Maxaad kala socotaa waxyaabaha ay salka ku hayso xiisadda Hiiraan ka jirta iyo ballanta ay sheegeen in looga baxay?

Xigashada Sawirka, Google
Qaar ka mid ah bulshada gobolka Hiraan, ayaa khilaaf culusi waxaa u kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle oo gobolku uu ka tirsanyahay.
Xiisadda hadda taagan waxaa ay u muuqataa mid sii xoogeysanaysa oo dagaal keeni karta, iyadoo siyaabo kala duwan looga hadlay arrimahaan.
Khilaafku maaha mid cusub oo hadda bilowday, ee waa mid soo jiitamayay sanooyin, kaasoo salka ku haya wax falanqeeyaasha qaarkood ay ku soo koobeen dhowr arrimood.
Tabashada u dhexeysa Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe – Awood-qeybsiga
Dad badan ayaa qaba in tabashooyinka hadda taagan ay salka ku hayaan wax ka sooo bilowday aasaaskii Hirshabeelle, isla markaana aan ku ekeyn oo kaliya dhanka siyaasadda.
Waxaa sidoo kale muuqanaya in cabashooyinka bulshooyinka aaney ahayn kuwo ku saabsan oo kaliya Shabeellada dhexe iyo Hiiraan oo ah labada gobol ee Hirshabeelle la isku yiraahdo, balse ay tahay wax xitaa ka jira gudaha gobolka Hiiraan qudhiisa.

Xigashada Sawirka, Maxamed Mukhtaar
Wasiirkii hore ee Batroolka, Khayraadka iyo Macdanta, Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim ahna falanqeeya arrimaha Soomaaliya iyo guudahaan geeska Afrika ayaa BBC-da sidaan u sheegay:
"Tabashooyinka Hiiraan qaarkood waa kuwo salka ku haya qaabkii loo dhisay Hirshabelle, oo ka dhalatay isku darka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Waxaa ka mid ah tabashooyinka ugu waaweyn awood-qeybsiga siyaasadeed," ayuu yiri Maxamed Mukhtaar.
Waxaa isna aragtidaas mid u dhow qaba wasiirkii hore ee amniga gudaha Xasan Jimcaale Xundubay. Waxaana uu leeyahay: "Dadka reer Hiiraan, tabashadoodu waxyaabaha ay salka ku hayso waxaa ka mid ah in gobolkan uu ka mid ahaa sideeddii gobol ee hore isla markaana ay leeyihiin, Hiraan waa ka weyntahay in Hirshabeelle lagu daro oo iyada ayaa noqon karta maamul goboleed inta laba gobol loo kala jaro,".
Xundubay waxaa uu intaa raaciyay in maadaama Hiiraan ka mid ahaan jirtay sideeddii gobol ee Soomaaliya mar ka koobneed ay qaybisay gobollada kala dowladdii kacaanka, balse aaney taaban gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Wasiir hore Xasan Xundubay, ayaa xusay "in markii hore oo la aasaasayay maamulka Hirshabeelle, aan lagu dhisan hannaan ku saleysan wadahadal qoto dheer iyo turxaan bixin si looga fogaado in waxa hadda dhacaya ay dhacaan".
Taliyihii hore ee Nisa Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ahna xildhibaan baarlamaanka ka tirsan oo isna xalay ka hadlay magaalada Beledweyne wuxuu muujiyay in beeshiisu waxa kaliya ee ay rabto ay yihiin mataalad in ay ku heeshaan siyaasadda: "Annaga waxaan rabnaa dadkeennu in uu matalaad helo, waxaan rabnaa in aan hoos naloo fiirin qof aan hoos u fiirineyno malahan,".

