Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Daraasad: Dadka ay ku filan tahay inay seexdaan 4 saacadood oo kaliya, ma xanuunbaa mise caafimaad
Dadka qaar ayey ku filnaan kartaa hurdo aad u yar si ay noloshooda caadiga ah u sii wataan. Hase yeeshee, ma fududa in la ogaado in qofku ka mid yahay dadkaas.
Aimee Pugh Bernard weligiis uma baahnayn hurdo badan. Caadi ahaan waxa uu seexdaa afarta subaxnimo, wuxuuna soo toosaa qiyaastii 9:30 subaxnimo.
"Si buuxda ayaan u soo jeedaa. Sariirta kuma sii jiri karo," ayuu yiri.
Bernard, oo ah borofisar ku takhasusay cilmiga difaaca jirka, kana tirsan Jaamacadda Colorado ee dalka Maraykanka, ayaa mararka qaar seexda shan saacadood oo keliya.Se maalinta xigta waxa uu dareemaa firfircooni iyo tamar. Wuu jimicsadaa, eeygiisa ayuu la lugeeyaa, wuxuuna shaqada bilaabaa aroortii hore.
Dadka intooda badan se xaaladdoodu way ka duwan tahay. Sida ay sheegtay Hay'adda Qaranka ee Hurdada ee Maraykanka (National Sleep Foundation), dadka waaweyn ee da'doodu u dhaxayso 26 ilaa 64 sano waxay caadi ahaan u baahan yihiin hurdo u dhexaysa toddoba ilaa sagaal saacadood maalintii.
Kala duwanaanshahan ayaa muddo dheer ahaa arrin saynisyahannada ku adkayd inay sharxaan. Hase yeeshee, daraasado dhowaan la sameeyay ayaa muujinaya in hidde-sideyaashu door weyn ka ciyaaraan go'aaminta inta hurdo ee qofku u baahan yahay.
Calaamadaha ugu horreeya
Sannadkii 2019, Bernard ayaa ogaaday sabab suuragal ah oo sharxi karta awooddiisa ah inuu seexdo saacado yar.
Cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda California ee San Francisco ayaa aqoonsaday isbeddel ku yimaadda hidde-side oo lala xiriiriyay muddada hurdada. Dadka leh isbeddelkan hidde-side waxay habeenkii seexdaan inta u dhexaysa afar ilaa lix saacadood iyo bar, waxayna soo toosaan aroortii hore.
Ka dib markii dhiiggiisa la baaray, Bernard waxa uu ogaaday inuu ka mid yahay dadka leh isbeddelka hidde-sideyaasha ee u saamaxa inay hurdo yar ku filnaadaan.
Xaaladdan la iska dhaxlo ayaa loo yaqaan Familial Natural Short Sleep (FNSS), oo ah xaalad qofka u saamaxda inuu si dabiici ah u seexdo saacado yar isaga oo aan dareemin daal. Tan iyo markaas, waxaa la ogaaday isbeddello kale oo dhowr ah oo ku yimaadda hidde-sideyaasha, kuwaas oo lala xiriiriyay xaaladdan.
Mid ka mid ah su'aalaha waaweyn ee cilmi-baarayaashu is weydiinayaan ayaa ah sababta dadka qaba FNSS ay caafimaad ahaan iyo nolol ahaanba ugu muuqdaan kuwo wanaagsan, inkasta oo ay hurdo aad u yar seexdaan.
Cilmi-baaristu waxay tilmaamaysaa in qaar ka mid ah kala duwanaanshahan hidde-sideyaasha ay dadka ka ilaalin karaan saamaynta hurdo la'aanta, oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka xusuusta.
Tijaabooyin lagu sameeyay xayawaanka, cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in jiirarka qaarkood ee lahaa isbeddelka hidde-sideyaashan ay u muuqdeen kuwo ka badbaaday dhibaatooyinka xusuusta, isla markaana ay yaraatay suurtagalnimada inay yeeshaan calaamado u eg kuwa cudurka Alzheimers.
