Shirkadda TikTok oo beegsatay dalal Soomaaliya ku jirto iyo faahfaahin ay ka bixisay arrintaas

TikTok
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Shirkadda TikTok ee baraha bulshada ayaa barteeda ka saartay malaayiin muuqaal ah oo laga soo geliyay dalalka Bariga Afrika, kuwaas oo lagu sheegay inay jebiyeen xeerarka shirkadda ee ku saabsan waxyaabaha la baahin karo. Tallaabadan ayaa qayb ka ah olole ballaaran oo gobolka ka socda oo lagu xakameynayo waxyaabaha lagu baahiyo baraha bulshada.

Dalka Kenya oo keliya, TikTok ayaa meesha ka saartay 750,185 muuqaal intii u dhexeysay bilihii Abriil iyo Juun 2026, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee shirkadda ee ku saabsan fulinta xeerarkeeda.

Isticmaalayaasha TikTok iyo dadka sameeya muuqaallada ee Kenya ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay tallaabadan. Qaar ayaa walaac ka muujiyay dakhligii ay ku waayeen muuqaallada laga saaray iyo cabsi laga qabo in la xaddido xorriyadda hadalka, halka kuwo kalena ay ku baaqeen in la nadiifiyo waxyaabaha lagu baahiyo madasha, isla markaana ay dadka sameeya muuqaalladu la qabsadaan xeelado cusub si ay ula jaanqaadaan nidaamka adag ee shirkadda.

Warbixintu waxay sheegtay in boqolkiiba 99.8 muuqaalada la calaamadeeyo lagana saaro madasha nidaamyo otomaatig ah, ka hor inta aysan dad shaqaale ahi dib u eegin.

Qaar ka mid ah dadka muuqaallada sameeya ayaa sheegay in nidaamka TikTok uu mararka qaar si khaldan u fahmo kaftanka aan waxyeellada lahayn, afsuuqiga ah ee Kenya laga isticmaalo iyo muuqaallada waxbarashada la xiriira, taas oo ku khasabta inay marar badan racfaan ka qaataan go'aannada lagu tirtiray muuqaalladooda.

Dhanka kale, qayb weyn oo ka mid ah isticmaalayaasha TikTok ee Kenya, waalidiinta iyo falanqeeyayaasha ayaa soo dhaweeyay tallaabadan. Ka dib cabashooyin dadweyne oo ka dhashay baahinnada tooska ah ee habeenkii lagu soo bandhigo waxyaabo galmo la xiriira, dhibaateynta internetka iyo carruurta isticmaasha madasha, dad badan oo Kenyaan ah ayaa u arka in tirtiridda akoonnada carruurta iyo xayaysiisyada waxyeellada leh ay tahay tallaabo muhiim u ah nadiifinta madasha.

Si ay uga hortagaan inay lumiyaan taageerayaashooda, qaar ka mid ah dadka TikTok isticmaala ee Kenya ayaa sameystay akoonno badan, halka qaar kalena ay beddelaan higgaadda erayada si ay uga fogaadaan beegsiga otomaatiga ah ee shirkadda.

Dadka sameeya muuqaallada ayaa sidoo kale isku baraarujinaya inay si cad u calaamadeeyaan muuqaallada uu sameyay garaadka macmalka ah (AI), isla markaana ay si taxaddar leh dib ugu eegaan muuqaalladooda ka hor inta aysan baahin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dalalka kale ee gobolka, in ka badan laba milyan oo muuqaal ayaa laga saaray Itoobiya, 677,000 Uganda, 648,000 Soomaaliya, halka ku dhowaad 500,000 oo muuqaal laga saaray Tanzania. Rwanda iyo Koonfurta Suudaan ayaa sidoo kale ka mid ahaa dalalka ay tallaabadani saameysay.

Warbixintu waxay muujineysaa in boqolkiiba 99.8 muuqaalada Kenya laga saaray ka hor inta aysan isticmaalayaashu soo sheegin, halka boqolkiiba 93.8 laga saaray 24-kii saacadood ee ugu horreeyay markii la baahiyay.

TikTok ayaa sidoo kale tirtirtay in ka badan 46,000 oo akoon oo ay lahaayeen isticmaalayaal Kenyaan ah, kuwaas oo looga shakiyay inay leeyihiin carruur ka yar 13 sano.

Shirkaddu waxay sheegtay inay adeegsato nidaamyo toos ah iyo kooxo amni si ay u aqoonsato waxyaabaha ka hor imaanaya xeerarkeeda, kuwaas oo ay ka mid yihiin wararka marin-habaabinta ah, hadallada nacaybka iyo waxyaabaha khatarta ah ee la adeegsanayo garaadka macmalka ah ama AI-da.

Caalamka oo dhan, TikTok ayaa sheegtay inay rubucii labaad ee sannadka 2026 ka saartay barteeda ku dhowaad 188.3 milyan oo muuqaal, kuwaas oo laga soo dhex saaray in ka badan 42.2 bilyan oo muuqaal oo muddadaas la baahiyay.