka soo carartay Soomaaliya dagaaladii jiray aawgood, ka hor inta aysan noqon ciyaaryahad ka qeyb gasha Olombikada, u dhaqdhaqaaqe bulsho, qoraa, iyo hadda oo ay qaaday horyaal cusub..

Iyadoo uu hadda soo baxay filimkii ka sheekeynayay nolosheeda cajiibka ah, Ramlawaxay ugu dambeyn ka dhabaysay riyo muddo dheer ay sugaysay, oo u muuqatay mid aad uga fog markii ay Yamileth Mercado si fudud uga adkaatay isku daygeedii ugu horreeyay ee laba sano ka hor.

Markii loo xaqiijiyay inay tahay guuleystaha, Cali oo shucuurta qaaday ayaa sujuudday iyadoo ilmada farxadda ka qubanayso, kadib markii kaararka garsoorayaashu ay muujiyeen 97-92, 96-93 iyo 98-91 oo ay ku hoggaamineysay, iyadoo guushan u hibeysay aabbaheed oo geeriyooday.

"Markii aan qolka dhar bedelka ku jirnay, tababarahaygu wuxuu igu yiri, maadaama aabbahay uu bishii May geeriyooday, 'Maanta u ciyaar isaga'," ayay tiri Cali.

"Shucuurtaas oo dhan waxay ka soo burqadeen dhamaadkii, waayo waxaan u sameeyay aabbahay aawgiis."

"Ereyo kuma tilmaami karo waxa guushan ii tahay iyo waxa ay u tahay Soomaalida oo dhan," ayay raacisay.

"Waxaan rajeynayaa inaan dhiirrigeliyay gabdho iyo wiilal badan oo meesha joogay in riyadooda rumoobi karto, taasina waa waxa kaliya ee aan waligey doonayay inaan qabto."

Iyadoo Ramla Cali ay farxad la ooyaysay, Kreps waxaa ka muuqday niyad jab, iyadoo aaminsanayd inay samaysay wax ku filan oo ay ku guuleysato.

Gabadha Maraykanka ah ee hore aan laga adkaan ayaa dhulka la dhigay wareeggii saddexaad, kadib markii ay lagaday Ramlo.

Inkasta oo Kreps ay ka carootay taasi,, haddana dib-u-eegista muuqaalka muujinaya inay gacanteedu dhulka taabatay, iyadoo isku dayaysay in ay istaagto.

Inkasta oo ay haysatay wareeg 10-8 ah, Cali uma suurtagelin in ay si buuxda uga faa'iidaysato fursaddaas, waxaana qasab ku noqotay in ay si geesinimo leh u istaagto markii Kreps ay soo kacday.

Kreps waxay Ramlo kaga adkaatay tirada feerarka, oo ahayd 115 feer halka Ramlo Cali ay ku dhufatay 78 feer.

 Caroline Dubois waxay ku sugnayd Texas si ay u daawato Alycia
Qoraalka sawirka, Caroline Dubois waxay ku sugnayd Texas si ay u daawato Alycia

Waa tuma Ramla Cali

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ramla iyada oo ilmo yar ah ayaa qoyskooda ka qaxeen magaalada Muqdisho horraantii sagaashameeyadii markii dagaalka sokeeye socday. Qoyskooda ayaa dagaalladaa ku waayay walaalkeed oo 12 jir ahaa.

Ramla oo hadda 36 jir ah, waxay sheegtay hadda ka hor sheegtay inay hadafkeedu uu yahay inay noqoto qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qeybgala tartanka olimbikada ee feerka.

Ramla Cali waxay barashada feerka billawday markay dhawr iyo tobon jirka ahayd, hooyadeedna waxay u sheegi jirtay in ujeedadeedu tahay jimicsi ee aanay tartan doonayn.

Ramla Cali ayaa ku guuleysatay tartanka feerka ee Ingiriiska sanadkii 2016-kii ayaa waxay haatan heshiis la gashay shirkad qaabilsan tartamada feerka oo la yiraahdo Matchroom Boxing.

Ramla aabaheed wuxuu ahaan jiray Imaam, waxayna ka qalin jabisay jaamacad, marna waxay u shaqayn jirtay shirkad sharciyada ka shaqaysa laakiin waxay soo rawaxi jirtay goor dambe oo habeenimo ah. Lix bilood ka dib ayey ku noqotay ciyaartii oo nolosheda si aad ah saamayn ugu yeeshay.