Daraasad kale oo lagu sameeyay mataano ayaa muujisay in mataana lahaa isbeddelka hidde-sideyaasha uu seexan jiray hal saac ka yar walaalkiis, balse uu la kulmay saamayn ka yar tan hurdo la'aanta.
Rajada laga qabo daawada
Saynisyahannadu waxay aaminsan yihiin in fahamka kala duwanaanshahan hidde-sideyaasha ahi uu gacan ka geysan karo samaynta dawooyin lagu daweeyo dhibaatooyinka hurdada ama dadka ka caawiya inay la qabsadaan hurdo saacado yar ah.
Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaashu waxay ku sheegayaan muhiimadda ay leedahay in si sax ah loo fahmo sida isbeddelladani u shaqeeyaan ka hor inta aan aqoontaas loo adeegsan samaynta dawooyin.
Inkasta oo xaaladda FNSS ay dhif tahay, haddana cilmi-baarayaashu waxay aaminsan yihiin in inta u dhexeysa 30% iyo 65% kala duwanaanshaha saacadaha hurdada ee dadka ay sabab u noqon karaan hidde-sideyaasha.
Boqolaal goobood oo ku jira hidde-sidaha aadanaha (genome) ayaa lala xiriiriyay muddada hurdada. Hal isbeddel oo hidde-side oo caadi ah ayaa muddada hurdada saameyn ku yeelan kara qiyaastii hal daqiiqo oo keliya, balse marka la isu geeyo saameynta isbeddello badan, waxay noqon kartaa mid aad u weyn.
Daraasado qaar ayaa muujiyay in dadka leh hidde-sideyaal la xiriira hurdada saacadaha yar ay halis hoose ugu jiraan dhibaatooyin gaar ah oo ka dhasha hurdo la'aanta.
Hase yeeshee, daraasado kale ayaa isbeddelladaas hidde-sideyaasha ah la xiriiriyay halis sare oo ah hurdo-la'aan, daal, ADHD, niyad-jab iyo macaanka nooca labaad.
Tani macnaheedu ma aha in hurdada saacadaha yar ay sababto dhibaatooyinkan. Balse waxay muujinaysaa in qofka hidde ahaan ugu nugul inuu seexdo saacado yar aanu taasi ka ilaalinayn dhammaan khataraha caafimaad.
Aragtida sinnaanta
Arrin kale ayaa ah in dadka aaminsan inay si wanaagsan u shaqayn karaan iyaga oo hurdo yar seexda, aysan mar walba awoodin inay si sax ah u qiimeeyaan xaaladdooda.
Hal daraasad ayaa muujisay in dadka habeenkii seexda afar ilaa lix saacadood ay muddo ka dib natiijooyin liita ka keeneen tijaabooyinka lagu cabbirayo awoodda fikirka iyo garashada.
Si kastaba ha ahaatee, markii daraasaddu socotay laba toddobaad, dadkaasi waxay dareemeen inay hurdo yar oo keliya seexdeen.
Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in awoodda qofka ee fikirka iyo shaqada maskaxdu ay sii xumaan karto hurdo la'aanta awgeed, isaga oo aan garanayn heerka ay dhibaatadu gaartay.
Mustaqbalka fog, daraasadaha hidde-sideyaashu waxay gacan ka geysan karaan in la ogaado dadka dabiici ahaan u baahan hurdo yar iyo kuwa u muuqda inay si caadi ah u shaqaynayaan, balse halis sare ugu jira dhibaatooyin ka dhasha hurdo la'aanta.
Dhanka Bernard, markii uu ogaaday inuu leeyahay isbeddelka hidde-sideyaasha ee lala xiriiriyo xaaladda FNSS, waxay taasi siisay xasillooni maskaxeed.
"Hadda waxaan hayaa jawaab," ayuu yiri. "Waan ogahay in tani tahay dabeecaddayda hidde-side ahaan, waana inaan aqbalaa."