Tabashada ka dhex jirta bulshada Hiiraan – Beledweyne
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka ay timaaddo tabasho iyo xuquuq raadin, qaar ka mid ah aqoonyahanka iyo dadka sida dhow ula socda xaaladda, waxaa ay tilmaamayaan in dareemista maqnaashiyaha xuuquuq iyo adeegyo badan oo muhiim ah lagana rabay nidaamka dowladeed ay tahay arrintaa ka dhex jirta bulshada kuwada nool magaalada Beledweyne.
Wasiirkii hore Maxamed Mukhtaar Ibraahim, ayaa sidaan uga jawaabay su'aal ku saabsaneed qodobka la xiriira tabashooyinka ka dhex jira bulshada reer Hiiraan marka laga yimaado tan Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe: Tabashooyinka qaar waxay ka dhex jiraan bulshada reer Hiiraan lafteeda, gaar ahaan magaalada Beledweyne. Marka la eego sida ay magaalada u dhisan tahay, inta badan xarumaha dowladda, garoonka diyaaradaha, saldhigyada ciidamada iyo shirkadaha waaweyn waxay ku yaallaan dhinaca bari ee magaalada,".
Wuxuu intaa ku daray Maxamed Mukhtaar, isagoo weli qodobkaan sii daba socda: "Arrintani waxay dhalisay dareen ah in adeegyada dowladda, fursadaha dhaqaale iyo awoodda maamulka aysan si isu dheellitiran u qeybsan bulshada magaalada. Sidaas darteed, xalinta tabashada Hiiraan waxay sidoo kale u baahan tahay in la eego caddaaladda gudaha gobolka, ee aan lagu koobnaan xiriirka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe,".
Tabashada maamulka – Canshuuraha iyo adeegyada
Qodobkaan waxaa la rumeysanyahay inuu ka mid yahay qodobbada ugu waaweyn ee keenay khilaafka muddada taagan iyo is faham la'aanta sii xoogeysanaysa oo furaha xalkeedana la heli la'yahay. Arrinta canshuuraha iyo maareynta dakhliga waxaa ay muujinaysaa in dadku dareemayaan in aysan si siman u helin adeegyada dowliga ah, iyadoo weliba gobolka laga qaado canshuur fara badan.
Maxamed Mukhtaar ayaa rumeysan in arrintaan ay xiriir la leedahay tabasho laga qabo habka maamulka Hirshabeelle u shaqeeyo: "Waxay la xiriirtaa habka maamulka Hirshabelle u shaqeeyo, gaar ahaan arrimaha canshuuraha, maareynta dakhliga iyo adeegyada dowladda. Waxaa jira cabashooyin ku saabsan halka canshuuraha laga qaado, cidda maamusha iyo waxa bulshada dib loogu celiyo. Dadka qaar waxay dareensan yihiin in gobolka laga ururiyo dhaqaale, balse aysan helin adeegyo iyo maalgashi u dhigma. Sidaas darteed, tabashadani ma aha oo keliya mid siyaasadeed, balse waxay sidoo kale ku saabsan tahay isla-xisaabtan, hufnaan iyo kalsoonida bulshada ee maamulka".

Xigashada Sawirka, Sandhool
Sidoo kale Xuseen Axmed Geelle Sandhool, oo isna arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya iyo siyaasaddaba ka faallooda ayaa sheegaya "in qaadista canshuuraha ay noqdeen wax aan mideysneyn oo aan laheyn nidaam sax ah oo dadku ka war-qabaan sida loo qaado iyo habka loo maareeyo,".
Wuxuu intaa raaciyay in arrintaan cabasho ay dadku ka qabaan isla markaana gawaariida xamuulka ah xitaa mararka qaar laba jeer laga qaado canshuuro, gaarahaan marka khilaaf siyaasadeed uu yimaado sida kan hadda taagan.
Khilaafka hadda taagan – ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Khilaafka u dhexeeya qaybo ka mid ah bulshada gobolka Hiiraan iyo maamulka Hirshabeelle ayaa soo xoogaystay kaddib markii madaxweynaha dib loo doortay ee Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, la guddoonsiiyay kaarka musharraxnimada ururka JSP.
Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hisrhabeelle oo bil ka hor BBC-da warysi siiyay ayaa sheegay in kalkaan ay beeshiisu sugeysay in ay madaxweynaha Hirshabeelle qaadato isla markaana ay arrintaas muudaba ku qancinayay dadka uu mas'uulka ka yahay.
Wuxuu yiri Dabageed "Ballantii ayaa nalooga baxay, waxaa nooga baxay madaxweynaha qaranka Xasan Sheekh Maxamuud".
Wasiirkii hore ee Batroolka, Khayraadka iyo Macdanta, Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim, ayaa isana qaba sidaan: Xiisadda hadda ka taagan Hiiraan, oo Ugaas Yuusuf hormuud ka yahay, waxay si weyn ugu saleysan tahay ballanqaad la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hore u sameeyay, kaas oo ahaa in beesha Xawaadle ay markan hesho madaxweynenimada Hirshabelle,".
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Maxamed Mukhtaar intaa ku daray: Dib-u-doorashadii Cali Guudlaawe waxay dhalisay dareen ah in ballantaas laga baxay. Arrinta uu Madaxweynuhu hadda soo jeediyay ee ah in Hiiraan la siiyo caasimadda Hirshabelle, waxaa habboonaan lahayd in laga wada hadlo ka hor doorashadii Cali Guudlaawe, si ay qeyb uga noqoto heshiis siyaasadeed oo la isla oggol yahay. Hase yeeshee, ballanqaadka laga baxay, dirista Cabdifataax oo loo arki karo isku day lagu kala qeybinayo mowqifka beesha, iyo shuruudaha lagu xiray in caasimadda loo wareejiyo Hiiraan, uma muuqdaan tallaabooyin keeni kara xal degdeg ah ama qancin kara dhinacyada tabanaya. Xalka waara wuxuu u baahan yahay wada-hadal dhab ah, iyo heshiis siyaasadeed oo ay bulshada Hiiraan si ballaaran u wada aqbasho,"






















