Mooshin xilka looga qaadayo Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo la soo bandhigay

Pete Hegseth
Qoraalka sawirka, Pete Hegseth
    • Author, Ana Faguy
    • Role, Washington DC
    • Author, Max Matza
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Xildhibaan Jamhuuri ah ayaa toddobaadkan Golaha Wakiillada u soo bandhigaya mooshin taariikhi ah oo lagu doonayo in xilka looga tuuro Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth, ka dib markii lagu eedeeyay inuu si bareer ah ugu tuntay Dastuurka Mareykanka.

Wakiil Thomas Massie ayaa cod dheer ku yiri:

"Hegseth wuxuu in ka badan 90 maalmood Iran kula jiray dagaal aan fasax looga haysan Kongareeska. Waa xad-gudub sharci oo cad, waana inuu qaataa cawaaqibta uu muteystay."

Inkasta oo la saadaalinayo in dadaalkani uu fashilmi karo, maadaama Jamhuurigu ay weli gacanta ku hayaan Kongareeska ilaa bisha Janaayo, haddana Massie wuxuu leeyahay ujeedkiisu waa mid kale: si uu Madaxweyne Donald Trump ugu dhiirrigeliyo inuu Hegseth xilka ka qaado, ka hor inta aysan Dimuqraadiyiintu bilaabin geedi socod xil-ka-qaadis ah oo dhinacooda ka iman doonta.

Dhinaca kale, Hegseth wuxuu dadaalka ku tilmaamay mid "waxba kama jiraan ah", isagoo si adag u difaacay shaqadiisa.

"Eeg, Way i weerarayaan, sababtoo ah waan shaqeyneynaa oo waan guuleysanaynaa. Laakiin dadaalkoodaasi miro dhali maayo. Dib u gurasho ma jirto.", ayuu yiri Heseth.

Hegseth wuxuu Massie ku tilmaamay "xildhibaan fashilmay oo laga adkaaday," isagoo sheegay inuusan haba yaraatee ka walwaleyn mooshinka xil-ka-qaadista.

Muuqaalkaas, wuxuu si adag u difaacay hoggaamintiisa Wasaaradda Difaaca, wuxuuna soo bandhigay liis dheer oo tusaalayaal ah oo muujinaya sida uu u fuliyay ajandaha _America First_ ee Madaxweyne Trump.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Galabnimada Isniintii, Massie ayaa Golaha hortiisa si rasmi ah u keenay qaraarka xil-ka-qaadista. Tallaabadaas waxay furtay albaab 48 saacadood ah oo Goluhu arrinta kaga doodayo. Xildhibaannadu waxay haystaan saddex kala doorasho: inay si toos ah u codeeyaan, inay guddiga u gudbiyaan, ama inay gebi ahaanba ka tanaasulaan.

"Waxaan tan u sameynayaa maadaama ay tahay tallaabada saxda ah," ayuu u sheegay suxufiyiinta, isla markii uu soo bandhigay qodobbada kadib.

Massie, oo horraantii sanadkan laga adkaaday tartankii dib-u-doorashada, ayaa tan iyo markii dagaalka Iran uu qarxay ku dhawaad sagaal bilood ka hor, si aan kala joogsi lahayn u dhaleeceynayay Trump iyo dagaalkaas. Wuxuu horey u qabsaday cinwaannada warbaahinta markii uu ku adkeystay in maamulka Trump uu shaaciyo faylasha la xiriira Jeffrey Epstein, oo ahaa dambiilihii galmada ee geeriyooday.

Sida habka loo maro xil-ka-qaadista madaxweynaha oo kale, Golaha Wakiilladu marka hore waxay cod u qaadi doonaan eedaha loo soo jeediyay Hegseth, kadibna Senetku wuxuu qaban doonaa maxkamadeyn si uu u go'aamiyo inuu dambiile yahay iyo in kale.

Taariikhda Mareykanka oo dhan, Golaha Wakiilladu waxay cod u qaadeen in xilka laga qaado oo keliya laba xubnood oo ka tirsan golaha wasiirrada, balse Senetku midna kuma uusan xukumin dambi.

Inkastoo xil-ka-qaadistu ay ahayd "hab aad u naadir ah", haddana waxay noqotay mid aad u soo noqnoqota tan iyo markii Golaha Wakiilladu ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Bill Clinton sanadkii 1998, ayuu yiri Paul Gowder, oo ah borofisar sharci oo ka tirsan Jaamacadda Northwestern ee Chicago.

Wuxuu sheegay inay "soo noqnoqotay, sababtoo ah dalka waxaa ku sii kordhay kala qaybsanaanta siyaasadeed," isagoo intaa ku daray inuu saadaalinayo in dhowr xubnood oo kale oo ka tirsan golaha wasiirrada Trump ay la kulmi karaan xil-ka-qaadis labada sano ee soo socda.

Massie wuxuu u sheegay suxufiyiinta inuusan hubin in tallaabadani ay heli doonto taageero ku filan oo ay ku gudubto. Xitaa haddii dhammaan Dimuqraadiyiintu ay taageeraan, waxay u badan tahay inay weli u baahan doonto codad Jamhuuri ah, maadaama xisbigu uu ku haysto Golaha Wakiillada aqlabiyad aad u yar.

Peter Loge, oo ah borofisar ku takhasusay arrimaha dadweynaha oo ka tirsan Jaamacadda George Washington, wuxuu BBC-da u sheegay inuu u maleynayo inay u badan tahay inay gudubto, sababtoo ah aqlabiyadda oo yar.

"Jamhuuri aad u cadhaysan ayaa jira oo ku filan, mana dhici doonto in Jamhuuri badan ay si sahlan u yimaadaan oo ay codkooda dhiibtaan," ayuu yiri.

Hadda, Golaha Wakiillada waxaa ku jira 218 Jamhuuri ah iyo 214 Dimuqraadi ah.

Inkastoo Golaha Wakiilladu ay u baahan yihiin aqlabiyad fudud oo keliya si ay u meel-mariyaan qodobbada xil-ka-qaadista, haddana Senetku wuxuu u baahan yahay cod laba-meelood saddex-meelood ah si qof loo xukumo, taas oo ah heer aad u adag in la gaaro inta uu socdo Kongareeska hadda jira.

Marka Dimuqraadiyiintu ay la wareegaan aqalka bisha Janaayo, waxay u badan tahay inayheli doonaan ugu yaraan 54 kursi oo Senetka ah, inkastoo laba tartan oo aan weli la xallin ay jiraan, sababtoo ah faraqa codadka oo aad u yar. Guud ahaan, 60 cod ayaa loo baahan doonaa si loo xukumo oo xilka looga qaado wasiir.