5 meelood oo Jinku uu kaga nool yahay guryaheenna

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Muslim Muhammad Yusuf
- Role, Weriye sare, BBC Hausa
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Sida ay qabto aragtida Islaamka, jinnigu waa makhluuqaad uu Ilaahay ka abuuray dab. Ma jirto caddayn adag oo tilmaamaysa inay si gaar ah u degaan meel cayiman oo ka mid ah guryaha dadka.
Hase yeeshee, axaadiista waxaa lagu xusay meelo gaar ah oo ay inta badan degaan ama isugu yimaadaan jinniga ama shayaadiinta, waana sababta culimada diintu u sheegaan in dadku ay dhibaatooyin kala kulmi karaan arrintan.
Wareysi uu siiyay BBC-da, caalimka Islaamka Professor Mansur Sokoto ayaa sharraxay xog ku saabsan jinniga iyo meelaha ay guryaha ka degaan, isagoo soo xiganaya Quraanka iyo axaadiista.
1. Gogosha lagu seexdo oo aan la laabin marka laga soo tooso

Xigashada Sawirka, Getty Images
Professor Mansur wuxuu sheegay in sariir kasta ama gogol kasta oo furan oo muddo dheer aan la xirin ama aan la isku laabin, ay "jinni iman doonaan oo ay ku fariisan doonaan".
Sidaa darteed, Professor Mansur wuxuu ku taliyay in marka la isticmaalo buste ama gogol kasta, ay habboon tahay in la isku laabo oo meel la dhigo.
Arrintani waxay ka timid Sunnada; culimadu waxay xuseen xadiis uu Rasuulka Alle (nabadgelyo iyo naxariis Alle korkiisa ha ahaato) ku yiri: "Alaabta guriga (sariiraha/fadhiyada) waxay u qaybsamaan afar nooc. Mid waa mid loogu talagalay fariisashada, sida roogga oo kale. Midna waa mid loogu talagalay martida. Midna waa mid loogu talagalay qofka guriga leh."
Culumadu waxay intaas ku dareen in Nebigu (scw) uu sheegay in sariirta afraad ay tahay "mid uu ku fariisanayo jinniga." Sidaa awgeed, waxaa wanaagsan in la isku laabo gogol kasta ama sariir kasta marka la isticmaalo ka dib.
2. Suuliga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Musqusha ama goobta lagu qubaysto waa mid ka mid ah meelaha uu Sheekh Mansuur sheegay in xadiiska lagu xaqiijiyay inay degaan jinniyadu.
"In kasta oo ay musqushu nadiif noqon karto, haddana jinniyadu way jecel yihiin, halkaasna way ku nool yihiin," ayuu yiri macallinku.
Professor Mansuur wuxuu sheegay in "dhammaan jinniyada adduunka, uusan jirin mid ka xeelad badan jinniyada musqusha," taasina ay tahay sababta, sida uu sheegay, ay u adkaato in la sameeyo ruqya (daweyn xagga diinta ah) marka jinniyada musqushu ay galaan jirka qofka.
Culimadu waxay sheegeen in hubka looga hortago arrintan uu yahay ducada, sida ku xusan xadiithka: "Musqulahani waa meelo ay galaan jinniyadu... Sidaa darteed, qof kasta oo galaya musqusha waxaa la farayaa inuu akhriyo ducadan: 'Acuudu billaahi minal-khubusi...'."
3. Dharka aan la isticmaalin ee takabaanka la suro

Xigashada Sawirka, Getty Images
Professor Mansur wuxuu sheegay in mar kasta oo qofku iska bixiyo dhar, dabadeedna uu suro isagoon dib u xiran muddo dheer, iyadoo aan la dhaqin, ay jirto suurtagalnimo ah inay jinniyo galaan dharkaas.
Wuxuu sheegay in marka qofku dharka iska bixiyo, laga rabo inuu laabo, xitaa haddii uu dhigayo armaajada dhexdeeda.
Wuxuu xusay in xadiis laga soo wariyay Rasuulka Alle (NNKH) uu ku yiri: "Dharkiina ha ahaadeen kuwo laaban, waayo shaydaanku wuxuu galaa dhar kasta oo aan laabanayn".
Sidaas darteed, wuxuu kula taliyay qoysaska inay ka digtoonaadaan inay dhar iska suraan meel kasta iyagoon dib u xiran.
Haddii dharkaas aan muddo dheer la isticmaalin, wuxuu ku talinayaa in qofku uu ku tufo (tuf fudud oo aan candhuuf lahayn) isagoo akhrinaya "Acuudu billaahi" (magangelyo-weydiinta Alle), ka hor inta uusan wax ka qaadan.
4. Sawir ama Sanam ama wax muuqaal aadane shabbaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Culimadu waxay sheegeen in, marka loo eego fahamka Islaamka, dhigista sawirrada dadka ama sanamyada u eg xayawaanka ama bini'aadamka ay meeshaas ku soo jiidato jinniyada.
Wuxuu sheegay in joogitaanka waxyaabaha noocaas ah ay malaa'igta ka horjoogsato inay guriga soo galaan, taas oo fursad u siinaysa jinniyada inay gurigaas degaan.
"Haddii aysan malaa'ig soo gelin, waxaa soo galaya shaydaanka, kaas oo ka faa'iidaysanaya xaaladdan" ayuu yiri Sheekh Mansuur.
5. Halka lagu shido dabka cuntada lagu karsado

Xigashada Sawirka, Getty Images
Professor Mansur wuxuu sheegay in meel kasta oo dab ama shoolad lagu shido ay tahay goob ay jinniyadu isugu yimaadaan.
Wuxuu si gaar ah uga digay haweenka oo iyagu u badan meelaha dabka lagu shido inay taxaddaraan, maadaama, sida uu sheegay, ay tahay "meel khatar ah".
Tani waxay ka dhigan tahay in dadka dabka ku shida meel kasta ay tahay inay aad uga taxaddaraan, isla markaana ay goob ammaan ah galaan.
Sababaha kale ee loola xiriiriyo in jinku galo halka cunnada lagu kariyo waxaa ka mid ah ayadoo uu cuno ama cabo cunnada iyo cabitaanka la soo reebo.
Sababo kale waxaa lagu sheegay in ay noqon karaan in uu jecel yahay kulaylka iyo mugdiga.
Hubka ugu weyn ee la isaga celiyo

Sida uu sheegay Sheekh Mansur Sokoto, hubka ugu weyn ee lagaga gaashaanto jinniyada iyo shar kasta oo ka timaada shaydaanka waa ducada iyo xuska Alle oo badnaada.
Haddii qofku uu joogteeyo ducada iyo adkaar subixii iyo fiidkii, wuxuu helayaa ilaalin xagga Eebbe ah oo ka dhan ah shar kasta oo aan la arki karin. Tani waxay qofka u sii dhoweysaa Eebbe, waxayna xoojisaa iimaankiisa.
Sidoo kale, akhrinta Qur'aanka, gaar ahaan Aayatu Kursi iyo Suuratul Baqarah ayaa ka mid ah siyaabaha ugu muhiimsan ee lagu eryo shayaadiinta iyo jinniyada waxyeellada leh.
Guriga si joogto ah looga akhriyo Qur'aanka laguna sameeyo xuska Alle (dikriga), wuxuu helaa barako xagga Eebbe ah, shaydaankuna si fudud uma heli karo fursad uu ku saameeyo.
Sidaa darteed, waxaa habboon in qofka Muslimka ah uu ku dadaalo ducada, istiqfaarta (dambi-dhaaf weydiisashada), iyo xuska Alle mar walba.






















